ARAR:
Dhaqan galinta shareecada
iyo isku xukunkeeda, waa eray ku badan dhagaha bulshooyinka Muslimka ah, ee
rumeysan in uu jiro Rabbi na uumay, Kitaab uu soo dejiyay iyo ergay uu inoo soo
diray, si uu inoogu fasiro kitaabkaas.
Eraygaas “Shareecada”, kuma ekaan dhagaha dadka ee
waxa uu noqday halka ay ka duulaan is diiddooyin mushkilado ay ka dhasheen,
waxa ayna jahliga iyo fahan darrada diineed keensadeen in eraygii wanaagsanaa
uu noqdo utun ku taagan bulshada Soomaaliyeed, ayna u dhexeeyaan u hiloobidda
dhaqangelinteeda iyo ka cararka natiijooyinka ay dhaliyeen kuwii sheeganayay
dhaqangelinteeda. Sababkaas dartii waxaa u daatay dhiig badan, welina waa uu
daadanayaa, waxaa ku kala dhintay dad isku fayoobaa, waxaa ku burburay qooysas,
waxaana ku kala tagay Wiil iyo Aabihii.
Mawduucan waa mid
xasaasiyad badan, dad badanne ay ku kala duwan yihiin, sida aan rumeeysanahayne
waa in xasaasiyaddu keensanin ka aamusid, ee ay dalbanyso ka hadal, waxa uu
mawduucan iga dhex guuxayay waqti dheer, waxaana wax ka qorayay inbadan,
haddane waxaa iiga waqti badnaa in aan faafiyo!, maanta ayayne noqtay in uu
nuurka arko qoraalkeyga. Qormadan waxaan wax ka taaban doonaa aniga oo ka soo
xiganayo buugaag iyo maqaallo laga qoray mawduucan, dhinacyo ay kamid yihiin Fahmidda Shareecada, ku dhaqankeeda, sideen
ugu dhaqannaa? iyo maxaan kaga dhaqannaa Shareecada? IQK. Illaahay ayaana
ah ujeedka qoraalkeyga, isaga ayaana weydiisanayaa waafajin.
Labo
Is-diiddooyin:
Bulshada Soomaalida
dhexdeeda maanta, waxaa xoog badan marki laga hadlayo dhaqan gelinta Shareecada
labo kooxood oo laba daraf kala ah; Kooxaha Calmaaniyiinta oo diiddan isasoo
gelinta Diinta & xukunka, ayaga oona u arko in shareecadu ku tahay khatar,
ayna ka hor imaaneyso Xorriyadda dadka. Qolada labaad waa Islaamiyiinta (si
gaar ah Madrasada Salafiyiinta) oo u arko in Xorriyadu khatar ku tahay Diinta.
Calmaaniyiintu waxay u arkaan Diinta in ay tahay taariikh laga soo gudbay, oo
kali ahne anfaceysay xilligii Suubanaha iyo dadkii la noolaa. Halka
(Salafiyiinta) ay ka yeeleen taariikhdii waxyi aanan laga gudbi karin, ayne
isku dayeen ka dhigidda taariikhda waxyi ay tahay in la qaato, oo la maro
hannaanki hab xukun ee ay mareen dawladihii Islaamka soo maray. Labadaas
is-diiddooyin ayayna bulshada soomaaliyeed ku dhex luntay, mid kamid ah
Mushkiladaha ugu waaweyn ee haystana ay ka dhaxashay.
Haddii aan si mug leh u
fiirinno labada dhinac doodahooda, waxaan arkeynnaa in ay jirto wax ay ka
mideysan yihiin, waana dhammaadka ama natiijada, oo labada goorba noqoneyso in
aan la dhaqan gelin Shareecadii Islaamka, sidaa darteed waxa uu qabaa Dr Muxammad Mukhtaar al-Shanqiidi in
Calmaaniyiinta iyo Salafiyiinta ay isku yihiin cadow billowga hore, balse ay
saaxiibbo ku noqdaan ama isku waafaqaan dhammadka natiijo ahaan. Salafiyiinta
waxa ay u suxul duubayaan waa dhaqangelinta Shareecada, balse waxa ay ku soo
koobeen Islaamkii dhacdooyinka taariikheed, waxayne isku dayeen in ay fikrad
waliba u helaan mid hore, waana midda aanan noqon karin suuragal.
