Maalmo ka hor ayaan akhrinayay gabar aabaheed uu ka mid ahaa dadka nadaafadda ka shaqeeya ama waddooyinka xaaqa, gabadhii waxa ay ka baxday jaamacadda heerka sedexaad, markii ay qalin jabisay, aabaheed waxa uu ka codsaday in aysan u sheegin dadka in uu aabaheed yahay dhul-xaaqe. Laakiin gabadha waxa ay u arkaysay in aysan shaqadu ahayn wax la isku ceebeeyo, waxa ay soo xiratay dharkii qalin jabinta, waxa ayna ugu imaaday aabaheed goobtiisi shaqada, waxa ayna ka codsatay qof in uu ka qaado sawir iyada oo ka dhunkanayso madaxa aabaheed, waxa ay ku faafisay baraha bulshada, waxa ayna ku dul qortay “Ninkaan sharafta badan ayaa I dhalay oo I soo saaray”!.
Dadka waxaa ugu liito kuwa marka ay dhameeyaan jaamacadaha, ka faano oo iska weeyneysiiyo shaqooyinkii hooseeyay ee aabayaashood!, halka ay ku faani lahaayeen in dad ka shaqeeyo shaqooyin ay dadka u arkaan in ay hooseeyaan, ay awoodeen in ay soo gaarsiiyaan heer jaamacadeed!.
Dadka waxaa ugu liito kuwa marka ay dhameeyaan jaamacadaha, ka faano oo iska weeyneysiiyo shaqooyinkii hooseeyay ee aabayaashood!, halka ay ku faani lahaayeen in dad ka shaqeeyo shaqooyin ay dadka u arkaan in ay hooseeyaan, ay awoodeen in ay soo gaarsiiyaan heer jaamacadeed!.
Sirta nolosha ma ahan nooca shaqo ee aad ka shaqeeynaysid, ee waa miraha shaqadaada, ka shaqee waxa aad doontid haddiiba ay xalaal tahay, laakiin iska fiiri wax aad u shaqeeynaysid!, dhaktar daacad ah iyo fuundi khiyaanool ah ayaan aragnay, sidoo kale waxaa jiro injineer laaluush qaato ah iyo shaqaalo nadaafadeed sharfan!.
Gacmaha adeeygga iyo dhaawacyada ka dhaxlay adeeygga shaqada waa tilmaam qar-iska tuurnimo iyo ku tiirsanaanta nafta, Rabbi ka dib!, gacmaha la wasakhoobay madoowga dhuxusha iyo boorka na waa calaamad kaa fogeeynayso is-dhigasho iyo caajis!, dhididka iyo diifta shaqadana waa aqoonsi iyo summad sharfan oo aysan dadku ogeeyn!.
Nebiyada waxa ay ka soo shaqeeyeen in badan raacista ariga, nebi Sakariya na waxa uu ahaa fuundi, hadabo adiga haa ka xishoon shaqadaada si walbo oo ay ugu liidato indhaha Aadanaha, u qaad madaxaada kor, oo ku faan naftaada, dharkaaga la wasakoobay shaqada waa summad sharfan, ceeb na ma ahan. Waxaa ceebta ah waa in dharkaagu nadiif noqdaan, qalbigaaguna wasakh ahaado, xoolahaaguna xaaraan!.
Dadki hore ayaa yiri “Ma jirto shaqa xun ee waxaa jiro dad xun”!. Waa sunno illaahay in ay dadka isu baahdaan, laakiin Illaahay uma baahno iyaga, Dhakhtarka waxa uu u baahan yahay fuundiga, tumaalahuna waxa uu u baahan yahay ganacsadaha, beeraleyguna waxa uu u baahan yahay dawaarlaha, kuwii hore na waxa ay u baahan yihiin rootilaha, laakiin dhamaantood waxa ay u wada baahan yihiin Illaahay!.
Fikraddu waa in shaqo waliba oo soo saareeyso dakhli xalaal ah tahay shaqo sharaf leh, qofka ka shaqeeynayana uu mudan yahay ixtiraam, maadaam uusan dadka kale kor saarnayn!.
Dhib ma lahan in uu qofka raadsado shaqo sareeyso, waxna kuma jabno in uu waalidka canugiisa la doono in uu noqdo dhakhtar uusanne la rabin kabo tole, ceeb na ma ahan in waalidka uusan la rabin wiilkiisa dawaarle ee la rabo injineer, laakiin waxaa ceeb ah in canuga marka uu noqdo dhaktar ama injineer uu liido, shaqdooduna ceebeeyo dawaarlaha iyo kabo tolaha!.
Nebiga (NNKH) waxa uu bogaadiyay shaqada, waxa uu na booriyay wax qabsiga iyo quudashada waxa uu qofka soo shaqeeystay, waxa uu yiri maalin “Qof ma cuno wax ka fiican waxa ay gacantiisa ku shaqeeystay, Nebi Daauud na waxa uu ahaa mid cuno waxa uu kasbado”. Maalin kale suubanaha waxa uu u sheegay saxaabada in uusan jirin nebi aanan raacin ariga, markaas ayay weeydiiyaan; Ma xataa adiga rasuul Alloow?, waxa uu yiri suubanaha; “ Haa. Waxa aan ahaa mid ugu raaco lacag yar ree Makkah”!.


