Tuesday, October 25, 2022

FAALLO BUUG: Finding Truth: 5 Principles for Unmasking Atheism, Secularism, and Other God Substitutes. Nancy Pearcey.

 

FAALLO BUUG: Finding Truth: 5 Principles for Unmasking Atheism, Secularism, and Other God Substitutes. Nancy Pearcey.

(Raadinta xaqiiqada: 5 Mabaadi’ oo daaha looga rogaya Ilxaadka iyo Cilmaaniyadda).

 

Buuggan oo aan si fudud u billaabay akhriskiisa, ayaa xiiso gaar ah ii lahaa, maadaama uu khuseeyay mawduuc aan danaynayay ayaan hal fadhi ah uga baxay, waa buug u baahan waqti fiican iyo fiirin aqooneed, oo aan si sahlan lagaga bixi karin, haddana akhriskiisi koowaad waxaan u fadhiyay 6 saacadood oo xiriir ah illaa 2dii iyo bar habeennimo. Waxaan se ku khasbanaaday in aan mar labaad dul maro, nuxurka uu xambaarsanaa oo wayn iyo farriinta uu sido oo ballaaran awgeed, waxuu iga baahanayay mararka qaarkood in aad baaritaan kale sii gasho.   

Buugga waa 370 bog, oo ay qoray Nancy Pearcey, oo ah qoraa Ameerikaan, arrimaha diimaha iyo falsafaddana wax badan ka qortay, oo aan horay uga akhriyay buuggeeda “Total truth” oo 2005tii soo baxay. Buuggan aan wax ka qoraynno hadda waxa uu soo baxay 2015tii. Waxayna si fudud uga hadlaysaa afkaarta iyo falsafadaha liddiga ku ah diimaha Illaah oggol, ama qirsan awood jirto.

Buugga waxa uu ka dhashay qoristiisa, mawjadda Alle diidnimo iyo inkirista Illaahay ee sida xooggan ugu dhufatay Galbeed iyo bariba. Waxa uu gaashaan u yahay sida ay xustayba Ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee halista ugu jiro ka tagista wax walba oo diin ku saabsan sababa kala duwan awgood. “Nancy” waxay si gaar ah xoogga u saaraysaa bulshada ay kasoo jeedday oo “Kirishtaanka” ah oo dhallinyaradii ay ka fogaadeen diinta iyo kaniisadda, ayna ka carareen wax walbo oo diin ku shaqo leh, waxay Nancy qiraysaa in seddax melood meel kamid ah dhallinyarada ka tageen kaniisadda sabab la xiriirto helid la’aanta jawaabo ku filan  ayna qaateen Ilxaadka iyo calmaaniyadda.

Waxa ay Nancy buugga ku billaabaysaa cutub ay uga cinwaan dhigtay “Waxaan ku waayay Iimaankaygii kulliyad Injiili ah” (Kulliyad masiixi ah), oraahdaas waxay ka timid mid kamid ah shaqaalaha Kongreeska ee Maraykanka mar ay su’aalo waydiinayeen Nancy muxaadara ay u jeedisay gadaasheed. “Bill witcherman” oo ah ninka oraahdaas yiri ayaa sheegay in kulliyaddii uu dhiganayay lagu bari jiray jaamacadda aragtiyo cilmaaniyeed oo badan, mararka qaarne si toos ah uga hor imaanaysay waxyaabaha uu rumaysnaa ee kaniisadda laga barayay. Taas waxay ku qasabtay labaatan jirki aysan waxbadan u kala furman ee sanadki koowaad ee jaamacadda ku jiray inuu waydiiyo barofesoorradii jaamacadda “Sidee ayaad isugu xiraysaan Iimaanka iyo takhasuska aqooneed ee aad nagu baraysaan jaamacadda?” laakiin nasiib darro ma uusan helin jawaab. Ugu danbayn taas waxay ku qasabtay “Bill” in uu masiixiyadda ka tago, una diga rogta Ilxaadka.


Sheekada ninkan waa mid muujinayso dabci bani Aadannimo oo ah raadinta jawaabaha waxa uu is waydiinayo, taas oo haddii uu heli waayo jawaabahooda ku keento in uu darafya fogfog u weecdo ilxaadkaba ha u darnaadee. Dhowr sheeko oo tan aan ka sheekaynnay lamid ah ayay qoraaga soo qaadatay, oo ay kujirtay sheekadeeda, waxayna dhammaan muujinayeen su’aalo is waydiin aanan helin jawaabihii habboonaa, ama lagu waajahay cabburin iyo daboolis ku talagal ah ama aan ahayn. Waxay “Nancy” rumaysan tahay in su’aalaha calmaaniyadda iyo ilxaadka dhammaantood jawaabo waafi ah looga heli karo nusuusta diimaha, aysanne ahayn in lagu cabburiyo ciddii wadato, taas badalkeed lasoo dhaweeyo, si furanne looga jawaabo.

