Tuesday, October 25, 2022

SAYYID QUTUB !.

 29kii Agoosto 1966dii, ayaa Sayyid Qutub oo ahaa qoraa iyo Mufikir islaami ah oo Masar u dhashay la dilay.

Jamaal Cabdinaasir oo markaas hayay talada dalka Masar, ayuu aragti ahaan kasoo horjeeday Sayyid Qutub, taas ayuuna ku mutay dilka. Eedaymo been abuur ah, iyo cadaallad darro cad ayaa Qutub lagu dilay. Halka eed ee lagu cayrsanayayne waxay ahayd u adeegista diinta.
55 sano kadib, Sayyid Qutub wuu haray magaciisi, malaayiin Muslimiin ah ayaana u duceeyo, una yahay ku dayasho iyo astaan halgan.
Jamaal waa uu haray magaciisa, laakiin Qutub taariikhdu maysan hilmaamin. Waxa uuna sii ahaa magac ku lamaan xaq u dirirka iyo cadaaladda.
Waa loolan iyo lagdan aanan dhammaanayn oo ka dhaxeeya xaqa iyo baadilka, cadaaladda iyo dulmiga oo inta uu dhulka jiro la jiri doona.
Qaar ayaa dooran doona aamusnaanta iyo doonta nabadda, qaar kale oo yarne waxa ay dooran doonaan in ay noqdaan astaamo u halgamo cadaaladda iyo xaqa. Kuwo qalqal geliyo qasriyada madaxda dulmiga, kana doorta nabadda iyo ku qancista dulmiga, cadaaladda iyo u dhimashada waddada xaqa.
Allaha u naxariisto Sayyid Qutub, weli waa uu nagu dhex noolyahay. Waxa uuna sii ahaan doonaa mid sii welwel geliyo qasriyada daalimiinta, iyo qalbiyada xaq la dirirka.
-Abdiaziz Mubarak.


Aad halkaad doontid!..

 Sufyaan al-Thawri oo ahaa Muxadis, ayaa ahaa mid aad u dhaliilo AbiiJacfar al-Mansuur, taas oo keen- -satay markii danbe in Mansuur uu amro in lasoo qabto Sufyaan si loo dilo!.

Sufyaan wuxuu u cararay Yaman, waxuuna u kala gudbay tuulooyin badan, isagoo halkaas kasii waday gudbinta xadiiska Nebiga (NNKH), isagoo dadka barayay arrimaha diintooda, sidaas ayayna ku soori jireen, si fiicanne ugu soodhaweeyeen, iyagoonan aqoonin.
Mar ayuu tuulo kamid ah tuulooyinkaas gaaray, habeenki uu u hooyday, ayaana laga xaday tuuladii alaab, isaga ayaa lasoo tilmaamay, oo la tuhmay, madaama uu ku cusbaa tuulada. Waxaana loo keenay Macin binu Saa'ida, oo ahaa guddoomiyaha Yaman ee u joogay AbiiJacfar al-Mansuur. Waxyna uga dacwoodeen in ninkan ay uga shaki- sanyihiin in uu xaday alaabtooda, uuna inkirayo!.
Macin ayaa waydiiyay: Maxaad ka leedahay?
Waxuu yiri Sufyaan: waxba kama qaadan.
Macin waxuu sifiican u eegay wajigiisa, waxuuna ka gartay inuusan ahayn waji tuug. Waxuuna ku yiri dadkii la joogay, iga baxa, si gaar ah ayaan ula hadli rabaaye.
Waxuu waydiiyay: Kumaad tahay?
Waxuu kujawaabay: Addoonki Illaahay
Macin: Ii sheeg magacaaga oo seddaxan.
Sufyaan: Sufyaan ibnu saciid al-Thawri.
Macin: Sooma tihid Sufyaanka uu raadinayay Khaliifka?. Haa ayuu kujawaabay.
Waxyar ayuu aamusay, waxuuna yiri: Adiga oo kale lama dhiibo, aad halkaad doontid.
Aad ayuu u muhiimyahay casharka aan kaqaadan karno sheekadan, oo ah inaan dulmiga qayb ka noqon.
Shirkadda uu dulmiga ka dhexjiro, kuma khasbanid inaad ka tagtid, laakiin waxaad ku qasbantahay inaadan ka qayb qaadan dulmiga kadhex socdo!.
Shaqooyinka rayidka dadka ayaa loogu adeegaa, haddii uusan masuulka kaa sarreeyo arkayso inuu dulmi samaynayo, isku day adiga inaad wanaagsa- naatid, wixii aad kartidne aad hufnaan u qabatid.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo waaqaca aan ku noolnahay aanan waxbadan kaga beddali karin, laakiin waxaad awoodnaa inaan kudhex toosnaano waaqac qalloocan!
Nolosha waxay u baahantahay soodh-dhawayn iyo iskuday, inaan Illaahay kaga cabsanno intaan awoodno. Maamulaha iskuulka waa inuu caddaa- lad ka sameeya inta kuxeeran, intuusan wax ka sheegin Cadaalad daŕrada Garsoorka. Sababtoo ah teenna ayaa nala waydiin doonaa uun!.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak


