Showing posts with label Ku dayo kuwan!. Show all posts
Showing posts with label Ku dayo kuwan!. Show all posts

Monday, May 3, 2021

Ku dayo kuwan (3)♥️


Boqor ayaa lahaa wasiir xikmad badan oo la taliyo, meel walbana u raaco. Mar walbo oo uu boqrka wax uu dhibsanayo ku dhacaan, wasiirka waxa uu ku oran jiray "Khayr in ay tahay ayaa laga yaabaa"!. Deedna boqrku wuu degi jiray.

Maalin ayaa la gooyay far kamid ah farihii boqorka. Aad ayuuna uga murugooday. Laakiin wasiirkiisi sida caadada u ahayd ba waxa uu yiri "Laga yaabaa in ay khayr tahay!".

Boqorkii oo xanaaqsan ayaa ku celshay, oo waa maxay khayrka ku jiro?!. Waxa uuna faray in la xiro wasiirika. Laakiin wasiirkii oo dhoolla cadeeynayo, ayaa mar kale yiri "laga yaabaa in ay khayar ii tahay"!.

Maalin ayuu boqorkii u baxay ugaarsi. Waxaa ka kale fogaaday ilaaliyaashiisi, isaga oo cayrsanayo ugaar, ayaa qafaalatay koox dadka hilibkooda cuno, waxa ayna damceen in ay ku cunteeyaan. Laakiin waxaa soo baxday in farta ninku go'antahay, waana baasaysi xun xaggooda. Saa darteed waa ay iska fasaxeen.

Marki uu ku soo noqday boqorkii qasrigiisa , ayuu soo xasuustay wasiirkiisi dhihi jiray oraahdii caanka ahayd ee "Laga yaabaa in ay khayr tahay"!.

Waxa uuna faray in loo keeno wasiirka. Waxa uuna u sheegay in uu helay khayrkii ka danbeeyay gooynta fartiisa, laakiin waxa uu su'aalay, in muddo dheer uu u xiran yahay danbi la'aan, ee maxay tahay khayrka ka danbeeyo xariggaaga?.

Wasiirki ayaa ku jawaabay: haddii aadan i xiri lahayn, waxaan kula aadi lahaa ugaarsiga, deedna waa lana wada qafaalan lahaa, kadibna adiga markii lagu soo daayo , aniga waa la i reeban lahaa sababtoo ah waan caafimaad qabaa, wayna i cuni lahaayeen qabiilka badalkaaga!.

Khayrku mar walba waxa uu ku jiraa qadarta illaahay iyo xukunkiisa, xataa haddii aysan gaarayn caqliyadeenna xikmadda ka danbeeyso!.
Si uun ayàad u ògaan doontaa in waddada uu illaahay kuu dooray ay ka fiican tahay kun aad adugu dooran lahayd!.  Lagana yaabaa in waxa aan nacaynno ay wanaag yihiin!.

Ha hilmaamin sheekadii Khadar iyo Nebi Muusa CS, iyo duleelintii doonta oo dadka doonta ay dhib u arkayeen, se badbaadadooda ahayd!.

Mar walba ku qanac qadarta Eebbe, ogoowna in uusan waddo xun marna kuu dooreeyn.. ku kalsoonoow rabbi, oo dheh wax walbo oo kugu dhaco: "Laga yaabaa in ay khayr tahay!".

-Afur wanaagsan.❤

✍ AbdiAziz Mubarak

Saturday, May 1, 2021

KU DAYO KUWAN! (2)

               Ku dayo kuwan (2).❤


15kii Febraayo 2015 waxaa dhintay Steve Jobs, oo ahaa maamulaha fulinta ee shirkadda Apple.
Steve aabihiis ugama dhiman hanti badan, kamana uusan dhaxlin shikrad, ee isaga ayaa ka soo billaabay cagta hoosteeda, dadaal dheeraad ahne geliyay illaa uu ka aasaasay shirkadda Apple.

