Iyaga oo togan ayay tuban yihiin bannaan weyn oo buuro leh. Dharkoodu waa wada caddaan, illinta ka soo burqanayso godadka indhaha la guduutay oohinta waa summadda maalintan. Ku soo dhawoow Carrafa: Halkani waa meel barakaysan, kuwaanna waa kuwa uu Alle ugu faano addoomadiisa kale!.
Muuqaalka maanta ayaa ka tiro badan, balse kii hore ayaa ka qurxoon. Inoo celi dib oo aan ku geeyo Carrafo oo joogta 14 qarni ka hor. Halkan ayuu istaagay mid dhulka ku istaago kan ugu wanaagsan. Lugihiisu waxa ay is dul taageen Buurta Carrafa, waxa uuna wajigiisu soo aaddiyay dhanka wax ka badan 100, 000 kun oo waji: waxaa ku jira madoow iyo Caddaan, faqiir iyo taajir, rag iyo dumar, weyn iyo yar, oo dhammaantood dhegahoodu waxa ay wada ahaayeen kuwo u raaracsan hadalka weyn ee ka soo bixi doona afkaas sharafta leh, ee wax baray aqoonyahannada, afka agoonkaas hoggaamiyay ummadaha, afka 63 jirkaas hormuudka u noqday faylasoofyada, Nebiggaas dhameeystiray nebinimada…. Maxaan nasiib lahaan lahayn haddii aan wax ka maqli lahayn afkaas, laakiin haddaba ma nasiib la’ine, aan wax kaaga sheego wixii maalintaas afkaas ka soo baxay.
Waxa uu sheegay: in dhiigageenna, xoolaheenna iyo sharafkeennuba ay ka reebban yihiin ku xadgudub. Waxa uu caddeeyay in xoolaha dulsaarka (ribada) tahay xaaraan.
“Dhammaantiin waxa aad tihiin ilmo Aadan, Aadanna waxaa laga sameeyay ciid, qof carab ah kama fiicno mid cajam ah, cajamna kama wanaagsano carab. Waxaa un lagu kala fiicnaada waa cabsida Alle” ayuu yiri Suubbanuhu si uu sugo maalintaas in aadanahu wada siman yihiin, aysanna jirin cid cid kale ka fiican, waxaanan ka ahayn miisaanka Alle ka cabsiga. Waagaas ayuu sugay silloonaanta aragtida midab takoorka iyo takoor oo dhan. Maalintaas ayuu ka takhallusay aragtida ay maanta dunida 1aad la ciirciirayso.
Waxa uu u qeexay indhihii wada fooraray iyo dhegahii raaracay, in dumarka wannaag loo dardaarmo, si wanaagsanna loola dhaqmo, oo waxa uu maalintaas sheegay wax aysan aqoon hay’adaha xuquuqda dumarka u dooda maanata. Sidoo kale shaqaalaha iyo dadka taagta daran ayuu ku difaacay halkaas. Laakiin kuwa u dabbaal dagayo maalinta shaqaalaha adduunka war kama hayaan.
Waxa uu si cad ugu sheegay dadweynihii maalintaas in aysan jirin cid ka sarreeysa sharciga, lana aqbli karin aargoosiga jaahiliyada xataa haddii uu yahay dhiigga reer Banii Haashim, waxa uuna horay u sheegay in xataa Faadumada gabadhiisa ah haddi ay wax xaddo uu ka gooyn lahaa gacanta, kana fog falkaas Faadumo e.
Ugu danbeeyn waxa uu dardaarmay in aan gadaashii loo noqon gaalo is qoor goyso, is layso, oo is disho sidii xayawaankii. Waxa uu sheegay in waddada lagu badbaadayo tahay raacidda waddadiisa iyo tan afarta hoggaamiye ee ka danbeeya.
Sannadkaas waxaa ka soo wareegatay kun iyo afar boqol oo sano iyo ka badan, maantana waa tan Carrafo mar kale. Wax badan ayaa is beddelay laakiin quruxdau kuma jirin, oo isma beddelin ismana beddeli doontao, yaboohii Alle isma beddelin, hiloowyada quluubtana sidoo kale isma beddelin.
Waa kuwan Alloow addoomadaadii basaasan, oo booreeysan. Waxa ay u yimaadeen dartaa, haa adiga dartaa. Waa martidaadi oo kaaga timid meel walba oo fog. Waxa ay maqleen in suuqa xoreeynta la gaaray xilligiisi, oo waxa ay doonayaan in ay iska iibayaan xumahooda, soona iibsadaan cafis iyo danbidhaaf. Alloow ha ku celin guryohooda ilaa adiga oo noo wada danbi dhaafay mooyee, kana xoreeyay naarta. Waxa ay doonayaan in aad kabtid jabkooda, dhaydid dhaawacooda, hodmisid faqiirkooda, guuleysid kooda laga adkaaday…. Alloow yaa u maqan haddaadan adigu sameeyn sidaa!
Alloow annaga waa ay na dhaaftay markaan istaagidda Carrafa, laakiin waxaanan na dhaafin istaagidda albaabkaaga. Waxa aan ka rajo qabnaa in aad innaga furtid, ma aanan sameeyn wax wanaagsan oo weyn, balse waxa ugu weyn ee aan haysanno ayaa ah: In aan Ku jecelnahay!.
Subax wanaagsan Carrafo… waan soo socdaa weli!...
