Dagaalkii Uxud marki ay Muslimiintii suubanaha uu faray in ay ku nagaadaan buurta, ay ka soo degeen. Khaalid na uu ka faa’iideeystay fursaddii, oo uu Muslimiinta dhabar jebiyay, ayaa dagaalkii ka dib waxa ay qaar muslimiinta ka mid ah isa su’aaleen halka uu jabka uga yimid. Illaahay ayaa isaga oo ka jawaabayo su’aasha musliiminta, sababeeynayane dhibtu halka ay ka heshay, ayaa waxa uu soo dejiyay aayadda 165-aad ee Suradda al-Cimraan.
(( أَوَلَمَّآ أَصَٰبَتْكُم مُّصِيبَةٌ قَدْ أَصَبْتُم مِّثْلَيْهَا قُلْتُمْ أَنَّىٰ هَٰذَا ۖ قُلْ هُوَ مِنْ عِندِ أَنفُسِكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌ )).
“Haddii ay idin asiibtay (idin ku dhacday) Dhibaato waxa aad asiibteen adinkuba laba jibaarkeed (Badar) Waxa aad dhahdeen xaggee nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa: Naftiinna xaggeeda, Eebana wax kasta waa uu awoodaa”.
Illaahay waxa uu Muslimiinta ka diiday in ay guul-darradooda u saariyaan cid kale, ama ay kaga marmarsiiyo dhigtaan dhabar jebinta Khaalid, ayna hilmaamaan masuuliyadda naftooda. saa darteed waxa uu Illaahay ugu jawaabay: waxa aad tiraahdaa nebi Muxammad-oow, naftiinna ayaa la idiin ka gaaray, oo guul darradiina adinka ayaa u sabab ah, goortii aad jabiseen amarkii Suubanaha
(CS).
Dulucda qisaddan ayaa inoo muujinaysa, sida aan in badan u jecel nahay in aanan qaadan masuuliyadaheenna, oo ay u badan tahay in aan cid kale ka saarno dusha jabkeenna.
Sidaas oo kale wax walbo oo hareeraheenna ka dhacayo waxa aan ku leennahay saameeyn toos ah ama ba mid dadban, ama aan garoowsanno ama aan ka mooganaanno, waxa ay tahay xaqiiqda in inbadan aan innaga fara ku leennahay falalka fiican iyo ku foosha xun-ba ee nagu dhacayo!. Tusaale;- Sameeynta doqomo caan ah, bulshada ayaa ka qayb qaadato, innaga oo dhiirigelinno, oona dawaadayaal u noqonno doqon-nimadooda. se haddii ay waayi lahaayeen cid daawato, kuma aysan dhiiradeen sameeynta doqonnimadaas!.
Sidaas oo kale; Guul darrooyinkeenna yaryar ee kuweenna waaweeyn ba, innaga ayaa ka masuul ah. Waxa aad arkaysaa qof ku fashilmayo guur ama waxbarsho ama ba shaqo, deedna dusha ka saarayo jabkiisa waalidka, walaalaha, dariska iyo dhamaan bulshada!.
Sidaas oo kale ka ummad ahaan, dawllad la’aanteenna, colaadaha iyo dirirteenna waxa aan dusha ka saareeynnaa awoodo kale. halka dhibta oo idil ay tahay nafteenna!.
Waxa aan xasuustaa sida ay Hooyadeey igugu barbaarisay in aan masuuliyadda khaladaadkayga qaato, maalinta aan ugu sababeeyo lacag iga dhuntay in ay sababtu tahay in saaxiibadeey oo waddada ku cayaarayo ay iigu waceen in aan la cayaaro, sidaas na ay igaga dhuntay lacagta. Laakiin waxaa la I baray maalintaas in saaxiibadeey ay I codsan karaan, laakiin aysan I qasbi karin, sidaas awgeed na aan anigu ahay cidda masuulka ka ah lacagta dhuntay!..
Waxaad arkaysaa dhellinyaro shaqa la’aantooda, uga dhiganayo marmarsiiyo dawlad dadka shaqaaleeysiinayso in aysan jirin IWM !..
Guul iyo Guul-darraba, qofka waxa uu gaaraya waa isaga naftiisa, isaga ayaa saameeyn isku leh, guul-darrooyin-keennana ma ahan in aan cid kale kala dul dhacnee waa in aan innaga dusha u ridannaa. waa suurgal in qofku dabci, dad ama ba bay’o uu dhex joogo in ay saameeyn ku yeeshaan guul-darradiisa. laakiin waxaas oo idil gar uma siinayso in uu kaga dhuunto masuuliyadihiisa, uuna cid kale dusha ka saaro jabkiisa!..
qaado khaladaadkaaga, oona cid kale ha ku eedeeyn wax ku soo gaaray, ee la imoow dadaal, haddii ay wax khaldamaanne qofne ha ku edeeyn masuuliyad aad adigu gabtay!...
“..Qul-huwa min cindii anfusi-kum..”!.
Mahadsnid.
W/Q: Abdiaziiz Mubarak.

No comments:
Post a Comment