KU DAYO KUWAN (5)
Cabdullaahi bin Naham al-Musani, waxa uu ahaa mid u suxul duubayay soo gelitaanka Islaamka. laakiin tolkiis ayaa ka hor istaagay. Markii ay ogaadeen sida uu ugu hamuun qabo islaannimada, waxa ay ka qaateen xoolihiisa oo dhan, iyaga oona ku reebay, go’ adag oo aanan keligiis lagu bixi karin!.Halkii go’ ee adkaa ayuu ku soo tagay, inta uu kala jeexay ayuuna ka dhigtay sida dharka lagu xajiyo ee hoos guntiga iyo go’a ah. waxa uu ugu yimid sidaas Suubanaha SCW. waxa uuna shaaciyay islaannimadiisa. waxaana lagu naanaysay islamarkaas “laba go’le”!.
Waxaa yimid duullaankii “Tabuuk” waxa uuna la baxay “Laba go’le” Suubanaha SCW iyo asxaabtiisa, Cabdullaahi bin Mascuud ayaa noo werinayo oo leh; “Habeen siq dhexe ah ayaan arkay dab ka kacayo qayb ka mid ah, qaybaha ciidanka. waan aaday si aan u eego, mise “Laba go’le” ayaa dhintay, qabrigiisina la qodayaa, Suubanaha SCW ayaa ku jiro gudaha qabriga, abuuBakar iyo Cumar oo u dhiibayo ayuuna ku leeyahay “Ii soo dhaweeya walaalkiin”.
Gacmaha sharfan ee suubanaha ayaa lagu dhigay godkiisa. kadib ayuu yiri SCW: “Illaahayoow, waxa aan galabaystay aniga oo ka raalli ah, ee ka raalli noqo”.
Markaas ayuu yiri ibnu Mascuud: Alla maxaan u noqon waayay qofka qabrigaas la gelinayay!."
Qofkii ka run sheegaa u socoshada Eebe, Alle ayaa u oofiya dantiisa.
“Labo go’le” waxa uu kasoo cararay wax waliba, isaga oo ilaashanayo diintiisa iyo Karaamadiisa. Waxa uu Alle na ugu abaal guday in gacmihiisa sharfan uu suubanaha ku dhigo qabrigiisa, weliba isaga oo ka raalli ah!.
Waddada Alle way adagtahay, oo way dhib badan tahay, laakiin dedaal ayay rabtaa. Muhiimaddu ma ahan in la gaaro waddada, muhiimaddu waa in lagu sugnaado. Laakiin ciddii si dhab ah ugu noolaato shay dartii, waa ay ku dhimataa!.
No comments:
Post a Comment