Sunday, May 16, 2021

DUGSIGA BADAR!..

 Dugsiga Badar!.

    W/Q: Abdiaziiz Mubarak.

    Bisha soon waxa ay mareeysay 17, maanta oo kale 14 qarni ka hor, maalintii ay Madiina ka soo dhaqaaqeen muslimiinta oo uu hogaaminayay Muxammad (NNKH) , waxa ay u socdeen gacan ku dhigista ganacsi Qureeysh ay lahaayeen u socday Shaam, laakiin waxaa kala duwanaaday waxa ay dooneen iyo waxa uu Illaahay doonay!. Madaxii safarka ee Abuu Sufyaan waxa uu ka leexday waddadii lagu heli lahaa, waxa uuna badbaadiyay safarkiisi ganacsi, laakiin halkaas wax kuma dhamaan oo amarka samada waxa uu ahaa in uu dhaco dagaal!. Dagaal kala saaro xaqqa iyo baadilka.. waa uuna dhacay!.
   
    Badar waa dugsi weeyn oo cashiro badan laga qaato, Badar waa maalin ka weeyn mid kuwa maangaabka ah ay u tiiriyaan gafafkooda kadibne ay ku af-tirtaan maalintan weeyn!, Badar maalinne ma ahayn mid lagu dilo muslimiinta ee waxa ay ahayd mid xaqqa lagu ifiyo, mugdiga baadilkana lagu afjaro!. Laakiin Islaamka dhabta ah ee Samada ka soo degay , waxa uu ka duwan yahay kan maanta ay Aadanaha ku sameeysteen dhulka!.

    Badar waxa aan ka baranaynaa cashiro badan oo aanan soo koobin karin, laakiin aan ku soo aruuriyo 10kan cashir-;

1.   Dugsiga Badar waxa uu ina baray in waxa aan doonnay iyo
Waxa uu Illaahay doonay ay fulayaan doonista Eebe, Muslimiinta waxa ay doonayeen in ay si fudud ku qaataan xoolihii Qureeysheed, Alle na waxa uu doonayay in uu caddeeyo xaqqa. Waxaana fulay doonistii Rabbi.

2.    Badar waxa ay ina bartay in baadilku uu isaga lugihiisa ku Tagayo fagaaraha lagu dilayo!, Abuu Sufyaan marki uu badbaadsaday safarkiisi, qureeysh waxa ay go’aansadeen in ay joogaan, laakiin kibirka Abuu jahal ayaa diiday in uu cag dhigo, waxa uuna u ololeeynayay in la aado dagaalka, laakiin waxa uu u socday halkii u ku dhiman lahaa, waxaana dilay kibirkiisi!.

3.  Badar waxa ay ina bartay in aysan jirin cid og waxa soo  Socdo, xattaa suubanaha (NNKH) waxa uu maleeynayay in arrintu ku koobnaan doonto safarka qureeysheed , laakiin qorshaha Alle ayaa fulayay!.

4.  Badar waxa ay ina bartay in caqli badanaha uusan ka
Mashquulin cadowgiisi, Muxammad oo cid ka cibaado badan aysan jirn kama aysan mashquulin cibaadadiisa, raaraacidda waxa ay maagan yihiin qureeysh, Qur’aan akhriskiisana kama uusan mashquulin daba galidda xogaha cadowga, haddii kale sidee ayuu ku garan lahaa safarka qureeysh?!.    Diintan waa isu-dheelli tirnaan, duminta aduunyadana ma ahan toosinta diinta!.

5.   Badar waxa ay ina bartay in diintan aysan ku faafin seef, Kuwa loo ogalaaday in ay seefta qaadaan maalintii badar, waa loo
diidanaa sanadihii ka horreeyay, Islaamku waxa uu ku faafay xaqqa   dheehan, iyo iftiinka ka burqanayay kuwa raacsan, laakiin xaqqa aanan laheeyn awood difaacdo ma taagnaado, saa darteed waxa ay seeftu ahayd mid waddada ka leexiso ciddii hor istaagto Islaamka, ee ma aysan ahayn mid faafinayso Islaanimada!.

6.    Badar waxa ay ina bartay in cashirkii ugu weeynaa ee Hogaamiyo nimo, waana cashirka isla tashiga, Muxammad (NNKH) waxa uu ra’yi weeydiiyay asxaabtiisa, waxa uuna la tashtay saxaabada, xattaa marki uu guuleeystay oo maxaabiis badan uu qabsaday , waxa uu kala tashatay wixii uu ka yeeli lahaa asxaabtiisa!.


7.  Badar waxa ay ina bartay in ciddii isu dhiibto Illaahay aysanm , taladeedana u dhiibto suubanaha aysan  jabeeyn, Suubanaha waxa uu ku xirnaa Illaahy, saxaabaduna waxa ay adeecayeen awaamirta suubanaha, natiijaduna waxa ay noqotay GUUL!.

8.    Badar waxa ay ina bartay in ducada iyo dadaal sameeynta aysan kala hareeeyn, suubanaha oo ay heegan ahaayeen ciidankiisa, haddane waxa uu baryayay Rabbigiis, isaga oo uu taagayay gacmaha xagga sare , illaa uu go’iisu ka dhacay garbihiisa!.

9.   Badar waxa ay ina bartay in gobka abaalka loo galo, uusan hilmaamin abaalkaas, maalintii Badar waxa uu reebay Suubanaha in la dilo mid kamid ah gaalada oo la dhihi jiray “Abul-Bukhtariy Bin Hashaam”, sababatoo ah waxa uu ahaa mid muslimiinta ugu gargaari jiray marki ay joogeen Makkah!.

10.  Badar waxa ay ina bartay in hoggaamiyaha suuban uusan qarin qaraabadiisa marki dagaalka la gaaro, Suubanaha (NNKH) waxa uu markii la gaaray isu soo bixista labada dhinca uu soo saaray “Xamsa” oo ahaa adeerkii uu jeclaa, “Cali” oo ahaa ina adeerkii iyo ninka gabadhiisa  iyo   ina adeerkiis kale ee “Xaarita bin Cabdil Mudallib”!.



U SACAB TUNKA ISRAA'IIL.

 Maalin ayuu Nebiga (NNKH) la fadhiyay asxaabtiisa waxa uu ku yiri: Midkiin yuusan xaqirin naftiisa,

Waxay dhaheen: rasuulkii alloow, sidee ayuu u xaqirayaa midkeen naftiisa?
Waxa uu yiri: waxa uu arkayaa arrin uu illaahay hadal uga furay, markaas ayuusan hadal ka dhaheeyn, markaasuu illaahay ku oran doonaa qiyaamaha: maxaa kaa reebay in aad ka oratid arrintaydaa saa iyo saa.
Markaas ayuu dhihi doonaa: Ka baqista dadka.

Illahaay ayaa ku oran doona: Aniga ayaa mudnaa in aad iga baqdid.


Waxaa soo shaac baxay maalmahan la heshiinta iyo u sacab tumidda yahuudda.
Waxaa u tartamay dallawado iyo maamullo in ay isku tuuraan dhabta yahuudda, sidii iyada oo uu yahay khilaafka nagala dhexeeya yahuudda khilaaf laba daris oo isku haysto darbi oo kale, ama laba ganacsato oo isku haysto badeecad!.