Maanta waxaan arkaynaa dad badan oo soomaali ah oo Ilxaadka qaatay, welibana faafinayo, da’ yar badan oonan haysan wacaal iyo aqoon ku filan ayaa la ciirciiraya su’aalo badan oo mandiq ah qaarkood, shaac bixintooda iyo in ay bannaanka keenaan waxay kaga baqayaan ku cabburin iyo kucelin, taas badalkeed waa fursad fiican oo Mulxidiinta kaga faa’idaysan karaan dhallintaas in ay jiraan su’aalo badan oo aysan diintu jawaab u helayn. Halka haddii ay heli lahaayeen cid ka qanciso oo u ehel ah waydiimaha noocaas ah ay dhallintaas wax badan kaga shaafi noqon lahaayeen jawaabahaas.      

Buugga haddii aan u soo laabto waxay “Nancy Pearcey” marka hore xoojisay sugidda jiritaanka Illaah iyo awood dunidan maamusho, iyadoo u soo xiganayso xoojinno iyo marag furro diini iyo caqliba leh. Waxaan kasoo qadanayaa dhowr caddaymood.

-          “Dhammaantayo waxaan ku garan karnaa Illaah, fiirinta abuurka”.

Oraahdaas waxay qeexaysa sida ay muhiim ugu tahay “fikiridda” iyo u kuurgalidda kawnka iyo waxa kor saaranba qiridda jiritaanka Illaahay. Waana halka uu Illaahay (SWT) ku leeyahay suuradda Daariyaat 20-21 “Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. Naftiinnana miyaadan arkayn (waana qaadasho).

(وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ لِلْمُوقِنِينَ * وَفِي أَنْفُسِكُمْ أَفَلَا تُبْصِرُونَ)

Sidoo kale waxaa ay soo qaadanaysaa sida cajiibka ah ee jaan go’naanta leh ee uu caalamka u shaqaynayo,  si gaar ah saamiyada Fiisigiska “Physics”. Tusaale: arrimaha sida Xoogga cuf-isjiidadka, xoogga nukliyeerka ee xooggan, xoogga korantada, saamiga u dhexeeya tirada proton iyo elektarooniga,  waxay leeyihiin tiro jaan go’an (fine tuning) oonan wax ka badalmayn sare mar iyo hoos u dhacba, oo haddii tusaale uu waxyar is bedalo ama hoos uga dhaco ama sare noqdo qiimaha cuf isjiidka ee hadda wax ka badal lamid ah marki loo qaybiyo 1060 qaybood hal qayb oo kamid ah, (yacni 1 midigteeda la dhigay 60 ebar), suurgal ma noqoteen helitaanka nolol dunida!. Taas oo keentay qarsoodiga la haleeli waayay ee loogu magac daray “Goldilocks”: sidee ayay qiimooyinkan sidan ugu jaan go’naadeen ee aynan wax isaga badali karin, waa badhamo cajiib ah oo aanan laga xukumi karin meel aanan ahayn samada.  Sidaa darteed ayuu “Paul Davies” iyo “Gorge Greenstein” oo ah Fiisigisyahanno leeyihiin “waaba sidii iyada oo HAGAAJIYE wayn uu u xaddiday wax waliba si layaab leh!”.

-          Marag furrida jiritaanka shakhsiyadeed: (Personhood).

Waxay is waydiinaysaa ‘Nancy’ sidee ayuu jiritaanka Aadmiga marag fur (daliil) ugu noqon karaa jiritaanka Illaahay?, si ay ugu jawaabto; Sababtoo ah waa falayaal shakhsiyeed (Personal agents), macnaha waa noole leh jirtaan iyo doonis, waxaana qasab ah in noolahaas leh awoodda iyo jiritaanka uu abuuray Awood ka sarreeyso oo sidoo kale ah (macnaha leh jiritaan iyo doonis- Illaahay), halkan waxay qoraaga ku naqdinaysaa sheegashooyinka in aadmigu ama dunidaba ay sammaysay awood aanan muuqan sida dabeecada (natural) iwm.

Doodda “Nancy” waxay ku qotontaa in Abuuraha ay tahay in ku awood sarreeyo waxa uu abuuray, sidaa darteed banii Aadanka waxa uu awoodaa inuu wax barto, haddaba waxaa qasab ah in Abuurahooda uu yahay mid wax yaqaan. Aadmigu waxuu awoodaa inuu wax doorto, haddaba waxaa qasab noqonaysa in Abuurahooda uu yahay mid wax doona, fuliya oo awooda. Waana koobidda falsafadeed ee uu kusoo koobayo faylasoofka
“Etienne Gilson” oo yiri: banii Aadanku waa qof “Someone”,
mana ahan shay’ “Something”, haddaba waxaa qasab ah asalka noloshu uu ka ahaado “someone” daato jirto, ee uusan ka iman “Something” shay’ haba noqdo mid jiree sida dabeecada.

