Showing posts with label Munaasabado. Show all posts
Showing posts with label Munaasabado. Show all posts

Wednesday, July 29, 2020

Waa tan Carrafo! ❤


Iyaga oo togan ayay   tuban   yihiin bannaan weyn oo buuro leh. Dharkoodu   waa wada   caddaan,   illinta ka soo burqanayso godadka indhaha   la   guduutay   oohinta    waa summadda   maalintan. Ku soo dhawoow Carrafa: Halkani waa meel barakaysan, kuwaanna waa kuwa uu Alle ugu faano addoomadiisa kale!.

Muuqaalka maanta ayaa ka tiro   badan, balse kii hore ayaa ka qurxoon. Inoo celi dib oo aan ku geeyo Carrafo oo joogta 14 qarni ka hor. Halkan ayuu istaagay mid dhulka ku istaago kan ugu wanaagsan. Lugihiisu waxa   ay   is     dul    taageen Buurta Carrafa, waxa uuna   wajigiisu soo aaddiyay   dhanka wax ka badan 100, 000 kun oo waji: waxaa ku jira madoow iyo Caddaan, faqiir iyo taajir, rag iyo dumar, weyn iyo yar, oo  dhammaantood  dhegahoodu waxa ay    wada ahaayeen kuwo u raaracsan hadalka weyn   ee   ka soo   bixi     doona afkaas sharafta leh,   ee       wax baray aqoonyahannada, afka agoonkaas  hoggaamiyay ummadaha, afka 63 jirkaas hormuudka       u    noqday       faylasoofyada,    Nebiggaas dhameeystiray   nebinimada…. Maxaan nasiib lahaan lahayn haddii aan wax ka maqli lahayn afkaas, laakiin haddaba ma nasiib la’ine, aan wax kaaga sheego wixii maalintaas afkaas ka soo baxay.

Waxa uu sheegay: in dhiigageenna,   xoolaheenna    iyo sharafkeennuba ay ka   reebban yihiin ku xadgudub. Waxa uu   caddeeyay   in   xoolaha   dulsaarka   (ribada) tahay xaaraan.  

“Dhammaantiin waxa aad tihiin ilmo Aadan, Aadanna waxaa   laga sameeyay ciid, qof carab ah kama fiicno mid cajam ah,   cajamna   kama wanaagsano carab. Waxaa un lagu kala fiicnaada waa cabsida Alle” ayuu yiri Suubbanuhu si uu sugo maalintaas in aadanahu   wada    siman yihiin, aysanna   jirin cid cid kale   ka fiican, waxaanan ka ahayn miisaanka Alle   ka   cabsiga.    Waagaas     ayuu     sugay silloonaanta   aragtida   midab takoorka iyo takoor oo dhan. Maalintaas ayuu ka takhallusay aragtida ay maanta dunida 1aad la ciirciirayso.

Waxa uu u qeexay indhihii wada fooraray iyo dhegahii raaracay, in dumarka wannaag   loo dardaarmo, si wanaagsanna loola dhaqmo, oo waxa uu maalintaas   sheegay wax aysan aqoon hay’adaha xuquuqda   dumarka   u       dooda maanata. Sidoo kale shaqaalaha iyo    dadka taagta daran ayuu ku difaacay halkaas. Laakiin kuwa u dabbaal dagayo maalinta shaqaalaha adduunka war kama hayaan.

Waxa uu si cad ugu sheegay dadweynihii maalintaas in aysan jirin cid ka   sarreeysa    sharciga, lana aqbli karin aargoosiga   jaahiliyada xataa haddii uu yahay dhiigga reer Banii Haashim, waxa   uuna   horay   u sheegay in xataa Faadumada   gabadhiisa   ah    haddi    ay wax xaddo uu ka gooyn lahaa gacanta, kana fog falkaas Faadumo e.

Ugu danbeeyn waxa uu dardaarmay in aan gadaashii loo noqon gaalo is qoor goyso, is layso, oo is disho sidii xayawaankii. Waxa   uu   sheegay   in   waddada   lagu badbaadayo   tahay   raacidda   waddadiisa iyo tan afarta hoggaamiye ee ka danbeeya.

Sannadkaas   waxaa   ka soo wareegatay   kun iyo afar boqol oo sano iyo ka badan, maantana   waa   tan   Carrafo mar kale. Wax badan ayaa is beddelay laakiin quruxdau kuma jirin, oo isma beddelin ismana beddeli doontao, yaboohii   Alle isma beddelin, hiloowyada   quluubtana   sidoo kale isma beddelin.

Waa kuwan    Alloow   addoomadaadii   basaasan, oo booreeysan. Waxa ay u yimaadeen dartaa, haa   adiga dartaa. Waa martidaadi oo kaaga timid meel walba oo fog. Waxa ay maqleen in suuqa xoreeynta la   gaaray   xilligiisi, oo waxa  ay doonayaan in ay iska iibayaan xumahooda, soona iibsadaan cafis iyo danbidhaaf. Alloow ha ku celin guryohooda ilaa adiga oo noo wada danbi dhaafay mooyee, kana xoreeyay naarta. Waxa ay doonayaan   in   aad   kabtid    jabkooda, dhaydid dhaawacooda, hodmisid faqiirkooda, guuleysid kooda    laga    adkaaday….  Alloow yaa u maqan haddaadan adigu sameeyn sidaa!