Calmaaniyiintu waxa ay
sidoo kale soo qaateen aragti gaaban, oo u qeybinayso nolosha arrimo adduun iyo
kuwo diimeed, waana kala qeybin uusan Islaamka aqoon, uuna sidoo kale
aqoonsanayn. Maadaama Islaamku yahay Diin dhammeystiran, aana kala soocayn
nolosha adduun iyo arrimaha Aakhiro. Aragtida Islaamka waxa ay ku qotontaa
dhammeystirnaan, Diintuna kama koobna oo
kali caqiido iyo cibaado, ee waxaa u dheer toosin akhlaaqeed, Qiyam bulsho,
kuwo siyaasadeed iyo kuwa dahqaale intaba, waana tan uu kaga duwan yahay diinta
Masiixiyadda sida uu ku xusayo Cali Cissat
Beogivish kitaabkiisa “Islam between
west and East”.
Haddaba bulshooyinkeenna
maanta, waxa ay u baahan yihiin dib u eegidda aragtida ku aaddan Fahmidda
shareecada, dhaqan galinteeda iyo cidda dhaqan galineyso, ayada oo la eegayo
Mabda’a xorriyadda iyo karaamada dadka ee Qur’aanka ku cad. Fahmidda isma
diiddooyinkaas (Shareecada iyo Xorriyadda) iyo dhaqan galinteeda ayay ku jirta
helidda xal waara. Taasina waxa ay u baahantahay baaritaan xoog leh iyo
daraasooyin qoto dheer oo laga sameeyo mawduucaas, oo aanan halkan iigu suurtagalayn in aan ku soo gudbiyo.
Fahanka
erayga `Shareecada´
Falsafad ahaan, waxaa uu
farqi u dhaxeeyaa erayga iyo fahmiddiisa, waxaana muhiim ah fahanka
asalka ah ee erayga, ee ma ahan ujeedka eray bixinta. Sida uu ku tilmaamayo Maalik bin Nabi Muslinka casrigan waxa
uu u dabranyahay, la haystane u yahay eray-bixinnada isaga oo aanan fahmin
ujeedkooda. Erayga shareecaduna waa kamid eray-bixinnadaas halka tafsiir loo
sameeyay, iyada oo aanan laga salgaarin macna ahaan asalkeeda.
Erayga ‘Shareecada’ sida uu Qur’aanka u isticmaalay waxa uu ka koobmayaa
wax waliba oo uu Alle weyne soo dejiyay ee caqiido, cibaado, Akhlaaq, dhaqan
iyo Axkaam intaba leh. Waxa ugu horreeyo shareecadana waa Caqiidada iyo Cibaaadooyinka.
Qur’aanka dhexdiisa, hal
mar ayay ku soo aroortay erayga “Shariico”:{Jaasiya:18}
waxa uu ku fasiray Imaamu Dabari “Dariiqa toosan ee Diinta ayaa loola
jeedaa”. Sidoo kale Mufasiriinti ka
danbeeysay erayo u dhow ayay ku tafsiirayeen dhammaantood, oo macnuhu ku
imaanayo in shareeco loola jeedo Diinta oo dhan. Macnahaas ayuuna ku allifay
Imaamu Abu Bakar Al-Aa’juri (Dhintay: 360H), kitaabkiisa uu ugu magac daray
“Ashariicah” waxa uuna ku soo arooriyay masaa’il badan oo caqiido iyo tarbiyo
ah. Gadashiis waxa uu Allifay Faylasuufkii Muslimka ahaa ee Alraaqib
al-Asfahaani (Dhintay 502H) kitaabkiisa caanka ah ee “Aldariicah ilaa Makaarim
al shariicah”. Waana kitaab ku saabsan falsafadda akhlaaqda iyo tarbiyada.