Gacmahiisa fiiri!.

 Gacmahiisa fiiri!.

Sheekooyin dhaqameedka Faaris waxaa kamid ah, in ni Beeraleey ahaa uu ugaarsanayay shimbiro maalin dabayl badan. Ciidda ay dabaysha soo tuurayso waxa ay kaga uruuraysay ninka Indhaha, sidaa darteed wuu ilmaynayay!.
Shimbir waliba marka uu qabsado, inta baalka uu ka jabiyo ayuu sallad kusii ridanayay.
Kolkaas ayuu shimbir ku yiri saaxiibkiis: Alla maxaa ninkan nooga naxariis badan, sooma aragtid sida uu u ilmaynayo, oo uu uga xunyahay inuu na ugaarsado!.
Shimbirkii kale ayaa ku jawaabay: Ha fiirin illinta indhihiisa, ee fiiri shaqada gacantiisa!.
Markuu ka sheekeeyay nebiga NNKH khawaarijta, waxuu saxaabada ugu sifeeyay inay yihiin kuwa cibaado badan. Wuxuu yiri: Waxaax xaqiraysaan salaaddiinna markaad u fiirisaan salaaddooda!, Soonkiinna iyo soonkooda, cibaadadooda iyo cibaadadiinna, Qur'aanka ayay akhrinayaan, waxayna uga siibanayaan diinta sida leebka uga siibmo wixii lagu ganay, waxay dilayaan ahalka Islaamka, waxayna u yeeranayaan ahalka sanamyada!.
Cidda salaadda khawaarijta la yaabayso, ma ahan aniga iyo adiga, waa saxaabada naftirkood!, malayso sida ay cibaadadaas tahay, haddana eeg falkii ay sameeynayeen, ay dileen khaliifkii Muslimiinta, ayna xalaashadeen dhiigga Masaakii- -inta.
Ibnu Muqafic waxuu leeyahay "Calaamadaha kan gunka ah waxaa kamid ah, in uu hadal sanyahay, se falkiisa xunyahay!".
Ibnu Jawsi wuxuu ku leeyahy 'Saydul Khaatir' , waxaan la kulmay Wadaaddo xaaladahooda kala duwanaayeen, heerka aqoontooduna kala sarree- yay, waxaana iigu faa'ido badnaa, kan ku dhaqmay, wixii uu i barayay, xataa haddii laga aqoon badnaa!.
Thacaalibi wuxuu ku leeyahay 'Ladaa'ifu Ludf' Waxaaa u soo galay Nasr, mid suugaanlayda kamid ah isagoo wato Kitaab, wuxuuna ahaa mid adaabt- iisu fiicnayn. Markaasuu waydiiyay kitaabka aad wadato magacii?, wuxuu ku jawaabay: Kitaan aadaabta ka sheekaynayo. Markaasuu Nasri yiri: Maxaad ugu camal fali wayday!
Uma jeedo in haddii aan shar samaynaynno aan sidoo kale sharta dhahno, ama faafinno!, oo aan kulansanno hadal xun iyo ficil xun, balse taas baddalkeed baadilka in aan sheegno in uu baadil yahay, waxa xunne aysan fiicnaayn xataa haddii ay dadka dunida wada sameeyaan. Aana ku dedaalno intaan karno in ay is lahaadaan ficilkeenna iyo hadalkeenna, oonan noqon kuwa uu Illaahay ku tilmaamay " وأنهم يقولون مالا يفعلون".
Inta aanan ku kadsoomin hadalka, waa in aan eegnaa ficilka, isaga ayaa rumaynaya hadalkii ama beeninayee, wax walba ka horne "Ha fiirin illinta indhihiisa e' fiiri shaqada gacantiisa"!.
Barqo wanaagsan.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak.