Alloow   annaga    waa ay na    dhaaftay   markaan istaagidda Carrafa,     laakiin waxaanan na dhaafin istaagidda albaabkaaga. Waxa aan ka rajo qabnaa in aad innaga furtid, ma aanan   sameeyn wax wanaagsan oo weyn, balse waxa ugu weyn ee   aan   haysanno   ayaa ah:  In    aan       Ku   jecelnahay!.

Subax wanaagsan Carrafo… waan soo socdaa weli!...

Saturday, May 23, 2020

CIID IYO CIBAADO! ❤

      Waxa ay muslimiinta u soomeen Illaahay dartii, iyaga oo uga tagayo wax waliba oo ay naftoodu jeceshahay.  Ramadaan waxa uu ahaa maalmo kooban sida uu Illaahay ba sheegay, waxaa dhamaaday maalmihii, muslimiintana waxa ay u dabaal degayaan maalmo farxadeed ka danbeeyo soonka.

    Xaaladda adag ee durayga saf mareenka ah ee (Corona) uu dhaxalsiiyay dadka awgeed, ciiddan waxyaabo badan ayay kaga duwan tahay kuwii hore, waxa aan doonayaa in aan dhoowr arrimood oo muhiim ah, lana xariiro Ciidda iyo dabaal deggeeda in aan halkaan ku xuso.

  1. Cibaadadu ma dhaamaan:     In soonkii dhamaaday, oo bishii waajibka innagu ahayd soonkeedana aan sagoontinay, kama dhigno in aan cibaadadii sagoontinnay, Qur’aankii weli waa uu yaalaa, ee Kitaabka haa ku celin armaajada, ka dhoowrsanaanta waxyaabaha xun, kuma aysan koobneeyn Ramadaan, sii wad cibaadada, xooji xariirka adiga iyo Illaahay idiin dhaxeeyo. Ciddii caabudi jirtay Ramadaan, Ramadaan waa uu dhamaaaday, balse ciddii caabudeeysay Alle weeyne, Alle waa rabbiga bilaha oo idil. Ciiddu waa dhamaadka Soonka, balse ma ahan dhamaadka Cibaadada!. Ciidu waa ka bixitaanka Ramadaan balse ma ahan ka bixitaanka Islaamka!.

  1. Ciidda iyo Cafiska:     Cafinta dadka iyada oo marka hore ba ay ahayd wax wanaagsan, ayaa haddane maalmahan farxadda waxa ay sii tahay muhiim. Waxa uu leeyahay Cali al-Tantaawi; “Ciid Cafis la’aan ah  waa tirada taariikhda oo is badashay uun”!. Waa muhiim in aad cafisid dhamaan walaalaha si aad ugu ciidaan farxad qalbi iyo mid muuqaal ba!.
  2. Dhamaadka soonka; Waa xikmad Illaahay in uu soonku noqdo maalmo kooban oo innaga idlaado, saa darteed ma ahan wax wanaagsan isu bihin bihinta iyo oyitaanka dhaamaadkiisa!, mana ahan ficil ka sugan dadkii wanaagsanaa ee hore, waa arrin ka badbadis badan ku jirto, waa sax in aad ka xumaatid dhamaanshaha bil aad u fadli badneeyd, balse waa ka badbadis oo Ciiddu ba waxa ay ka mid tahay maalmaha Illaahay sida soonka!.

  1. Masaakiinta iyo Ciidda;   karantiilka Coronuhu keenay kama dhigno in uu inoo diido muujinta farxadda ciida, iyo caawinta masaakiinta,  xataa dadka aanan awoodin soo bixista iyo isku imaanshaha, waa muhiim  in aad muujisaan farxadda maalintan weeyn, Xariiriya qaraabada oo ka farxiya caruuta iyo masaakinta, xasuustana ciyaalka agoomada ah, u salaaxa madaxa , oo ka farxiya maalintan.

  1. Ugu danbeeyn haa HILMAAMIN   Gabdhaha u soo jeeday karinta suxuurta, ku daalay karinta afurka, u dhibaatooday dhaqista weelasha, ka farxiya maalintan, oo u hadiyeeyo waloow wax fudud , haa hilmaamin Hooyada, walaasha, xaaska iyo shaqaalaha!.

Dhamaan ummadda soomaaliyeed kuwa maanta ciiday iyo kuwa ciidi doona beri intaba waxa aan u rajeeynayaa Caafimaad, Cibaado suuban iyo Cimri dheer. Allaha na naga aqbalo acmaashi wanaagsanaa ee aan sameeynay Ramadaan.