Haddabo, haddii aan si mug
leh u fahanno macnaha erayga “Shareecada”
waxaan ogaanaynnaa in ay tahay mid koobayso diinta oo dhan (Caqiido,
cibaado, akhlaaq iyo Qaanuun), waxaa kale oo aan fahmaynnaa in aysan shareecada
ahayn mid “laalan” gudaha dalalka Muslimiinta, sida ay sheegtaan qaar kamid ah
“Islaamiyiinta”, taas oo ah fikrad Takfiiri ah aana habboonayn
isticmaalkeeda. Saa darteed, waxa laalan waa qeyb kamid ah shareecada, ee
Muslimiintu waa ay dhaqan galiyaan shareecada, waxaan arkaynnaa in sahreecada
la dhaqan gelinayo Caqiido ahaan, cibaado ahaan, Akhlaaq ahaan si guud ay
Muslimiinta ilaalinayaan intaas oo dhan, balse waxa maqan ay yihiin labo qodob
oo kali ah.
Maxaanan
laga dhaqan galin SHAREECADA?
Shareecada waxa aanan laga
dhaqan galin dalalka Muslimiinta dhexdooda ee ku laalan waa labo qoddob oo kali
ah:
1.
Qiyamka Dastuuriga
ah iyo kuwa siyaasadeed ee Islaamku leeyahay oo ay kamid yihiin; wada tashiga
iyo wadar oggolka lagu dhisto Maamullada (Shuuraa/Dimuquraadiyada
xukunka), Cadaaladda iyo xorriyadda, ula dhaqanka hantida dadweynaha iyo
Mansabyada siyaasadeed in ay yihiin kuwa loogu adeegayo dadka, ee aysan ahayn
milkiyad qofeed iqk. Qeyb ahaan qeybtan oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan
shareecada, waa ay laalantahay, lagumana dhaqmo. Cidda laashayne ma ahayn
Gumeeyste iyo cadow shisheeye, ee waxa
ay ahaayeen Muslimiinta laga soo billaabo qarnigii 1-aad ee Hijriga, illaa
maanta oo maalinba qeyb ay lumaysay.
2.
Qeybta labaad
ee shareecada kamid ah ee laalan, waa qeybta Qaanuuniga ah ee Shareecada, si
gaar ah xeerkeeda ciqaabta. Laalitaanka qeybtan waxa uu la yimid Gumeeystihii
Yurub ee dalalka Islaamka.
Arrinta
la yaabka leh ayaa ah, in aan aad ugu mushquulno laalitaanka qeybtan ee
gumeystaha la yimid, halka aanan laga hadal qeybta kale ee muhiimka ah, ee aan
annaga laalnay, sixitaankeeduna ka sahlnayahay, hor tabinna uu ka leeyahay
qeybta danbe. Sababtoo ah sixitaanka qeybta hore waxa ay keensanayaa istaagidda
dawlad taas oo ay u suurtagali karto dabbaqidda ama dhaqan galinta qeybta danbe
ee Qaanuuniga ah. Sidaa darteed Dastuurka iyo Qaanuunka waxaa horreeyo
Dastuurka, dhaqan galinta qaanuunka kama suurtagalayso dawlad aanan Dastuur
lahayn xilligan.
Ma qeybsamaa Qaanuunka?