Sidii iyada oo khilaafka inoo dhaxeeyo uusan ahayn diin iyo caqiido, iyo meel loo dheelmiyay nabigeenna, iyo sooyaal soo jireen ah iyo cadaawad ku duugan maalmaha taariikhda, iyo halgan iyo dagaal u dhaxeeya xaqqa iyo baadilka. Waa sidaas oo dagaalku waa saa, laakiin  waxaa is badallayo dagaalyahannada!.

Waa wax laga xumaado, in aan aragno wariyaasheenna, aqoonyahanadeenna, suugaan yahannadeena, ducaaddeenna, oo aanan ka tageeyn mawduuc illaa way ka hadlaan, illaa haddii uu ari ku turraan turrooda buundo ku taallo Newyork, way ka hadlaan, waxa ayna soo tixaan muuqaallo iyo maqaallo madaxyada la innagu xanuunjiyo oo lagu laro insaanniyad iyo isu naxariisasho!.

Laakiin maalinta ay timaado u sacab tumid Yahuudda, saaxiibadeen waxa ay noqdaan shayaadiin aanan hadli karin, waxa uu u baqayaa buugaagta uu qoray in loo diido in la daabaco, Minbarkiisa in laga siibo, wargeeyska in laga cayriyo, kanaalka taleefishinka in ay ka maaranto!

Waxa ay madaxyada u raaracaan gabal rooti ah oo dulli ku astaysan dartii, Ilaahay ayaan idin ku dhaarshay kuwaa oo dhan, haddii aadan oranin kalmadda xaqa ah hadda , gormee ayaad oran doontaan?!.

Illaahay waxa uu leeyahay cibaadooyin la guto oo aanan ahayn soonka iyo sallaadda, waxaa ka mid ah kalmad xaq ah oo laga hor yiraahdo daalim hortii, wax lagu faro ama lagaga reebo, qofkaa haddii sidaas awgeed lagu dilana waa shahiid!.

Haldoorka dadka haddii ay doortaan mar walbo markabka nabadda, oo ay kaga aamusaan xaqa sidaas, dadka uma istaageeyso diin  iyo aduunyaba.

Ila suureeysto haddii uu Axmad bin Xanbal ka dooran lahaa nabadda in uu yiraahdo xaqa Maalintii fitnada abuuridda Qur.aanka?!.

Ha turraan turrooto nabadda kolka ay taabato caqiidada,
Ha laqmato nolosha dullinimada ah!.

Ha laqmato af gashiga laga helo cajiinka dullinimo, iyo biyaha adoonsiga!.

Ha laqmato jegada aad ku noqonaysid marqaati beenaale iyo albaab dhanki la rabo loo furo!.

Ha laqmado buugga ugu iibsiga badan, 
maqaalka ugu akhriska badan,
muuqaalka ugu daawashada badan, iyo khudbadda ugu dhageeysiga badan , haddii ba aad adigu tahay kan ugu dullinimada badan dadkiisa, uguna khiyaanada badan diintiisa!.

U sacab tumidda yahuudda waa khiyaano, ee ha ka khajilino in aad sheegtaan, aadna ku orataan kan u sacab tumaya: Waxaad tahay khaain, haddii kan baadilka watay uusan ka khajileeyn xumihii, maxaa buu uga khajilayaa kan xaqa u saaxiibka ah xaqa?!.
Sawirka Masjidka Barakaysan Ee Alaqsaa❤



Maadaama uu arrinku yahay diin iyo caqiido:

Camp devid, waxa ay ahayd KHIYAANO,
Oslo na KHIYAANO,
Heshiiski Waadiga Caraba ee Urdunna KHIYAANO
Sacab tunka imaaraatkana waa KHIYAANO
Kan Baxraynne sidoo kale KHIYAANO..
Ku raacista Cummaan ne waa KHIYAANO..
U rucleeynta Suudaan ee dhanka Talaviv waa KHIYAANO!
booqashada wafdiyada Israaiil ee Qadar, waa KHIYAANO!
Kala iibsiga ganacsi ee turkiga iyo israaiil waa KHIYAANO!

Cid walbo oo hadda sacab tuntay, amaba dib danbe ka sacab tumi doonta na waxa ay sameeynayaan KHIYAANO ,
KHIYAANO illaahay iyo Rasuulkiisa!.

Waxaan ka soo horjeednaa sacab tunka hore iyo kan danbe iyo kuwa imaan doonaba , cidna kuma raacsanin  wax walbo , sidoo kale na cidna kagama hor imaadsanin wax walbo!.

Waxa aan la taagannahay xaqa iyo cidda la istaagta, cidda maanta xaqqa la istaagtana barri lama istaagaynna baadilka!.


W/Q: Cabdicasiis Mubarak.
19.12.2020


Ku dayo kuwaan (4)

 Ku dayo Kuwan (4). ♥️


150Hijrigi, waxaa la dhalay Maxammad Bin Idriis oo ku magac dheer (IMAAMU SHAAFICI). Malaayiin muslimiin ah ayaa ka mad-hab dhigto Mad-habka fiqiga ee Imaamu Shaafic. Markii aan akhriyay taariikh nololeedkiisa, waxaan ka helay sir cajiib ah oo ah "Hammiga sare"!.

Markii uu yaraa, waxa uu aad u jeclaa gabayada, isaga oo maalin saaran faras, kuna celcelinaya meersiyo gabay, ayaa waxaa maqlay caalim. Markaas ayuu weeydiiyay: Intee ayaad ka timid?. Wuxuu ku jawaabay: Mako. Waxa uu su'aalay: qoloma ayaad tahay?, waxuu yiri: Ree Cabdi Manaaf. Waxuu yiri caalimkii: kaasi waa sharaf weeyn. wiiloow, haddii uu hammigaagu noqon lahaa fiqiga ayaa kuu fiicnaan lahayd!.

Kalmaddaas ayaa sameeysay imaamu Shaafici, oo ka dhigtay in isaga oo faqiir, agoon ah uu dadaalo, illaa uu derajadaas ka gaaray.

Saboolnimada iyo aggoonimada midna kama hor istaagin in uu ka mira dhaliyo yoolkiisa, uuna rumeeyo riyadiisa.

Waxa uu aadi jiray kawaanlaha, si uu lafaha uga soo aruursado, kuwaas oo uu wax ku qoran jiray. Heer waxa uu gaaray uu ku qorto gacmihiisa iyo jirkiisa inta uu guriga ka imaanayo oo uu kaga guursanayo casharka, maadaama uusan awoodin soo gadashada warqdaha!.

Waxa uu dhihi jiray kalmad ina tusinayso hammi sarreeyntiisa oo ah: "Cilmiga haddii aad siiisid waqtigaaga oo dhan, waxa uu ku siinayaa wax yar oo isga ah, Haddii aad siisid qayb waqtigaaga kamid ahne, waxa uu ku siinayaa waxne!". Waxa uu doonayaa in uu ina yiraahdo: ku bixiyo waqtigiinna oo dhan aqoonta, haddii aad wax baranysaan!.

Imaamu shaafici Noloshiisa waxaa noogu sugan casharro badan oo ah hammi sarreeynta iyo raadcaynta hadafyada ah.

Allaha u naxariisto Imaamu Shaafici, waxa uu nooga tagay cashar ah, in ay tahay suuragal in uu qofka gaaro yoolkiisa, isaga oo ay waxa ku hareeraysan oo dhan ay ka hor istaagayaan in uu guuleeysto.
Shaafici na, waxa uu noqday Caalimkaas ummadda Anfacay, isaga oo ah agoon, sabool ah oo danaha iyo daruuftu kala teedayeen isaga iyo cilmiga!.

