“Xudduntii dhulkeeygaay, Xaruntii dalkeeygaay, Xamareey ma nabad baa?”. Aniga oo maanakaygu ku maaweelinayo eraydaas, maskaxdayduna ka guuxayaan miraha abwaan Hadraawi ayaan soo galay markii igu horreeysay muqdisho. Goor wax yar un qorraxda jiilaal kasoo sikanaysay bartahama samada, iyadoo igusoo ganneeysay fallaaro kulul oo halhaleel ugu dhacayay madaxygu tamaha badan saarneeyn !.
Magaca muqdisho iguma cusbeeyn, laakiin muuqaalka ayaa ahaa waxa ugu mugga weyn ee wali maanku ka go’in!. magaladaas magaca weyn ee inbadan Hooyadeey ii tilmaami jirtay aana weli ka xasuusto erayadeedii; “Xamar waa meel sha’ni badan” iyo “Xamar ciyaar mood!”. Sidoo kale waxa aan aad u xasuustaa sida uu Ibnu-batuuta iigu tilmaamay markuu tagay muqdisho 1331dii iyo inay tahay magaallo weeyn oo ganacsi iyo tilmaam xeel-dheer oo uu iga siiyay dadka degi jiray muqdisho. Laakiin waxa aan ogaaday in toddobo maalmood oo aad muqdisho ku qaadatid ay ka mug weeyntahay toddobo sanno oo laguu tilmaamayay !.
Maalmahygii muqdisho ma ahayn kuwo tiro badan, laakiin waxa ay ahaayeen kuwo miro iyo micno badan . muqdisho waxa ay maskaxdaydu ku daabacday sawirro kala duwan oo tiro badan. Waxa ayna awood u yeelatay in ay maalmo kooban maankayga ku maamusho!.
Wali ma iloowin muuqaalka hooyadii waayeelka aheeyd, tutubka wajjigeedana uu maskaxda u sheegayo in ay 70 kor ka martay, taas oo laamiga la fadhiday xoogaa khudaar ah, iyadoo sugeeysay qof un ka iibsado, oona siiyo xoogaa lacag ah, oo malaha agoon ay korrinaysay ku masruufayso, ilaa uu kasoo maray miskiin malaha dan ay wadday, kaasoo gacanta ku hor fidsaday, iyadana ay bac uga buuxisay khudaartii ay gadeeysay 1/3 kamid ah, isagiina inta uu bacdii laacay is laabay!. Waxa aan damcay in aan u mahad celiyo hooyadaas anigoo ka wakiil kii ay caawisay, balse darawalka PL-ki aan saarnaa oo malaha marka horebo carriirigu istaajiay ilama tashan ee wuu dhaqaaqay!.
Wali dhegahaygu way maqlaan dhaq-dhaqda (codka) usha Odeygii indhoolka ahaa, ee isagoo gacanta bidix la wado kusoo tukan jiray masaajidka sallaada subax, iyo hunu-hunudiisi sallaada!.
Carruurta koox-kooxda isula socdo oo iyagoo Qur’aanka iska dhageeysanayo u kalahayo dugsiyada, iyaga oo aad moodid shimbiraha codadka macaan ee Gu’ga. Iyo Jabaq-jabaqda furayaasha ganacsatada u kalahayo goobahooda ganacsi, waxa ay I dareensiiyeen barakada kallahaada !.
Muqdisho waxa ay I bartay in aan xasuusihii xumaa ee isoo maray aan ka mayrto, aana iskaga hallayn farxadayda maanta wixii xumaa ee shalay dhacay, markii aan arkay ganacsadaha ku dhawaad boqolka tallaabo u jiray Qarraxii soobe, laba kamid ah qaraabadiisana ku waayay, haddana isaga oo faraxsan furayo albaabka dukaanki shalay qiiqa iyo dabka buuxiyay, si uu maanta uga buuxiyo farxad !.
Wajji walbo oo muqdisho ku nool, waxa uu la noolyahay qisso u gooni ah, waxa ayna wada dhibanayaal u yihiin ama qaraabo iyo asxaab ku waayeen dhacdo xanuuneed ay maalmo lasoo noolaadeen. Haddana taas oo jirto ma aysan hor istaagin in la hello wajjiyo faraxsan iyo dhoola cadeeynno dharbaaxooyinka iyo dhibicyada illinta ka masaxo dhabanada ree muqdisho!. Rag iyo dumar go’aansaday in ay dhaawacyada dhayaan, tooshashna ka shidaan godod la iska daba qoday, oona wada gudcur ah!.
Wajjiyada wada faraxsan ee ree muqdisho waxaa ka dambeeyso sir ah; ku qancista qadarta iyo ku raali ahaanshaaha amarrada Eebe!.
Mahadsanid Muqdishooy, magaalo magac weyn, malaayiin qofne muhanayaan, musiibooyinka ay soo martayna maalmahu marag ka yihiin!.
Mahadsanid Muqdishooy xataa haddii aadan igu soo celin “Adigaa Mudan”. Waan kuu cudur daaranayaa badalka munaafaq walbo oo ku dulmay, qarax iyo baaruudne kugu maamuusay!.
Subaxdii sagootinta !
Aroor hore, shimbiruhuna markaas un buulashooda ka baxayaan ayaan muqdisho kabaxay, waxay kaga duwaneeyd muqdisho magaalooyin kale oo aan sagoontiyay inay isoo jiidatay, dibne aan u milicsaday markaan la sinnayn badda oo aan dul mareeynay. Milicsashadaas waxa ay I soo xasuusisay milicsashadii Nebi Muxammad (NNKH) markii laga saaray magaalada Makka, isagoo dib usoo xasuusanayay maalmihiisi makko, isagoo sii eegayay balliyadii iyo buurihii bakko, jecelna in uu sii joogo !.
Waxa aan wada wadaagnay in aan ka kala baxaynay magaalooyin aan jecel-nahay balse waxaa kala duwanaa danta!.
Muqdishooy ma aadan mudneeyn inaan kuugu mahad-celiyo maqaal, waadna ka mugg iyo miisaan weeynayd saddarro kooban , balse waa intaan un waxa aan awoodo, waxa aan ku leeyahay Illaahay haa ku xifdiyo.
Illaahay ha xifdiyo muqdisho iyo dadka deggen, haana inoo xasilliyo dhammaan dalka. AAMIIN… AAMIIN … AAMIIN.
W/Q: Cabdicasiis Cabdullahi Xusseen. (Mercy).
21. 11. 2019

No comments:
Post a Comment