Friday, January 6, 2023

Farriin furan!..8

 Farriin Furan!.. 8


Waxuu i weeydiinayaa saaxiibkeey, wax walba oo aan qoro miyaan fuliyaa?, si kale; intee in la eg ayaan isu egnahay aniga iyo qoraalkayga?!.
Si qaraar ayaan ugu jawaabayaa, sida aad adiguba si xishood leh iigu weeydiisay:
Aniga waxaan u dagaallamayaa, iskuna dayayaa isu soo-dhawaynta ficilkayga iyo qoraalkayga, laakiin marar badan waan ku fashilmaa nasiib darro!.

I rumeeyso, marar badan baan ku fakaray joojinta wax qorista, markaas ayaan haddane isku qanciyay, iskuna sabarsiiyay, oo ii tacsiyeeyay, hadalka Xassan al-Basri, "Haddii dadka inta waxay nagu  waaninayaan ku dhaqma uun, hadli lahaayeen, waxaa la waayi lahaa cid dadka waaniso!". 

Markaas ayaan dhexda xirtaa, oo rogaal celin sameeyaa, qoraalkana sii wadaa, iskuna dayaa isu soo dhaweynta noloshayda iyo qalinkayga, waxaana indhaha saartaa, hadalka Khadiib al-Baqdaadi uu ku sheegay taariikhdiisa, in Yuusuf ibnu Xassan al-Raasi, lagu arkay riyo geeridiisi kadib, lana weydiiyay, waxuu Alle kala kulmay, waxuu yiri Yuusuf: Wuu ii danbi dhaafay, waxaa la weydiiyay, maxuu kugu danbi dhaafay? Waxuu yiri, kalmado aan dhihi jiray oo ahaa, 'Alloow dadka hadal baan u sheegay, wax ka duwanne way iga dhaceen, ee iigu dhaaf hadalkaygi wanaagsanaa, ficilkaygi khilaafay'!.

Saaxiibkeeyoow, qofka caqliga leh, ma kulansado hadal xun iyo ficil xun, haddii uu wax xado, ma dhaho wax xadistu waa xalaal!. Khaladka aad gashayne, yuusan kaa reebin inaad dadka uga digto. Oo u dagaallan mar walba, is waafajinta ficilkaaga iyo hadalkaaga.
Noloshuna waa dagaal joogta ah, marne waa lagaa guuleeysan marne waad guuleeysan!.
Dhammaanteena ceebo ayaan leenahay, haddii aysan ahayn asturidda Illaahay!. 

Nabagalyo korkaada ha ahaato!. ❤



Monday, January 2, 2023

Farriin Furan!.. 7

 


Ma xasuusataa maalintii uu saaxiibkaa kugu salaamay, waad is beddashay, maxaa dhacay?!. Markaas waxaa ku khayaanay eraydii, waadna jawaabi wayday, laakiin aan anigu qoraalkan kuugu jawaabo, iina oggoloow in aan ku matalo, adiga iyo cid walba oo sidaada oo kale ah!.. 


Saaxiibkeeyoow, dadku nasiib darro, waxay arkaan natiijooyinka, laakiin marna ma fiiriyaan sababta ka danbeeyso!..

Aan kuu celiyo gadaal iyo maalmahaygii ardaynimada, si aan kaaga sheekeeyo maalin aan xasuusto, xafiiska Macallimiinta ayaan soogalay aniga oo wado Galaas biyo ah oo uu Macallin ii dirsaday, kulayl daran ayaa jiray, xilli duhur ahne waa la joogay, waxaan dareemay waxa uu dareemo qof dhabarkiisa kululi buuxiyay, jiriricyadaas igu kalliftay si lama filaan ah in uu igaga fakado koobkii biyaha ahaa ee aan waday!. Markaas dadka oo dhan waxay maqleen galaaska dhacay, waxayna dhammaantood igu canaanteen qaylida aan dhaliyay, laakiin ma jirin cid arkaysay kulaylka aan dareemayay, dhabarkayga waxuu la xanuunsaday iyo jaraynti gacantayda ee ka horreeysay fakashada weelka!.. 


Dadku ma garanayaan, in qofkan jilicsan ee aa aadka u qaboow ee aad noqotay ay ka dhalatay natiijada, gubashooyin badan oo aad la soo kulantay, cid aanan adigu ahaynne goob joog aysan u soo ahayn!..

Waa sidaas oo isku mid ma aha, kan dab gacanta kula jiro iyo mid biyo Gacanta kula jiro!. 


Dadku ma oga, in qofkan taxaddarka badan, ee aanan qofna ku kalsoonaanayn ee aad noqotay, in ay ka danbeeysay khiyaanooyin iyo hagardaamooyin badan oo aad la soo kulantay kaligaa!.. kan dhabarka waran lagaga duray, iyo midkii fiirinayay isku dareen ma ahan saaxiibkeeyoow, ee sidee baadan isku beddalayn!.. 


Dadku ma oga, in qofkan gooni-u-goosadka iyo kaligii socodka ah, ee aad noqotay, ay tahay natiijada kalsooni xad-dhaaf ahayd oo isu beddashay khiyaano!, qaraarkeeduna adigu uun aad dareemaysay!.. 


Saaxiibkeeyoow, Dacaarta kan shubayo iyo midka cabayo isku mid ma ahan, kan tacsiyeynayo iyo loo tacsiyeeyahana isku mid ma aha, kan xanuunsan iyo midka soo booqdayne isku xanuun ma ahan!..