W/Q: Abdiaziz Mubarak.
10.04 21 04.21 AM












Tuesday, May 4, 2021

MAALMAHAYGII MUQDISHO.

 


“Xudduntii dhulkeeygaay, Xaruntii dalkeeygaay, Xamareey ma nabad baa?”. Aniga oo maanakaygu ku maaweelinayo eraydaas, maskaxdayduna ka guuxayaan miraha abwaan Hadraawi ayaan soo galay markii igu horreeysay muqdisho. Goor wax yar un qorraxda jiilaal kasoo sikanaysay bartahama samada, iyadoo igusoo ganneeysay fallaaro kulul oo halhaleel ugu dhacayay madaxygu tamaha badan saarneeyn !.

Magaca muqdisho iguma cusbeeyn, laakiin muuqaalka ayaa ahaa waxa ugu mugga weyn ee wali maanku ka go’in!. magaladaas magaca weyn ee inbadan Hooyadeey ii tilmaami jirtay aana weli ka xasuusto erayadeedii; “Xamar waa meel sha’ni badan” iyo “Xamar ciyaar mood!”. Sidoo kale waxa aan aad u xasuustaa sida uu Ibnu-batuuta iigu tilmaamay markuu tagay muqdisho 1331dii iyo inay tahay magaallo weeyn oo ganacsi iyo tilmaam xeel-dheer oo uu iga siiyay dadka degi jiray muqdisho. Laakiin waxa aan ogaaday in toddobo maalmood oo aad muqdisho ku qaadatid ay ka mug weeyntahay toddobo sanno oo laguu tilmaamayay !.

Maalmahygii muqdisho ma ahayn kuwo tiro badan, laakiin waxa ay ahaayeen kuwo miro iyo micno badan . muqdisho waxa ay maskaxdaydu ku daabacday sawirro kala duwan oo tiro badan. Waxa ayna awood u yeelatay in ay maalmo kooban maankayga ku maamusho!.

Wali ma iloowin muuqaalka hooyadii waayeelka aheeyd, tutubka wajjigeedana uu maskaxda u sheegayo in ay 70 kor ka martay, taas oo laamiga la fadhiday xoogaa khudaar ah, iyadoo sugeeysay qof un ka iibsado, oona siiyo xoogaa lacag ah, oo malaha agoon ay korrinaysay ku masruufayso, ilaa uu kasoo maray miskiin malaha dan ay wadday, kaasoo gacanta ku hor fidsaday, iyadana ay bac uga buuxisay khudaartii ay gadeeysay 1/3 kamid ah, isagiina inta uu bacdii laacay is laabay!. Waxa aan damcay in aan u mahad celiyo hooyadaas anigoo ka wakiil kii ay caawisay, balse darawalka PL-ki aan saarnaa oo malaha marka horebo carriirigu istaajiay ilama tashan ee wuu dhaqaaqay!.

Wali dhegahaygu way maqlaan dhaq-dhaqda (codka) usha Odeygii indhoolka ahaa, ee isagoo gacanta bidix la wado kusoo tukan jiray masaajidka sallaada subax, iyo hunu-hunudiisi sallaada!.

Carruurta koox-kooxda isula socdo oo iyagoo Qur’aanka iska dhageeysanayo u kalahayo dugsiyada, iyaga oo aad moodid shimbiraha codadka macaan ee Gu’ga. Iyo Jabaq-jabaqda furayaasha ganacsatada u kalahayo goobahooda ganacsi, waxa ay I dareensiiyeen barakada kallahaada !.

Muqdisho waxa ay I bartay in aan xasuusihii xumaa ee isoo maray aan ka mayrto, aana iskaga hallayn farxadayda maanta wixii xumaa ee shalay dhacay, markii aan arkay ganacsadaha ku dhawaad boqolka tallaabo u jiray Qarraxii soobe, laba kamid ah qaraabadiisana ku waayay, haddana isaga oo faraxsan furayo albaabka dukaanki shalay qiiqa iyo dabka buuxiyay, si uu maanta uga buuxiyo farxad !.


Wajji walbo oo muqdisho ku nool, waxa uu la noolyahay qisso u gooni ah, waxa ayna wada dhibanayaal u yihiin ama qaraabo iyo asxaab ku waayeen dhacdo xanuuneed ay maalmo lasoo noolaadeen. Haddana taas oo jirto ma aysan hor istaagin in la hello wajjiyo faraxsan iyo dhoola cadeeynno dharbaaxooyinka iyo dhibicyada illinta ka masaxo dhabanada ree muqdisho!. Rag iyo dumar go’aansaday in ay dhaawacyada dhayaan, tooshashna ka shidaan godod la iska daba qoday, oona wada gudcur ah!.

Wajjiyada wada faraxsan ee ree muqdisho waxaa ka dambeeyso sir ah; ku qancista qadarta iyo ku raali ahaanshaaha amarrada Eebe!.

Mahadsanid Muqdishooy, magaalo magac weyn, malaayiin qofne muhanayaan, musiibooyinka ay soo martayna maalmahu marag ka yihiin!. 

Mahadsanid Muqdishooy xataa haddii aadan igu soo celin “Adigaa Mudan”. Waan kuu cudur daaranayaa badalka munaafaq walbo oo ku dulmay, qarax iyo baaruudne kugu maamuusay!.

Subaxdii sagootinta ! 

Aroor hore, shimbiruhuna markaas un buulashooda ka baxayaan ayaan muqdisho kabaxay, waxay kaga duwaneeyd muqdisho magaalooyin kale oo aan sagoontiyay inay isoo jiidatay, dibne aan u milicsaday markaan la sinnayn badda oo aan dul mareeynay. Milicsashadaas waxa ay I soo xasuusisay milicsashadii Nebi Muxammad (NNKH) markii laga saaray magaalada Makka, isagoo dib usoo xasuusanayay maalmihiisi makko, isagoo sii eegayay balliyadii iyo buurihii bakko, jecelna in uu sii joogo !.

Waxa aan wada wadaagnay in aan ka kala baxaynay magaalooyin aan jecel-nahay balse waxaa kala duwanaa danta!.


Muqdishooy ma aadan mudneeyn inaan kuugu mahad-celiyo maqaal, waadna ka mugg iyo miisaan weeynayd saddarro kooban , balse waa intaan un waxa aan awoodo, waxa aan ku leeyahay Illaahay haa ku xifdiyo.

Illaahay ha xifdiyo muqdisho iyo dadka deggen, haana inoo xasilliyo dhammaan dalka.  AAMIIN… AAMIIN … AAMIIN.


W/Q: Cabdicasiis Cabdullahi Xusseen. (Mercy).

21. 11. 2019

Ilxaadka.. aragti aqooneed mise Mushkilad nafeed?!.


Ilxaadka ama Alle-koodnimadu, waxa ay ka billaabataa shaki gelin, keensato diiditaan guud, oo qofka uu diido shay waliba: Diimaha, caqiidooyinka, Abuuraha, kutubta soo degtay iyo nebinimadaba.  Sida uu caddeeyanyo profeser Phelip Johnson, qofka ka shakinayo qeeyb ka mid ah caqiidooyinka ama waxa la rumeeysanyhay, ogolane kuwa kale ma ahan Mulxid, oo si ayuu qirsanyahay jiritaanka diin ama Ilaah.

