CILMI MISE CIMRI
Khaliifkii Mu'miniinta ee Cumar binu Cabdicasiis, ayaa waxaa usoo galay wafdi ugu yimid tahniyad, kadibna kuray ugu yaraa wafdiga ayaa qaatay hadalka, waxa uuna bilaabay in uu la hadlo khaliifka, Cumar oo yara dudsan in qof yar ka hor hadlo dad waaweyn, ayaa yiri; wiilyahoow fadhiiso, hana hadlo qof kaa da' weyn.
Waxa uu yiri wiilkii toban jirka ay waxa yar u raaceen: "Alle ha hagaajiyo amiirka Mu'miniinta, Qofku waa labadiisa yaryar: Macnaha qalbigiisa iyo carrabkiisa, haddii uu alle siiyo qofka carrab hadalka si wanaagsan u gudbin kara iyo qalbi wax qaybi kara, waxa uu mutay hadalka, haddii arrinku sida aad sheegaysid uu yahayna, waxaa jiri lahaa cid kaaga mudan kursiga aad ku fadhidid ! Cumar aad ayuu ugu bogay warkaas, waa uuna soo dhaweeystay wiilkii yaraa.
Waxgarashada ama wacyigu waxa uu ku jiraa caqliga iyo cilmiga ee kuma jiro cimriga ama da'da, cimrigu waa tiro maalmeed socda, balse caqliyada waa fahan iyo xikmad uu Alle dadka siiyo, waxaa sii dheer aqoon uu isaga qofka raadsado, kuna xirnayn da' iyo duqnimo, oo aadanuhu ma xukumo cimrigiisa oo maalmuhu waxa ay socdaan iyaga oo aan la tashan, balse in uu u koro qofka garaad iyo aqoon ahaan, waa wax uu isaga dooranayo.
Weynida iyo buurnidu toona kama dhigno caqli badni iyo garaad dheeraad ah, halka yaraanta iyo caatanimaduna kaga dhigneyn marna caqli yari iyo garaad hooseeya, lidkuna waa sidoo kale, waa wax lala yaabo in dad badani ay wax ku xukumaan muuqaalka qofka iyo da'diisa, iyaga oo hilmaama garaadka iyo maskaxda qofku heerka ay gaarsiisanyihiin, iyo suuragalnimada in la helo 50 jir aan laheyn biseyl maskaxeed iyo ku aqooneed iyo 15 jir ku arkaya caalamka indho waayo-aragnimo qarniyo tixnaa oo kale.
Markii Usaama bin seyd uu Rasuulka ( NNKH) u dhiibayay hoggaanka ciidan duulayay, isaga oo ahaa 18 jir, waxaa ku jiray saxaabada dad da'doodu 50 kor u dhaaftay, balse haddana Rasuulku waxa uu hoggaan uga dhigay wiilkaas yar, sababtoo ah isaga ayaa halkaan ku haboonaa, sidaas oo kale waxaa jiro meelo ay dadka waaweyn kaga habboon yihiin kuwa yaryar, balse waxa aan doonayo inaan iraahdo ayaa ah, in marnaba caqliga iyo cilmiga aysan ku xirneyn da'da iyo duqnimada, ayna yihiin wax uu ka dhar la'aan karo duqa da'da ah, yeelan karana wiilka yar.
Haddii da' iyo duqnimo wax la isku siinayo, laguna gaarayo meelo sare, Muxammed( NNKH) oo 40 jir ah, looma soo direen duni da' waliba dhex joogto,Cilmiga iyo Cimriguna waa laba wax oo kala socda waana isla socon karaan, caalim ama caaqil walibana waa cimri waayo-aragnimo miiran ah, balse oday walba oo cimri ah ma ahan caaqil ama caalim!
Geedaha waxa ay qiimo ku leeyihiin mirahooda, ee ma ahan ballaca jiriddooda, daruuruhuna waxa ay faaiido ku leeyihiin harkooda iyo mirtooda, ee ma ahan sida ay isugu firaariyaan cirka, ama ay isugu ballaariyaan samada, Sidaas oo kalena aadanuhu waxa uu wax ku yahay waa waxqabadkiisa iyo wax soo saarkiisa, ee ma ahan da'diisa iyo cimrigiisa toona!.

No comments:
Post a Comment