Hooyada marka uu cannuggeeda kufa, ku oranyso "waad boodday, ee ka kac", waa ay dhiirrigelisay!. Laakiin uma naqaanno "Dhiirrigeliso", oo Waxa aan ku soo koobnay dhiirrigelinti iyo dhiirrigeliyaashaba dad gaar ah, oo noo qayliyo, gacmahana kor noogu taago, neefsadana na dhaho!.
Dhiirrigelinta oo ah eray qurxoon, inbadanne shidaal u noqotay guulo badan oo la gaaray, ayaa marba marka ka danbeeyso la halleeya isticmaalkeeda.
Waxaa jiro laba aragtiyood oo dhiirrigelinta si kala duwan u aragto, koox ayaa aamminsan in dhiirrigelin la'aanteed la guulaysan karin, adiga oonan helin tababare nonoleed oo kaaga sheekeeya guusha iyo Guulaystayaashana aadanba guul cag saarayn, saa darteed ayay xiddigo u arkaan dadka guusha ka hadlo, oo laga yaabo qaarkood inaysanba gaarin guul la taaban karo!.
Kooxda labaad oo ku dooddo: In guushu tahay wax qofka rabitaankiisa ka imaado, la'aanta tababare nololeed iyo dhiirrigeliye nafeed na aad guulaysan kartid. Saa darteed ayay u arkaan in Dhiirrigeliyaashu yihiin ka ganacsadayaal hadal, iyo been afuufayaal Khuraafaad la fadhiyo!.
Haddabo waxaan doonayaa in qormadan aan ku soo koobo dhawr qodob oo igala jiro mawduucan iyo sida aan u arko. Qofkii aragti ka duwan qabane waa uu nala wadaagi karaa , oo waan soo dhawaynayaa, dhammaan waxa hoos ku xusanne waa wax aqbali karo naqdin, ku celin, sixid iyo hagaajin.
1. Dhiirrigelinta waxa ay leedahay saamayn wayn oo ay ku reebto qofka, marar badanne waxaan u baahannahay cid na dhahdo waad awooddaa, waa se marki laga run sheegayo, suuragalna tahay samaynta shayga waad awooddaa lagu leeyahay, laakiin qofka ku oranaya waad buubi kartaa , kuma dhiirrigelinayo ee wuu ku waalayaa!.
2. Qasab ma ahan in aad yeelto tababare nololeed, oo nolsha iyada ayaa ku tababarayso, lagama maarmaanne ma ahan in aad hesho dhiirrigeliye nafeed, oo adiga ayaa isugu filan, se sidaas oo kale xaaraan ma ahan samaynta sidaas oo haddii aad yeelatidne wax maadan hallayn, laakiin waxa muhiimka ah ayaa ah, xogta lagu siinayo iyo waxa lagu sheegayo in ay yihiin wax maan gal ah, suuragalna ay tahay xaqiijinteeda .
3. Dhiirrigelinta da' yarta, ama dhallinyarada waa arrin muhiim ah, oo waxa ay u baahan yihiin garab qabsho, la talin iyo ka war qabid.
Qormadan waxa igu qasbay samaynteeda ayaa ahayd in wiil dhallinyaro ah uu ii yimid, i weeydiisatayne inaan caawiyo, marki aan weeydiiyay nooca caawineed ee uu u baahan yahay, waxa uu ii sheegay in uu rafaadsanyahay, reerkoodu uusan magaalada degganayn, arday fasalka 2-aad ee dugsiga sare na uu yahay. Casharrada iyo shaqada guriga uu joogana uu isku wadi la' yahay, maaraynta waqtigiisa in ay dhib ka haysato, cadaadis nololeed oo badanne uu wajahayo.
Waxaan siiyay wixii aan talo siin karay, waxaane ku dejiyay in waqtigu is bedalli doona, rajada illaahayna laga quusan, se dedaal badan looga baahan yahay, marka ay maalmuhu murxiyaanne in ay dib u dhayi doonaan dhammaan dhaawacayadiisa.
Wiilkaas iyo qaar badan oo kale oon arkay iina imaaday, waxay u baahan yihiin la talin, garab qabasho iyo in lagu dhiirrigeliya sii wadista yahansiga nolosha iyo geeddiga waxbarasho.
Wiilkaas kulama talin akhrinta buugga Dale Carienge iyo Nick Vujic , iyo dhagaysiga cajaladaha dhiirrigeliyasheenna, laakiin waxaan u sheegay in uu meel saarto wardi Qur'aan oo maalinle ah, kuna dedaallo cibaadada, noloshiisuna ay hagaagi doonta. Laakiin uu ka daro dedaal badan iyo ku qancista in guushu saxan dahab ah laguugu keenayn, ee ay u baahan tahaya dhafoor ka dhidid badan iyo harjad joogta ah!.
4. Ma ahan qof walbo oo ka hadlaya Guul in uu yahay "Ka ganacsade hadal" Oo waxaa jiro dad garasho xeer dheel dheer u leh Fanka samaynta guusha oona ka hadlo, sidaas oo kalena sameeyay guulo waaweyn, saa darteed dadkaas ayaa mudan dhagaygsi iyo ka faa'iideeysi.
5. Wax aad garanaysid, aadna awooddid in cid aad ku dhaanto la wadaagto, ha ka gaabin, waloow kalmad ba ha ahaatee, Laakiin iska ilaali in hadliddu ay kuu noqoto xirfad aad ku ganacsato, kuna shaqaysto, umaddana aad ku marin habaabiso hadal!.
6. In badan oo kamid ah muuqaallada ugu daawashada badan ee ka hadlo guusha, iyo dhiirrigeliyaasha na yiraahdo duulo, dhagaystayaashana faro in ay neefsadaan sidii iyada oo qofku neefta ku dhegatay, waa daroogayn iyo iska indha tiridda waaqaca, waxayna u baahan yihiin hadalladaas dhaqan gelin iyo ku larista fal la taaban karo. Laakiin ka qaylinta gadaasha cod baahiyaalka, iyo qabashada kulamo boqollaal qof ka qayb galaan, iyo ka cabsashada waajihidda nolosha dhabta ah, ma samaynayso guul, Laakiin waxa ay meel ku hubsanaysaa lacagaha tigiddida soo gelitaanka laga soo xareeyo, iyo caannimada aanan laga yool lahayn!.
...
Nebedgalyo..
Aragtidaada hoos noogu reeb fadlan..
W/Q: Abdiaziz Mubarak.

No comments:
Post a Comment