Saturday, March 2, 2024

Dawladda iyo Shareecada?

 

ARAR:

Dhaqan galinta shareecada iyo isku xukunkeeda, waa eray ku badan dhagaha bulshooyinka Muslimka ah, ee rumeysan in uu jiro Rabbi na uumay, Kitaab uu soo dejiyay iyo ergay uu inoo soo diray, si uu inoogu fasiro kitaabkaas.

Eraygaas “Shareecada”, kuma ekaan dhagaha dadka ee waxa uu noqday halka ay ka duulaan is diiddooyin mushkilado ay ka dhasheen, waxa ayna jahliga iyo fahan darrada diineed keensadeen in eraygii wanaagsanaa uu noqdo utun ku taagan bulshada Soomaaliyeed, ayna u dhexeeyaan u hiloobidda dhaqangelinteeda iyo ka cararka natiijooyinka ay dhaliyeen kuwii sheeganayay dhaqangelinteeda. Sababkaas dartii waxaa u daatay dhiig badan, welina waa uu daadanayaa, waxaa ku kala dhintay dad isku fayoobaa, waxaa ku burburay qooysas, waxaana ku kala tagay Wiil iyo Aabihii. 

Mawduucan waa mid xasaasiyad badan, dad badanne ay ku kala duwan yihiin, sida aan rumeeysanahayne waa in xasaasiyaddu keensanin ka aamusid, ee ay dalbanyso ka hadal, waxa uu mawduucan iga dhex guuxayay waqti dheer, waxaana wax ka qorayay inbadan, haddane waxaa iiga waqti badnaa in aan faafiyo!, maanta ayayne noqtay in uu nuurka arko qoraalkeyga. Qormadan waxaan wax ka taaban doonaa aniga oo ka soo xiganayo buugaag iyo maqaallo laga qoray mawduucan, dhinacyo ay kamid yihiin Fahmidda Shareecada, ku dhaqankeeda, sideen ugu dhaqannaa? iyo maxaan kaga dhaqannaa Shareecada? IQK. Illaahay ayaana ah ujeedka qoraalkeyga, isaga ayaana weydiisanayaa waafajin.

Labo Is-diiddooyin:

Bulshada Soomaalida dhexdeeda maanta, waxaa xoog badan marki laga hadlayo dhaqan gelinta Shareecada labo kooxood oo laba daraf kala ah; Kooxaha Calmaaniyiinta oo diiddan isasoo gelinta Diinta & xukunka, ayaga oona u arko in shareecadu ku tahay khatar, ayna ka hor imaaneyso Xorriyadda dadka. Qolada labaad waa Islaamiyiinta (si gaar ah Madrasada Salafiyiinta) oo u arko in Xorriyadu khatar ku tahay Diinta. Calmaaniyiintu waxay u arkaan Diinta in ay tahay taariikh laga soo gudbay, oo kali ahne anfaceysay xilligii Suubanaha iyo dadkii la noolaa. Halka (Salafiyiinta) ay ka yeeleen taariikhdii waxyi aanan laga gudbi karin, ayne isku dayeen ka dhigidda taariikhda waxyi ay tahay in la qaato, oo la maro hannaanki hab xukun ee ay mareen dawladihii Islaamka soo maray. Labadaas is-diiddooyin ayayna bulshada soomaaliyeed ku dhex luntay, mid kamid ah Mushkiladaha ugu waaweyn ee haystana ay ka dhaxashay.

Haddii aan si mug leh u fiirinno labada dhinac doodahooda, waxaan arkeynnaa in ay jirto wax ay ka mideysan yihiin, waana dhammaadka ama natiijada, oo labada goorba noqoneyso in aan la dhaqan gelin Shareecadii Islaamka, sidaa darteed waxa uu qabaa Dr Muxammad Mukhtaar al-Shanqiidi in Calmaaniyiinta iyo Salafiyiinta ay isku yihiin cadow billowga hore, balse ay saaxiibbo ku noqdaan ama isku waafaqaan dhammadka natiijo ahaan. Salafiyiinta waxa ay u suxul duubayaan waa dhaqangelinta Shareecada, balse waxa ay ku soo koobeen Islaamkii dhacdooyinka taariikheed, waxayne isku dayeen in ay fikrad waliba u helaan mid hore, waana midda aanan noqon karin suuragal.

