Ma xasuusataa maalintii uu saaxiibkaa kugu salaamay, waad is beddashay, maxaa dhacay?!. Markaas waxaa ku khayaanay eraydii, waadna jawaabi wayday, laakiin aan anigu qoraalkan kuugu jawaabo, iina oggoloow in aan ku matalo, adiga iyo cid walba oo sidaada oo kale ah!..
Saaxiibkeeyoow, dadku nasiib darro, waxay arkaan natiijooyinka, laakiin marna ma fiiriyaan sababta ka danbeeyso!..
Aan kuu celiyo gadaal iyo maalmahaygii ardaynimada, si aan kaaga sheekeeyo maalin aan xasuusto, xafiiska Macallimiinta ayaan soogalay aniga oo wado Galaas biyo ah oo uu Macallin ii dirsaday, kulayl daran ayaa jiray, xilli duhur ahne waa la joogay, waxaan dareemay waxa uu dareemo qof dhabarkiisa kululi buuxiyay, jiriricyadaas igu kalliftay si lama filaan ah in uu igaga fakado koobkii biyaha ahaa ee aan waday!. Markaas dadka oo dhan waxay maqleen galaaska dhacay, waxayna dhammaantood igu canaanteen qaylida aan dhaliyay, laakiin ma jirin cid arkaysay kulaylka aan dareemayay, dhabarkayga waxuu la xanuunsaday iyo jaraynti gacantayda ee ka horreeysay fakashada weelka!..
Dadku ma garanayaan, in qofkan jilicsan ee aa aadka u qaboow ee aad noqotay ay ka dhalatay natiijada, gubashooyin badan oo aad la soo kulantay, cid aanan adigu ahaynne goob joog aysan u soo ahayn!..
Waa sidaas oo isku mid ma aha, kan dab gacanta kula jiro iyo mid biyo Gacanta kula jiro!.
Dadku ma oga, in qofkan taxaddarka badan, ee aanan qofna ku kalsoonaanayn ee aad noqotay, in ay ka danbeeysay khiyaanooyin iyo hagardaamooyin badan oo aad la soo kulantay kaligaa!.. kan dhabarka waran lagaga duray, iyo midkii fiirinayay isku dareen ma ahan saaxiibkeeyoow, ee sidee baadan isku beddalayn!..
Dadku ma oga, in qofkan gooni-u-goosadka iyo kaligii socodka ah, ee aad noqotay, ay tahay natiijada kalsooni xad-dhaaf ahayd oo isu beddashay khiyaano!, qaraarkeeduna adigu uun aad dareemaysay!..
Saaxiibkeeyoow, Dacaarta kan shubayo iyo midka cabayo isku mid ma ahan, kan tacsiyeynayo iyo loo tacsiyeeyahana isku mid ma aha, kan xanuunsan iyo midka soo booqdayne isku xanuun ma ahan!..
Geedka marki masaarta lagu garaaco, ma sii ahaado Geedkii weynaa, ee qaab kale ayuu yeeshaa, adiguna masaaro badan ayay nolosha kula dhacday, ee sidee baada isu beddalayn!.. dadkuna dhammaantood waxay arkaan koobka kaa fakaday, ee ma arkaan jarayntii gacantaada ee ka horreeysay!.
Nabadgalyo korkaada ha ahaato!.❤






