Thursday, December 29, 2022

Farriin Furan!.. 5


Haddii aan ogaan lahayn qiimaha waqtigeenna waxaan ka baaqsan lahayn dagaallo badan, oo aysan ahayn in aan galno horraan!. Kuma qasbanid saaxiibkeeyoow, in aad ka qayb noqotid dood walba, aadna daraf ka ahaato dagaal walbo oo hortaada ka dhaco!.. waxaa jiro dagaallo, guul darradooda ay aad u qaraartahay, ku guulaysashadooduna aysan macno weyn lahayn!.. 

Sidaa darteed, taladaydu waxay tahay saaxiib, in aad ka baaqsato, oo aad ilaashato waqtigaaga, dooddaas aanan macnaha lahaynne aad ka fogaatid. 

Waxaan akhriyay mar, in Tukaha yahay shimbirka kali ah, ee ku dhiirran karo isku garab dheririnta Gorgorka!.

Waxuu ku fariistaa korkiisa, waxuuna qaniinaa qoortiisa, laakiin Gorgorka, ma soo dago si uu isga dejiyo, ama uu ula dagaallamo, ee waxa uu sii aadaa sare, kuna duulaa jawi sarreeyo, sida uu sare ugu sii socdo, ayuu iska soo degaa Tukaha, isaga oo soo quustay, maadaama uusan jawigaas sarreeyo u baran in uu ku sii duulo, oo ay neeftu ku dhagayso!..

Saaxiib qaali, baro casharkaas oo iska sare qaad, jawi sare na uga duul, doodaha aanan faa'idada kuu lahayn, iyo la joogga kuwa aanan wax kugu soo kordhinayn!. Haa u oggalaan in aan meesha hoose ee ay joogaan ay ku keenaan, ee sare uga duul oo ka dhig in ay neefta ku dhegto!. Kalsoonidaas ayaa ah waxa kali ah ee aad uga guulaysan karto dagaalkaas, in aad isa sare mariso, oo aadan hoos u soo degin!. 


Nabadgalyo dushaada ha ahaato!.. ❤




Wednesday, December 28, 2022

Farriin Furan!.. 4


Haddii aad i su'aasho dagaalka ugu adag Dagaallada?, waxaan kuugu jawaabayaa, waa dagaalka aad u gashid ilaalinta nadaafadda qalbigaaga!.

Saxiibkeeyoow, noloshan waxay baabi'naysaa qalbiyada, ee wax walbood waydidbo, ilaalso qalbigaaga, qofkii waayo qalbigiisa waa guul darraystay, xataa haddii dunida  oo dhan uu helo!.. 

Mu'minka waa sidii askari ku jiro dagaal joogta ah, noloshan dhexdeeda!.. Askariguna wuu beddali karaa aag degaalkiisa, laakiin kama baxsado furinta!..

Sidaa darteed, beddal aag dagaalka kugu adkaado, laakiin haa cararin waligaa: haddii aad isku dhibbantihiin salaadda habeenkii xilliga danbe, u wareegso sadaqada Maalinta, labaduba waa khayr'e. Soonka sunnada ee aad awoodi wayday, u beddalo xifdinta Qur,aanka!.. Qasab ma ahan in aad hal aag taagnaato, markii uu kugu cuslaadana aad carartid, beddal saaxiib, ajarku waa badanyahaye!.. 

Horay ma xasuusto in aan kaaga sheekeeyay, intii aan Maamulaha ahaa, waxaa jirtay Hooyo iga codsatay in ay bixiso lacagta Iskuulka ee arday agoon ahaa, muddo badan kadib, Hooyadii malaha waxaa ku filnaan waayay biilkii loo soo dirayay, wayna iiga cudur daaratay sii wadista bixinta lacagtii bisha, laakiin waxay u wareejisay bixinta qarashaadka kale ee Iskuulka uga baxayay ardaygaas; Seedka xisabta, Lacagaha Imtixaanka, Buugaagta fasalka cusub iwm. Waxay soo iibin jirtay laba sed oo ah hadba waxa la isaga baahan yahay, mid uu leeyahay wiilkeeda fasalka 4aad, iyo mid ay ugu tala gashay wiilkaas agoonka ah ee fasalka 2aad!. Wali isma yaqaannaan, haddane way waddaa!.. Farriintii koowaad ee aan kuu qoray haddaad xasuusto Hooyadaas magacee ayay mudantahay?!!.. 