Calmaaniyiintu waxa ay sidoo kale soo qaateen aragti gaaban, oo u qeybinayso nolosha arrimo adduun iyo kuwo diimeed, waana kala qeybin uusan Islaamka aqoon, uuna sidoo kale aqoonsanayn. Maadaama Islaamku yahay Diin dhammeystiran, aana kala soocayn nolosha adduun iyo arrimaha Aakhiro. Aragtida Islaamka waxa ay ku qotontaa dhammeystirnaan, Diintuna kama koobna  oo kali caqiido iyo cibaado, ee waxaa u dheer toosin akhlaaqeed, Qiyam bulsho, kuwo siyaasadeed iyo kuwa dahqaale intaba, waana tan uu kaga duwan yahay diinta Masiixiyadda sida uu ku xusayo Cali Cissat Beogivish kitaabkiisa “Islam between west and East”.

Haddaba bulshooyinkeenna maanta, waxa ay u baahan yihiin dib u eegidda aragtida ku aaddan Fahmidda shareecada, dhaqan galinteeda iyo cidda dhaqan galineyso, ayada oo la eegayo Mabda’a xorriyadda iyo karaamada dadka ee Qur’aanka ku cad. Fahmidda isma diiddooyinkaas (Shareecada iyo Xorriyadda) iyo dhaqan galinteeda ayay ku jirta helidda xal waara. Taasina waxa ay u baahantahay baaritaan xoog leh iyo daraasooyin qoto dheer oo laga sameeyo mawduucaas, oo aanan halkan  iigu suurtagalayn in aan ku soo gudbiyo.

Fahanka erayga `Shareecada´

Falsafad ahaan, waxaa uu farqi u dhaxeeyaa erayga iyo fahmiddiisa, waxaana muhiim ah fahanka asalka ah ee erayga, ee ma ahan ujeedka eray bixinta. Sida uu ku tilmaamayo Maalik bin Nabi Muslinka casrigan waxa uu u dabranyahay, la haystane u yahay eray-bixinnada isaga oo aanan fahmin ujeedkooda. Erayga shareecaduna waa kamid eray-bixinnadaas halka tafsiir loo sameeyay, iyada oo aanan laga salgaarin macna ahaan asalkeeda.

Erayga ‘Shareecada’ sida uu Qur’aanka u isticmaalay waxa uu ka koobmayaa wax waliba oo uu Alle weyne soo dejiyay ee caqiido, cibaado, Akhlaaq, dhaqan iyo Axkaam intaba leh. Waxa ugu horreeyo shareecadana waa  Caqiidada iyo Cibaaadooyinka.

Qur’aanka dhexdiisa, hal mar ayay ku soo aroortay erayga “Shariico”:{Jaasiya:18} waxa uu ku fasiray Imaamu Dabari “Dariiqa toosan ee Diinta ayaa loola jeedaa”.  Sidoo kale Mufasiriinti ka danbeeysay erayo u dhow ayay ku tafsiirayeen dhammaantood, oo macnuhu ku imaanayo in shareeco loola jeedo Diinta oo dhan. Macnahaas ayuuna ku allifay Imaamu Abu Bakar Al-Aa’juri (Dhintay: 360H), kitaabkiisa uu ugu magac daray “Ashariicah” waxa uuna ku soo arooriyay masaa’il badan oo caqiido iyo tarbiyo ah. Gadashiis waxa uu Allifay Faylasuufkii Muslimka ahaa ee Alraaqib al-Asfahaani (Dhintay 502H) kitaabkiisa caanka ah ee “Aldariicah ilaa Makaarim al shariicah”. Waana kitaab ku saabsan falsafadda akhlaaqda iyo tarbiyada.

Haddabo, haddii aan si mug leh u fahanno macnaha erayga “Shareecada” waxaan ogaanaynnaa in ay tahay mid koobayso diinta oo dhan (Caqiido, cibaado, akhlaaq iyo Qaanuun), waxaa kale oo aan fahmaynnaa in aysan shareecada ahayn mid “laalan” gudaha dalalka Muslimiinta, sida ay sheegtaan qaar kamid ah “Islaamiyiinta”, taas oo ah fikrad Takfiiri ah aana habboonayn isticmaalkeeda. Saa darteed, waxa laalan waa qeyb kamid ah shareecada, ee Muslimiintu waa ay dhaqan galiyaan shareecada, waxaan arkaynnaa in sahreecada la dhaqan gelinayo Caqiido ahaan, cibaado ahaan, Akhlaaq ahaan si guud ay Muslimiinta ilaalinayaan intaas oo dhan, balse waxa maqan ay yihiin labo qodob oo kali ah.

Maxaanan laga dhaqan galin SHAREECADA?

