Ku dayo kuwan (2).❤
15kii Febraayo 2015 waxaa dhintay Steve Jobs, oo ahaa maamulaha fulinta ee shirkadda Apple.
Steve aabihiis ugama dhiman hanti badan, kamana uusan dhaxlin shikrad, ee isaga ayaa ka soo billaabay cagta hoosteeda, dadaal dheeraad ahne geliyay illaa uu ka aasaasay shirkadda Apple.
Imaamka weeyn ee Maxammed Bin Ismaaciil al-Bukhaari, oo ahaa faqiih iyo xadiis aqood dhul badan maray, ayaa dedaal walba geliyay sidi uu u soo aruurin lahaa xadiiska sugan ee suubanaha laga soo weriyay.
Kalmad uu sheekhiisa maalin ku yiri ayaa taabatay "yaa inoo soo aruurin karo xadiiska nebiga kiisa sugan ee saxiixa ah", kalmaddaas Bukhaari waxa ay ku riixday in uu isga dusha u rito shaqadaas, hawshaas culus na uu u xirxirto.
Waxa uu ku soo wareegay dunida, isaga oo kasoo xiganayo dadka lagu kalsoonyahay, xadiiskana laga qaato axaadiista suubanaha ee Saxiixa ah.
Waxa uu yiri, "Waxaan ku socday lugtayda 1000 farsakh, deedna waan hilmaamay tiradii..". Waa wax u dhigmo 5,000 Km, si uu u soo helo xadiis saxiix ah!.
Dedaal, dul-qaad, joogteeyn iyo naf hurnimo, ayaa gaarsiisay imaam Bukhaari heerkaas. Qof waliba oo xadiis weriyana imaam Bukhaari waxaa loogu darayaa miisaankiisa xasanaatka.
Steve jobs, Imaam Bukhaari iyo kumannaan dedalayaal gaaray ah, waxaa inoogu sugan tusaale aan kaga dayanno, in wixii lagu dedaalo la gaarayo.
Maskax furnaanta iyo hibada waa wax wanaagsan, laakiin ma filno, oo waxaa qasab ah in lagu daro, dedaal, joogtayn iyo ku toosnaanta hadafyada, kolkaas unbaa la gaari karaa guul!.
Ka xifdi Steve Jobs, kalmad cajiib ah oo uu leeyahay, waxuu yiri: "Muhiim iima ahan in aan noqdo maal qabeen weeyn, waxa ugu badan ee muhiimka ii ah, waa in dhammaadka maalintaas aan dhigo madaxyaga barkinta, iyada oo wax soo kordhiyay!."
Hadda: ku billoow magaca Alle, oo samee guushaada kuu gaarka ah. ku lar dedaal, dhiirrinaan, adkeeysi iyo joogteeyn.
Haddii aad leddahay yool, billoow maanta oo isku day, igana xifdi: "Dedaaluhu waa uu gaaraa"!.
-Ramdaan Mubaarak.❤
W/Q: Abdiaziz Mubarak.
25.04.2021.
No comments:
Post a Comment