Hadaba Alle diidnimadu waa ka hor imaanshiyaha dhamaan waxa la rumeeysanyahay, iyo iska dhaadhicinta inaysan jirin billaabitaan, saa darteedna ay wax waliba sii horreeyeen, kownkan iyo wax korsaaranne aysan u baahneeyn awood hagto, maamusho ama maareeyso.

saa darteed mid ka mid tiirarka uu Ilxaadku ku dhisan yahay waa aragtida loo yaqaanno “Sii horreeynta kownka” ama “the enternity of the universe”. waana aragtida uu James Hutton ku sheegay buuggiisa “Theory of Earth”, sidoo kale na uu ku qancay caalimkii ingriiska ahaa ee “Erasmus Darwin” oo ahaa awoowga “Charles Darwin”.

Waxa aan maqaalkan ku soo koobi doona halka iyo marka uu Ilxaadka billoowday, sababaha keeno Ilxaadka iyo ka hor imaanshiyihiisa fidrada Aadanaha.

1- Taariikhda Ilxaadka.

Ilxaadku ama Alle diidnimadu, haddii aan u eegno sidi falsafad madax bannaan, ma lahan taariikh dhidibada loo taagay, oo ay u soo ifbaxday sidii aragti. sidaas darteed waxa uu leeyahay taariikh yahankii Griiga u dhashay ee “Plutrach”: “Waxa aan arkay magaalooyin aanan lahyan dhufeeysyo, magaalooyin aanan laheeyn qasriyaal, iyo magaalooyin aanan laheeyn goobo waxbarasho, balse lama arag weligeed magaalo aanan laheeyn macaabid wax lagu caabudo.”

Sidoo kale waxa uu ku leeyahay “William Durant” buugiisa sheekada xadaaradda safxadda 99aad: “… Diintu waa shay ay ka mideeysan yihiin dadka oo dhan, ayna tahay in ay wada rumeeyaan, taasine waa aragtida faylasuuf waliba , sidoo kale na waa xaqiiq taariikheed iyo mid nafeed!”.

marki laga hadlayo dhulka islaamka uu xukumayay, ma aysan soo marin hal mulxid ah, waxyaabaha laga weriyo ibnu-Raawandi, ibnu-Muqafac, ibnu-Siina iyo abuu-Xayaan al-Tawxiidi na, kuma noqonayaan mulxdiiin sida hadda loo yaqaano Ilxaadka, iskaba dhaaf in ay ahaayeen mulxidiine, waxa uu ku xoojinayaa Taajul-diin al-Subki kitaabkiisa “Dabaqaat al-Shaaficiyah”, in ay ahaayeen culimo dadaashay yeelan karana gaf, sida ay u haleeli karaan saxnimada. 

Qarnigii 19aad iyo wixii ka danbeeyay, xigayne kacdoonkii faransiiska oo keensaday kala saarista diinta iyo nidaamka xukunka, ka dib markii soo if baxday fasaadka culimada diinta iyo boqoraddii talinayay, halkaasne ay ka dhalatay aragtida calmaaniyadda “Secularism” oo markaas ay ku doonayeen in ay kaga xoroobaan aragtiyaha iyo khuraafaadka culimada diinta oo ahaa adeegayaalka boqorrada, ayay dad badan qaateen aragti ah in laga xoroobo dhamaan in wax la rumeeyo, waxaana sidaaas ku soo if baxay Ilxaadka. Sidaas ayuuna cadeeynayaa baaraha faransiiska ah ee “Jolian Beghin”, waxa uu yiri: “inta badan taariikhyannada, waxa ay u arkaan kacdoonkii faransiiska ee 1784tii in uu ahaa calaamad muuqato oo dadka ku dhalisay ka fikiridda Alle iyo diinta iyo curashada Alle-diidnimada”. waxa ay faransiis badan u arkayeen xilligaas in Ilxaadku yahay ruuxda kacdoonka faransiiska!. sidoo kale waxa uu ku sheegayaa Dr Ramsiis kitaabkiisa “Ilxaadka galbeedka” hadal noocan oo kale ah.

sidaas ayaa keentay in ay dad badan u arkaan in ilxaadku yahay aragti siyaasadeed, ayna dad badan kaga hor tagaan si adag, xataa dadka Mareeykanka dhexdooda lagama jeclo mulxidiinta. su’aal la weeydiiyay Jorge push 1987dii, ayaa ahayd “Mulxidka ameerikaanka ma leeyahay xuquuqda mareeykanka kale?”. waxa uu ku jawaabay: “Ma garan karo sida aan ugu aqoonsan karo mulxidka in uu muwaadin yahay, amaba xataa in ay yihiin muwaadiniin dalkooda jecel!”. (Athiest cannot be considered as patriotic citizen)!.

2- Maxaa sababo Ilxaadka?.

Ilxaadka waxa uu yeelan karaa sababo badan, oo isugu jiri karo kuwo fikir, kuwo nafeed iyo kuwo bulsheed intaba, raadinta sababahaas ne, waxa ay u baahantahay dadaal dheer iyo baaritaan badan. saa darteed ayay isku dayeen ku xeel dheerayaasha diinta, cilmu nafsiga iyo falsafaddaba, in ay sababeeyaan Ilxaadka, waxa aana kuu sheegi doonaa qaar ka mid ah sababahaas-.

1. Weeydiimo u baahan jawaabo, iyo falcelin caburin ah:

In badan kuwa mulxidiinta noqday waxaa sababay ilxaadkooda weeydiimo wareeriyay maankooda, ayna u waayeen jawaabo qanciyo, ama inta ay cid kale weeydiiyeen lagaga hor yimid caburin iyo aamusin. sida cad diinta ma jirto shay ay jawaab u waaweeyso, balse la weeydiiyaha ayaa laga yaabah in uusan u hayn markaas jawaab cad. falcelinta caburinta ah ee inta badan la adeegsadane, waxa ay dhalisaa in kuwa badan ay ka cararaan diinta iyo wax walba oo xariir la leh, si fududna ay ugu dhacaan, haba ugu darnaadaan dhelinyaradee in ay ku dhacaan Ilxaadka.

2. qaleeylka ruuxiga ah:

Ku xirnaanta addoonka uu ku xiran yahay Allaha abuuray, waa buundo lagaga gudbo webiyada shakiga, taa badalkeedna mar walbo oo qofku ka fogaado abuurihiisa, ayuu helis iyo khatar ugu jiraa in ay soo weeraraan muujadaha shakiga, oo sababi karo Ilxaadka.

3. Fudeeyd iyo degdeg.

waxaa laga yaabaa in qofku soo waajahdo is-weeydiimo shaki ku dhaliyo, taas oo keensanayso baaritaan iyo sabar, laakiin kuwo badan ayaa horay ka qaato go’aan ah in uu diido jiritaanka Eebe. Imaam al-Qasaali -(AU)- waxa uu sabray sanado badan, oo uu kaga sabrayay shakiga soo waajahay baaritaan dheer, illaa uu Alle weeyne ka garowsaday.

4. adadeeyg iyo qallafsanaan diimeed.

in badan kuwo Alle diiday, waxa uu ka dhashay ilxaadkoodu mawqif ay ka arkeen adadeeyg diimeed ama mid bulsho!. barbaarinta adadeeygga ku dhisan, waxa ay ku dhalisay kuwo badan in ay Alle inkiraan. in badan oo Soomaalida mulxidiinta ahne, waxa ay ku soo koreen bay’o muxaafad ah, qaarkoodna waalidiintood ayaaba ahaa wadaaddo waaweeyn, in badan ayaana xifdiyay qur’aanka yaraantoodi.

