Tuesday, May 4, 2021

Ilxaadka.. aragti aqooneed mise Mushkilad nafeed?!.


Ilxaadka ama Alle-koodnimadu, waxa ay ka billaabataa shaki gelin, keensato diiditaan guud, oo qofka uu diido shay waliba: Diimaha, caqiidooyinka, Abuuraha, kutubta soo degtay iyo nebinimadaba.  Sida uu caddeeyanyo profeser Phelip Johnson, qofka ka shakinayo qeeyb ka mid ah caqiidooyinka ama waxa la rumeeysanyhay, ogolane kuwa kale ma ahan Mulxid, oo si ayuu qirsanyahay jiritaanka diin ama Ilaah.

Hadaba Alle diidnimadu waa ka hor imaanshiyaha dhamaan waxa la rumeeysanyahay, iyo iska dhaadhicinta inaysan jirin billaabitaan, saa darteedna ay wax waliba sii horreeyeen, kownkan iyo wax korsaaranne aysan u baahneeyn awood hagto, maamusho ama maareeyso.

saa darteed mid ka mid tiirarka uu Ilxaadku ku dhisan yahay waa aragtida loo yaqaanno “Sii horreeynta kownka” ama “the enternity of the universe”. waana aragtida uu James Hutton ku sheegay buuggiisa “Theory of Earth”, sidoo kale na uu ku qancay caalimkii ingriiska ahaa ee “Erasmus Darwin” oo ahaa awoowga “Charles Darwin”.

Waxa aan maqaalkan ku soo koobi doona halka iyo marka uu Ilxaadka billoowday, sababaha keeno Ilxaadka iyo ka hor imaanshiyihiisa fidrada Aadanaha.

1- Taariikhda Ilxaadka.

Ilxaadku ama Alle diidnimadu, haddii aan u eegno sidi falsafad madax bannaan, ma lahan taariikh dhidibada loo taagay, oo ay u soo ifbaxday sidii aragti. sidaas darteed waxa uu leeyahay taariikh yahankii Griiga u dhashay ee “Plutrach”: “Waxa aan arkay magaalooyin aanan lahyan dhufeeysyo, magaalooyin aanan laheeyn qasriyaal, iyo magaalooyin aanan laheeyn goobo waxbarasho, balse lama arag weligeed magaalo aanan laheeyn macaabid wax lagu caabudo.”

Sidoo kale waxa uu ku leeyahay “William Durant” buugiisa sheekada xadaaradda safxadda 99aad: “… Diintu waa shay ay ka mideeysan yihiin dadka oo dhan, ayna tahay in ay wada rumeeyaan, taasine waa aragtida faylasuuf waliba , sidoo kale na waa xaqiiq taariikheed iyo mid nafeed!”.

marki laga hadlayo dhulka islaamka uu xukumayay, ma aysan soo marin hal mulxid ah, waxyaabaha laga weriyo ibnu-Raawandi, ibnu-Muqafac, ibnu-Siina iyo abuu-Xayaan al-Tawxiidi na, kuma noqonayaan mulxdiiin sida hadda loo yaqaano Ilxaadka, iskaba dhaaf in ay ahaayeen mulxidiine, waxa uu ku xoojinayaa Taajul-diin al-Subki kitaabkiisa “Dabaqaat al-Shaaficiyah”, in ay ahaayeen culimo dadaashay yeelan karana gaf, sida ay u haleeli karaan saxnimada. 

Qarnigii 19aad iyo wixii ka danbeeyay, xigayne kacdoonkii faransiiska oo keensaday kala saarista diinta iyo nidaamka xukunka, ka dib markii soo if baxday fasaadka culimada diinta iyo boqoraddii talinayay, halkaasne ay ka dhalatay aragtida calmaaniyadda “Secularism” oo markaas ay ku doonayeen in ay kaga xoroobaan aragtiyaha iyo khuraafaadka culimada diinta oo ahaa adeegayaalka boqorrada, ayay dad badan qaateen aragti ah in laga xoroobo dhamaan in wax la rumeeyo, waxaana sidaaas ku soo if baxay Ilxaadka. Sidaas ayuuna cadeeynayaa baaraha faransiiska ah ee “Jolian Beghin”, waxa uu yiri: “inta badan taariikhyannada, waxa ay u arkaan kacdoonkii faransiiska ee 1784tii in uu ahaa calaamad muuqato oo dadka ku dhalisay ka fikiridda Alle iyo diinta iyo curashada Alle-diidnimada”. waxa ay faransiis badan u arkayeen xilligaas in Ilxaadku yahay ruuxda kacdoonka faransiiska!. sidoo kale waxa uu ku sheegayaa Dr Ramsiis kitaabkiisa “Ilxaadka galbeedka” hadal noocan oo kale ah.

