Maxaan
isku khilaafaynna?!.
-----------------------------------------------------------------
Dadka Muslimiinta ah waxaa
badan, waxyaabaha mideeyo, la isku raacsanyahy, laguna kala tagsanayn, wixii ka
soo haro, waxa ay u badan yihiin waxa la isku qabsado masaa’il faraceed uusan
ku soo aroorin nas cad, ama tafsiirkiisa lagu kala geddisnaado. Meelaha
sixitaanka u baahan ee inbadan doodaha dhaliyo waxaa kamid ah; in masaa’ilka
faraca ah la isku qabsado, wadaaddada ama xubnaha jamaacooyinka Islaaamiga ahne
ay ku kala tagaan; arrimahaas oo u badan kuwa ay culimadii hore isku khilaafeen
xaaraantinimadooda ama xalaalnimadooda, waajibnimadooda ama sunnanimadooda!.
Waxaad arkaysaa iyaga oo
buuq badan ka dhalinayo, ama dagaal ka kicinayo arrimo khilaaf badan ka jiro,
tusaale; Sii deynta garka, gaabinta ama xiiriddiisa, dheeraynta dharka ama
gaabintiisa (ragga), gacmaha halka la saarayo xilliga salaadda la taaganyahay;
xuddunta korkeeda ama xabadka!, Heesaha iyo aaladaha loo isticmaalo; xaaraan,
xalaal mise wax la koho, sawirka iyo surashadiisa darbiyada, niqaabka dumarka
iqk. Oo badan kuwaas oo dhammaantood markaad eegtid ah masaa’il horay iyo
gadaal ba dood badan ka taagneyd, khilaaf badanne culimada kaga dhex jiray!.
Haddaba mushkiladdu ma
ahan qofka, in uu baaritaankiisa kaga qanco ra’yi gaar ah oo ku saabsan
mas’alada, balse dhibka aan tilmaamaya ayaa ah, in halbeeg lagaaga dhigo
aragtidaada ku aaddan mas’alo farci ah, oo aad addoomada Illaahay ku xukuntid
aragtida aad ka qabto mas’alo khilaafi ah, kadibne aad ka hadashid masiirkooda
iyo xukunkooda aakhiro, mas’alooyinkaasne aad u aragtid sidii iyaga oo ah asaas
caqiido oonan lagu kala tagi karin!. Dadka noocaas ah halbeeg ay kugu xukumaan
ayay kaaga dhigayaan mas’alooyinkaas iyaga oonan marne soo hadal qaadeyn inta
ka badan ee la isku waafaqsanyahay, markaasuu ka tagayaa tiirarkii Iimaanki,
Islaamka, Dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqda suubban ee lala soo diray suubbanaha
SCW in uu dhammaystiro, waajibaadka la isku raacsanyahay iyo xaaraanta la isku
raacsanyahay, waxa uuna wax walba u arkaa, dood ka kicinta iyo weydiimaha ku
dhisan arrimahaas khilaafiga ah!.
Waxyaabaha aan u
diiddanahay dadkaas:
1. Jaceylka
dood-kicinta: waxaa summad u ah dadka noocaas ah, in ay dood ka kiciyaan ku saabsan arrimaha la isku khilaafsanyahay
meel walba, masjidka, muxaadarooyinka iwm. Waa dood sugid jiritaan ku dhisan
iyo is-muujin joogid!.
2. U-arkidda
in aragtidooda uun sax tahay; arrintaas oo keensanayso isku qancid ay la jirto
isla-weynin, waana u arkidda in aragtidaadu tahay sax aanan khalad noqon karin,
halka aragtida qofka ka soo horjeedana tahay a khalad aanan sax noqon karin!. Waxa ayna kuwaaas inkirayaan ama is-inkirsiinayaan,
in mas’alooyinka khilaafiga ah lagu kala aragti duwanaan karo, caalimka
(Mujtahidka) ahne uu ku yeelan karo aragti isagoon caalim kale u daba
fariisanayn, halka qofka caamiga ah ee aanan aqoon u lahayn cilmiga uu kaga
dayan karo caalim dedaalay (Mujtahid) aragtidiisa!.
3. Tixgelin
la’aanta arrimaha la isku raacsanyahay: waxa aan ku lunnay waxaa kamid ah, in
aan ku mashquulnay arrimo yaryar kuwaas oo naga indho tiray arrimo waaweynaa oo
mudnaa tixgelin iyo weynayn, in sees iyo saldhig looga dhigo xukminta qofka;
aragtidiisa ku aaddan mas’alo yar, waa indho la’aan jahli iyo marin haabid
cad!.
4. Jacayl
buuq-dhalin iyo dood: Waxaan inbadan u fiirsaday in dadka noocaas ah, ay iska
jecel yihiin buuqa, doodda iyo muranka, waana wax xun oo waqtiga oo ah waxa ugu
qaalisan ee aan haysanno inbadan naga cunayo, dedaalladana baabi’iyo. Xadiis
ayaa ahaa “Kama baadiyoobaan qawm hanuun ay ku sugnaayeen illaa waxaa ay lagu
sallidaa dood!”. (Axmad iyo Tirmidi). Waxaana kamid ahaa hanuunkii Suubnaha SCW
necbanaanta doodda iyo muranka.
5. Isla-saxnaan
indho la’aan ah: waxaana laga dhaxlaa is-cajabin iyo in uu qofka naftiisa u
arko marwalba mid saxan. Waana wax aad u xun in qofka ka indho la’aado
ceebihiisa, maanta dhanne uu arkayo ceebaha dadka kale.
6. Ka
malaysashada dadka wax xun: arrintan aad ayay u halis tahay, suubanahuna waxa
uu noo dardaarmay ka maleysashada mu’miniinta wax wanaagsan. Nasiib darro,
waxaan arkeynnaa in qofki lagu arko wax kamid ah masaa’ilka khilaafka ka jiro,
iyada oo dadka qaar ay qofkii xukminayaan, oo ay ugu yeerayaan naanayso xun
sida (Faasiq, calmaani, diinlaawe iwm.)!. Qofki aad aragtid in uu surwaalkiisu
dheeryahay kama dhigno in uu yahay qof xun, waxaaba dhici karto in uu kaa
fiicanyahay, ee aan Illaahay ka cabsanno oo aan umadda isu soo dhaweeynno, inti
aan kala fogeyn lahayn!.
W/Q: Cabdicasiis Mubaarak.

No comments:
Post a Comment