5. dhacdooyin xanuun leh.

dhacdooyinka qofka ku imaado ee laga yaabo marmar badan in ay xanuun taabsiiyaan, ayaa kuwo badan ku dhaliyo in ay Alle inkiraan, iyada oo sida saxan tahay in musiibada iyo dhacdooyinka xanuunka wato Alle ay kuu soo orodsiiyeen, ee ma ahan in ay kaa ceeyriyaan, taasine waa qalleeyl ruuxeed oo mulxidiinta haysta.

Sababaha Ilxaadka dhaliya, ama ku keeni karo qofka, waa ay badan yihiin, waa ayna adkaanaysaa soo koobistooda, waxaana ka mid noqon kara: Jaceeylka is-muujinta, taas oo ay kuwo badan u arkaan in ilxaadku yahay wax lagu soo caan baxo oo ay isku soo mujiyaan, taasina kama suura galayso illaa cid iimaankeedu hooseeyso.   intaas waa tusaalooyin yar uun, waa ayna badan yihiin waxyaabaha sababo Ilxaadka.

3- Mulxidka iyo abuurista (Fidrada)!.

Fidrada: Oo ah kalmad carbeed, waa ku abuurista illaahay uu dadka ku abuuray, waa fikir kala cadeeyanayo wixii saxan iyo wixii khaldan, ugu yaraanne qof waliba waa uu garowsan yahay khaladnimada wixii khalad ah ee uu sameeyo, ama saxnimada wixii saxan, dareenkaas guud ayaa ah waxa loo yaqaano Fidrada. hadaba mulxidka sidee ayuu ula dhaqmaa fidradaas ku oronayso “Waxaa jiro Illaah aan u baahanahay!”. sida uu leeyahay ibnu-Qayim na: “waxaa ku jiro qalbiga baahi aysan dabooli karin illaa qaabilista eebe, iyo cidlo aysan qaadi karin illaa la jirka eebe”.

Mulxidka waxa uu si adag isugu dayaa in uu inkiro abuuristaas, uuna is moogeeysiiyo codka ka dhex dhawaaqayo, ee leh “Alle ayaan u laabanayaa!” balse abuuristaas, sidaas kuma baaba’yso waa ay ka dhex dhawaaqeeysaa weligeed, si waliba oo uu isgu dayo inkirsteeda!. qaar badan ayaa isku dayay in ay u tiiriyaan abuuristaas khuraafaad aanan jirin, sida “Richerd Dawkins” oo buuggiisa “The God Delusion” ku xusay in diintu tahay wax qofka jiidanayo, oo ka soo gaarayo waalidkii!. sidoo kale kuwo badan ayaa inkiri waayay jiritaanka abuurkaas, sida (Voltaire) –Aabaha ruuxiga ah ee Ilxaadka-, waxa uu leeyahay “haddii uusan jirin Illaah, waxaa I khiyaani lahaa xaaskeeyga, waxaana I xadi lagaa shaqaalahayga”!.

Qofka marka uusan laheeyn hadaf uu u noolyahay, waxaa adkaaneeyso in ay noloshiisu macno yeelato, saa darteed ayay mulxidiinta nacaan noloshaan, noqdaanne dadk ugu badan ee is-dilo. sida ay caddeeysay daraasada ay sameeyeen baarayaal ameerikaan ah, oo lagu baarayay calaaqada ka dhaxeeyso diinta iyo is-dilka, (Religious affiliation and sucide attempt) ayaa lagu ogaaday in mulxidiintu yihiin dadka ugu badan ee is-dilo. sida ku cad sawirka hoose ku lifaaqan. 

        Jaantuuska heerarka uu u kala sarreeyo ayuu muujinayaa. Xigasho: WEKIPEDIA.

Gabagabo.

Inkirista iyo diiditaanka waxa uu alle ku abuuray bani Aadanka, iyo ka jaahil noqoshada jiritaanka iyo joogista kownka, waxa ay qofka ku keentaa walwal iyo dareen adag, oo qofka ku keeno is-dil, maadaama aysan jirin macno uu joogo dunida. waxaana xaqiiq ah, in wax aanan ahayn rumeeynta Eebe weeyne oo ay naftu ku xasileeyso aysan jirin.

Mulxidiinta soomaalida oo baryahan, si badan ugu soo muuqanayo baraha bulshadane, inta badan ilxaadkoodu kama uusan dhalan baaritaan, xaqiiqduna waxa ay tahay in haddii ay sameeyn lahaayeen baaritaan dhab ah, ay garowsan lahaayeen jiritaanka Eebe, oo aana ahayn mid u baahan fasiraad dheeri ah, iyo falsafad badan. mid kamid mulxdiita soomaalida oo aan ku wada xariinray baraha bulshada, ayaa su’aalo badan iiga jaawabayay, illaa aan ka weeydiiyay, sida uu ula dhaqmo codka gudihiisa ka dhex yeerayo ee qirayo jiritaanka eebe, waxa aan si adag ugu celceliyay in uusan caburin jawaabta saxda ah, ee ka dhex guuxeeyso, balse ma jirin jawaab aan ka helay, illaa maanta!.

Jiritaanka Eebe, waxaa ku dhawaaqo xiddida iyo xibnaha jirka oo dhan, waa rumeeyn dhab ah oo u baahneeyn baaritaan badan, waa ku abuuris iyo ballan uu eebe Aadanaha ku uumay. Mulxidkuna si waliba oo uu isaga dhaadhiciyo in dhulkan iska sameeysmay ama sii horreeyay, waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu caburiyo codka ka dhex buuqayo, uuna cadaadiyo caqligiisa oranayo “ma jiraan wax iska yimid”!..

     

W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xusseen (Mubarak)


MA XATAA ADIGA BURUUTUS?!

 Ma xataa adiga Burutus?!.

15ki Maarso 44sano kahor dhalashadii Nebi Ciise (CS), waxaa u tashatay boqorkii  u talin jiray Roomaanka ee Yuulyoos Qaysar koox ka mid ah Baarlamaankiisa si ay u dilaan, xukunkana uga ridaan.

boqor Yuulyoos oo ahaa kaligii talis, shacabkiisana dhibaateeyay, ayaa habeenkii ka horreeysay dilkiisa waxa ay xaaskiisa (Kaalboorniya) ku riyootay ninkeedi oo la dilay, dhiigna ka daadanayo, waxa ayna ka codsanaysaa in uusan bixin subaxdaas, oo uusan aadin golaha baarlamaanka. isaga oo ka yeelay, ayaa waxaa u imaanayo mid ka mid kuwii qorsheenayay dilkiisa, waxuuna u sheegayaa in xaaskiisu maseeyrsan tahay, riyaadsne fasirirddeedu tahay in shacbayid badan uu heli doona boqorka. 

waa uu ka yeelayaa wuuna soo baxyaa.  waddada inta uu socday ayaa loo dhiibayaa warqad ay ku qoran tahay shirqoolka loo dagay, se ma akhrinayo. sidoo kale sixroolkiisi ayaa u dhigayo, laakiin dheg jalaq uma siinayo. 

Marki uu imaaday golahii Baarlamanka, ayay ku soo xoomayaan xubnihii shirqoolka u maleegayay, ee damacsanaa dilkiisa. 

Waxaa hadalka billaabay (Markoos Burutoos) oo ahaa ninka ugu dhow boqorka, uuna aad ugu kalsoonaa. waxa uu ka codsaday in uu ku soo celiyo Rooma, cafisna u fidiyo nin uu musaafuriyay oo la yiraahdo (Bobliyoos). 

