Maalin ayuu Suubanaha (Scw) ku hor dhoolla cadeeyay isaga oo u khudbaynayo Asxaabtiisa. Waxa ay su'aaleen waxa ka qosol siiyay. Waxa uu ugu jawaabay; "Waxaa la ii soo bandhigay labo nin oo Alle (SW) u gar dhigatay. Kan koowaad ayaa leh: Alloow ninkan xaqayga iiga gud, oo i sii ajarkiisa. Alle ayaa ku oranayo: Oo miyuu leeyahay wax ajar ahba!?.
Kadib ayuu oronayaa: Alloow, danbigayga iga qaad oo isaga dul saar. Alle ayaa ugu jawaabayo: oo miyeey ku raalligelinaysaa sidaas?, in wax aad adigu nacday, walaalkaa la dul saaro?!.Ka dib Alle waxa uu ku oronayaa adoonkaas: Fiiri midigtaada, markaas ayuu arkayaa daaro qurux badan, beero iyo baraaraha jannada. Fiiri bidixdaada, kolkaas ayuu arkayaa sidoo kale beero iyo webiyaal dareeriyo iyo quruxda jannada.
Alle ayaa ku oronayo dabadeed: Waxaa iska leh, ciddii dhiibto lacagteeda!.
Oo Alloow, waa maxay lacagteeda, ayuu su'aalayaa addoonkii. Alle ayaa ku jawaabayo: in aad qabatid gacanta walaalkaa, oo aad u kaxaysid Jannada!.
Suubanaha Ayaa yiri: waxa aan la cajabay, Illaah ka shaqeeynayo heshiisiinta addoomadiisa!."
Qisadan waxaa inoogu sugan cashar wayn oo ah is-cafinta, saamaxaadda iyo isu tanaasulidda!. Jannada si aad u gashid waa in aad hurta wax qaali ah, in aad cafisid cid kugu xad gudabtayne waxa ay u baahan tahay caburinta codadka ku farayo aar goosiga, iyo inaad xakamaysid Naftaada!.
Maalin wanaagsan.
W/Q: Abdiaziz Mubarak.
No comments:
Post a Comment