Farriin Furan!.. (6).
Maalmihii addoonsiga ee Maraykanka (1619- 1865), waxay u qaybsanaayeen Addoomaha laba Qaybood:
Addoomo ka shaqeeyo Beeraha, oo loola dhaqmo sidii xoolaha, oo aanan lahayn wax xuquuq iyo ixtiraam ah, laguna garaaco khalad yar oo ay sameeyeen, aanan lahayn wax fasax iyo nasasho ah, lagana yaabo in midkood far looga gooyo, bas ah inuusan waraabin geed!.
Qaybta labaad, waxay ka shaqeeyeen Guryaha, waxayna ahaayeen dabaqad Addoomo is mahdiyay ah!, waxay cunaan wixii kasii horo madaxdooda, waxayna xirtaan dharkoodi hore, waxayna isku maleeyaanba in ay xor yihiin!.
Marwalba, oo Addoomaha Beeraha ka shaqeeyo ay isku dayaan xoraynta naftooda iyo billaabidda dhaq-dhaqaaq xornima-doon ah, waxaa soo sheego kuwii Guryaha ka shaqeeynayay, waa ayna faafiyaan sirtooda, iyagoo ku diro madaxdooda, kuwaas oo iyaguna marsiin jiray ciqaab adag, kuna cadaabi jiray isku dayga is xoraynta ah ee ay sameeyeen!.
Saaxiibkeeyoow, haddii aad si fiican u fiirisid muuqaalkaas, waxaad dul istaagaysaa xaqiiqada soo socoto;
- In cidda ugu horreeysa ee xoraynta addoomaha diiddan aysan ahayn madaxda addoomaha, ee ay yihiin addoomaha u maleeya in sare noqoshadoodu tahay, ku sii jiriddooda xayndaabka Gumaysiga!.
- Addoomaha qaar ayaa isku maleeya in aysan xirnayn, sababtuna waa uun in ay ku xiranyihiin xargo ka dheer kuwa addoomaha kale ku xiran yihiin!.
- Haddii uu qofku waqti badan ku qaato addoonnimada, waxuu la qabsanayaa addoonnimadaas, waxuuna u arkayaa cid walba oo dalbanaya xuquuqdiisa in uu yahay khaa'in!. Waa halka uu ka yiri qoraaga aan u malaynayo in uu ahaa 'Aniis Mansuur' in shimbiraha ku dhasho shabaqa, ay ka aaminaan duullimaadka danbi!.
- Dadka qaar ayaa neceb ciddii isku daydo is xorayn, sababtoo ah waxay ka caajiseen iyagu in ay is xoreeyaan, waxay la qabsadeen addoonnimada, waxaana lumay aragtidoodii xorriyadda, asalkuna addoonnimo ayayba u maleeyeen!. Waxaan soo xasuustay hadalkii Joorj Barnaadshuu "Haddii samadu soo daadiso dhibco xorriyad ah, waxaad arkaysaa qaar addoomada kamid ah, oo Dallado hoos galayo si ay uga dhuuntaan!".
Maanta saaxiibkeeyoow, waxaad arkaysaa in haddii qof uu ka hadlo dulmi jiro, xarig sharci darro ah, dad la laayay, kuwa xuquuqdooda lagu tuntay, kuwa la xasuuqay waxaad arkaysaa kuwo la soo boodayo; qaran dumis ayaad tahay, ama danta Qaranka ayaad ka soo horjeeddaa, Fitno ayaad abuuraysaa, iyo hadallo lamid ah, waxaase cajiib ah marka aad aragto in kuwii aad u hadlaysay qaar kamid ah sidaas leeyihiin!..
Saaxiibkeeyoow, xor walba oo gadooda, dulmi hor istaago, xaq ku dhawaaqo, waxaa ka hor imaado addoomo, addoomo laga yaabo qaarkood in ay suudad xiranyihiin, ama jegooyin 'addoonnimo' hayaan!..
Saaxiib, xorku waa kan la jiro codka xaqa meel walba iyo marwalba, addoonsiga, dulmiga iyo daalimiintana ka soo horjeeda meel walba iyo marwalba. Suuragalne ma ahan in qof addoonsi iyo dulmi u diido meel, uuna ka oggalaado meel kale.. xornimadu ma qaybsanto, addoonnimaduna ma kala harto, ee xor ahoow, oo ku dhimo xornimo, Alla waxuu ku abuuray adigoo xor ah, hooyadaana waxay ku dhashay adiga oo xor ah'e!.
Nabadgalyo dushooda ahaato, meel walba oo ay joogaan; dhammaan xornimo u-
doodka, u-dirirka iyo kuwa codka xaqa ku hadlayo, dulmiga iyo Daalimiintana naqaska ku dhejiyo!.






.jpg)