AAWAY NOLOSHA WANAAGSAN?! (2/2)
Waxaan maqaalkii hore wax kaga xusnay macnaynta nolosha wanaagsan iyo sida aysan u ahayn dhaldhalaaka muuqdo. Maqaalkan ugu danbeeyo cinwaankan waxaan kusoo koobi doonaa sababaha lagu gaari karo NOLOSHA WANAAGSAN ee Aadanuhu wada raadinyo, waxaana kasoo qaadanayaa labadan qodob;-
IIMAANKA.
Rumaynta Illaahay (SW) iyo ku qanacsanaanta waxa uu qoro, iyo isku dhiibista amarkiisa, waa waxa u yeelo joogitaanka dunida macno, noloshana u sameeyo dhadhan, Insaankuna qiimo u yeelo, waana waxa uu ku garanayo qofka yoolka jiritaanka iyo sirta abuuristiisa. Qofkii garto xaqiiqada kawnka iyo nolosha, iyo xaqiiqada waddada uu illaahay ugu talagalay Aadanuhu in ay qaadaan, iyo xaqiiqada geerida, iyo xaqiiqada waxa farxad gelinayo iyo waxaanan farxad gelinayn, Qofkaasi waxuu qaaday waddada Nolosha wanaagsan.
Iimaanku waa asaaska nolosha wanaagsan, iyo xasilloonida nafta, taasina waxay ka soo burqanaysaa dabaysha udgoon ee rumaynta Illaahay iyo ku qancidda qadarta Eebbe, iyo kalsoonida tala saarashada wadato. Sidaa darteed Illaahay waxa uu leeyahay “Ciddii Alle rumayso Alle wuu hanuuniyaa qalbigeeda”. Macnaha waxuu ka buuxiyaa Raalli ahaansho, xasillinoo rajo iyo yadadiilo wanaagsan, markaasuu ka helaa macaan qalbiga ah, waxyna ka muuqataa raadkiisa wanaagsan iyo dhaqankiisa suuban. Waxuu sidoo kale suubanah inoogu sheegay Xadiis “La yaab ayuu leeyahay arrinka Mu’minka, arrintiisa oo dhani waa khayr, cid aanan ahayn mu’minkuna sidaas uma ahan. Haddii wax uu ku farxo helo wuu u mahadnaqaa Illaahay waana u khayr, haddii uu wax uu nacayo asiibana waa uu ku sabraa, waana u khayr”.
Kan dhabta u qaday waa kan macaanka Iimaanka ka qaday, nimcaddaas wayne ay seegtay. Dhab ahaantii midkaasi waxuu waayay quruxdii nolosha iyo farxaddeedii, Noloshiisa oo dhanne waxay noqotaa ciriiri, cabsi, walaac iyo walwal aan dhammaad lahayn. Sababtoo ah insaanka ma ahan jir oo kali ah ee waa Ruux iyo jir wada socdo, haddii uu insaanku waayo Iimaankii waxuu waayay insaannimadiisi, mana uusan garan macnaha abuuritaankiisa iyo ujeeddada joogistiisa, xataa haddii uu daaro iyo qasriyaal ku dhex jiro, hanti aanan dhammaanayn uu haysto, waxaa ka maqnaanayo farxaddii iyo qanacsanaantii gudaha ahayd, taas oo ka imaaddo xasilloonida Iimaanka iyo raalli ahaanshaha qalbiga.
CAMALKA WANAAGSAN.
Camalka suubban oo ah wax walbo oo Illaahay raalligelinayo, ayaa kamid ah waxyaabaha lagu helo nolosha wanaagsan, qofkuna ku gaari karo xasillooni iyo farxad gudaha ah.
Dhinacyada ugu muhiimsan ee camalka suubban marki laga soo tago cibaadooyinka waajibka ah, waxaa kamid ah ka farxinta dadka kale iyo kabista qalbiyada.
Mid kamid ah Hantiilayaasha lacagta badan ayaa yiri “Waxaan ka raadiyay farxadda meel walbo, waxaana u maray waddo walbo, waxaan u maleeyay in ay tahay iibsashada maguurto badan, markaas ayaan deegaankaygi guryaha ugu qurxoonaa ka iibsaday, balse ma helin wax farxad ah, waxaan ka raadiyay dalxiis iyo dunida oo lagu meeraysto balse sidoo kale waxba ka faa’idin. Illaa maalin uu saaxiibkeey ii soo bandhigay in aan kala qayb qaato mashruuc carruur baahiyo gaar ah qabo loogu iibinayay kuraasta dadka naafada ah, iyo agab kale, waana aqbalay oo waxaan ku bixiyay lacag badan.
Maalmo kadib ayuu ii yeeray saaxiibkii si aan ula geeyo kuraasta xarruntii carruurta ku jireen. Waxaan soo arkay farxadda caruurta iyo dhoolla-caddayntooda oo aan aad ugu farxay. Waxaa aad iiga yaabiyay markii canug kamid ah carruurtii uu gacanta I qabsaday oo uu aad ii eegay, ayuu yiri “Waxaan doonayaa in aan wajigaaga si fiican u aqoonsado, si aan maalinta qiyaamo ugu dhaho Illaahay, ‘Rabbiyoow ninkan adduunyada ayuu abaal wayn noo galay’. Waxuu yiri hantiilihii Dhacdadaas kadib aad ayay noloshayda isku beddashay, waxaana ogaaday in farxadda dhabta ah iyo nolosha wanaagsan ay naga jirto wanaajinta dadka kale iyo farxad gelintooda.
Waxaa muhiim ah inaan xuso in Nolosha wanaagsani aysan ka dhignayn ka marnaanshiyaha Imtixaan iyo dhibaatooyin, oo taasi waxay u baahantahay Sabar iyo adkaanshiyo, sida uu Suubanaha sheegayne waxaa loo kala imtixaan badan yahay sida loo kala Iimaan badanyahay, sidaa darteed ayuu Suubanaha (NNKH) iyo nebiyada kale ba ay mareen imtixaanno adag oo ay u dulqaateen.
Ugu danbayan: Nolosha wanaagsan raadinteedu waa in aad farxaddaas aan kasoo sheekaynnay dunida aad ku heshid, aakhirna aad ku bedbaaddid, ee waxaad ku dedaashaa in aad samaysid camal ku farxad geliyo dunidana, dadkuna kaaga daydaan, maalinta aad saarantahay sarriirta geeridana marki lagu soo hormariyo aad ku farxdid.
Xikmad ku qornayd luuqadda ‘Siniskiriitayad’ ayaa oranaysay “Bani aadanoow waxaa lagu dhalay adiga oo ooyayo, dadka kugu hareeraysanne ay faraxsanyihiin, ee waxaad noolaataa nolol maalinka aad ka dhimanaysid aad qosashid marka ay dadka kugu hareeraysan ooyayaan!”.]
DHAMMAAD!.
W/Q: Cabdicasiis Mubaarak

No comments:
Post a Comment