Waxuu wariyay Ibnul-Jawsi
dhacdo ka dhacday xajka xilligiisi, waxuu sheegay in xilli ay xujayda
dawaafayeen kacbada, qaarna ay biyo ka darsanayeen ceelka Samsamka, uu yimid
nin reer baadiya ah, uuna xaytay maryihiisi, kadibne uu ku kaadiyay ceelkii
biyaha Samsamka!. Dadki ayaa ku soo yaacay, si xunne u garaacay, illaa ay
askartii ilaalada ka fujiyeen, waxaana la horgeeyay madaxii Makkah ee xilligaas.
Waxa uu weydiiyay sababta ku kalliftay in uu sidaas sameeyo?, waxa uuna ku
jawaabay
Foolxumada iyo
liiddanaanta falka ninkaas kadib, waxa uu ku ugu suntay magaciisa taariikhda
doqonnimadiisa iyo foolxumad ficilkiisa, waana halka ay la gaartay raadinta
caannimada, iyo jacaylka is-muujinta, waxa uuna sidaas ugu noqday caan, waloow
ha ka soo-galo mid kamid ah albaabada ugu xun ee ugu hooseeyo taariikhdee, si
gaar ah falkaas oo aanan u baahnayn wax u dedaalid dhaqaale ama dedaal bixin
ah!
Qofki eego maanta
waaqaceenna, iyo nolosha baraha Bulshada, waxa uu ogaanayaa in ninkii ree
baadiyaha ahaa, ay madrasadiisa ka soo baxeen arday badan, uuna yeeshayba
taageerayaal aanan la tirin karin, kuwaas oo ku tunto xeerarka Bulsho, oona
hareer maro dhaqammada toosan, kana tallaabsado Anshaxa iyo mabaad’ida toosan. Waxa
ugu weyn ee ay raadinayaan ayaa ah caannimada, sheegidda, Jacaylka
soo-muuqashada iyo is-caan-bixinta!
Tusaalayaasha ardayda
Madarsada ninkaas waxaa kamid ah; kuwa Baraha bulshada tuuran ee ku caanbaxay,
ama ba isku-caan-bixiyay cayda, aflagaaddada, wax-kasheegga qabiillada iyo
duridda dadka wanaagsan!
Si aad u ogaato tira
badnida ardayda Ninkaas, waxaad tagtaa TIKTOK, si aad u aragto heerka akhlaaq
liidasho, dhaqan hoobasho iyo garaad xumo ee dhallinteennu marayso!, waxa aad
arkaysaa Haweeneey marwo ah, oo marba meel ka duubayso jirkeedi, ninkeedi
(anigoo ka xun in aan ku dari karin rag ah!), gurigeedi iyo wax walboo qarsoonaa,
ayna ahayd in ay daboosha!
Waxaad arkaysaa gabar
dhallinyaro ah, laga yaabo in ay ardayd tahay (Anigoo ka xun in aan summada
ardaynimo u qiro!), oo marba meel ka duubayso jirkeeda, lana niikinayso niman
kale oo marba meel qabsanayo!. Waxaad arkaysaa wiil dhallinyaro ah oo afkiisa
uusan lahayn dabar, dibnihiisuna lamid!, oo hadbo waxa uu isleeyhay way ka
yaabin karaan bulshada dheh oo samee, asagoonan dhib u arkayn in laga
cuudibiilaysto, ama la ammano, masaajidda laga sheego ama la dhiirrigeliyo!. Waxaa
kamid ah kuwa qoraa isku-sheegyaal ah, oo ka tallaabo xeyndaabka anshaxa iyo
af-gobaadsi, ayaga oo ugu raadinayo buugtooda suuq sidaas!
Waxaan dhimrin u
dareemayaa ninkaas ku kaadiyay biyaha Samsamka iyo garaaca uu la kulmay,
laakiin maanta ay ardaydiisa maamuusayihiin, billad sharafyo ayaana la
guddoonsiiyaa, ammaan iyo dhiirrigelin badan ayaana loogu daraa!. Haddabo
waxaan si aamusan isku weydiinayaa; dhibtu waa halkee? Ma dhaqankeennaa? Mise
waa dhadhankeenna oo waxaan ku dhiirran la’nahay cabburinta codadkaas caannimo
doonka ah?, mise waxaan dhibaatada ku tuurnaa Macallinkaas baas, ee maalintaas
ku kaadiyay ceelka, illaa maantana ay qulqulka kaadidiisa hallaynayso
ceelasheenna iyo illaheenna biyo?!

No comments:
Post a Comment