Tuesday, October 25, 2022

WAA KAN MUXAMMAD (NNKH)

 WAA KAN MUXAMMAD (NNKH)

Waa kan Muxammad (NNKH) oo aanan aqoonin is weeynaysiin iyo kibir, is dhul dhig iyo dabacsanaan ayaa astaan u ah, waxa aan arkay isaga oo gurigiisa joogo, kolkaas ayuu dhaqanayaa maryihiisa, tolonayaa kabtiisa, uuna maalayaa arigiisa!.
Waxa aan arkay isaga oo wax la cunayo shaqaale, isaga oo soo booqanayo qof xanuunsan, quudinayana kan baahan!.
Waxa aan arkay isaga oo tukanayo, caruurta uu awoowga u yahayne, ay dhabarkiisa fuulayaan marka uu sujuudo, kadibne uu faraha ka qaadayo illaa ay iskood isaga dagaan, kolkaas ayuu marka uu istaago xambaarayaa oo la istaagayaa!.
Waxa uu ahaa jaceeyl iyo dabacsanaan dhulka ku socdo.
Waxa uu jeclaaday insaanka iyo xayawaanka.. xataa dhirta waxa uu fari jiray inaan la gooyn.
xataa ma yeeraanka iyo buuraha waxa ay heleen qayb ka mid ah jaceeylkiisa.. waxa uu ka yiri maalin buurta Uxud.. “Tani waa buur aanu jecelnahay.. iyaduna na jecel”.
Dhulka, dadka , buuraha , carrada iyo wax walbo waxaa gaaray Jaceeylkiisa!.
Waa kan midkii weeynaa ee necbaa in la wayneeyo.. waxa uu ku dhihi jiray asxaabtiisa marki ay u istaagaan.. “haa ii istaagino sida ay cajamta u sameeyaan boqorradooda”!.
Waxa uu ahaa deeqsigaas ay ku tilmaameen asxaabtiisa, in uu bixin jiray wax bixin qof aanan ka cabsanayn faqri iyo gaajo..
ma aysan dhicin in uu maalin lacag kaydsaday.. dahab uu duugtay iyo xoola xaraystay!.
waxa uuna dhintay isaga oo cambuur bireedkiisi uu la yaallo nin Yahuudi ah.
Waa uu noolaaday isaga oo aanan ka dhergin rooti, waxaa soo martay isaga oo aanan dab laga shidin Hooygiisa laba Maalmood.
hadanne ma uusan diidi jirin haddiyadda, ma uusan necbayn in uu ku farxo waxa uu haysto oo ku raaxeeysto noloshiisa, laakiin waxa uu necbaa in uu u noolaado jab rooti ah, ayna noqoto hammigiisa oo dhan xirasho, cunis iyo cabis!.
waxa uu ku barbaariyay naftiisa, dhexdhexaysi iyo qanacsanaan.
Waxa uu tusaale u yahay sida uu yahay Islaamka, ma ahan sida laga dhigtay, loo qaatay, loo fasirtay ama laga aaminay!.
Diin dhexdhexaadsi, cadaallad iyo sinnaan..
Diin aysan ku jirin cibaado u goosasho, Xagjirnimo iyo is-dil nafeed..
Diin ka fog u hoggaansamid naf iyo u hanqal taagis hunguri..
Diin aanan oggalayn dulmiga iyo dadkiisa..
Diin ku dhisan cadaallad iyo dhexdhaxaad..
Diin ka dheer isku adkayn iyo is kallifid..
Diin fudeeyd iyo naseexo ah..
Allaahuman Salli Wasallim Callaa Sayyidi Alkhalqi Nabiyinnaa Muxammad Wacaaa Aalihii wa Saxbihii Wa Sallim..
14.12.2020
W/Q: Cabdicasiis Mubaarak,


No comments:

Post a Comment