Maxaan uga baahannahay dhalinta saamayn iyo reebista raad?. Mawduucan waa mawduuc aad u muhiim ah, sababtoo ah waxuu la xiriiraa nolosha, waana wax ku saabsan jiritaanka Aadanaha. Saamayn ku yeelashada dunida waa wax ka badlisteeda, waa ka tagista raad wanaagsan Aadanaha, waa wax kusoo kordhinta dunidan, haddii aadan kusoo kordhin adiga ayaa dheeraad ku ah!.
Maanta waxaan u baahannay dhallinyaro samayn karo saamayn ay ku dhex yeeshaan bulshadooda, Saamayn togan oo ay dadkooda wax kaga badli karaan, waxaan u baahannahay cid noqoto nambar adag oonan la badali karin, ku hubaysan diin, dhaqan, akhlaaq iyo waddaninimo.
Waxaan uga baahannahay samaynta saamaynta in aad noqotid hoggaamiye wanaagsan, dadka kale ku hoggaamiyo wanaagga iyo horumarka, raad wanaagsan kaga tago dadka, uguna noqdo imaam iyo mid lagaga daydo samaha, asagoo ku dayanayo nebi Ibraahiim (CS) oo uu illaahay ku tilaamay suuratu Naxli, aayadda 120aad: “(Nebi) Ibraahiim waxuu ahaa ummad ‹khayr fare› Eebbe adeeca xaqana u iisho, mana kamid ahayn mushrikiinta”.
Illaahay waxuu inoo sheegay in Mu’miniintu ku ducaystaan inuu kamid dhigo –Illaahay- kuwa dadka wanaagga ay kaga daydaan. Suuratu furqaan, aayadda 74aad, waxuu Illaahay ku leeyahay “Waana kuwa dhaho –Mu’miinta- Eeboow nagasii haweenkeenna iyo carruurteenna wax isha ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada Imaam”. Waa sidaas dadka wanaagsan waxa ay Illaahay ka baryayaan inuu ka yeelo hoggaamiyaal samaha iyo wanaagga lagaga daydo.
Haddabo si qofku saamayn wanaagsan oo xagga faafinta khayrka iyo samaha, iyo hanuunita dadka ah si uu yeesho waxaa lagama maarmaan ah in uu yeesho qofku Aqoon ku filan, aqoon uu dadka wanaagga ugu tusin karo xumahana kaga reebi karo. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) isagoo ka hadlaya doorka ay aqoontu ku yeelan karto kala sarraynta iyo horumarka bulshada, waxa uu gabaygiisii “Hayaan”, ku lahaa erayadan:
“Waxaa cirka lagu hujuumay
Waxaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa badahaa hugmaaya
Bidhaansha guntooda hoose
Waxaa uumiyaha hanuunshay
Waxaa cudurkii halgaaday
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?
Dadkaa heegada is geeyey
Dadkaa haqab-beelka gaadhay
Hub-qaad haga dayo miyaa?
Ninkaa buurta roobku helay
Gunteeda ka heesayow
Figteedaa nolol habboon”
Haddabo sida ugu habboon ee aan saamayn togan ku samayn karno waa in aan aqoon ahaan u diyaarsannahay. Inkastoo ay dhici karto in qofku saamayn wanaagsan yeesho isagoonan aqoon lahayn, sida qof dhaqaale haysto kaas oo uu u isticmaalayo ku faafinta khayrka iyo hanuuninta dadwaynaha sida ku bixinta qarash barnaamijyada wacyigelinta bulshada, taageeridda waxbarashada, dhiirrigelinta Maktabadaha IWM, haddane saamaynta hanuuninta iyo wacyigelinta dadwaynaha waxaa udub dhexaad u ah aqoon iyo baaritaan dhab ah. Balse marki kuwa dadka wax u sheegayo, wacdinayo, wadaniyadda barayo, aqoonta sheegayo ay noqdaa kuwa aanan dhisnayn aqoon ahaan, waxaa adkaanayso in dadkaasi hagaagaan, waxaana soo baxayso sidii uu suubanaha (NNKH) sheegay marki uu ka warramay kuwa aanan aqoon lahayn oo fatwoonayo misane dadka wax u sheegayo inuu yiri “Way baadiyoobeen wayna baadiyeeyeen –kuwi ay wax u sheegeen- ”.
Haddabo maxaan ka doonaynnaa saamayn yeelashada iyo in raad wanaagsan la reebo? Waxaa inoogu yeerayo in aan sidaas samaynno dhowrkan qodob:-
1. Annaga oo fulinaynno amarka Eebbe (SW) oo ka doonayo Mu’miniinta dad aanan dadka kale ku tiirsanayn dhan walba, ayna noqdaan kuwa la falgala nolosha, wax-qabsada, nolosha wax ku biiiriyo, wax ka bedalo oo saamayn ku yeesho. Waxuuna faray Mu’miniinta isbeddal, dedaal iyo shaqo. Waxuu leeyahay Illaahay (SW) suurtaul Tawba, aayadda 105aad: “Waxaad ku dhahdaa Camal fala, wuu arki Eebbe camalkiinna iyo rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waxaana la idiin celin xagga (Eebbe) og waxa maqan iyo waxa joogo idiinkana warrami (Abaalmarin) waxaad falaysaaan”.
2. Qofka saamaynta leh haddii uu daacad ka yahay waxa uu qabanayo waxuu ka ajar badanyahay qofka tiisa uun ku ekaaday, waxuuna helayaa ajarkiisa iyo ajar qof walbo oo kaga dayday wanaagga ama uu faray iyagoonan ajarkooda wax laga nusqaamin siduu suubanaha (NNKH) sheegay.
3. Hagaajinta dunida; oo aan uga jeedo in dadka lagu dhex faafiyo waxa wanaagsan, khayrkana la badiyo oo dadka u ahalka ah u kacaan, waa ujeeddo kamid ah ujeedooyinka Illaahay dunidan dadka ugu dhex sameeyay, in ay saamayn ku dhex yeeshaan, cammiraan oo horumarka iyo wanaagga kaga shaqeeyaan waana sida uu Illaahay ku suurtu Huud aayadda 61aad, in dhulka uu dadka ku dhex cammiray. In la fasaadiyo, la burburiyo la halleeyo dunida iyo deegaankana waa wax reebban oo kasoo horjeeddo hagaajinta. Burburintaas oo kulminayso burburinta muuqato, ta akhlaaqeed, ta diimeed iyo tan dhaqameedba.
Maanta oo dadka saamaynta bulshada kudhex leh ay noqdeen kuwa dhaqan xumo ka shaqeeyo, horumar iyo hanuunne hayn, waxaa la gudboon dadka wanaagsan in ay saamayn wanaagsan ku dhex yeeshaan dhallinyarada, ayna kaga badbaadiyaan dabinnada la isaga daba dhigay iyo godadka la isaga daba qoday ee wada gudcurka ah, ayna gadaal ka fadhiyaan wadaad xumaha wanaagga farin dadka, fannaan xumaha fankiisa maran yahay, siyaasi xumaha siyaasaddiisu qurunka tahay iyo mid walbo waxuu rabo ha ku tilmaamnaado e, aanan bulshada u hayn horumar iyo hanuunin, dhallinyaradana dhagahooda xaday!..
W/Q: Cabdicasiis Mubarak.
Buugjecel@gmail.com

No comments:
Post a Comment