 

Waxuu iiga tanaasulay barka Boqortooyadiisa!.

 Waxuu iiga tanaasulay barka Boqortooyadiisa!.

Waxuu ku leeyahay qoraaga Cali Jaabir Al-fiifi buuggiisa 'Siwaaru Ummi' cinwaanka 'Caraft qofka' waxuu ku daabacay sheekadan. Waxuu yiri "sanadkii 983dii waxa aan ahaa arday dhigto dugsiga Hoose, magaalada Tabuuk ee dalka Sacuudiga, waxaan ahaa agoon sabool ah, wax dhaqaale ahna aysan haysan qooyskooda. Ma aanan haysan Aabbe i daryeelo sida carruurta kale, waxaa jeclaa in aan arko Aabbahey oo gacanta isaga oo i hayo, i keenayo iskuulka, ama aan ka soo degayo gaarigiisa, laakiin waan la'aa dareenkaas. Cid madaxa ii salaaxdo, oo i dareensiiso inaan ahay arday dhiirrigelin mudan. Aabbahay waxaan ku arki jiray riyada oo kali ah, waxaana u arkayay yoolkayga nolosha ugu wayn maqlista kalmadda 'Aabbe'!.
Hooyaday ma aysan haysan dhaqaale fiican, si ay iigu rumayso riyooyinkayga, laakiin waxay haysatay qalbi wayn waxayna ahayd riyadeeda oo dhan in ay isoo saarto aniga, ayna qof sarreeyo iga dhigto!.
Maalin ayaan arkay saaxiibkey fasalka (Cabdullahi Qaasim) oo kasoo baxsanayo boorsadiisa Jabaati dhexda laga mariyay malab, oo uu ka daadanayo malabkii, si daran ayaan u eegay, anigoo is dareen- siinayay farqiga wayn ee nololeed ee noo dhaxee- yo. Saaxiibkaas wanaagsan oo malaha indhahayga aggoonnimo arkay, ayaa il naxariiseed igu eegay, waan u imid, waxuuna laba jab u kala jabiyay Jabaatigii, isagoo jab iisoo taagay. Waxaan dareemay in uu kala nar boqortooyadiisa i siiyay. Wixii aan malaysanayay ayaan helay, waxay ila ahayd riyo, laakiin saaxiibkeey ayaa dhabeeyay. Waan cunay, waxaana iga jabay colkii gaajada. Guriga waxaan ku laabtay maalintaas anigoo aad u faraxsan.
Maalintii xigtay waan hilmaamay wax waliba. Laakiin waxaa jiray qof aanan hilmaamin. Waxaa la yaabay markaan arkay saaxiibkeey Cabdullaahi oo ii sido wixii shalay oo kale, waliba hal dhammaysti- ran!. Haa, waxuu ii sheegay in Hooyadii ay soo sameeysay laba xabo, si aan u kala cunno. Aad ayaan u farxay, waaba sidii iyada oo Cabdullahi Hooyadii ay doonaysay in aysan farxaddaydii shalay aysan kala go'in ee ay waarto, oo ay sii socoto. Ma garanayo magaceedo, iyadana ma garanayso magacayga, iyo xataa muuqayga, laakiin waxa ay ahayd Banii Aadan danqasho iyo dareen leh. Waxaas aadka u yar, waxay i siinayeen farxad wayn oo wax loo dhigo aysan jirin.
Hooyadaas guriga joogto, ma aysan ku koobnayn Guriga waxtarkeeda, balse waxay ahayd mid ka warhayso wiilkeeda, kuna barbaarinayso oo barayso qiimaha wax isa-siinta, wax huridda iyo deeqsinimada.
Jabkaas jabaatiga ah, waxa uu uga dhignaa canuggaas yarka ah sidii boqortooya oo kale. Wax wayn oo uu helayo ayay u ahayd, sidaas ayayna dhacdadaas ugu daabcantay xasuustiisa.
Baro carruurtiinna deeqsinimada iyo in ay wax huraan, kuna barbaariyo, wacad baan ku maraye, waa wax wayn oo aad yaraysanaysaan!.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak


Haddaan ku caro gelinno..!


Muxammad bin Axmad Al-Maqri waxuu kusoo arooriyay kitaabkiisa "Mukhtaaru nawaadir alAkhbaar" in Xajaaj bin Yuusuf uu dadka u khudbeeyay maalin, waxuuna ka sheegtay adeecid la'aanta dadka ree Ciraaq.
Markaasuu u jawaabay 'Jaamac Al-Muxaaribi' oo yiri: "Haddii ay kujeclaan lahaayeen, way ku adeeci lahaayeen, mana aysan ku caayeen. Ka raadso cafinta dadka kaa hooseeya, oo u dhimri in badan, waxaad heli doontaa jacaylkooda iyo adeecistooda
Xajaaj ayaa yiri: Ma u malaynayo inay ku toosayaan waxaan ahayn seef.
Jaamac ayaa ku jawaabay: Amiir, haddii ay seefta seef la kulanto, waxaa lumo doorashada!.
Xajaaj: Doorashada maalintaas Illahay baa leh.
Jaamac: Haa, laakiin ma ogid cidda uu illahay guulaynayo.
Xajaaj ayaa yiri: wallaahi waxaan damcay, inaan carrabka kaa gooyo, oo aan wajiga kaa garaaco!.
Jaamac ayaa ku jawaabay: Haddii aan runta kuu sheegno waan kaa caraysiinaynnaa, haddii aan been kuu sheegnana waxaan caro gelinaynnaa Illaahay. Caro galinta Amiirkana waxaa ka wayn caro gelinta Illaahay.
Si fiican u dhuux halkaas, Caro galinta Amiirkana waxaa ka wayn caro gelinta Illaahay!.
Kuwa Carrabkooda beenta ku malabaynayo, ee u kala ordaya raalligelinta madaxda, ka masaxiddooda ceebaha, iyo u doodistooda, dhammaantiin; waxaad u burburinaysaan diintiinna
Adduunyada cid kale.
Daaciga qaatay dhaxalka nebiyaxa, ee ku iibsanayo diintiisa lacag yar iyo dhaldhalaal adduunyo, ee soo saarayo fatwada sajallan ee ay madaxdu faraan, waxaa dadka ugu doqonsan qofka aakharadiisa ku waayo adduunyada cid kale.
Kaalmeeyaha iyo gacan yaraha daalimka, gacanta u ah madaxda, ee ka labalabayn waxa ay faraan, waxaad ogaataa in uu Alle kaa dhigay addoon doorasho leh, ee aadan qasbanayn, cid kalena aadan addoon u ahayn.
Markii lagu xiray Imaamu Axmad fitnadii Abuuridda Qur.aanka, waxuu ku celcelin jiray: kuwa caawiyo Daalimiinta waa Eeyaha Naarta!
Mid kamid ah kuwii xiray ayaa yiri: Ma kamid ahay aniga kuwaas?
Wuxuu ugu jawaabay Sheekha: Kuwa caawiya Daalimiinta waa kuwa cuntada u kariyo, Dharkana u tolo, adiga laakiin waxaad kamid tahay Daalimtiinta naftirkooda!.