sidaas ayaa keentay in ay dad badan u arkaan in ilxaadku yahay aragti siyaasadeed, ayna dad badan kaga hor tagaan si adag, xataa dadka Mareeykanka dhexdooda lagama jeclo mulxidiinta. su’aal la weeydiiyay Jorge push 1987dii, ayaa ahayd “Mulxidka ameerikaanka ma leeyahay xuquuqda mareeykanka kale?”. waxa uu ku jawaabay: “Ma garan karo sida aan ugu aqoonsan karo mulxidka in uu muwaadin yahay, amaba xataa in ay yihiin muwaadiniin dalkooda jecel!”. (Athiest cannot be considered as patriotic citizen)!.

2- Maxaa sababo Ilxaadka?.

Ilxaadka waxa uu yeelan karaa sababo badan, oo isugu jiri karo kuwo fikir, kuwo nafeed iyo kuwo bulsheed intaba, raadinta sababahaas ne, waxa ay u baahantahay dadaal dheer iyo baaritaan badan. saa darteed ayay isku dayeen ku xeel dheerayaasha diinta, cilmu nafsiga iyo falsafaddaba, in ay sababeeyaan Ilxaadka, waxa aana kuu sheegi doonaa qaar ka mid ah sababahaas-.

1. Weeydiimo u baahan jawaabo, iyo falcelin caburin ah:

In badan kuwa mulxidiinta noqday waxaa sababay ilxaadkooda weeydiimo wareeriyay maankooda, ayna u waayeen jawaabo qanciyo, ama inta ay cid kale weeydiiyeen lagaga hor yimid caburin iyo aamusin. sida cad diinta ma jirto shay ay jawaab u waaweeyso, balse la weeydiiyaha ayaa laga yaabah in uusan u hayn markaas jawaab cad. falcelinta caburinta ah ee inta badan la adeegsadane, waxa ay dhalisaa in kuwa badan ay ka cararaan diinta iyo wax walba oo xariir la leh, si fududna ay ugu dhacaan, haba ugu darnaadaan dhelinyaradee in ay ku dhacaan Ilxaadka.

2. qaleeylka ruuxiga ah:

Ku xirnaanta addoonka uu ku xiran yahay Allaha abuuray, waa buundo lagaga gudbo webiyada shakiga, taa badalkeedna mar walbo oo qofku ka fogaado abuurihiisa, ayuu helis iyo khatar ugu jiraa in ay soo weeraraan muujadaha shakiga, oo sababi karo Ilxaadka.

3. Fudeeyd iyo degdeg.

waxaa laga yaabaa in qofku soo waajahdo is-weeydiimo shaki ku dhaliyo, taas oo keensanayso baaritaan iyo sabar, laakiin kuwo badan ayaa horay ka qaato go’aan ah in uu diido jiritaanka Eebe. Imaam al-Qasaali -(AU)- waxa uu sabray sanado badan, oo uu kaga sabrayay shakiga soo waajahay baaritaan dheer, illaa uu Alle weeyne ka garowsaday.

4. adadeeyg iyo qallafsanaan diimeed.

in badan kuwo Alle diiday, waxa uu ka dhashay ilxaadkoodu mawqif ay ka arkeen adadeeyg diimeed ama mid bulsho!. barbaarinta adadeeygga ku dhisan, waxa ay ku dhalisay kuwo badan in ay Alle inkiraan. in badan oo Soomaalida mulxidiinta ahne, waxa ay ku soo koreen bay’o muxaafad ah, qaarkoodna waalidiintood ayaaba ahaa wadaaddo waaweeyn, in badan ayaana xifdiyay qur’aanka yaraantoodi.

5. dhacdooyin xanuun leh.

dhacdooyinka qofka ku imaado ee laga yaabo marmar badan in ay xanuun taabsiiyaan, ayaa kuwo badan ku dhaliyo in ay Alle inkiraan, iyada oo sida saxan tahay in musiibada iyo dhacdooyinka xanuunka wato Alle ay kuu soo orodsiiyeen, ee ma ahan in ay kaa ceeyriyaan, taasine waa qalleeyl ruuxeed oo mulxidiinta haysta.

Sababaha Ilxaadka dhaliya, ama ku keeni karo qofka, waa ay badan yihiin, waa ayna adkaanaysaa soo koobistooda, waxaana ka mid noqon kara: Jaceeylka is-muujinta, taas oo ay kuwo badan u arkaan in ilxaadku yahay wax lagu soo caan baxo oo ay isku soo mujiyaan, taasina kama suura galayso illaa cid iimaankeedu hooseeyso.   intaas waa tusaalooyin yar uun, waa ayna badan yihiin waxyaabaha sababo Ilxaadka.

