Saturday, June 26, 2021

Ku dayo Kuwan (6).❤

 Maalin ayuu Suubanaha (Scw) ku hor dhoolla cadeeyay isaga oo u khudbaynayo Asxaabtiisa. Waxa ay su'aaleen waxa ka qosol siiyay. Waxa uu ugu jawaabay; "Waxaa la ii soo bandhigay labo nin oo Alle (SW) u gar dhigatay. Kan koowaad ayaa leh: Alloow ninkan xaqayga iiga gud, oo i sii ajarkiisa. Alle ayaa ku oranayo: Oo miyuu leeyahay wax ajar ahba!?.

Kadib ayuu oronayaa: Alloow, danbigayga iga qaad oo isaga dul saar. Alle ayaa ugu jawaabayo: oo miyeey ku raalligelinaysaa sidaas?, in wax aad adigu nacday, walaalkaa la dul saaro?!.

Ka dib Alle waxa uu ku oronayaa adoonkaas: Fiiri midigtaada, markaas ayuu arkayaa daaro qurux badan, beero iyo baraaraha jannada. Fiiri bidixdaada, kolkaas ayuu arkayaa sidoo kale beero iyo webiyaal dareeriyo iyo quruxda jannada.
Alle ayaa ku oronayo dabadeed: Waxaa iska leh, ciddii dhiibto lacagteeda!.
Oo Alloow, waa maxay lacagteeda, ayuu su'aalayaa addoonkii. Alle ayaa ku jawaabayo: in aad qabatid gacanta walaalkaa, oo aad u kaxaysid Jannada!.

Suubanaha Ayaa yiri: waxa aan la cajabay, Illaah ka shaqeeynayo heshiisiinta addoomadiisa!."

Qisadan waxaa inoogu sugan cashar wayn oo ah is-cafinta, saamaxaadda iyo isu tanaasulidda!. Jannada si aad u gashid waa in aad hurta wax qaali ah, in aad cafisid cid kugu xad gudabtayne waxa ay u baahan tahay caburinta codadka ku farayo aar goosiga, iyo inaad xakamaysid Naftaada!.

Maalin wanaagsan.
W/Q: Abdiaziz Mubarak.

Ku dayo Kuwan!. (5) ❤

 KU DAYO KUWAN (5)

Cabdullaahi bin Naham al-Musani, waxa uu ahaa mid u suxul duubayay soo gelitaanka Islaamka. laakiin tolkiis ayaa ka hor istaagay. Markii ay ogaadeen sida uu ugu hamuun qabo islaannimada, waxa ay ka qaateen xoolihiisa oo dhan, iyaga oona ku reebay, go’ adag oo aanan keligiis lagu bixi karin!.

Halkii go’ ee adkaa ayuu ku soo tagay, inta uu kala jeexay ayuuna ka dhigtay sida dharka lagu xajiyo ee hoos guntiga iyo go’a ah. waxa uu ugu yimid sidaas Suubanaha SCW. waxa uuna shaaciyay islaannimadiisa. waxaana lagu naanaysay islamarkaas “laba go’le”!.

Waxaa yimid duullaankii “Tabuuk” waxa uuna la baxay “Laba go’le” Suubanaha SCW iyo asxaabtiisa, Cabdullaahi bin Mascuud ayaa noo werinayo oo leh; “Habeen siq dhexe ah ayaan arkay dab ka kacayo qayb ka mid ah, qaybaha ciidanka. waan aaday si aan u eego, mise “Laba go’le” ayaa dhintay, qabrigiisina la qodayaa, Suubanaha SCW ayaa ku jiro gudaha qabriga, abuuBakar iyo Cumar oo u dhiibayo ayuuna ku leeyahay “Ii soo dhaweeya walaalkiin”.
Gacmaha sharfan ee suubanaha ayaa lagu dhigay godkiisa. kadib ayuu yiri SCW: “Illaahayoow, waxa aan galabaystay aniga oo ka raalli ah, ee ka raalli noqo”.
Markaas ayuu yiri ibnu Mascuud: Alla maxaan u noqon waayay qofka qabrigaas la gelinayay!."

Qofkii ka run sheegaa u socoshada Eebe, Alle ayaa u oofiya dantiisa.
“Labo go’le” waxa uu kasoo cararay wax waliba, isaga oo ilaashanayo diintiisa iyo Karaamadiisa. Waxa uu Alle na ugu abaal guday in gacmihiisa sharfan uu suubanaha ku dhigo qabrigiisa, weliba isaga oo ka raalli ah!.

Waddada Alle way adagtahay, oo way dhib badan tahay, laakiin dedaal ayay rabtaa. Muhiimaddu ma ahan in la gaaro waddada, muhiimaddu waa in lagu sugnaado. Laakiin ciddii si dhab ah ugu noolaato shay dartii, waa ay ku dhimataa!.

Thursday, June 24, 2021

DALKAYGU XOR MA AHAN!.

 DALKAYGA XOR MA AHAN! -

 W/Q: AbdiAziz Mubarak .

Maalmo kooban ayaa ka harsan maalmaha loogu yeero “Maalmaha Xoriyadda”- Xoriyadda oo ah eray qurxoon, cid walbana jecashahay, se nasiibdarro nuxurkiisaa aan la fahansanayn, ayaa ayaamahan si aanan loo isticmaali jirin loo adeegsadaa!. 