Geedka marki masaarta lagu garaaco, ma sii ahaado Geedkii weynaa, ee qaab kale ayuu yeeshaa, adiguna masaaro badan ayay nolosha kula dhacday, ee sidee baada isu beddalayn!.. dadkuna dhammaantood waxay arkaan koobka kaa fakaday, ee ma arkaan jarayntii gacantaada ee ka horreeysay!. 


Nabadgalyo korkaada ha ahaato!.❤


Sunday, January 1, 2023

Farriin Furan!.. 6

 Farriin Furan!.. (6). 


Maalmihii addoonsiga ee Maraykanka (1619- 1865), waxay u qaybsanaayeen Addoomaha laba Qaybood: 

Addoomo ka shaqeeyo Beeraha, oo loola dhaqmo sidii xoolaha, oo aanan lahayn wax xuquuq iyo ixtiraam ah, laguna garaaco khalad yar oo ay sameeyeen, aanan lahayn wax fasax iyo nasasho ah, lagana yaabo in midkood far looga gooyo, bas ah inuusan waraabin geed!. 


Qaybta labaad, waxay ka shaqeeyeen Guryaha, waxayna ahaayeen dabaqad Addoomo is mahdiyay ah!, waxay cunaan wixii kasii horo madaxdooda, waxayna xirtaan dharkoodi hore, waxayna isku maleeyaanba in ay xor yihiin!. 


Marwalba, oo Addoomaha Beeraha ka shaqeeyo ay isku dayaan xoraynta naftooda iyo billaabidda dhaq-dhaqaaq xornima-doon ah, waxaa soo sheego kuwii Guryaha ka shaqeeynayay, waa ayna faafiyaan sirtooda, iyagoo ku diro madaxdooda, kuwaas oo iyaguna marsiin jiray ciqaab adag, kuna cadaabi jiray isku dayga is xoraynta ah ee ay sameeyeen!. 


Saaxiibkeeyoow, haddii aad si fiican u fiirisid muuqaalkaas, waxaad dul istaagaysaa xaqiiqada soo socoto;

- In cidda ugu horreeysa ee xoraynta addoomaha diiddan aysan ahayn madaxda addoomaha, ee ay yihiin addoomaha u maleeya in sare noqoshadoodu tahay, ku sii jiriddooda xayndaabka Gumaysiga!. 


- Addoomaha qaar ayaa isku maleeya in aysan xirnayn, sababtuna waa uun in ay ku xiranyihiin xargo ka dheer kuwa addoomaha kale ku xiran yihiin!. 


- Haddii uu qofku waqti badan ku qaato addoonnimada, waxuu la qabsanayaa addoonnimadaas, waxuuna u arkayaa cid walba oo dalbanaya xuquuqdiisa in uu yahay khaa'in!. Waa halka uu ka yiri qoraaga aan u malaynayo in uu ahaa 'Aniis Mansuur' in shimbiraha ku dhasho shabaqa, ay ka aaminaan duullimaadka danbi!. 


- Dadka qaar ayaa neceb ciddii isku daydo is xorayn, sababtoo ah waxay ka caajiseen iyagu in ay is xoreeyaan, waxay la qabsadeen addoonnimada, waxaana lumay aragtidoodii xorriyadda, asalkuna addoonnimo ayayba u maleeyeen!. Waxaan soo xasuustay hadalkii Joorj Barnaadshuu "Haddii samadu soo daadiso dhibco xorriyad ah, waxaad arkaysaa qaar addoomada kamid ah, oo Dallado hoos galayo si ay uga dhuuntaan!". 


Maanta saaxiibkeeyoow, waxaad arkaysaa in haddii qof uu ka hadlo dulmi jiro, xarig sharci darro ah, dad la laayay, kuwa xuquuqdooda lagu tuntay, kuwa la xasuuqay waxaad arkaysaa kuwo la soo boodayo; qaran dumis ayaad tahay, ama danta Qaranka ayaad ka soo horjeeddaa, Fitno ayaad abuuraysaa, iyo hadallo lamid ah, waxaase cajiib ah marka aad aragto in kuwii aad u hadlaysay qaar kamid ah sidaas leeyihiin!.. 


Saaxiibkeeyoow, xor walba oo gadooda, dulmi hor istaago, xaq ku dhawaaqo, waxaa ka hor imaado addoomo, addoomo laga yaabo qaarkood in ay suudad xiranyihiin, ama jegooyin 'addoonnimo' hayaan!.. 

Saaxiib, xorku waa kan la jiro codka xaqa meel walba iyo marwalba, addoonsiga, dulmiga iyo daalimiintana ka soo horjeeda meel walba iyo marwalba. Suuragalne ma ahan in qof addoonsi iyo dulmi u diido meel, uuna ka oggalaado meel kale.. xornimadu ma qaybsanto, addoonnimaduna ma kala harto, ee xor ahoow, oo ku dhimo xornimo, Alla waxuu ku abuuray adigoo xor ah, hooyadaana waxay ku dhashay adiga oo xor ah'e!. 


Nabadgalyo dushooda ahaato, meel walba oo ay joogaan; dhammaan xornimo u- 

doodka, u-dirirka iyo kuwa codka xaqa ku hadlayo, dulmiga iyo Daalimiintana naqaska ku dhejiyo!.