Thursday, April 16, 2020

Talo saarasho iyo tallaabo qaadis!.

    Waxa uu soo xajiyay Cumar bin Khadaab sanad kamid ah sannadadii uu hayay xukunka muslimiinta, waxa uu na kula kulmay xajka dad yimaaday xajka iyaga oonan wadan wax sahay ah, waxa ayna wax weeydiisanayeen dadka. Cumar ayaa weeydiiyay; Maxaad tihiin?. Waxa ay ku jawaabeen; waxa aan nahay kuwa Illaahay talo saarto.
    Cumar ayaa ku yiri; Mayee waxa aad tihiin kuwa is dhigto, kan Illaahay talo saarto waa midka ku rido dhulka xabbad masago ah, kadibne Alle talo saarto!.
    Dad badan oo innaga mid ah waxa ay khalad u fahmeen talo saarashada illaahay ama Tawakulka, waxa ayna u maleeyeen in  uu yahay tawakulka ka tagista dadaalka, iyaga oo iloobayo ama is iloowsiinayo in Illaahay bani Aadanku faray dadaal iyo inuusan is dhigan!.
    Waxa aanu rumeeysannahay in uu Alle weeyne yahay kan wax caafiyo,  laakiin waa doqonimo in aadan dhakhtir iyo dabiib raadsan!. Waxa aan rumeeysanahay in uu Alle wax arsaaqo oo quudiyo, hadane waxaa maan gaabnimo ah in aadan shaqada aadin!.
    Aad ayaad ula yaabeeysaa maalmahan cudurada jiro, ee lagu imtixaanayo Aadanaha, in qaar innaga mid ah ay ka tagayaan talooyinka caafimaadka, iyo qaadashada taxadar iyo foojignaan iyaga oo ka marmarsiyo dhiganayo talo saarashada Illaahay iyo ku kalsoonaantiisa, laguuma diidano talo saarashada Rabbi, laakiin ogoow in la imaanshaha dadaalka iyo qaadashada talooyinka caafimaadka in ay kamid yihiin TAWAKULKA!.
    Haa oo nebiga (NNKH) waxa uu ina baray in uu Alle yahay kan wax caafiya, dila oo quudiya, waxa uu innoo sheegay in haddii aan si dhab ah u tala saaran laheeyn Illaahay uu Alle noo quudin lahaa sidii shimbirta duusha iyada oo bog laalan, soo na noqota iyada oo dheregsan. Laakiin sidoo kale waxa uu ina baray Suubanaha in aan la imaano dadaal, oo shimbirtuba ma aysan seexan gurigeeda iyada oo sugeeyso in uu Alle buuxiyo caloosheeda, ee waa ay duushay oo ay baxday si ay u hesho quudka Illaahay!.
Waa fikir khaladan iyo fahan qalloocan in aan sugno dhicitaanka mucjisooyin iyo in wax walbo si degdeg ah isku badallaan innaga oonan dhaqaajin far!.
Ugu danbeeyntii tallaabo qaadista iyo dadaal muujinta marna kama hor imaanayaan talo saarashada iyo tawakulka, saa darteed Mu’minoow haa isku qasin is dhigashada iyo tala saarashada Rabbi, ee dadaal kadibne u dhiibo taladaada oo dhan Rabbi, adiga oo ku kalsoon in uusan dadaalkaaga wax tareeyn ogolaanshaha Illaahy la’aantiis!.

No comments:

Post a Comment