Sooma aragtid saaxiibkeeyoow, sida ay suuragal u tahay, aag beddalshada, annagoon ka cararin goobta dagaalka?!. Naftaan haddii aadan wanaagga ku mashquulin, xumaanta ayay kugu mashquulinaysaa, saa darteed ku xambaar, oo ku qasab samaynta wanaagga, xataa marka ay dhibsanayso, noqo sidii Askarigii aan iskala daawannay filinkii ruushka ahaa, ee isaga oo dhaawacan isku qasbayay in uu is qaado, illaa kuu gaaro goobta ciidankiisa.. Haa isku dhiibin dhaawacyadaada, is-dhiibiddaas waxaa ku jiro dhimashadaada!.. 

Saaxiibkeeyoow, Addoonka waxuu ku dhici karaa danbi, laakiin raacsii wanaag, iska ilaali in danbigaaga kuu noqdo jeedal uu Shaydaanka kugu garaaco, uuna marmarsiiyo kaaga yeelo in aad wanaag falin!.. 

Ku jabidda hal aag dagaal, kama dhigno faarujinta furinta, iyo ka baxsashada dagaalka, midda kale saaxiibkeeyoow, Askariga waa ka xaaraan tiirinta qoriga xilliga dagaalka!..

Soo dhicidda hal baal, kama dhigno soo dicidda shimbirka, sidoo kale, jabidda laanta, kama dhigno in dabayshu ka guulaysatay geedkii jirridda weynaa!..

Waad is hayn kartaa, ood adkaysan kartaa, ee haa u jabin shaydaanka waligaa, hana faarujin furinta saaxiibkeeyoow!.. 


Nabagalyo dushaada ha ahaato! ❤



Tuesday, December 27, 2022

Farriin Furan!.. (3)

 Farriin Furan! (3).. 


Macallinkaygii Iskuulka (Kithinji Joseph) aad ayuu ii jeclaa, aniguna u jeclaa, wax uusan dadka kale ku aaminin, ayuu igu aamini jiray, iina dhiiban jiray. Maalin ayuu igu yiri maxaadan iigu hambalyaynayn Ciidda Kirismaska?.. waxaan ku celiyay? Maxaa loo dabbaal degayaa? Waxuu i yiri, Dhalashada nebi Ciise?. Waxaan ku celiyay: Yaa dhalay?, waxuu iigu jawaabay waa wiilki Illaahay?!.. waxaan u sheegay in Diintayda iga hor istaagayso tahniyaddaas. Sababtuna tahay in aan rumaysanahay, in nebi Ciise CS, uusan ahayn wiil Illaahay!. 


Aad ayuu iiga xanaaqay maalintaas, waa markii ugu horreeysay ee uu ogaaday in Jacaylkeennu xuduud leeyahay, ee uusan indho la,aan ahayn!. Saaxiibkeeyoow waa qasab in fikradahaaga cidna aadan uga noqon magan iyo marti, ee aad ku dhawaaqdid waxa aad rumaysantahay, xataa cid kugu qaali ah haddii ay tahay!. 