-          Carruurta ma Mulxidiin ayay ku dhashaan?.

Waxay ‘Nancy’ si xooggan uga hadlaysaa sida ay carruurtu ugu dhashaan ayagoo qirsan jiritaanka Illaahay, iyo in awood jirta ka danbaysa jiritaanka dunida, waana mid liddi ku ah aragtida Ilxaadka ee aanan u arkin in awoodda  Illaah ka danbeeyso jiritaanka dunida. Waxayna soo qaadanaysaa baaritaanno ay sameeysay jaamacadda “Oxford University”. Se waxaan kusoo koobi karnaa in waxaasi ay tahay abuuritaanka Illaahay ee loo yaqaanno ‘Fidrada’, waana tan Illaah kusheegay suuratu Faadir: “Waa abuuridda Eebbe ee dadka uu ku abuuray, wax badali karo abuurka Eebba na majiro, sidaas ayaana ah diinta toosan, laakiin dadka badidiis ma oga”.

(فِطْرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِى فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ)

      

‘Nancy’ waxay qiraysaa in wax walbaa oo la caabudo, loo hoggaansamo, la qiro inay yihiin awoodda maamusha dunida, ama abuuritaanka leh ay tahay “sanam” ‘Idol/fetish’. Taas oo waafaqsan aragtida islaamka ee ah in wax walba oo Alle wayne sokadiis la caabudo yihiin sanam. Xataa kuwa rumaysan inaysan caabudin wax muuqdo, ama rumaysan ilxaad, waxay leedahay sanamkooda waa Ilxaadka, taas waxyna ka imaanaysaa baahida bani’aadmiga ee ah in uu wax caabudo, xaq ama baadilba, waxaana taas ka arkaysaa in cid waliba ay isku dayayso buuxinta baahidaas ruuxiga ah, xataa kuwa mulxidiinta ah ay samaysanayaan goobo ay cibaadooyin gaar ah ku samaystaan ama duquus kala duwan.

Sidaas darteed ayay qoraaga buugga kaga dhigaysaa mabda’a kowaad ee ay ku naqdinayso aragtiyahaas in qofka ay tahay inuu garto sanamka uu caabudayo. Barto oo uu ogaado waxa uu yahay. Ma wax uumman baa mise wax maaddi ah ama falsafad muuqato “materialsim”?. Taas waxay sahlaysaa garashada waxa uu galo waxuu rumaysan yahay, ama xaqiiqdiisa.

Qoraaga waxay usii gudagalaysaa sharrixidda iyo naqdinta aragtiyaha kala duwan ee diimaha liddiga ku ah sida: Maadiyada ‘Materialism’,  Caqlaaniyada ‘Rationalism’, tajriibiayada ‘Empricism’ aragtida ‘evulation’ka IWM.

 

 

Buugga ‘finding truth’ waa buug xiiso badan, isku wadista daliilka caqliga iyo kan diiniga ah, tijaabooyinka iyo sheekooyinka, xog aruurinnada iyo baaritaannada kala duwan waxay buugga ka dhigayaan buug aqooneed baaritaan ku dhisan, isla markaana ay fududdahay akhrintiisa, waa buug anfacaya cid wal oo danaysa ka gun gaarista arrimaha diimaha iyo falsafadaha. Sidaas si lamid ah waa buug u baahan aqoon diinta Islaamka xaggeeda ah, maadaama buugga xujooyinka uu wax ku dhisayo ay yihiin ‘Kirishtaanka’. Tarjumiddiisa carabiga ah waxaa wax kudaray, oo meelaha qaarkood ka daba tagay ‘Markaska Dalaa’il’ oo tarjumay, waxaana kula talinayaa qofkii akhrinaya in uu la kaashado.

Xogta buugga iyo nuxurkiisa waa ay ka badantahay inaan kusoo koobo hal qormo, waxaanse isku dayi doonaa idim Alle in meelaha qaarkood muhiimka ah si gaar gaar usoo qaadanno.

Halkaan haddaad nala soo gaartay waad ku mahadsantahay akhrintaada, waana rajaynyaa in aad wax un ka faa’idday, waxaana kaa codsanayaa inaad sii faafiso..

Kala soo dag buugga oo carabi iyo Ingriisba leh linkiyada aan hoos kuu dhigay.

 

Mahadsanid.

 

 

Arabic : https://www.noor-book.com/%D9%83%D8%AA%D8%A8-%D9%86%D8%A7%D9%86%D8%B3%D9%8A-%D8%A8%D9%8A%D8%B1%D8%B3%D9%8A-pdf

English: https://www.pdfdrive.com/finding-truth-5-principles-for-unmasking-atheism-secularism-and-other-god-substitutes-e194453568.html

W/Q: Cabdicasiis Mubaarak.



No comments:

Post a Comment