Shareecada waxa aanan laga dhaqan galin dalalka Muslimiinta dhexdooda ee ku laalan waa labo qoddob oo kali ah:

1.    Qiyamka Dastuuriga ah iyo kuwa siyaasadeed ee Islaamku leeyahay oo ay kamid yihiin; wada tashiga iyo wadar oggolka lagu dhisto Maamullada (Shuuraa/Dimuquraadiyada xukunka), Cadaaladda iyo xorriyadda, ula dhaqanka hantida dadweynaha iyo Mansabyada siyaasadeed in ay yihiin kuwa loogu adeegayo dadka, ee aysan ahayn milkiyad qofeed iqk. Qeyb ahaan qeybtan oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan shareecada, waa ay laalantahay, lagumana dhaqmo. Cidda laashayne ma ahayn Gumeeyste iyo cadow  shisheeye, ee waxa ay ahaayeen Muslimiinta laga soo billaabo qarnigii 1-aad ee Hijriga, illaa maanta oo maalinba qeyb ay lumaysay.

2.    Qeybta labaad ee shareecada kamid ah ee laalan, waa qeybta Qaanuuniga ah ee Shareecada, si gaar ah xeerkeeda ciqaabta. Laalitaanka qeybtan waxa uu la yimid Gumeeystihii Yurub ee dalalka Islaamka.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah, in aan aad ugu mushquulno laalitaanka qeybtan ee gumeystaha la yimid, halka aanan laga hadal qeybta kale ee muhiimka ah, ee aan annaga laalnay, sixitaankeeduna ka sahlnayahay, hor tabinna uu ka leeyahay qeybta danbe. Sababtoo ah sixitaanka qeybta hore waxa ay keensanayaa istaagidda dawlad taas oo ay u suurtagali karto dabbaqidda ama dhaqan galinta qeybta danbe ee Qaanuuniga ah. Sidaa darteed Dastuurka iyo Qaanuunka waxaa horreeyo Dastuurka, dhaqan galinta qaanuunka kama suurtagalayso dawlad aanan Dastuur lahayn xilligan.

Ma qeybsamaa Qaanuunka?

Islaamiyiinta qaarkood (si gaar ah Madarasada Salafiyiinta), waxa ay u qeybiyeen Qaanuunka shareecada labo qeybood oo kala ah mid la dagsado (Wadci ah), iyo mid sharci ah. Waxa ayna ka dhigeen sharciga la degsado dhammaantii mid gaalnimo ah, aana si siyaabaha kamid ah ku banaannayn. Taasi waxaa ka dhalatay in lidadkaas wareer badan ay keenaan, fahan xumana sii raacdo. Asalka mushkiladda waa iyaga oo u arko in Ilaha sharci dajinta ee Muslimiinta aysan badan karin, oo aanan laga soo xigan karin sharci il kale oo aanan ahayn shareecada Islaamka, xataa haddii aysan ka hor imaanayn shareecada Islaamka. 

Laakiin si aan taasi u fahanno, waa in aan u aragnaa Diinta Islaamku in ay leedahay aragti dib-u-habayn, dib-u-cusboonaysiin iyo hab-is-kaabayo isaga oo ka qalin daaranayo aragtiyaha bulsho ee jiro, aana duminayn qiyamkii dhisnaa ee sugayo sidoo kalena xoojinayo. Sida uu suubnahuba SCW ku xusay xadiis “Waxaa la ila soo diray dhammaystiridda Akhlaaqda wanaagsan”. Haddaba suubanahu SCW, lama uusan iman warqad cad oo wax cusub lagu qorayo, ee waxa uu sugay wanaaggii horay u jiray, waxa uuna sidaas si lamid ah baabi’iyay xumaantii jirtay.

Qaanuun ama xeer waliba oo aanan ka hor imaanayn shareecada, ama xaqiijinayo maslaxad ay shareecada islaamka u aqoonsatay maslaxad qof ama  mid bulsho, waa Qaanuun sharci xataa haddii laga soo dheegtay xeer talyaani ama Ingriis. Waxa uu leeyahay Sheekh Maxammad Saalim Cabdiwalduud (AU), oo kamid ahaa culimadi ugu waaweynaa Mawritaaniya qarnigii 20aad, “Waxaan maanta u baahannahay ma ahan qaanuun ka dhigidda fiqiga [تقنين الفقه], ee waxa aan u baahannahay [تفقيه القانون] ama fiqi ka dhigidda qaanuunka”. Waxa uuna ula jeedaa waxa aan u baahannahay in aan dib-u-eegid ku samaynno qawaaniinta degsan, si aan u waafajinno fiqiga, aana u celinno waxyiga asal ahaan tooda. Sababtoo ah qawaaniin badan oo loo yaqaanno maanta kuwa la degsaday [wadci ah], waa kuwa sharci ah, oo waafaqsan maslaxadda shareecada ee ilaalinta nafta ,caqliga, sharafka ama hantida. Tusaale haddii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo sharciga Taraafikada, waxaan leenahay sharcigaas waa sharci Islaam mana ahan mid la degsaday (xukun ahaan) [wadci ah], lagumana tilmaami karo sharci gaalnimo ah, xataa haddii laga soo min-guuriyay sharciga taraafikada ee Talyaaniga. Sabab?, sababtoo ah waxa uu waafaqsanyahay tiir ay shareecada ilaalisay oo ah bed qabka nafta. Haddabo xeer waliba oo ilaalinayo inta ay shareecada ilaalisay, oona waafaqsan guud ahaan, waa sharci Islaam annaga oonan eegayn asal ahaantiisa halka laga keensaday.