Imaamka weeyn ee Maxammed Bin Ismaaciil al-Bukhaari, oo ahaa faqiih iyo xadiis aqood dhul badan maray, ayaa dedaal walba geliyay sidi uu u soo aruurin lahaa xadiiska sugan ee suubanaha laga soo weriyay.

Kalmad uu sheekhiisa maalin ku yiri ayaa taabatay "yaa inoo soo aruurin karo xadiiska nebiga kiisa sugan ee saxiixa ah", kalmaddaas Bukhaari waxa ay ku riixday in uu isga dusha u rito shaqadaas, hawshaas culus na uu u xirxirto.
Waxa uu ku soo wareegay dunida, isaga oo kasoo xiganayo dadka lagu kalsoonyahay, xadiiskana laga qaato axaadiista suubanaha ee Saxiixa ah.
Waxa uu yiri, "Waxaan ku socday lugtayda 1000 farsakh, deedna waan hilmaamay tiradii..". Waa wax u dhigmo 5,000 Km, si uu u soo helo xadiis saxiix ah!.

Dedaal, dul-qaad, joogteeyn iyo naf hurnimo, ayaa gaarsiisay imaam Bukhaari heerkaas. Qof waliba oo xadiis weriyana imaam Bukhaari waxaa loogu darayaa miisaankiisa xasanaatka.

Steve jobs, Imaam Bukhaari iyo kumannaan dedalayaal gaaray ah, waxaa inoogu sugan tusaale aan kaga dayanno, in wixii lagu dedaalo la gaarayo.
Maskax furnaanta iyo hibada waa wax wanaagsan, laakiin ma filno, oo waxaa qasab ah in lagu daro, dedaal, joogtayn iyo ku toosnaanta hadafyada, kolkaas unbaa la gaari karaa guul!.

Ka xifdi Steve Jobs, kalmad cajiib ah oo uu leeyahay, waxuu yiri: "Muhiim iima ahan in aan noqdo maal qabeen weeyn, waxa ugu badan ee muhiimka ii ah, waa in  dhammaadka maalintaas aan dhigo madaxyaga barkinta, iyada oo wax soo kordhiyay!."

Hadda: ku billoow magaca Alle, oo samee guushaada kuu gaarka ah. ku lar dedaal, dhiirrinaan, adkeeysi iyo joogteeyn.
Haddii aad leddahay yool, billoow maanta oo isku day, igana xifdi: "Dedaaluhu waa uu gaaraa"!.

-Ramdaan Mubaarak.❤

W/Q: Abdiaziz Mubarak.

25.04.2021.







Ku dayo kuwaan! (1)

 (1)

KU DAYO KUWAN! ❤


Waxaa la sheegay in nin uu ku dhacay ceel. Qayli iyo colcolaad ka dib, waxaa maqlay dadkii deegaanka oo u soo gurmaday, badbaadintiisana isku hawlay, kuna guuleeystay soo saaritiisa. 


Nin ayaa u keenay koob caano ah, waa uuna qurquriyay. waxaa la su’aalay sida uu ugu dhacay ceelka?, waxa uu billaabay in uu u sharxo sidii uu ugu dhacay, waxa uu ku fariistay qarka ceelka, si uu u tusiyo sidii uu ugu dhacay. laakiin nasiib darro waa uu ku dhacay mar labaad, se markaan naf looguma tagin oo waa uu dhintay. 


Sheekh Maghaamsi oo sharxaya sheekadan waxa uu leeyahay: “Ninkan waxaa kaga dhinneeyd risiqiisa koobkaas caanaha ah, markii uu cabayne, waxa uu ku dhacay isla meeshii laga soo badbaadiyay, waa uuna ku dhintay”. 


Haa u baqino risiqiinna iyo wixii aad cuni lahaydeen, waa ballan qaad Illaahay, mana dhimanayso naf iyada oonan dhameeystiran wixii loogu tala galay. 


Haa ka walwalino wixii aad cuni lahaydeen, ku qanac intii lagu qoray, oo rumeeysnoow in aadan dhimeneeyn adiga oonan hanan wixii laguu qoray.


✍AbdiAziz Mubarak.

                 Soonqaad Wanaagsan!.