Sunday, December 25, 2022

Farriin Furan!.. 1

Waxaan is leenahay, waxuu ahaa sanad adag, oo soo idlaaday, Alla ayaana ku mahadsan in aan badbaadnay!. Laakiin maxaan ka badbaadnay?

Saxiibkeeyoow, badbaadada dhabta ah, waxaan u aqaan in aad ka gudubto Siraadka, oo aad u gudubto Jannada!. Wixii ka soo haro, waa guulo yaryar! 

Saxiib, Guushu ma ahan in aad noolaato!

Jabkuna ma ahan in aad dhimato, laakiin arrintu waxay tahay: Sideed u noolaanaysaa, maxaad se ku dhimanaysaa! 

Ma aqaana sababta uu maskaxdayda ugu soo dhacayo markaan, Muscab binu Cumayr iyo maalintii Uxud, Muscab oo ahaa wiilkii Quraysheed ee quruxda badnaa, hantiilaha ahaa, ee nolosha raaxada ku soo koray, oo yaallo bacaadka saxaaraha, oo sugayo in Qabri loo qodo, ka sii daran, loo waayay kafan lagu asturo, oo qayb maryihiisi la saaray, intii kalana caws lagu deday!. 

Aragtida adduunyada markii lagu fiiriyo, waa geeri aanan lagu farxayn, marki la eego noloshii quruxanayd ee uu soo maray Muscab!

Laakiin xaqiiqada, waa in maalintaas ahayd maalintii ugu farxadda badnayd ee Muscab soo marto! 

Haddii ay 'Noolaanshaha' oo kali ah tahay guusha, maxaa ka badan kuwa Guulaystay!

Haddii se, Geeridu tahay Jabka,  dhammaanteen ugu danbayn waan jabi doonnaa! 

Waxa mudan in aan ka fekarno, waa siduu noqon doona qabrigeenna habeenka koowaad?!

Ma god naareed mise beer janno! 

Saxiibkeeyoow, waxaad i leedahay, cumriga wuu socdaa annagoon samayn guulo waawayn! 

Waxaan ku leeyahay saxiib, yaa yiri guulaha waa kuwa lagu qoro buugta taariikhda uun?, ma qasab baa in guulaheenna dadku wariyaan, meel walbana laga sheego! 

Waxaan nahay geesiyaal saxiib, xataa haddii aanan hoggaaminin ciidamo, oo aanan xaqiijin guulo, ama aanan soo saarin daawooyin, ama aanan curinin qaanuun Fiisigiska ah, ama qaacido xisaabeed ama xataa annagoonan ku guulaysan abaal marinta Nopel!. 

Si aan uga mid noqonno qaanadda Guulaysatayaasha waxaa filan, in aan ahaanno 'Banii Aadan'!, Insaaniyad aan yeelanno, caalam dadku isu baddaleen duurjoog!. 

Waxaan nahay geesiyaal, marka aan fulinaynno amarka illaahay, oo aan kaalmaynaynno waalidiinteen! 

Saxiibkeeyoow, ma xasuustaa Shucayb?!, wiilkii nooga tagay Iskoolka asagoo kamid ahaa kuwa ugu dhibco badan Iskuulka!. Ma garanaysay sababta?!, waxay ahayd in uu Hooyadii oo indha beeshay cid kalana haysan uu caawiyo!, markaas waxaan u arkaynnay in uu fashilmay, madaama uu Iskuulka isaga haray, aydoo waliba Imtixaanki ugu danbaynta soo dhowayhay!, maanta waxaan qirayaa in uu ahaa geesi, ay tahay in lagu daabaco buugaagta Guulaystayaasha!, laakiin saxiib, sooma xasuusatid in aan horay kuu iri: taariikhda marwalba ma caddaalad samayso!.

Hooyadaas, ku mashquulsan barbaarinta carruurteeda, kaga hartay shaqadeeda si ay ubadkeeda wax uga dhigto waa geesi guulaysatay xataa haddii aanan la sheegin, laguna qorin taariikhda!.