3- Mulxidka iyo abuurista (Fidrada)!.

Fidrada: Oo ah kalmad carbeed, waa ku abuurista illaahay uu dadka ku abuuray, waa fikir kala cadeeyanayo wixii saxan iyo wixii khaldan, ugu yaraanne qof waliba waa uu garowsan yahay khaladnimada wixii khalad ah ee uu sameeyo, ama saxnimada wixii saxan, dareenkaas guud ayaa ah waxa loo yaqaano Fidrada. hadaba mulxidka sidee ayuu ula dhaqmaa fidradaas ku oronayso “Waxaa jiro Illaah aan u baahanahay!”. sida uu leeyahay ibnu-Qayim na: “waxaa ku jiro qalbiga baahi aysan dabooli karin illaa qaabilista eebe, iyo cidlo aysan qaadi karin illaa la jirka eebe”.

Mulxidka waxa uu si adag isugu dayaa in uu inkiro abuuristaas, uuna is moogeeysiiyo codka ka dhex dhawaaqayo, ee leh “Alle ayaan u laabanayaa!” balse abuuristaas, sidaas kuma baaba’yso waa ay ka dhex dhawaaqeeysaa weligeed, si waliba oo uu isgu dayo inkirsteeda!. qaar badan ayaa isku dayay in ay u tiiriyaan abuuristaas khuraafaad aanan jirin, sida “Richerd Dawkins” oo buuggiisa “The God Delusion” ku xusay in diintu tahay wax qofka jiidanayo, oo ka soo gaarayo waalidkii!. sidoo kale kuwo badan ayaa inkiri waayay jiritaanka abuurkaas, sida (Voltaire) –Aabaha ruuxiga ah ee Ilxaadka-, waxa uu leeyahay “haddii uusan jirin Illaah, waxaa I khiyaani lahaa xaaskeeyga, waxaana I xadi lagaa shaqaalahayga”!.

Qofka marka uusan laheeyn hadaf uu u noolyahay, waxaa adkaaneeyso in ay noloshiisu macno yeelato, saa darteed ayay mulxidiinta nacaan noloshaan, noqdaanne dadk ugu badan ee is-dilo. sida ay caddeeysay daraasada ay sameeyeen baarayaal ameerikaan ah, oo lagu baarayay calaaqada ka dhaxeeyso diinta iyo is-dilka, (Religious affiliation and sucide attempt) ayaa lagu ogaaday in mulxidiintu yihiin dadka ugu badan ee is-dilo. sida ku cad sawirka hoose ku lifaaqan. 

        Jaantuuska heerarka uu u kala sarreeyo ayuu muujinayaa. Xigasho: WEKIPEDIA.

Gabagabo.

Inkirista iyo diiditaanka waxa uu alle ku abuuray bani Aadanka, iyo ka jaahil noqoshada jiritaanka iyo joogista kownka, waxa ay qofka ku keentaa walwal iyo dareen adag, oo qofka ku keeno is-dil, maadaama aysan jirin macno uu joogo dunida. waxaana xaqiiq ah, in wax aanan ahayn rumeeynta Eebe weeyne oo ay naftu ku xasileeyso aysan jirin.

Mulxidiinta soomaalida oo baryahan, si badan ugu soo muuqanayo baraha bulshadane, inta badan ilxaadkoodu kama uusan dhalan baaritaan, xaqiiqduna waxa ay tahay in haddii ay sameeyn lahaayeen baaritaan dhab ah, ay garowsan lahaayeen jiritaanka Eebe, oo aana ahayn mid u baahan fasiraad dheeri ah, iyo falsafad badan. mid kamid mulxdiita soomaalida oo aan ku wada xariinray baraha bulshada, ayaa su’aalo badan iiga jaawabayay, illaa aan ka weeydiiyay, sida uu ula dhaqmo codka gudihiisa ka dhex yeerayo ee qirayo jiritaanka eebe, waxa aan si adag ugu celceliyay in uusan caburin jawaabta saxda ah, ee ka dhex guuxeeyso, balse ma jirin jawaab aan ka helay, illaa maanta!.

Jiritaanka Eebe, waxaa ku dhawaaqo xiddida iyo xibnaha jirka oo dhan, waa rumeeyn dhab ah oo u baahneeyn baaritaan badan, waa ku abuuris iyo ballan uu eebe Aadanaha ku uumay. Mulxidkuna si waliba oo uu isaga dhaadhiciyo in dhulkan iska sameeysmay ama sii horreeyay, waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu caburiyo codka ka dhex buuqayo, uuna cadaadiyo caqligiisa oranayo “ma jiraan wax iska yimid”!..

     

W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xusseen (Mubarak)


No comments:

Post a Comment