Islaamiyiinta
qaarkood (si gaar ah Madarasada Salafiyiinta), waxa ay u qeybiyeen Qaanuunka
shareecada labo qeybood oo kala ah mid la dagsado (Wadci ah), iyo mid sharci
ah. Waxa ayna ka dhigeen sharciga la degsado dhammaantii mid gaalnimo ah, aana
si siyaabaha kamid ah ku banaannayn. Taasi waxaa ka dhalatay in lidadkaas
wareer badan ay keenaan, fahan xumana sii raacdo. Asalka mushkiladda waa iyaga
oo u arko in Ilaha sharci dajinta ee Muslimiinta aysan badan karin, oo aanan
laga soo xigan karin sharci il kale oo aanan ahayn shareecada Islaamka, xataa
haddii aysan ka hor imaanayn shareecada Islaamka.
Laakiin
si aan taasi u fahanno, waa in aan u aragnaa Diinta Islaamku in ay leedahay
aragti dib-u-habayn, dib-u-cusboonaysiin iyo hab-is-kaabayo isaga oo ka qalin
daaranayo aragtiyaha bulsho ee jiro, aana duminayn qiyamkii dhisnaa ee sugayo
sidoo kalena xoojinayo. Sida uu suubnahuba SCW ku xusay xadiis “Waxaa la ila
soo diray dhammaystiridda Akhlaaqda wanaagsan”. Haddaba suubanahu SCW, lama
uusan iman warqad cad oo wax cusub lagu qorayo, ee waxa uu sugay wanaaggii
horay u jiray, waxa uuna sidaas si lamid ah baabi’iyay xumaantii jirtay.
Qaanuun
ama xeer waliba oo aanan ka hor imaanayn shareecada, ama xaqiijinayo maslaxad
ay shareecada islaamka u aqoonsatay maslaxad qof ama mid bulsho, waa Qaanuun sharci xataa haddii
laga soo dheegtay xeer talyaani ama Ingriis. Waxa uu leeyahay Sheekh Maxammad
Saalim Cabdiwalduud (AU), oo kamid ahaa culimadi ugu waaweynaa Mawritaaniya
qarnigii 20aad, “Waxaan maanta u baahannahay ma ahan qaanuun ka dhigidda fiqiga
[تقنين
الفقه], ee waxa aan u baahannahay [تفقيه القانون] ama fiqi ka dhigidda qaanuunka”. Waxa
uuna ula jeedaa waxa aan u baahannahay in aan dib-u-eegid ku samaynno
qawaaniinta degsan, si aan u waafajinno fiqiga, aana u celinno waxyiga asal
ahaan tooda. Sababtoo ah qawaaniin badan oo loo yaqaanno maanta kuwa la
degsaday [wadci ah], waa kuwa sharci ah, oo waafaqsan maslaxadda shareecada ee
ilaalinta nafta ,caqliga, sharafka ama hantida. Tusaale haddii Baarlamaanka Soomaaliya
uu ansixiyo sharciga Taraafikada, waxaan leenahay sharcigaas waa sharci Islaam
mana ahan mid la degsaday (xukun ahaan) [wadci ah], lagumana tilmaami karo
sharci gaalnimo ah, xataa haddii laga soo min-guuriyay sharciga taraafikada ee
Talyaaniga. Sabab?, sababtoo ah waxa uu waafaqsanyahay tiir ay shareecada
ilaalisay oo ah bed qabka nafta. Haddabo xeer waliba oo ilaalinayo inta ay
shareecada ilaalisay, oona waafaqsan guud ahaan, waa sharci Islaam annaga oonan
eegayn asal ahaantiisa halka laga keensaday.
Si
ka duwan sida ay Islaamyiinta qaar qabaan, waxaan arkaynnaa in ilaha sharci
dejinta oo kala duwanaado, aysan ka hor imaanayn shareecada, haddiiba ay tahay
shareecada Islaamka, isha ugu weyn ee loo soo laabanayo, loona eegayo
sharciyada la dajinayo. Waxaana taas daliil u noqonayso Dastuurkii Madiina [وثيقة المدينة], oo ahaa dastuurkii ugu horreeyay
taariikhda ee qoran sida uu qabo Dr Muxamad Xamiidullaah oo ku qoray cilmi
baaristiisa magaca “Madiina Constitution- the first consistution in the world”.