Ku darso saxiib qaanadda Guulahaaga, salaadda subax ee aad Jamaacada ku tukatay!, hooyada aad ka farxisay, illinta aad tirtatay, canugga aad ka qosashiisay, xanaaqa aad qarsatay iyo xataa khayrka aad walaalahaa u rajaysay, duni qof wal qofka kale hagardaamdiisa ka shaqaynayo dhaxdeed!. 

Nabagalyo dushaada ha ahaato!. ❤


W/Q:  Cabdicasiis Mubarak.

Tuesday, October 25, 2022

Musiibadeenna ma ahan tan dadka!...

 - "Guurkeenni 3 bilood kadib, ninkayga waxuu igu furay sabab aanan mudnayn furriin, 2 sano kadib waxaa i soo doontay wiil dhallinyaro ah oo fiican. Hooyadiis ayaa uga digtay inuu i guursado, waxyna ku sababaysay in wixii la ii soo furay aan qabo!.

Laakiin ha la yaabin haddii aan kuu sheego in hooyadaas gabadheeda oo la soo furay ay ugu ducaynayso in ay hesho nin wanaagsan!".
- "Natiijo hooseeyso ayaan ka helay Imtixaanki shahaadiga ee dugsiga sare, dariskayga waxay ku sheekaysanyeen dhicitaankayga, waxyna igu tilmaameen inaan ahay gabar aanan dedaalin oo ciyaar badan, aana mudanahay natiijada aan helay.
Marki ay dariskayga gabadhooda ku dhacday imtixaankii, waxay ku tilmaameen in gabadhooda lala riday ardayda kale ee deegaanka, laakiin ay dedaashay!".
- "Marki uu gubtay gurigeenna, hooyadeey wajigeeda ayuu dabka gaaray, uma baahnid inaan kuu sheego quruxda hooyadeey xataa ayada oo dabka uu gubay wajigeeda, laakiin adeerkay waxuu dadka u sheegay in Illaahay ku ciqaabayo dabkaas maadaama ay ninkeeda iska furtay. laakiin adeerkey marki ay xaaskiisa shil gashay oo ay wayday xasuusteedi, waxuu ku celcelinayay in sida loo kala iimaan badanyahay ay musiibooyinka u kala badanyihiin, iyo in nebiyada ay yihiin kuwa loogu imtixaanka badanyahay, kadibne sida loo kala wanaagsan yahay loo kala imtixaan badanyahay!".
- "Marki uu walaalkay shaqo ka helay Hay'ad dawladeed, waxay dariskeenna faafiyeen in wajiga adeerkay iyo musuqmaasuq dartii lagu geeyay meesha. Laakiin markii wiilkooda loo magacaabay xil-dawladeed oo kale, waxay dhaheen waa waafajinta Illaahay!".
Dhammaan sheekooyinkan, waxaa laga yaabaa kuwa lamid ah inaan la kulanno, ama aad dhacdo ku xasuusato. Waa waaqac bulsho in aan aragno in dadku marka ay arrintu khuseeyso dadkale ay uga hadlaan si ogaal la'aan ah, danqasho iyo dareenne aysan kujirin. Laakiin marka ay arrintu teenna tahay, xataa haddii dhacdooyinka isku mid yihiin aan soo taxno kumannaan sababood, marmarsiyaduna badato, jid-u-bixinteeduna aan ku dedaalno.
Waxaa nala faray in aan cadaaladda kudedaalno, hadalka xaqa ahne aanan ka gabban, laakiin u duurxulashada marka uu dhibku keena yahay, iyo kudigo-rigashada marka ay arrintu dadkale tahay, ma ahan dhaqan fiican iyo cadaaladdii la ina faray.
Fadlan faafi.


SAYYID QUTUB !.

 29kii Agoosto 1966dii, ayaa Sayyid Qutub oo ahaa qoraa iyo Mufikir islaami ah oo Masar u dhashay la dilay.