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak



CILMI MISE CIMRI?!.

 CILMI MISE CIMRI

Khaliifkii Mu'miniinta ee Cumar binu Cabdicasiis, ayaa waxaa usoo galay wafdi ugu yimid tahniyad, kadibna kuray ugu yaraa wafdiga ayaa qaatay hadalka, waxa uuna bilaabay in uu la hadlo khaliifka, Cumar oo yara dudsan in qof yar ka hor hadlo dad waaweyn, ayaa yiri; wiilyahoow fadhiiso, hana hadlo qof kaa da' weyn.
Waxa uu yiri wiilkii toban jirka ay waxa yar u raaceen: "Alle ha hagaajiyo amiirka Mu'miniinta, Qofku waa labadiisa yaryar: Macnaha qalbigiisa iyo carrabkiisa, haddii uu alle siiyo qofka carrab hadalka si wanaagsan u gudbin kara iyo qalbi wax qaybi kara, waxa uu mutay hadalka, haddii arrinku sida aad sheegaysid uu yahayna, waxaa jiri lahaa cid kaaga mudan kursiga aad ku fadhidid ! Cumar aad ayuu ugu bogay warkaas, waa uuna soo dhaweeystay wiilkii yaraa.
Waxgarashada ama wacyigu waxa uu ku jiraa caqliga iyo cilmiga ee kuma jiro cimriga ama da'da, cimrigu waa tiro maalmeed socda, balse caqliyada waa fahan iyo xikmad uu Alle dadka siiyo, waxaa sii dheer aqoon uu isaga qofka raadsado, kuna xirnayn da' iyo duqnimo, oo aadanuhu ma xukumo cimrigiisa oo maalmuhu waxa ay socdaan iyaga oo aan la tashan, balse in uu u koro qofka garaad iyo aqoon ahaan, waa wax uu isaga dooranayo.
Weynida iyo buurnidu toona kama dhigno caqli badni iyo garaad dheeraad ah, halka yaraanta iyo caatanimaduna kaga dhigneyn marna caqli yari iyo garaad hooseeya, lidkuna waa sidoo kale, waa wax lala yaabo in dad badani ay wax ku xukumaan muuqaalka qofka iyo da'diisa, iyaga oo hilmaama garaadka iyo maskaxda qofku heerka ay gaarsiisanyihiin, iyo suuragalnimada in la helo 50 jir aan laheyn biseyl maskaxeed iyo ku aqooneed iyo 15 jir ku arkaya caalamka indho waayo-aragnimo qarniyo tixnaa oo kale.
Markii Usaama bin seyd uu Rasuulka ( NNKH) u dhiibayay hoggaanka ciidan duulayay, isaga oo ahaa 18 jir, waxaa ku jiray saxaabada dad da'doodu 50 kor u dhaaftay, balse haddana Rasuulku waxa uu hoggaan uga dhigay wiilkaas yar, sababtoo ah isaga ayaa halkaan ku haboonaa, sidaas oo kale waxaa jiro meelo ay dadka waaweyn kaga habboon yihiin kuwa yaryar, balse waxa aan doonayo inaan iraahdo ayaa ah, in marnaba caqliga iyo cilmiga aysan ku xirneyn da'da iyo duqnimada, ayna yihiin wax uu ka dhar la'aan karo duqa da'da ah, yeelan karana wiilka yar.
Haddii da' iyo duqnimo wax la isku siinayo, laguna gaarayo meelo sare, Muxammed( NNKH) oo 40 jir ah, looma soo direen duni da' waliba dhex joogto,Cilmiga iyo Cimriguna waa laba wax oo kala socda waana isla socon karaan, caalim ama caaqil walibana waa cimri waayo-aragnimo miiran ah, balse oday walba oo cimri ah ma ahan caaqil ama caalim!
Geedaha waxa ay qiimo ku leeyihiin mirahooda, ee ma ahan ballaca jiriddooda, daruuruhuna waxa ay faaiido ku leeyihiin harkooda iyo mirtooda, ee ma ahan sida ay isugu firaariyaan cirka, ama ay isugu ballaariyaan samada, Sidaas oo kalena aadanuhu waxa uu wax ku yahay waa waxqabadkiisa iyo wax soo saarkiisa, ee ma ahan da'diisa iyo cimrigiisa toona!.

