Tuesday, September 27, 2022

HADDA AYAAN HADLAYAA!. Q1: HORUDHAC.

 HADDA AYAAN HADLAYAA!. 

HORUDHAC

Goobaha waxbarashada waa meelaha lagu ababiyo carruurta, lagu tababbaro, ayna ka qaataan inta ugu badan dhaqamdooda marki laga reebo guryahooda. Hannaanka waxbarasho ee Soomaliya ee guud ahaan hooseeyay sanadihii burburka iyo wixii ka danbeeyay, aana helin kaalmadii iyo kabistii uu mudnaa, ayay arday badan wax ku barteen dad badanne ka aflaxeen. Hadda oo wax badan ay soo kabanayaan, markalana ay wasaaraddii waxbarashada shaqaynayso haddana waxaa muuqdo tabar darri hannaanka waxbarashada dalka ah si gaar ahna Iskuulada, maadaama aysan jirin tayayntii loo baahnaa ama tababarradii la doonayay in ay helaan Macallimiinta iyo Maamuladda Iskuulada, taasi waxa ay keentay jahawareer badan, iyo tabardarri wax-soo saar oo ka muuqan karto maanta ardaydeenna. 

Xaaladaha, daruufaha iyo danahaba ha kala duwanaadaane, hadanne tiro aanan yarayn oo dugsiya ah ayaa dalka ka furan, arday badan oo Mustaqbalkii dalkeenna ahne waxa ay shan maalmood oo isbuuc walba kamid ah u kallaahaan dugsiyada. Waxaan Macallin iyo Maamule ba ka noqday mid kamid ah dugsiyadaas Bulshada leedahay, waxaana ka shaqeeynayay 7 sanadood.  

Qormooyinkan oo taxane noqon doona haduu Alle idmo- waxaan kaga hadli doonaa wax kamid ah khibraddayda kooban ee Macallin iyo Maamulenimo, waa talooyin, soojeedinno, fikrad wadaag iyo aragtidayda shakhsiga ah. 

Laga billaabo maqaalkan horudhaca ah iga soo qaad saaxiibkaa, xataa haddii aanan is garanayn, sidaa darteed, waxaa suuragal ah inaan ku adeegsado maqaaladdan gudahooda erayga “Saaxiibkeeyoow” si afgarasho ahaan ah!. 

Talooyin kaligood kuguma soo gudbin doona Maqaaladdan, sidoo kale ma ahan xusuus reebkayga si aan kuugu soo weriyo dhacdooyinkii aan la soo joogay ee samo iyo xumaan ba lahaa muddadaas, farxad iyo naxdinne lahaa. Laakiin waxaa laga yaabaa marar badan in aan kuu tebiyo sheeko I qabsatay ama dhacdo igu dhacday, si aan kugu reebo casharka aan ka bartay iyo khibradda aan ka helay, waxaan se isku dayi doonaa in aan yareeyo maadaama uusan nuxur badan ku jirin in aan kugu daaliyo. Waxaana inbadan u daadagi doonaa nuxurka –Insha’Allaah-. 

Waxaan u hibeeynayaa maqaaladdan taxanaha noqon doona 

Carruurta yaryar ee la dhacdhacayo culayska baagga ee dhabarka u saaran..

Kuwa qalbiyadooda nadaafadda iyo uur xaarnaanta ka buuxdo, ee aanan munaafaqnimada aqoon..

Kuwa faraha yaryar ku cayaarsiinayo qalimaanta ay ku jiraan mustaqbalkooda, jilicsanaanta gacmoodana ku dhiigo waraaqaha buugta cusub..

Kuwa u adkaysanayo kallahaadda iyo baqoolada, kuna sabrayo ka shaqaynta xisaabaatka iyo raadinta xalkooda..

Kuwa ku dhafrayo habeenkii buuggaagta, iftiinka taleefannadana ka door biday warqadaha cadcad..

Kuwa macallimiinta u imaanayo xilliyada bareegga si ay wax uga faa’idaan.. 

Ardayda fasallada (Nursery) iyo koowaad ilaa 8-aad ee iskuul aan kusoo qaatay 2577 Maalmood oo kamid ah cumrigayga..

Dartiin ayaan u diyaariyay Maqaaladdan, mustaqbalkiinna dartii iyo jacayl aan idiin hayo..

LIIBAANO!..

Akhristaha Sharafta lahoow, waa inoo maqaalkeenna xiga iyo casharka koowaad..

Todobaad wanaagsan. 

Cabdicasiis Mubaarak,