Qaysar ayaa ku jawaabayo: Yaab ayaad leedahay Burutoos!, ma ninkaas ayaad cafis u dalbaysaa!.

Burutoos: (isagoo u sujuudayaa boqorka) raalli ahoow mudane, laakiin waxaan aan kaga codsanayaa cafinta Bobliyoos.

Qaysar: ragga qaarkood haddaan ahay, waxaa fududaan lahayd ka laabashada go’aankayga, saameeynna waxaa igu yeelan lahaa baryadiinna, laakiin aniga waxaan ahay sida xiddiga geeska oonan ka dhaqaaqayn halkiisa!. 

Burutoos: Laakiin Boqoroow...!

Qaysar: Ha murmin .. Aamus!.. suuragal ma ahan in aad halkeeda ka dhaqaajisid buurta Olombiyoos. aniguna sidaas oo kale ayaan ahay!.

Deshiyoos: Boqoroow, Qaysarkii weeynaayoow!..

Qaysar: Waxba ha I baryin!.

Kaasyoos: Haddabo, gacantayada ha ku barido.. markaas ayuu toorridiisa waxa uu ku billaabayaa boqorka oo uu gelinayaa.

ka dibne Qaysar Yuulyoos waxa uu soo aadayaa dhanka xubnihii kale, oo midkii uu sooo aadaba uu durayo!.. 

Sawir gacan sameey ah oo matalayo
Burutoos oo ay ku goobteen la taliyaalshisi.
Xigasho: Wikipedia.

Ugu danbeeyn ayuu soo aadayaa dhanka, ninkii uu dadka ugu jeclaa, uu aadka ugu kalsoonaa, uu is lahaa isaga wax kama ogo waxan.. waa Burutoos.

 Balse Burutoos ayaa mindi u dhiibayo oo qoorta kala helayo.. 

markaas ayuu oronayaa Qaysar: Ma xataa adiga Burutoos?!!..(Et tu, Brute)!.  

Burutoos: Waan ka xumahay oo Rooma, ayaan kaa jeclahay boqoroow!.


Qaysar ayaa oronayo: haddabo ha dhinto Yuulyoos Qaysar.. sidaas ayayna nafta kaga baxaysaa..


Riwaayadda William Shakaspare ee “Julius Ceaser” ayaan qayb ka mid ah hab-dhigaalka sheekada ka soo xigaty.


Abdiaziiz Mubarak.

Qaadashada masuuliyadda!.

 

Dagaalkii Uxud marki  ay Muslimiintii suubanaha uu faray in ay ku nagaadaan buurta, ay ka soo degeen. Khaalid na uu ka faa’iideeystay fursaddii, oo uu Muslimiinta dhabar jebiyay, ayaa dagaalkii ka dib waxa ay qaar muslimiinta ka mid ah isa su’aaleen halka uu jabka uga yimid. Illaahay ayaa isaga oo ka jawaabayo su’aasha musliiminta, sababeeynayane dhibtu halka ay ka heshay, ayaa waxa uu soo dejiyay aayadda 165-aad ee Suradda al-Cimraan. 

 (( أَوَلَمَّآ أَصَٰبَتْكُم مُّصِيبَةٌ قَدْ أَصَبْتُم مِّثْلَيْهَا قُلْتُمْ أَنَّىٰ هَٰذَا ۖ قُلْ هُوَ مِنْ عِندِ أَنفُسِكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌ )).

“Haddii ay idin asiibtay (idin ku dhacday) Dhibaato waxa aad asiibteen adinkuba laba jibaarkeed (Badar) Waxa aad dhahdeen xaggee nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa: Naftiinna xaggeeda, Eebana wax kasta waa uu awoodaa”.


Illaahay waxa uu Muslimiinta ka diiday in ay guul-darradooda u saariyaan cid kale, ama ay kaga marmarsiiyo dhigtaan dhabar jebinta Khaalid, ayna hilmaamaan masuuliyadda naftooda. saa darteed waxa uu Illaahay ugu jawaabay: waxa aad tiraahdaa nebi Muxammad-oow, naftiinna ayaa la idiin ka gaaray, oo guul darradiina adinka ayaa u sabab ah, goortii aad jabiseen amarkii Suubanaha 

(CS). 


Dulucda qisaddan ayaa inoo muujinaysa, sida aan in badan u jecel nahay in aanan qaadan masuuliyadaheenna, oo ay u badan tahay in aan cid kale ka saarno dusha  jabkeenna.

Sidaas oo kale wax walbo oo hareeraheenna ka dhacayo waxa aan ku leennahay saameeyn toos ah ama ba mid dadban, ama aan garoowsanno ama aan ka mooganaanno, waxa ay tahay xaqiiqda in inbadan aan innaga fara ku leennahay falalka fiican iyo ku foosha xun-ba ee nagu dhacayo!. Tusaale;- Sameeynta doqomo caan ah, bulshada ayaa ka qayb qaadato, innaga oo dhiirigelinno, oona dawaadayaal u noqonno doqon-nimadooda. se haddii ay waayi lahaayeen cid daawato, kuma aysan dhiiradeen sameeynta doqonnimadaas!.


Sidaas oo kale; Guul darrooyinkeenna yaryar ee kuweenna waaweeyn ba, innaga ayaa ka masuul ah. Waxa aad arkaysaa qof ku fashilmayo guur ama waxbarsho ama ba shaqo, deedna dusha ka saarayo jabkiisa waalidka, walaalaha, dariska iyo dhamaan bulshada!. 


Sidaas oo kale ka ummad ahaan, dawllad la’aanteenna, colaadaha iyo dirirteenna waxa aan dusha ka saareeynnaa awoodo kale. halka dhibta oo idil ay tahay nafteenna!. 


Waxa aan xasuustaa sida ay Hooyadeey igugu barbaarisay in aan masuuliyadda khaladaadkayga qaato, maalinta aan ugu sababeeyo lacag iga dhuntay in ay sababtu tahay in saaxiibadeey oo waddada ku cayaarayo ay iigu waceen in aan la cayaaro, sidaas na ay igaga dhuntay lacagta. Laakiin waxaa la I baray maalintaas in saaxiibadeey ay I codsan karaan, laakiin aysan I qasbi karin, sidaas awgeed na aan anigu ahay cidda masuulka ka ah lacagta dhuntay!..

Waxaad arkaysaa dhellinyaro shaqa la’aantooda, uga dhiganayo marmarsiiyo dawlad dadka shaqaaleeysiinayso in aysan jirin IWM !..


Guul iyo Guul-darraba, qofka waxa uu gaaraya waa isaga naftiisa, isaga ayaa saameeyn isku leh, guul-darrooyin-keennana ma ahan in aan cid kale kala dul dhacnee waa in aan innaga dusha u ridannaa. waa suurgal in qofku dabci, dad ama ba bay’o uu dhex joogo in ay saameeyn ku yeeshaan guul-darradiisa. laakiin waxaas oo idil gar uma siinayso in uu kaga dhuunto masuuliyadihiisa, uuna cid kale dusha ka saaro jabkiisa!..

qaado khaladaadkaaga, oona cid kale ha ku eedeeyn wax ku soo gaaray, ee la imoow dadaal, haddii ay wax khaldamaanne qofne ha ku edeeyn masuuliyad aad adigu gabtay!...

“..Qul-huwa min cindii anfusi-kum..”!.

Mahadsnid.

W/Q: Abdiaziiz Mubarak.