Kuuma sheegin shakhsiyadda Macallin (Kithinji), waxuu ahaa nin aad u dabeecad fiican, nin naxariis badan, aadna u dhaqan wanaagsan, xaqa waa la dhahaa saxiibkeeyoow, cadaaladdana waxay i faraysaa in aan hadalka runta ah dhaho, runtana ka sheego dadka xataa cid iga caqiido duwan!. Macallin (Kithinji) waxaan xasuustaa, dhoollacaddayntiisi soo muujin jirtay xariiqa bannaan ee labdiisa fool u dhaxeeyay!.. gacan qabadkiis, furfurnaantiisi iyo naxariistiisi. Waxaan dhihi karaa Macallin oo kali ah iima uusan ahayn, ee saaxiib dhow ayuu ii ahaa. Sidaas darteed waxaa badnayd in aan ka wada hadalno Mawduucyo aad uga baxsan Waxbarshada oo aan ka doodno, Xataa arrimaha siyaasadda mararka qaar!.


Waxaan ku kulmi jirnay Iskuulka kadib, galbihii barxadda wayn ee Garoonka (Mpya), halkaas ayaan u imaan jiray daawashada kubadda Cagta, isgana uu ku ciyaari jiray kubadda Shabaqa. Waxaan u ahaa taageero gaar ah, marki ay ciyaar adag jirto, u sabciyo oo dhiirrigeliyo, lana jooga illaa dhammaadka ciyaarta!. 

Aad ayaan isu jeclayn laakiin, waxaa jacaylkiisa igala weynaa Jacaylka caqiiqadayda, waxuu isku dayayay in uu iga dhaadhiciyo in Nebi Ciise yahay wiil Illaahay, anigana waxaan salaad walba akhrin jiray (Lam yalid walam yuulad)., sidaas darteed, waan is keeni waynnay, Jacaylkeennina waxuu ku ekaaday arrimaha kale, caqiido ahaanse waan ku kala taganay, walina ku kala tagsannahay!. 


Markale, saaxiibkeeyoow, aan kuu sheego qof kale, oo aad igu weynaa. Waa Macallin kale oo qaddarin badan aan u hayo, sidoo kale ayuu ii ahaa saxiib igu qaali ah, (Mr Caxton), wali waan xasuustaa eraydiisi, si gaar ah ayuu uga hor marin jiray magacayga ka hor intuusan ku dhawaaqin (My) si ay u noqoto (Cabdicasiiskaygii)!.. aad ayaan u qaddarrin jiray Jacaylkaas, una tixgelin jiray, laakiin waligeey uguma hambalayayn dhalashada nebi uu isaga u yaqaanno wiil Illaahay!. 


Waxaan uga tacsiyayn jiray, garab istaagne ugu muujin jiray dhimashada dadkiisa, ama murugooyinkiisa, waxaan ugu tahniyan jiray ciidaha waddanka, maalinta Geesiyaasha waddanka, iyo dhammaan fasaxyada guud, marki laga reebo arrimaha caqiidada, waxaan xasuustaa (Lakum diinukum waliya diin), sidaa darteed ayay tixgelinteydu ku ekaatay xuduuddeeda!. 


Sidoo kale dadka igu weyn waxaa kamid ahaa, Macallin (Festus Solomon) oo aan aad isugu dhawayn, wali waan haystaa buuggii uu ii siiyay haddiyad ahaan, xataa geeridiisa kadib 7 sano. Maamuus weyn ayaan u hayaa. Waana jeclaan lahaa in aan abaalkaas u gudo!.. 


Laakiin, Marka ay arrintu imaado caqiido saaxiib, illoow wax walba, cidna ha uga gabban in aad caddayso waxaad rumaysantahay, sidoo kalena intaas yaysan kaa reebin in aad caddaalad samayso. Sidaa darteed ayaan rumaysnaa in diintaydu i farayso cadaaladdaas, aana qaddarin iyo maamus weyn u hayo, cid walba oo abaal igu leh, xataa haddii aan kala caqiido duwanaanno. Maanta haddii aan dib isku heli lahayn (Kithinji, Solomon iyo Caxton) waan maamuusi lahaa, laakiin uguma hambalyayn lahayn marna dhalashada Ciise CS, oo aan u aqaan wiilka Maryan iyo addoon illaahay!.