Waxaa faafo erayo badan oo aan horay loo xusi jirin. Waxaa la faafiyaa sawirrada kooxo dad ah oo muujinayo in ay u dabaal degayaan maalmahan; Wiilal iyo Gabdho xiran maryo lagu xardhay astaanta calanka, ama xataa xubnaha jirkooda lagu asteeyay midabka calanka.

Iga raalli ahaada, xaqiiqadu way qaraartahay! maantana iyadaan sheegayaa, waa aragtidayda, oo haddii aadan igu raacsanayn waad xusi kartaa, se iyada oo ay ku laran tahay adaabta naqdinta iyo wax isu sheegidda, isxagasho shakhsiyadeedna ay ka maran tahay. 

Wiilka iyo Gabadha dhallinyarada ah ee ku nool maanatay Beledxaawo -  gobalka Gedo, bulshadiisa ugama baahno xirashada maryaha calanka, iyo ku jiibashada heeso waddaniyadeed, se hawl iyo shaqo intaa ka wayn ayaa jirto oo looga baahan yahay.

 Muuqaallada aan doonaynno ee bulshada wax u tarayo ma'ahan kuwaas sawirrada ah, ee waa muuqaalka muujinayo Gabar dugsiga sare kaga baxdo dhibco wadareed kor-u-dhaafaayo 95% oo la tartamayso goballada kale ee dalka, iyadaas ayaan doonaynaa oo aan ku faanaynaa. 

Wiil dhalinyar oo dhamaystay waxbarashadiisa, kadibna aan hoos fariisan Oday dhaqamoodkooda si uu meel madaxa ugu galiyo e, ee isaga isasoosaaro samaystana shaqo abuurkiisa, waxsoosaarna dalka kusoo kordhiyo oo yeesho - ayaa ah muuqaalka aan u baahannahay!

Uma baahnin sawiro wadareed hal nooc oo dhar buluug ah la sito, se waxqabad iyo horusocod Bulsho baynu u baahannahay. Bulsho waxkastaa iyada iskugu tiirsan, ee cid ka baxsan aan ku tiirsanayn.

Macno buuran samayn mayso in hal hees ah la iskula wada jiibiyo, haddiibo kolki ay waxqabad timaaddo la kala firdhanaayo.

Calanku waa maro, maraduna waxmatarto, astaan bayna inoo tahay - wixii ay astaan noogu ahaydna haddii aynaan wax ka qaban, maro keligeed waxtarimayso.

Baahiyaha Bulshada inay daboolaan, oo halkaas isbeddel laga dareemo ee aan laga dareemin hab-agaasinka xaflada fantaysiga maalmahaan ayay mas'uuliyaddoodu tahay Maamullada. Tusaale wacan waxaa inoogu filan Waddooyinka maalmahaan lagu xardho calamada, ee isla iyagaas aan laga fekerin dayactirkooda - sidaasina ku ah godod iyo biyafadhiisinno sanad walbaa hadahaan oo kale Midabbo iyo calamo lagu firdhiyo.

Adeegga caafimaad ee bulshadu waa mid liito, Waxbarashaduna waa lamid - walow uu muuqdo dedaal socod Diinle ah oo bulshada ka yimid, ee aan ka imaan Maamulasa jiro. Dhallinyaradu waa shaqo la’aan, kan helaana “Yaa ku wato” iyo haddii shaqada uu helaa ay Siyaasad tahay oo uu ku helo Isdoqonaysiin iyo wacyigiisii oo uu daboolo.

Ururrada Bulshada kaalintooda ma ahan in Maalmaha xorriyada ay soo xirtaan dharka calanka, ee waa in ay la yimaadan barnaamijyo hawlqabad bulsho ah, oo horay u socod inoo jiheeyo.

Inta waciyaga heerkaas marayo, bulshaduna baraaruggeeda uu yahay u  tamashlaynta waxa kani loogu yeero “Maalmahaa Xorriyadda”, isbeddal Bulsho ha filanina, Duulna Illaahay ma bedallo, ilaa yaga oonan wax-iska-bedallin!. 


Dalkaygu Xor ma'ahan - inta maalin walbo diyaarado shisheeye si bareer ah u laynayso dadkayga iyo xoolahooda, cid ka hadlaysana aynan jirin - Oo looma'ooyaan ay yihiin!.

Dalkaygu Xor ma'!han - inta dhallinyaradeenna ay yihiin shaqo la’aanta, cid u maqanne aysan jirin - Iyaguna aysan isku maqnayn ee ay kadaloob wax ku sugayaan!

Dalkaygu Xor ma'ahan - inta ay Bulshadaydu aaminsantahay inay Madaxdu yihiin Waddanka, Waddankuna uu iyaga yahay!

 Dalkaygu Xor ma'ahan - inta xaqiiqada laga gabbanaayo, runtana la kharaarsanaayo! .

Dalkaygu Xor ma'ahan - Inta Hooyo u baahan gurmad caafimaad ay ku dhimanayso baadiyaha, iyada oo helitaan daryeel caafimaad iska daaye aan helin ka warqab xaaladeed!

Iga raalli ahaado, aniga kuma faraxsani taaggantani. Sida oo kalena ma qabo inaan dacallada ka buuxsado beenhawaas Xorriyadeed, iyo mid Jiritaan. Taasi ayaana ah xaqiiqo kharaar ah, ma nihin Dal, iyo Dal Xor ah.


22.06.2021,

Beledxaawo, Gedo-Somaaliya.