Monday, May 3, 2021

Ku dayo kuwan (3)♥️


Boqor ayaa lahaa wasiir xikmad badan oo la taliyo, meel walbana u raaco. Mar walbo oo uu boqrka wax uu dhibsanayo ku dhacaan, wasiirka waxa uu ku oran jiray "Khayr in ay tahay ayaa laga yaabaa"!. Deedna boqrku wuu degi jiray.

Maalin ayaa la gooyay far kamid ah farihii boqorka. Aad ayuuna uga murugooday. Laakiin wasiirkiisi sida caadada u ahayd ba waxa uu yiri "Laga yaabaa in ay khayr tahay!".

Boqorkii oo xanaaqsan ayaa ku celshay, oo waa maxay khayrka ku jiro?!. Waxa uuna faray in la xiro wasiirika. Laakiin wasiirkii oo dhoolla cadeeynayo, ayaa mar kale yiri "laga yaabaa in ay khayar ii tahay"!.

Maalin ayuu boqorkii u baxay ugaarsi. Waxaa ka kale fogaaday ilaaliyaashiisi, isaga oo cayrsanayo ugaar, ayaa qafaalatay koox dadka hilibkooda cuno, waxa ayna damceen in ay ku cunteeyaan. Laakiin waxaa soo baxday in farta ninku go'antahay, waana baasaysi xun xaggooda. Saa darteed waa ay iska fasaxeen.

Marki uu ku soo noqday boqorkii qasrigiisa , ayuu soo xasuustay wasiirkiisi dhihi jiray oraahdii caanka ahayd ee "Laga yaabaa in ay khayr tahay"!.

Waxa uuna faray in loo keeno wasiirka. Waxa uuna u sheegay in uu helay khayrkii ka danbeeyay gooynta fartiisa, laakiin waxa uu su'aalay, in muddo dheer uu u xiran yahay danbi la'aan, ee maxay tahay khayrka ka danbeeyo xariggaaga?.

Wasiirki ayaa ku jawaabay: haddii aadan i xiri lahayn, waxaan kula aadi lahaa ugaarsiga, deedna waa lana wada qafaalan lahaa, kadibna adiga markii lagu soo daayo , aniga waa la i reeban lahaa sababtoo ah waan caafimaad qabaa, wayna i cuni lahaayeen qabiilka badalkaaga!.

Khayrku mar walba waxa uu ku jiraa qadarta illaahay iyo xukunkiisa, xataa haddii aysan gaarayn caqliyadeenna xikmadda ka danbeeyso!.
Si uun ayàad u ògaan doontaa in waddada uu illaahay kuu dooray ay ka fiican tahay kun aad adugu dooran lahayd!.  Lagana yaabaa in waxa aan nacaynno ay wanaag yihiin!.

Ha hilmaamin sheekadii Khadar iyo Nebi Muusa CS, iyo duleelintii doonta oo dadka doonta ay dhib u arkayeen, se badbaadadooda ahayd!.

Mar walba ku qanac qadarta Eebbe, ogoowna in uusan waddo xun marna kuu dooreeyn.. ku kalsoonoow rabbi, oo dheh wax walbo oo kugu dhaco: "Laga yaabaa in ay khayr tahay!".

-Afur wanaagsan.❤

✍ AbdiAziz Mubarak

Saturday, May 1, 2021

Helitaankaygii Fiisaha Wax akhriska!



 Waxa ay ahayd maalin ceeryaamo isku geedaantay samada oo ka mid ahayd maalmaha qurxoon ee bisha December, waxa aan soo qabsaday buug hadiyad ahaan aan uga helay saaxiib ii dhow, baalasha buugga “Adqaatu Axlaam” ee qoraaga falastiiniga ah Ad-ham Sharqaawi, waxaa midig iyo bidix u babinayay dabeeysha xagaa ee gu’gii 2016ki!. 


Waxa aan u qabsaday buuggii si ay sugid la’aan iyo jaceeyl ku jirta, waxaana ku dhameeyay baalashiisi sagaashameeydaa ahaa wax ka yar labo saacadood, aniga oo xogaha ii muhiimka ah ku qoranayay buug aanan iga dheeraan jirin, welina aan iga dheeraan!.


 Markaas jaceeylka wax akhriska iyo rabitaanka rogidda baalasha buugta uma aysan degin qalbigeeyga sida ay sameeyeen haatan!. Taasi waxa ay ahayd tijaabinteeydii koowaad ee wax akhris, oo maalintaas ka hor ma aanan akhrin jirin wax aanan ahayn casharada iskuulka iyo wax akhrin aanan nidaamsanayn, waxa ay ahayd tijaabin iigu filneeyd in aan helo dal ku galka wax akhriska (VISA), wixii ka danbeeyay waxaan maanshoody badda wax akhriska, waxaana aqbaly in aan ku dhinto!. Waxaan soo caariyeeystay buug, waan soo gatay, waxa ayna ii noqotay maktabadda daruuri sida cuntada oo kale ah, waxaana isku hareereeyay buugaag!.


 Marki aan helay (visa)aha wax akhriska waxa aan bilaabay safar laakiin ma aanan ahayn maalinne kub ku cirroole!, waxa aan booqday buuraha (Golan), iyo biyo daadeedka (Golnos) ee Iceland, waxa aan ku raaxeeystay hawada macaan ee xeebaha Indinosia, iyo xeebta (White haeven) ee Australia!. Waxa aan aad u jeclaa qaxwada markaas ayaan u qalab qaatay helisteeda, waan u safray oo waxa aan aaday Istanbul, iyo Ethiopia halkaas oo qaxwada Amxaaradu taalo iyada oo dhadhan u gooni ah wadato, Ethiopia oo lagu tilmaamo dhulka qaxwada iyo qaatka ayaan soo joogay!. Waxa aan aaday dhulka jasiiradda carbeed halkaas oo qaxwadu leedahay dareen gooni ah, iyo Ireland oo aan ka helay qaxwo aan wareer lahayn halka ay ka timid!.


 Waxa aan jeclaaday Maktabadaha, markaas ayaan booqday maktabadaha ugu caansan dunida, waxa aan booqday maktabadda (Benthal green) ee London, waxa aan u safray Dimishiqda qurxoon iyo maktabadaheeda qurxoon, ma aanan hilmaamin Qaahira oo buugagtu ka soo burqadaan, waxa aan aaday Libnaan iyo Baghdaad oo camiranyihiin buugaagta, ku dar Mareeykanka oo aan aad ula yaabay sida buugta la isu dul saaray, aad ayay ii soo jiidatay aniga oo aanan ka xakamayn karin nafteeyda maktabad maalin I tiri “Kaalay”!.


 Yaanan idin ku daalin safarkayga dheer qaraabooy, waa uu na sii dheeraan karaa oo (Visa) haygu ma lahan waqti uu ku dhacayo!, aan idiin sheego in baasaboorkayga Soomaaliga ah ay diidayaan wadamo badan, ayna xaqiraan garoomo badan, saa darteed na ma awoodo in aan u safro sida aan horay idin kugu sheegay, laakiin waa yeelkoode, anigu waan safray, balse kuma safrin baasaboorka Soomaaliya, iyo dal ku gal dhacayo toona, waxa aan ku dalxiisay baasaboorkeeyga wax akhriska iyo dal ku galka rogista buugaagta iyo la noolaansha hooda!. 