Jamaal Cabdinaasir oo markaas hayay talada dalka Masar, ayuu aragti ahaan kasoo horjeeday Sayyid Qutub, taas ayuuna ku mutay dilka. Eedaymo been abuur ah, iyo cadaallad darro cad ayaa Qutub lagu dilay. Halka eed ee lagu cayrsanayayne waxay ahayd u adeegista diinta.
55 sano kadib, Sayyid Qutub wuu haray magaciisi, malaayiin Muslimiin ah ayaana u duceeyo, una yahay ku dayasho iyo astaan halgan.
Jamaal waa uu haray magaciisa, laakiin Qutub taariikhdu maysan hilmaamin. Waxa uuna sii ahaa magac ku lamaan xaq u dirirka iyo cadaaladda.
Waa loolan iyo lagdan aanan dhammaanayn oo ka dhaxeeya xaqa iyo baadilka, cadaaladda iyo dulmiga oo inta uu dhulka jiro la jiri doona.
Qaar ayaa dooran doona aamusnaanta iyo doonta nabadda, qaar kale oo yarne waxa ay dooran doonaan in ay noqdaan astaamo u halgamo cadaaladda iyo xaqa. Kuwo qalqal geliyo qasriyada madaxda dulmiga, kana doorta nabadda iyo ku qancista dulmiga, cadaaladda iyo u dhimashada waddada xaqa.
Allaha u naxariisto Sayyid Qutub, weli waa uu nagu dhex noolyahay. Waxa uuna sii ahaan doonaa mid sii welwel geliyo qasriyada daalimiinta, iyo qalbiyada xaq la dirirka.
-Abdiaziz Mubarak.


Aad halkaad doontid!..

 Sufyaan al-Thawri oo ahaa Muxadis, ayaa ahaa mid aad u dhaliilo AbiiJacfar al-Mansuur, taas oo keen- -satay markii danbe in Mansuur uu amro in lasoo qabto Sufyaan si loo dilo!.

Sufyaan wuxuu u cararay Yaman, waxuuna u kala gudbay tuulooyin badan, isagoo halkaas kasii waday gudbinta xadiiska Nebiga (NNKH), isagoo dadka barayay arrimaha diintooda, sidaas ayayna ku soori jireen, si fiicanne ugu soodhaweeyeen, iyagoonan aqoonin.
Mar ayuu tuulo kamid ah tuulooyinkaas gaaray, habeenki uu u hooyday, ayaana laga xaday tuuladii alaab, isaga ayaa lasoo tilmaamay, oo la tuhmay, madaama uu ku cusbaa tuulada. Waxaana loo keenay Macin binu Saa'ida, oo ahaa guddoomiyaha Yaman ee u joogay AbiiJacfar al-Mansuur. Waxyna uga dacwoodeen in ninkan ay uga shaki- sanyihiin in uu xaday alaabtooda, uuna inkirayo!.
Macin ayaa waydiiyay: Maxaad ka leedahay?
Waxuu yiri Sufyaan: waxba kama qaadan.
Macin waxuu sifiican u eegay wajigiisa, waxuuna ka gartay inuusan ahayn waji tuug. Waxuuna ku yiri dadkii la joogay, iga baxa, si gaar ah ayaan ula hadli rabaaye.
Waxuu waydiiyay: Kumaad tahay?
Waxuu kujawaabay: Addoonki Illaahay
Macin: Ii sheeg magacaaga oo seddaxan.
Sufyaan: Sufyaan ibnu saciid al-Thawri.
Macin: Sooma tihid Sufyaanka uu raadinayay Khaliifka?. Haa ayuu kujawaabay.
Waxyar ayuu aamusay, waxuuna yiri: Adiga oo kale lama dhiibo, aad halkaad doontid.
Aad ayuu u muhiimyahay casharka aan kaqaadan karno sheekadan, oo ah inaan dulmiga qayb ka noqon.
Shirkadda uu dulmiga ka dhexjiro, kuma khasbanid inaad ka tagtid, laakiin waxaad ku qasbantahay inaadan ka qayb qaadan dulmiga kadhex socdo!.
Shaqooyinka rayidka dadka ayaa loogu adeegaa, haddii uusan masuulka kaa sarreeyo arkayso inuu dulmi samaynayo, isku day adiga inaad wanaagsa- naatid, wixii aad kartidne aad hufnaan u qabatid.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo waaqaca aan ku noolnahay aanan waxbadan kaga beddali karin, laakiin waxaad awoodnaa inaan kudhex toosnaano waaqac qalloocan!
Nolosha waxay u baahantahay soodh-dhawayn iyo iskuday, inaan Illaahay kaga cabsanno intaan awoodno. Maamulaha iskuulka waa inuu caddaa- lad ka sameeya inta kuxeeran, intuusan wax ka sheegin Cadaalad daŕrada Garsoorka. Sababtoo ah teenna ayaa nala waydiin doonaa uun!.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak


Gacmahiisa fiiri!.

 Gacmahiisa fiiri!.

Sheekooyin dhaqameedka Faaris waxaa kamid ah, in ni Beeraleey ahaa uu ugaarsanayay shimbiro maalin dabayl badan. Ciidda ay dabaysha soo tuurayso waxa ay kaga uruuraysay ninka Indhaha, sidaa darteed wuu ilmaynayay!.
Shimbir waliba marka uu qabsado, inta baalka uu ka jabiyo ayuu sallad kusii ridanayay.
Kolkaas ayuu shimbir ku yiri saaxiibkiis: Alla maxaa ninkan nooga naxariis badan, sooma aragtid sida uu u ilmaynayo, oo uu uga xunyahay inuu na ugaarsado!.
Shimbirkii kale ayaa ku jawaabay: Ha fiirin illinta indhihiisa, ee fiiri shaqada gacantiisa!.
Markuu ka sheekeeyay nebiga NNKH khawaarijta, waxuu saxaabada ugu sifeeyay inay yihiin kuwa cibaado badan. Wuxuu yiri: Waxaax xaqiraysaan salaaddiinna markaad u fiirisaan salaaddooda!, Soonkiinna iyo soonkooda, cibaadadooda iyo cibaadadiinna, Qur'aanka ayay akhrinayaan, waxayna uga siibanayaan diinta sida leebka uga siibmo wixii lagu ganay, waxay dilayaan ahalka Islaamka, waxayna u yeeranayaan ahalka sanamyada!.
Cidda salaadda khawaarijta la yaabayso, ma ahan aniga iyo adiga, waa saxaabada naftirkood!, malayso sida ay cibaadadaas tahay, haddana eeg falkii ay sameeynayeen, ay dileen khaliifkii Muslimiinta, ayna xalaashadeen dhiigga Masaakii- -inta.
Ibnu Muqafic waxuu leeyahay "Calaamadaha kan gunka ah waxaa kamid ah, in uu hadal sanyahay, se falkiisa xunyahay!".
Ibnu Jawsi wuxuu ku leeyahy 'Saydul Khaatir' , waxaan la kulmay Wadaaddo xaaladahooda kala duwanaayeen, heerka aqoontooduna kala sarree- yay, waxaana iigu faa'ido badnaa, kan ku dhaqmay, wixii uu i barayay, xataa haddii laga aqoon badnaa!.
Thacaalibi wuxuu ku leeyahay 'Ladaa'ifu Ludf' Waxaaa u soo galay Nasr, mid suugaanlayda kamid ah isagoo wato Kitaab, wuxuuna ahaa mid adaabt- iisu fiicnayn. Markaasuu waydiiyay kitaabka aad wadato magacii?, wuxuu ku jawaabay: Kitaan aadaabta ka sheekaynayo. Markaasuu Nasri yiri: Maxaad ugu camal fali wayday!
Uma jeedo in haddii aan shar samaynaynno aan sidoo kale sharta dhahno, ama faafinno!, oo aan kulansanno hadal xun iyo ficil xun, balse taas baddalkeed baadilka in aan sheegno in uu baadil yahay, waxa xunne aysan fiicnaayn xataa haddii ay dadka dunida wada sameeyaan. Aana ku dedaalno intaan karno in ay is lahaadaan ficilkeenna iyo hadalkeenna, oonan noqon kuwa uu Illaahay ku tilmaamay " وأنهم يقولون مالا يفعلون".
Inta aanan ku kadsoomin hadalka, waa in aan eegnaa ficilka, isaga ayaa rumaynaya hadalkii ama beeninayee, wax walba ka horne "Ha fiirin illinta indhihiisa e' fiiri shaqada gacantiisa"!.
Barqo wanaagsan.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak.