Waxa uuna ku dhex xusayaa in ay ka mid ahaayeen qodobbada Dastuurka Madiina kuwo
sugayay caadooyinkii mag kala qaadashada ee qaar kamid ah qabiilladii
carbeed.
Kala
saaridda xeerarka Akhlaaqda iyo kwa qaanuuniga
Waxaa muhiim ah kala
soocidda Axkaamta akhlaaqda ah iyo kuwa qaanuuniga ah ee shareecada, [Morality
and Legality] waana mid ka mid ah meelaha uu wareerka badan ka jiro. Akhlaaqda
waa qodob hoos imaanayo awoodda damiirka qofeed iyo kan bulsho, oo aysan soo
dhex gali karin awoodda Dawladda. Halka qodobbada Qaanuuniga ah cidda
fulinayso, awooddana u leh in ay soo dhex gasho ay tahay dawladda oo kali ah.
Haddii aan u fiirsanno luuqadda Usuuliyiintii hore (Culimada Usuulu fiqiga),
waxa ay u kala soocaan axkaamta (Xuquuqda Illaahay) oo ay ula jeedaan axkaamta
cibaadada, sida salaadda, soonka, xajka, akhlaaqda iwm. Kuwaas oo ay masuuliyad
ka saarantahay Damiirka qofka, dawladduna shaqo aysan ku lahayn soo dhex
galkeeda. Qeybta labaad oo ah (Xuquuqda Dadka), oo ah arrimaha ay dawladda
shaqada ku leedahay soo dhexgalkeed marki loo baahdo ama fulinta axkaamta ka
dhalato sida Qisaasta, magta, xuduud oofinta iwm. Waana waajib saaran dawladda
in ay ilaaliso. Haddabo dawladda kuma qasbi karto dadka cibaadooyinka shakhsiga
laga doonayo, ee waxa ay ku qasbi kartaa arrimaha ku saabsan xuquuqda dadka ee ay wakiilka ka tahay.
Xeeldheerayaasha cilmiga
Falsafada Akhlaaqda “Moral Philosophy” waxay u qeybiyaan heerarka mas’uuliyadda
akhlaaqeed seddax Awoodood oo kala ah; Awoodda Damiirka qofka, oo ay ula
jeedaan akhlaaqda gaarka ah ee ay mas’uuliyadda ka saarantahay damiirka qofka,
sida ku gudashada salaadaha Jamaaco, runta, amaanada, iwm. Heerka labaad waa
Awoodda bulsho, kaas oo reebayo in bulsho ahaan akhlaadu doorsoonto, waana
awood xakamayneyso xarga goosashada akhlaaqeed ee bulsho wadar ahaan ku dhici
karo. Awooddan waxay ka celisaa dad badan in ay khalad ku dhacaan, iyaga oo ka
cabsi qabo canaanta damiirka bulsho, kana xishoonayo aragtidaas. tusaale qof
ayaa laga yaabaa in uu u guto salaadaha jamaaco, isaga oo iska ilaalinayo
damiirkaas bulsho, Awooddan waa mid aanan qasbid xaq u lahayn. Heerka seddaxaad
ee mas’uuliyadda akhlaaqeed waa Awoodda Dawladda, oo ugu danbeeyso, imaanaysana
labada hore kadib, waxayna ku tacaluqdaa arrimaha dadka ka dhexeeyo ee kala saaridda
u baahan, ama waxa lagu yiraahdo luuqadda fiqiga (Xuquuqul cibaad). Oo ah
Cibaadooyinka u dhexeeyo addoonka iyo Rabbigiis dawladda xaq uma leh in ay soo
dhex gasho, ama fara galin ku sameeyso iyada oo ku qasbeeyso qofka in uu
sameeyo. Taasi waxaa daliil u ah, in Suubanahu (SCW) uu sheegay in uu damcay in
uu ugu tago guryaha dadka aanan jamaacada masaajidka ku tukan, oo aan ku soo
gubo. Taasi waxay dadka qaar daliil uga dhigteen in la isku qasbo, balse
lidkeeda ayay u daliil tahay, sababtoo ah ma uusan samayn suubanaha SCW, haddii
uu samayn lahaa, hubaal waa uu buuxsami lahaa masaajidka maalinta xigta, balse
dadkaas ma waxay u yimaadeen Illaahay dartii, mise ka cabsashada gubitaanka
guryahooda?!. Arrinta ugu muhiimsan ee aysan dawladda ugu bannaanayn ku
qasbidda dadka cibaadooyinkooda, waa iyada oo faafinayso is-tuska iyo cibaadada
oo beesho ujeedkeedii ahaa (فأعبدالله مخلصا له الدين، الا لله الدين الخالص).
