Tuesday, May 31, 2022

Hoggaanka aan u baahannahay ?

 HOGGAANKA AAN U BAAHANNAHAY (1).


Hoggaaminta ama hoggaamiyanimada waa saamayn ku yeelashada dadka iyo u jihayntooda dhanka xaqiijinta yool iyo gaarista hadaf cayiman. Waa cilmi la darso lana dhaqangelin karo, dhaqangelintaas oo keeni karto samata bixinta ummad dhan iyo horumarkeeda, hareer marka waddada hoggaamiyanimadana waxa ay horseeddaa dib-u-dhaca ummad ama fashilkeeda.


Islaamka waxa uu wax noogu sheegay tusaalayaal cajiib ah iyo sheekooyin aan ka qaadan karno casharro badan oo hoggaamiyanimada ah, kuwaas oo barasho iyo darsidba innooga baahan.


 Qormadan iyo kuwa xigi doonaba waxa aan si kooban ugu soo qaadan doonnaa Hoggaamiyaha wanaagsan iyo astaamihiisa qaar kamid ah, iyo hoggaanka aan u baahannahay nooca uu yahay?. Waxa aan intaasba jawaabahooda sees iyo saldhig uga dhigi doonaa, Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Suubanaha (SCW) iyo sidoo kale buugaagta laga qoray cilmiga hoggaaminta. 


Qormadan koowaad waxaan ku qaadan doonnaa Daaluut, oo ahaa hoggaamiya uu illaahay u dooray ree banii Israa’iil markii ay waydiisteen nebigoodi in loo dooro Boqor ay ka hoos dagaallamaan, hoggaamiyana u noqdo. Reer banii Israa’iil waxa ay war kasoo celiyeen doorista Illaahay, waxayna ku mucaaradeen Daaluut inuusan lahayn tilmaamahihii hoggaamiyanimada xaggooda, oo ahayd in uusan kasoo jeedin qooyska boqornimada lahaa iyo madaxnimada, uusanne haysan dhaqaale ku filan. Nebigoodi ayaa ku qanciyay in uu Illaahay ninkan u dooray uuna yahay nin u qalmo xilkan, kana soo bixi karo shaqadan. 

Waxa uuna ku tilmaamay Illaahay labo tilmaamood oo dul istaaggooda aan ku soo afmeeri doonna qormadan: 

قال تعالي: (( قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ)) [2 \ 247]


Tilmaamta koowaad ee lagu amaanay Daaluut waxa ay ahayd in la siiyay ballaarnaan xagga aqoonta iyo ogaalka ah, ma aysan haynin araddnaan xagga garashada ah, iyo agoontinimo ogaalka ah, waxa uu hodan ku ahaa aqoon, kuna hubaysnaa aragti dheer iyo garasha xeel-dheer. 

Halkaas waxaan ka qaadanaynnaa muhiimadda aqoontu u leedahay qofka wax hoggaaminayo, aqoon la xiriirto hoggaaminta iyo waxa uu dadka ku hoggaaminayo. Sidaas darteed ayaa Hoggaamintu waxaa lagu sheegaa in ay ka koobantahay seddax: Cilmi, Xirfad iyo Dhaqan. Haddaba mid kamid seddaxda dhardhaar ee ay hoggaamiyanimadu ku taagantahay waa Aqoonta. Sidaas ayuuna Illaahay ugu doortay Daaluut in uu hoggaamiyo ree banii Israa’iil.


Tilmaamta labaad ee Daaluut lagu ammaanay ayaa ahayd in la siiyay “Awood jireed”, taas oo u sahlayso shaqadiisa. In uusan ahayn mid aysan xubnihiisu dhammaystirnayn, ama da’ ka daba timid oo aan isku filnayn, ama xanuunsan oo daryeel u baahan, ee uu wax qabsan karo fushan karo oo dagaallami karo markii loo baahdo.


Xigashooyin: 

¹. Qur’aanka kariimka

². Leader shift – John C Maxwell 

³. Tafsiiru Ibnu-katiir 

⁴. Tafsiir Al-Qurtubi 

⁵. Tafsiir al-Baqawi


W/Q: AbdiAziz Mubarak



4 comments:

  1. Cilmi waa gartey oo barasha e xoog xageen ka helna aniga iyo adiga🤣🤣

    ReplyDelete
  2. Masha Allah. Waa talo iyo tusaale wanagsan

    ReplyDelete
  3. mashallah wa maqal aad u qurxoon❣️✌🏻

    ReplyDelete
  4. M.a waa maqal aad iyo aad u qurxan

    ReplyDelete