WAA KAN MUXAMMAD (NNKH)

 WAA KAN MUXAMMAD (NNKH)

Waa kan Muxammad (NNKH) oo aanan aqoonin is weeynaysiin iyo kibir, is dhul dhig iyo dabacsanaan ayaa astaan u ah, waxa aan arkay isaga oo gurigiisa joogo, kolkaas ayuu dhaqanayaa maryihiisa, tolonayaa kabtiisa, uuna maalayaa arigiisa!.
Waxa aan arkay isaga oo wax la cunayo shaqaale, isaga oo soo booqanayo qof xanuunsan, quudinayana kan baahan!.
Waxa aan arkay isaga oo tukanayo, caruurta uu awoowga u yahayne, ay dhabarkiisa fuulayaan marka uu sujuudo, kadibne uu faraha ka qaadayo illaa ay iskood isaga dagaan, kolkaas ayuu marka uu istaago xambaarayaa oo la istaagayaa!.
Waxa uu ahaa jaceeyl iyo dabacsanaan dhulka ku socdo.
Waxa uu jeclaaday insaanka iyo xayawaanka.. xataa dhirta waxa uu fari jiray inaan la gooyn.
xataa ma yeeraanka iyo buuraha waxa ay heleen qayb ka mid ah jaceeylkiisa.. waxa uu ka yiri maalin buurta Uxud.. “Tani waa buur aanu jecelnahay.. iyaduna na jecel”.
Dhulka, dadka , buuraha , carrada iyo wax walbo waxaa gaaray Jaceeylkiisa!.
Waa kan midkii weeynaa ee necbaa in la wayneeyo.. waxa uu ku dhihi jiray asxaabtiisa marki ay u istaagaan.. “haa ii istaagino sida ay cajamta u sameeyaan boqorradooda”!.
Waxa uu ahaa deeqsigaas ay ku tilmaameen asxaabtiisa, in uu bixin jiray wax bixin qof aanan ka cabsanayn faqri iyo gaajo..
ma aysan dhicin in uu maalin lacag kaydsaday.. dahab uu duugtay iyo xoola xaraystay!.
waxa uuna dhintay isaga oo cambuur bireedkiisi uu la yaallo nin Yahuudi ah.
Waa uu noolaaday isaga oo aanan ka dhergin rooti, waxaa soo martay isaga oo aanan dab laga shidin Hooygiisa laba Maalmood.
hadanne ma uusan diidi jirin haddiyadda, ma uusan necbayn in uu ku farxo waxa uu haysto oo ku raaxeeysto noloshiisa, laakiin waxa uu necbaa in uu u noolaado jab rooti ah, ayna noqoto hammigiisa oo dhan xirasho, cunis iyo cabis!.
waxa uu ku barbaariyay naftiisa, dhexdhexaysi iyo qanacsanaan.
Waxa uu tusaale u yahay sida uu yahay Islaamka, ma ahan sida laga dhigtay, loo qaatay, loo fasirtay ama laga aaminay!.
Diin dhexdhexaadsi, cadaallad iyo sinnaan..
Diin aysan ku jirin cibaado u goosasho, Xagjirnimo iyo is-dil nafeed..
Diin ka fog u hoggaansamid naf iyo u hanqal taagis hunguri..
Diin aanan oggalayn dulmiga iyo dadkiisa..
Diin ku dhisan cadaallad iyo dhexdhaxaad..
Diin ka dheer isku adkayn iyo is kallifid..
Diin fudeeyd iyo naseexo ah..
Allaahuman Salli Wasallim Callaa Sayyidi Alkhalqi Nabiyinnaa Muxammad Wacaaa Aalihii wa Saxbihii Wa Sallim..
14.12.2020
W/Q: Cabdicasiis Mubaarak,