Waxaan aragnay qaar kamid
ah dhaqan galinta doorsoon ee shareecada sharfan, taas oo awoodaha qaar ay ku
qasbayaan dadka in ay xiraan goobahooda ganacsi salaadaha dartood, ama ku
qasbayaan xiritaanka maqaayadaha xilliyada soonka, dhaqammadaas oo ah kuwa
aanan sal iyo raad ku lahayn shareecada suuban. Nebiga (SCW) ma uusan lahayn
ciidamo biliis ah oo dadka xoog ugu kaxeeyo salaadda, ama ka xiro goobahooda
ganacsi, ama ku qasbo soomitaan, balse waa uu fari jiray, boorrin jiray, una
tala saaran jiray niyada iyo qancitaanka qofka. Haddii kale waxaa faafi lahaa
munaafaqnimada diimeed iyo tan dhaqan oo aan maaanta aragno natiijadeeda.
Gebogabo
Ugu
danbeyntii, shareecada Islaamka dhaqan galinteed waa yool sharfan, waajib
ummadeedna ah, balse waddada loo marayo iyo hannaanka lagu gaarayo ayaa u
baahan fahmid iyo dhaqan galin. Shareecada Islaamka dhaqan galinteeda maanta
waxa u tallaabo koobaad ah –sidaan qabo- Dhisidda iyo dib u-soo-celinta qeybta
sharciyadeed ee Dawladda, taas oo keensanayso in la helo dawlad Dimuquraadiyad
ku dhisan, ilaalinaysana xorriyadda iyo karaamada qofka, dhawraysane
xuquuqdsiisa ay shareecada ilaalisay, oona simayso xuquuqda qanuuniga ah ee
muwaadinka iyo madaxdiisa, waana midda uu ka qoray Dr Muxammad Mukhtaar al-Shanqiidi, cilmi baaristiisa uu ugu magac
daray Sharciyadda ka hor Shareecada [الشرعية قبل الشريعة].
Illaahayoow uga gargaar
diintaada kuwa “U-gargaarayo diinta”, ugana hiilli shareecadaada kuwa
“U-hiillinaya shareecada”!..
Tixraacyo:
1-
تفسير الطبري
2-
الجامع لأحكام القرآن – ابن العربي
3-
الذريعة الي مكارم الشريعة – راغب الأصفهاني
4-
مقاصد الشريعة الإسلامية – أحمد الريسوني
5-
التشريع الإسلامي – إبن عاشور
6-
السياسية بين الصحابة – د.محمد المختار الشنقيطي
7-
الأزمة الدستورية في الحضارة
الإسلامية – د. محمد المختار الشنقيطي
8-
The first constitution of
the world- DR Muhammad Hamidullaah
9-
Islam Between East and west- Ali Izetbegovic
10-
The elements of moral philosophy – James Rachless
11-
An introduction of moral philosophy – jonathon wolf
12-
تطبيق الشريعة في المجتمعات
الحرة – مركز دراسات التشريع الإسلامي
والأخلاق – د. محمد مختار الشنقيطي.
W/Q:
Cabdicasiis Mubaarak
Buugjecel@gmail.com