Nabadgalyo korkaada ha ahaato!. ❤



Monday, December 26, 2022

Farriin Furan!.. 2

Ha u malayn sagootinta wax sahlan!.. haddii ay sidaas tahay, looma bixiyeen sanadkii ay dhimatay Khadiijo 'Sanadkii Murugada!'.. Ma awoodo qofka, waayitaanka dadkuu jecelyahay Nebiba ha noqdee!..

Sidoo kale, ma aysan ahayn murugada sanad, kadibne la iska hilmaamay, ee Suubanaha SCW wuu xasuusnaa murugadaas, illaa dhammaadki noloshiisa.. waa sidaas Saaxiib, dadka qaar, way kugu yaallaysaa murugadooda illaa dhammaadka Cumrigaaga!.. 

Saxiibkeeyoow, wali waxaa igu yaallo murugadii waayitaanka Ayeeydeey!.. Haa, ma xasuustaa Maalmahan oo kale afar sano ka hor, xaalkayga siduu ahaa?!.. Maqaal aan ka qoray luuqadda Carabiga iyo Maalinteeda ayaan diyaariyay habeenkii, maalintaas fasal aniga oo ku jiro, cashirna bixinaya ayaa la ii soo sheegay geerideedii!. Waxaan waayay tiir igu weynaa, waxaa iga dhacay gabbal ii ifinayay mugdiyada nolosha ee aanan dhammaadka lahayn!.. 

Saxiibkeeyoow, Ayeeydeey, ma aysan dhiganin Jaamacad waligeed, laakiin waxaan ka bartay, wax aanan ka baran Jaamacaddaydii iyo Kumannaan buugaag ah!.. Wali waxaa ii sawiran dhoollacaddaynteedii, waxaana sanka ii saaran uduggeedii aanan iga go'ayn!.. Saxiib, markaan yaraa, waxaan la yaabi jiray sida ay Ayeeydeey, ugu celcelin jirtay xarafka 'S', illaa aan ku dayday, oo aan inta meel fariisto waxbadan ku celceliyo 'Sssss!'.. lakiin markaan weynaaday, waxaan ogaaday in 'Subxaanallaah' is xigto ay ahayd, ee aysan ahayn 's' kaligeed ah!.. 

Annaga waxaan nahay hilib iyo dhiig saxiibkeeyoow, ee 'Illaahayoow ha noo qaban waxaanan awoodin', suubanaha ayaa yiri isagoo ula jeedo qalbigiisa!.. Haa saxiib, Banii Aadannimadeenna darteed, waxaa jiro wax badan, oo aanan awoodin, aananne xakamayn karin!. 

Waxaan waayaynnaa qaraabo, asxaab iyo dad aan jecelnahay, laakiin saaxiib, waxuu suubanaha na baray 'Sabar', haa dulqaadka waa cajiib, waa dabar qofka ka ilaalinayo gooynta xarigga u dhaxeeya waallida iyo fayoobida ee uu dareemo qofka marka uu la kulmo murugo badan!.. ee aan isa sabarsiinno saaxiib, waa la ammaanay kuwa sabarka isku dardaarmee!.. 

Nabadgalyo dushaada ha ahaato! ❤







Sunday, December 25, 2022

Farriin Furan!.. 1

Waxaan is leenahay, waxuu ahaa sanad adag, oo soo idlaaday, Alla ayaana ku mahadsan in aan badbaadnay!. Laakiin maxaan ka badbaadnay?

Saxiibkeeyoow, badbaadada dhabta ah, waxaan u aqaan in aad ka gudubto Siraadka, oo aad u gudubto Jannada!. Wixii ka soo haro, waa guulo yaryar! 

Saxiib, Guushu ma ahan in aad noolaato!

Jabkuna ma ahan in aad dhimato, laakiin arrintu waxay tahay: Sideed u noolaanaysaa, maxaad se ku dhimanaysaa! 