Waxa aan ku maray dunida barkeed labaas, waxa aan doonayaa in aan dhameeystiro safarkayga aana ku dalxiiso dunida oo idil, lugaheeyguna gaaraan meel walbo sida aan jeclahay!.


 Waxa aan ku dabaashay badda wax akhriska, waana ku maanshooday, balse ku maanshoonta waxa ay ahayd mid aan doortay, ka helay una bareeray!.. 

waxa aan ka soo kici jiray hurdadeeyda si aan u rogrogo baalasha buugta, ma  noqon bogogga facebook kuwa I qanciyay, qoraalada degalada twitter kana ma sii ahaan kuwa aan raaxo ku dareemo, oo kali ah baalasha buugta iyo udugga safxadaha ayaa milkiyay qalbigeeyga, degay na ruuxdeeyda!.


 Waxa aan akhriyay wax badan, weli na waan akhriyaa laakiin ma dhergin marna, oo mar waliba oo aan wax akhriya waxa aan sii qaadaa oon dheeraad ah, nafteeyduna waxa ay dooneeysaa wax akhrin hor leh!.


 Waxa aan doonayaa in aan sii galo caalamkaas dad badan ka qarsoon, caalam qurux badan dhex jiifto, caalam aan ka helay farxad joogta ah, caalam gelistiisu kuu siyaadineeyso iftiin iyo ileeys dheeraad ah!.  


Qalinkii: AbdiAziz Mubarak

12. DECEMBER. 2019



CEEB MA AHAN!

 Ceeb ma ahan in dhar aad jeceshahay ku soo noqotid dhowr mar..


ceebna ma ahan in taleefoonkaaga uu ka duugsan yahay kuwa saaxiibadaa..


ceeb ma ahan in aad xilli hore ku soo noqtid guriga, sababtoo ah walidkaa ayaa kuu baqayo adigoo da’daadu wayntahay!..


ceeb ma ahan in aad qabatid shaqo waliba si aad tiir ugu noqotid qooyskiina..


ceeb ma ahan in aad ilmeeysid adiga oo nin ah..


ceeb ma ahan in aad hooyadaa, walaasha ama xaaaskaaga aad ku qabsatid gacanta waddada..


ceeb ma ahan in aad qooyskiinna u soo adeegtid adiga oo nin ah..


ceeb ma ahan in aad weelasha ka dhaqdid cidda, u karisid cuntada  aadna mayratid maryahaaga adiga oo lab ah..


ceeb ma ahan in ninka uu ugu muujiyo jaceeyl xaaskiisa magaalada dhaxdeeda.. sida in uu in albaabka gaariga ama guriga ka furo .. 


Waxaas oo dhan ma ahan CEEB ee waxaa CEEB ah: in aad muhiimad siinaysid raalli galinta dadka!..

nooloow noloshaada adiga..  oo ka duruqsanoow raalli galinta hebel iyo hebello..!.


Waad salaamantihiin..

Arooryo suuban❣

W/Q: Cabdicasiis Mubarak

KU DAYO KUWAN! (2)

               Ku dayo kuwan (2).❤


15kii Febraayo 2015 waxaa dhintay Steve Jobs, oo ahaa maamulaha fulinta ee shirkadda Apple.
Steve aabihiis ugama dhiman hanti badan, kamana uusan dhaxlin shikrad, ee isaga ayaa ka soo billaabay cagta hoosteeda, dadaal dheeraad ahne geliyay illaa uu ka aasaasay shirkadda Apple.

Imaamka weeyn ee Maxammed Bin Ismaaciil al-Bukhaari, oo ahaa faqiih iyo xadiis aqood dhul badan maray, ayaa dedaal walba geliyay sidi uu u soo aruurin lahaa xadiiska sugan ee suubanaha laga soo weriyay.

Kalmad uu sheekhiisa maalin ku yiri ayaa taabatay "yaa inoo soo aruurin karo xadiiska nebiga kiisa sugan ee saxiixa ah", kalmaddaas Bukhaari waxa ay ku riixday in uu isga dusha u rito shaqadaas, hawshaas culus na uu u xirxirto.
Waxa uu ku soo wareegay dunida, isaga oo kasoo xiganayo dadka lagu kalsoonyahay, xadiiskana laga qaato axaadiista suubanaha ee Saxiixa ah.
Waxa uu yiri, "Waxaan ku socday lugtayda 1000 farsakh, deedna waan hilmaamay tiradii..". Waa wax u dhigmo 5,000 Km, si uu u soo helo xadiis saxiix ah!.

Dedaal, dul-qaad, joogteeyn iyo naf hurnimo, ayaa gaarsiisay imaam Bukhaari heerkaas. Qof waliba oo xadiis weriyana imaam Bukhaari waxaa loogu darayaa miisaankiisa xasanaatka.

Steve jobs, Imaam Bukhaari iyo kumannaan dedalayaal gaaray ah, waxaa inoogu sugan tusaale aan kaga dayanno, in wixii lagu dedaalo la gaarayo.
Maskax furnaanta iyo hibada waa wax wanaagsan, laakiin ma filno, oo waxaa qasab ah in lagu daro, dedaal, joogtayn iyo ku toosnaanta hadafyada, kolkaas unbaa la gaari karaa guul!.

Ka xifdi Steve Jobs, kalmad cajiib ah oo uu leeyahay, waxuu yiri: "Muhiim iima ahan in aan noqdo maal qabeen weeyn, waxa ugu badan ee muhiimka ii ah, waa in  dhammaadka maalintaas aan dhigo madaxyaga barkinta, iyada oo wax soo kordhiyay!."

Hadda: ku billoow magaca Alle, oo samee guushaada kuu gaarka ah. ku lar dedaal, dhiirrinaan, adkeeysi iyo joogteeyn.
Haddii aad leddahay yool, billoow maanta oo isku day, igana xifdi: "Dedaaluhu waa uu gaaraa"!.

-Ramdaan Mubaarak.❤

W/Q: Abdiaziz Mubarak.

25.04.2021.







Ku dayo kuwaan! (1)

 (1)

KU DAYO KUWAN! ❤


Waxaa la sheegay in nin uu ku dhacay ceel. Qayli iyo colcolaad ka dib, waxaa maqlay dadkii deegaanka oo u soo gurmaday, badbaadintiisana isku hawlay, kuna guuleeystay soo saaritiisa. 


Nin ayaa u keenay koob caano ah, waa uuna qurquriyay. waxaa la su’aalay sida uu ugu dhacay ceelka?, waxa uu billaabay in uu u sharxo sidii uu ugu dhacay, waxa uu ku fariistay qarka ceelka, si uu u tusiyo sidii uu ugu dhacay. laakiin nasiib darro waa uu ku dhacay mar labaad, se markaan naf looguma tagin oo waa uu dhintay. 


Sheekh Maghaamsi oo sharxaya sheekadan waxa uu leeyahay: “Ninkan waxaa kaga dhinneeyd risiqiisa koobkaas caanaha ah, markii uu cabayne, waxa uu ku dhacay isla meeshii laga soo badbaadiyay, waa uuna ku dhintay”. 


Haa u baqino risiqiinna iyo wixii aad cuni lahaydeen, waa ballan qaad Illaahay, mana dhimanayso naf iyada oonan dhameeystiran wixii loogu tala galay. 


Haa ka walwalino wixii aad cuni lahaydeen, ku qanac intii lagu qoray, oo rumeeysnoow in aadan dhimeneeyn adiga oonan hanan wixii laguu qoray.


✍AbdiAziz Mubarak.

                 Soonqaad Wanaagsan!.