Si ka duwan sida ay Islaamyiinta qaar qabaan, waxaan arkaynnaa in ilaha sharci dejinta oo kala duwanaado, aysan ka hor imaanayn shareecada, haddiiba ay tahay shareecada Islaamka, isha ugu weyn ee loo soo laabanayo, loona eegayo sharciyada la dajinayo. Waxaana taas daliil u noqonayso Dastuurkii Madiina [وثيقة المدينة], oo ahaa dastuurkii ugu horreeyay taariikhda ee qoran sida uu qabo Dr Muxamad Xamiidullaah oo ku qoray cilmi baaristiisa magaca “Madiina Constitution- the first consistution in the world”. Waxa uuna ku dhex xusayaa in ay ka mid ahaayeen qodobbada Dastuurka Madiina  kuwo sugayay caadooyinkii mag kala qaadashada ee qaar kamid ah qabiilladii carbeed. 

Kala saaridda xeerarka Akhlaaqda iyo kwa qaanuuniga

Waxaa muhiim ah kala soocidda Axkaamta akhlaaqda ah iyo kuwa qaanuuniga ah ee shareecada, [Morality and Legality] waana mid ka mid ah meelaha uu wareerka badan ka jiro. Akhlaaqda waa qodob hoos imaanayo awoodda damiirka qofeed iyo kan bulsho, oo aysan soo dhex gali karin awoodda Dawladda. Halka qodobbada Qaanuuniga ah cidda fulinayso, awooddana u leh in ay soo dhex gasho ay tahay dawladda oo kali ah. Haddii aan u fiirsanno luuqadda Usuuliyiintii hore (Culimada Usuulu fiqiga), waxa ay u kala soocaan axkaamta (Xuquuqda Illaahay) oo ay ula jeedaan axkaamta cibaadada, sida salaadda, soonka, xajka, akhlaaqda iwm. Kuwaas oo ay masuuliyad ka saarantahay Damiirka qofka, dawladduna shaqo aysan ku lahayn soo dhex galkeeda. Qeybta labaad oo ah (Xuquuqda Dadka), oo ah arrimaha ay dawladda shaqada ku leedahay soo dhexgalkeed marki loo baahdo ama fulinta axkaamta ka dhalato sida Qisaasta, magta, xuduud oofinta iwm. Waana waajib saaran dawladda in ay ilaaliso. Haddabo dawladda kuma qasbi karto dadka cibaadooyinka shakhsiga laga doonayo, ee waxa ay ku qasbi kartaa arrimaha ku saabsan xuquuqda  dadka ee ay wakiilka ka tahay.