 

Waxuu iiga tanaasulay barka Boqortooyadiisa!.

 Waxuu iiga tanaasulay barka Boqortooyadiisa!.

Waxuu ku leeyahay qoraaga Cali Jaabir Al-fiifi buuggiisa 'Siwaaru Ummi' cinwaanka 'Caraft qofka' waxuu ku daabacay sheekadan. Waxuu yiri "sanadkii 983dii waxa aan ahaa arday dhigto dugsiga Hoose, magaalada Tabuuk ee dalka Sacuudiga, waxaan ahaa agoon sabool ah, wax dhaqaale ahna aysan haysan qooyskooda. Ma aanan haysan Aabbe i daryeelo sida carruurta kale, waxaa jeclaa in aan arko Aabbahey oo gacanta isaga oo i hayo, i keenayo iskuulka, ama aan ka soo degayo gaarigiisa, laakiin waan la'aa dareenkaas. Cid madaxa ii salaaxdo, oo i dareensiiso inaan ahay arday dhiirrigelin mudan. Aabbahay waxaan ku arki jiray riyada oo kali ah, waxaana u arkayay yoolkayga nolosha ugu wayn maqlista kalmadda 'Aabbe'!.
Hooyaday ma aysan haysan dhaqaale fiican, si ay iigu rumayso riyooyinkayga, laakiin waxay haysatay qalbi wayn waxayna ahayd riyadeeda oo dhan in ay isoo saarto aniga, ayna qof sarreeyo iga dhigto!.
Maalin ayaan arkay saaxiibkey fasalka (Cabdullahi Qaasim) oo kasoo baxsanayo boorsadiisa Jabaati dhexda laga mariyay malab, oo uu ka daadanayo malabkii, si daran ayaan u eegay, anigoo is dareen- siinayay farqiga wayn ee nololeed ee noo dhaxee- yo. Saaxiibkaas wanaagsan oo malaha indhahayga aggoonnimo arkay, ayaa il naxariiseed igu eegay, waan u imid, waxuuna laba jab u kala jabiyay Jabaatigii, isagoo jab iisoo taagay. Waxaan dareemay in uu kala nar boqortooyadiisa i siiyay. Wixii aan malaysanayay ayaan helay, waxay ila ahayd riyo, laakiin saaxiibkeey ayaa dhabeeyay. Waan cunay, waxaana iga jabay colkii gaajada. Guriga waxaan ku laabtay maalintaas anigoo aad u faraxsan.
Maalintii xigtay waan hilmaamay wax waliba. Laakiin waxaa jiray qof aanan hilmaamin. Waxaa la yaabay markaan arkay saaxiibkeey Cabdullaahi oo ii sido wixii shalay oo kale, waliba hal dhammaysti- ran!. Haa, waxuu ii sheegay in Hooyadii ay soo sameeysay laba xabo, si aan u kala cunno. Aad ayaan u farxay, waaba sidii iyada oo Cabdullahi Hooyadii ay doonaysay in aysan farxaddaydii shalay aysan kala go'in ee ay waarto, oo ay sii socoto. Ma garanayo magaceedo, iyadana ma garanayso magacayga, iyo xataa muuqayga, laakiin waxa ay ahayd Banii Aadan danqasho iyo dareen leh. Waxaas aadka u yar, waxay i siinayeen farxad wayn oo wax loo dhigo aysan jirin.
Hooyadaas guriga joogto, ma aysan ku koobnayn Guriga waxtarkeeda, balse waxay ahayd mid ka warhayso wiilkeeda, kuna barbaarinayso oo barayso qiimaha wax isa-siinta, wax huridda iyo deeqsinimada.
Jabkaas jabaatiga ah, waxa uu uga dhignaa canuggaas yarka ah sidii boqortooya oo kale. Wax wayn oo uu helayo ayay u ahayd, sidaas ayayna dhacdadaas ugu daabcantay xasuustiisa.
Baro carruurtiinna deeqsinimada iyo in ay wax huraan, kuna barbaariyo, wacad baan ku maraye, waa wax wayn oo aad yaraysanaysaan!.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak


Haddaan ku caro gelinno..!


Muxammad bin Axmad Al-Maqri waxuu kusoo arooriyay kitaabkiisa "Mukhtaaru nawaadir alAkhbaar" in Xajaaj bin Yuusuf uu dadka u khudbeeyay maalin, waxuuna ka sheegtay adeecid la'aanta dadka ree Ciraaq.
Markaasuu u jawaabay 'Jaamac Al-Muxaaribi' oo yiri: "Haddii ay kujeclaan lahaayeen, way ku adeeci lahaayeen, mana aysan ku caayeen. Ka raadso cafinta dadka kaa hooseeya, oo u dhimri in badan, waxaad heli doontaa jacaylkooda iyo adeecistooda
Xajaaj ayaa yiri: Ma u malaynayo inay ku toosayaan waxaan ahayn seef.
Jaamac ayaa ku jawaabay: Amiir, haddii ay seefta seef la kulanto, waxaa lumo doorashada!.
Xajaaj: Doorashada maalintaas Illahay baa leh.
Jaamac: Haa, laakiin ma ogid cidda uu illahay guulaynayo.
Xajaaj ayaa yiri: wallaahi waxaan damcay, inaan carrabka kaa gooyo, oo aan wajiga kaa garaaco!.
Jaamac ayaa ku jawaabay: Haddii aan runta kuu sheegno waan kaa caraysiinaynnaa, haddii aan been kuu sheegnana waxaan caro gelinaynnaa Illaahay. Caro galinta Amiirkana waxaa ka wayn caro gelinta Illaahay.
Si fiican u dhuux halkaas, Caro galinta Amiirkana waxaa ka wayn caro gelinta Illaahay!.
Kuwa Carrabkooda beenta ku malabaynayo, ee u kala ordaya raalligelinta madaxda, ka masaxiddooda ceebaha, iyo u doodistooda, dhammaantiin; waxaad u burburinaysaan diintiinna
Adduunyada cid kale.
Daaciga qaatay dhaxalka nebiyaxa, ee ku iibsanayo diintiisa lacag yar iyo dhaldhalaal adduunyo, ee soo saarayo fatwada sajallan ee ay madaxdu faraan, waxaa dadka ugu doqonsan qofka aakharadiisa ku waayo adduunyada cid kale.
Kaalmeeyaha iyo gacan yaraha daalimka, gacanta u ah madaxda, ee ka labalabayn waxa ay faraan, waxaad ogaataa in uu Alle kaa dhigay addoon doorasho leh, ee aadan qasbanayn, cid kalena aadan addoon u ahayn.
Markii lagu xiray Imaamu Axmad fitnadii Abuuridda Qur.aanka, waxuu ku celcelin jiray: kuwa caawiyo Daalimiinta waa Eeyaha Naarta!
Mid kamid ah kuwii xiray ayaa yiri: Ma kamid ahay aniga kuwaas?
Wuxuu ugu jawaabay Sheekha: Kuwa caawiya Daalimiinta waa kuwa cuntada u kariyo, Dharkana u tolo, adiga laakiin waxaad kamid tahay Daalimtiinta naftirkooda!.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak