Saturday, May 23, 2020

CIID IYO CIBAADO! ❤

      Waxa ay muslimiinta u soomeen Illaahay dartii, iyaga oo uga tagayo wax waliba oo ay naftoodu jeceshahay.  Ramadaan waxa uu ahaa maalmo kooban sida uu Illaahay ba sheegay, waxaa dhamaaday maalmihii, muslimiintana waxa ay u dabaal degayaan maalmo farxadeed ka danbeeyo soonka.

    Xaaladda adag ee durayga saf mareenka ah ee (Corona) uu dhaxalsiiyay dadka awgeed, ciiddan waxyaabo badan ayay kaga duwan tahay kuwii hore, waxa aan doonayaa in aan dhoowr arrimood oo muhiim ah, lana xariiro Ciidda iyo dabaal deggeeda in aan halkaan ku xuso.

  1. Cibaadadu ma dhaamaan:     In soonkii dhamaaday, oo bishii waajibka innagu ahayd soonkeedana aan sagoontinay, kama dhigno in aan cibaadadii sagoontinnay, Qur’aankii weli waa uu yaalaa, ee Kitaabka haa ku celin armaajada, ka dhoowrsanaanta waxyaabaha xun, kuma aysan koobneeyn Ramadaan, sii wad cibaadada, xooji xariirka adiga iyo Illaahay idiin dhaxeeyo. Ciddii caabudi jirtay Ramadaan, Ramadaan waa uu dhamaaaday, balse ciddii caabudeeysay Alle weeyne, Alle waa rabbiga bilaha oo idil. Ciiddu waa dhamaadka Soonka, balse ma ahan dhamaadka Cibaadada!. Ciidu waa ka bixitaanka Ramadaan balse ma ahan ka bixitaanka Islaamka!.

  1. Ciidda iyo Cafiska:     Cafinta dadka iyada oo marka hore ba ay ahayd wax wanaagsan, ayaa haddane maalmahan farxadda waxa ay sii tahay muhiim. Waxa uu leeyahay Cali al-Tantaawi; “Ciid Cafis la’aan ah  waa tirada taariikhda oo is badashay uun”!. Waa muhiim in aad cafisid dhamaan walaalaha si aad ugu ciidaan farxad qalbi iyo mid muuqaal ba!.
  2. Dhamaadka soonka; Waa xikmad Illaahay in uu soonku noqdo maalmo kooban oo innaga idlaado, saa darteed ma ahan wax wanaagsan isu bihin bihinta iyo oyitaanka dhaamaadkiisa!, mana ahan ficil ka sugan dadkii wanaagsanaa ee hore, waa arrin ka badbadis badan ku jirto, waa sax in aad ka xumaatid dhamaanshaha bil aad u fadli badneeyd, balse waa ka badbadis oo Ciiddu ba waxa ay ka mid tahay maalmaha Illaahay sida soonka!.

  1. Masaakiinta iyo Ciidda;   karantiilka Coronuhu keenay kama dhigno in uu inoo diido muujinta farxadda ciida, iyo caawinta masaakiinta,  xataa dadka aanan awoodin soo bixista iyo isku imaanshaha, waa muhiim  in aad muujisaan farxadda maalintan weeyn, Xariiriya qaraabada oo ka farxiya caruuta iyo masaakinta, xasuustana ciyaalka agoomada ah, u salaaxa madaxa , oo ka farxiya maalintan.

  1. Ugu danbeeyn haa HILMAAMIN   Gabdhaha u soo jeeday karinta suxuurta, ku daalay karinta afurka, u dhibaatooday dhaqista weelasha, ka farxiya maalintan, oo u hadiyeeyo waloow wax fudud , haa hilmaamin Hooyada, walaasha, xaaska iyo shaqaalaha!.

Dhamaan ummadda soomaaliyeed kuwa maanta ciiday iyo kuwa ciidi doona beri intaba waxa aan u rajeeynayaa Caafimaad, Cibaado suuban iyo Cimri dheer. Allaha na naga aqbalo acmaashi wanaagsanaa ee aan sameeynay Ramadaan.