Wednesday, April 6, 2022

Dhaawac ayaan lahaa!

Anigoo dhigta dugsiga Hoose, ayaa waxaa igu dhacay dhaawac iga soo gaaray dhudhunka lugta, inkastoo la i dabiibay haddane waxuu ahaa dhaawac afar bilood igu qaatay inaan ka biskoodo.
Marka aan ciyaaraynno xilliga Bareega iskuulka kubadda cagta, si cayaarta la iiga fariisiyo, halka meel ee ugu fudud ee la iga weerari karo waxay noqotay lugtayda dhaawaca ah.

Markaasaa midkood si kama' ah lugta igaga dhuftaa barta dhaawaca ah, si aan u fariisto, una sii cayaari waayo.
Waxaan ogaaday in lugtaydaas ahayad dhibicda tabar darradayda, ee ugu fudud inaan la iga weeraro, aana ka soo kici karin.

Waan waynaaday, waxaana ogaaday in Noloshu tahay garoon wayn, ciyaaryahannada oo dhan waxa ay leeyihiin boogo ay tahay in ay ilaaliyaan.
Si ciyaaryahan looga fariisiyo ciyaaratana waxaa lala eegta halka uu ka dhaawacan yahay, halka uu ka liiddan yahay, ama halka uu jilicsan yahay.

Cid diidi karto ma jirto in qof walba uu leeyahay boog uu ilaashanayo, haddii dhankeeda laga soo marana ay suuragal tahay in uu ka tanaasulo waxbadan , oo uu ku dhegnaan lahaa. 
Markaan carruurta ahayn, waxaa ku filnayd wax aan diiddannahay in aan ogolaanno, in lana dhaho aabe ama Hooyo ayaan kuu sheegayaa. Waxaana xasuustaa wiil aan saaxiibo ahayn, oo marka uu caruurta u diido in uu kubadda usoo bixiyo si ay u wada cayaaraan, lagu bajin jiray "Aabahaa ayaan kugu diraynaa".

Waan waynaaday, Noloshuna waxa ay i bartay, in geesigu yahay kan xargaha nolosha aysan loodin karin, balse marka uu yimaado xukunka illaahay iyo xeerarkiisa hakado, istaaga oo is xakeemayo.

Geesiga waa midka aanan lagu bajin manfac aduunyo in la dhaafinayo, se ay suuragal tahay in uu wax walbo uga istaago marki loo sheego hadalka Illaahay, ama la xasuuso qawlka suubanaha (NNKH).

Halkaad doonta ka jilicsanoow, ciddii aad doontana dartood waxaad doonta uga jòog, balse iska ilaali in meel uu illaahay dhigaya dhibic joogsi ah, aad gelisid hakad ama sii socosho!.

Soonqaad wanaagsan.
Abdiaziz Mubarak@2022


No comments:

Post a Comment