Ma aqaana sababta uu maskaxdayda ugu soo dhacayo markaan, Muscab binu Cumayr iyo maalintii Uxud, Muscab oo ahaa wiilkii Quraysheed ee quruxda badnaa, hantiilaha ahaa, ee nolosha raaxada ku soo koray, oo yaallo bacaadka saxaaraha, oo sugayo in Qabri loo qodo, ka sii daran, loo waayay kafan lagu asturo, oo qayb maryihiisi la saaray, intii kalana caws lagu deday!. 

Aragtida adduunyada markii lagu fiiriyo, waa geeri aanan lagu farxayn, marki la eego noloshii quruxanayd ee uu soo maray Muscab!

Laakiin xaqiiqada, waa in maalintaas ahayd maalintii ugu farxadda badnayd ee Muscab soo marto! 

Haddii ay 'Noolaanshaha' oo kali ah tahay guusha, maxaa ka badan kuwa Guulaystay!

Haddii se, Geeridu tahay Jabka,  dhammaanteen ugu danbayn waan jabi doonnaa! 

Waxa mudan in aan ka fekarno, waa siduu noqon doona qabrigeenna habeenka koowaad?!

Ma god naareed mise beer janno! 

Saxiibkeeyoow, waxaad i leedahay, cumriga wuu socdaa annagoon samayn guulo waawayn! 

Waxaan ku leeyahay saxiib, yaa yiri guulaha waa kuwa lagu qoro buugta taariikhda uun?, ma qasab baa in guulaheenna dadku wariyaan, meel walbana laga sheego! 

Waxaan nahay geesiyaal saxiib, xataa haddii aanan hoggaaminin ciidamo, oo aanan xaqiijin guulo, ama aanan soo saarin daawooyin, ama aanan curinin qaanuun Fiisigiska ah, ama qaacido xisaabeed ama xataa annagoonan ku guulaysan abaal marinta Nopel!. 

Si aan uga mid noqonno qaanadda Guulaysatayaasha waxaa filan, in aan ahaanno 'Banii Aadan'!, Insaaniyad aan yeelanno, caalam dadku isu baddaleen duurjoog!. 

Waxaan nahay geesiyaal, marka aan fulinaynno amarka illaahay, oo aan kaalmaynaynno waalidiinteen! 

Saxiibkeeyoow, ma xasuustaa Shucayb?!, wiilkii nooga tagay Iskoolka asagoo kamid ahaa kuwa ugu dhibco badan Iskuulka!. Ma garanaysay sababta?!, waxay ahayd in uu Hooyadii oo indha beeshay cid kalana haysan uu caawiyo!, markaas waxaan u arkaynnay in uu fashilmay, madaama uu Iskuulka isaga haray, aydoo waliba Imtixaanki ugu danbaynta soo dhowayhay!, maanta waxaan qirayaa in uu ahaa geesi, ay tahay in lagu daabaco buugaagta Guulaystayaasha!, laakiin saxiib, sooma xasuusatid in aan horay kuu iri: taariikhda marwalba ma caddaalad samayso!.

Hooyadaas, ku mashquulsan barbaarinta carruurteeda, kaga hartay shaqadeeda si ay ubadkeeda wax uga dhigto waa geesi guulaysatay xataa haddii aanan la sheegin, laguna qorin taariikhda!.

Ku darso saxiib qaanadda Guulahaaga, salaadda subax ee aad Jamaacada ku tukatay!, hooyada aad ka farxisay, illinta aad tirtatay, canugga aad ka qosashiisay, xanaaqa aad qarsatay iyo xataa khayrka aad walaalahaa u rajaysay, duni qof wal qofka kale hagardaamdiisa ka shaqaynayo dhaxdeed!. 

Nabagalyo dushaada ha ahaato!. ❤


W/Q:  Cabdicasiis Mubarak.