Xeeldheerayaasha cilmiga Falsafada Akhlaaqda “Moral Philosophy” waxay u qeybiyaan heerarka mas’uuliyadda akhlaaqeed seddax Awoodood oo kala ah; Awoodda Damiirka qofka, oo ay ula jeedaan akhlaaqda gaarka ah ee ay mas’uuliyadda ka saarantahay damiirka qofka, sida ku gudashada salaadaha Jamaaco, runta, amaanada, iwm. Heerka labaad waa Awoodda bulsho, kaas oo reebayo in bulsho ahaan akhlaadu doorsoonto, waana awood xakamayneyso xarga goosashada akhlaaqeed ee bulsho wadar ahaan ku dhici karo. Awooddan waxay ka celisaa dad badan in ay khalad ku dhacaan, iyaga oo ka cabsi qabo canaanta damiirka bulsho, kana xishoonayo aragtidaas. tusaale qof ayaa laga yaabaa in uu u guto salaadaha jamaaco, isaga oo iska ilaalinayo damiirkaas bulsho, Awooddan waa mid aanan qasbid xaq u lahayn. Heerka seddaxaad ee mas’uuliyadda akhlaaqeed waa Awoodda Dawladda, oo ugu danbeeyso, imaanaysana labada hore kadib, waxayna ku tacaluqdaa arrimaha dadka ka dhexeeyo ee kala saaridda u baahan, ama waxa lagu yiraahdo luuqadda fiqiga (Xuquuqul cibaad). Oo ah Cibaadooyinka u dhexeeyo addoonka iyo Rabbigiis dawladda xaq uma leh in ay soo dhex gasho, ama fara galin ku sameeyso iyada oo ku qasbeeyso qofka in uu sameeyo. Taasi waxaa daliil u ah, in Suubanahu (SCW) uu sheegay in uu damcay in uu ugu tago guryaha dadka aanan jamaacada masaajidka ku tukan, oo aan ku soo gubo. Taasi waxay dadka qaar daliil uga dhigteen in la isku qasbo, balse lidkeeda ayay u daliil tahay, sababtoo ah ma uusan samayn suubanaha SCW, haddii uu samayn lahaa, hubaal waa uu buuxsami lahaa masaajidka maalinta xigta, balse dadkaas ma waxay u yimaadeen Illaahay dartii, mise ka cabsashada gubitaanka guryahooda?!. Arrinta ugu muhiimsan ee aysan dawladda ugu bannaanayn ku qasbidda dadka cibaadooyinkooda, waa iyada oo faafinayso is-tuska iyo cibaadada oo beesho ujeedkeedii ahaa (فأعبدالله مخلصا له الدين، الا لله الدين الخالص).

Waxaan aragnay qaar kamid ah dhaqan galinta doorsoon ee shareecada sharfan, taas oo awoodaha qaar ay ku qasbayaan dadka in ay xiraan goobahooda ganacsi salaadaha dartood, ama ku qasbayaan xiritaanka maqaayadaha xilliyada soonka, dhaqammadaas oo ah kuwa aanan sal iyo raad ku lahayn shareecada suuban. Nebiga (SCW) ma uusan lahayn ciidamo biliis ah oo dadka xoog ugu kaxeeyo salaadda, ama ka xiro goobahooda ganacsi, ama ku qasbo soomitaan, balse waa uu fari jiray, boorrin jiray, una tala saaran jiray niyada iyo qancitaanka qofka. Haddii kale waxaa faafi lahaa munaafaqnimada diimeed iyo tan dhaqan oo aan maaanta aragno natiijadeeda.

Gebogabo

Ugu danbeyntii, shareecada Islaamka dhaqan galinteed waa yool sharfan, waajib ummadeedna ah, balse waddada loo marayo iyo hannaanka lagu gaarayo ayaa u baahan fahmid iyo dhaqan galin. Shareecada Islaamka dhaqan galinteeda maanta waxa u tallaabo koobaad ah –sidaan qabo- Dhisidda iyo dib u-soo-celinta qeybta sharciyadeed ee Dawladda, taas oo keensanayso in la helo dawlad Dimuquraadiyad ku dhisan, ilaalinaysana xorriyadda iyo karaamada qofka, dhawraysane xuquuqdsiisa ay shareecada ilaalisay, oona simayso xuquuqda qanuuniga ah ee muwaadinka iyo madaxdiisa, waana midda uu ka qoray Dr Muxammad Mukhtaar al-Shanqiidi, cilmi baaristiisa uu ugu magac daray Sharciyadda ka hor Shareecada [الشرعية قبل الشريعة].

Illaahayoow uga gargaar diintaada kuwa “U-gargaarayo diinta”, ugana hiilli shareecadaada kuwa “U-hiillinaya shareecada”!..

 

Tixraacyo:

1-    تفسير الطبري

2-    الجامع لأحكام القرآن ابن العربي

3-    الذريعة الي مكارم الشريعة راغب الأصفهاني

4-    مقاصد الشريعة الإسلامية أحمد الريسوني

5-    التشريع الإسلامي إبن عاشور

6-    السياسية بين الصحابة د.محمد المختار الشنقيطي

7-    الأزمة الدستورية في الحضارة الإسلامية د. محمد المختار الشنقيطي

8-    The first constitution of the world- DR Muhammad Hamidullaah

9-    Islam Between East and west- Ali Izetbegovic

10-                       The elements of moral philosophy – James Rachless

11-                       An introduction of moral philosophy – jonathon wolf

12-                       تطبيق الشريعة في المجتمعات الحرة مركز دراسات التشريع الإسلامي والأخلاق د. محمد مختار الشنقيطي.

 

 

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak

Buugjecel@gmail.com                                                 

No comments:

Post a Comment