Ma xataa adiga Burutus?!.
15ki Maarso 44sano kahor dhalashadii Nebi Ciise (CS), waxaa u tashatay boqorkii u talin jiray Roomaanka ee Yuulyoos Qaysar koox ka mid ah Baarlamaankiisa si ay u dilaan, xukunkana uga ridaan.
boqor Yuulyoos oo ahaa kaligii talis, shacabkiisana dhibaateeyay, ayaa habeenkii ka horreeysay dilkiisa waxa ay xaaskiisa (Kaalboorniya) ku riyootay ninkeedi oo la dilay, dhiigna ka daadanayo, waxa ayna ka codsanaysaa in uusan bixin subaxdaas, oo uusan aadin golaha baarlamaanka. isaga oo ka yeelay, ayaa waxaa u imaanayo mid ka mid kuwii qorsheenayay dilkiisa, waxuuna u sheegayaa in xaaskiisu maseeyrsan tahay, riyaadsne fasirirddeedu tahay in shacbayid badan uu heli doona boqorka.
waa uu ka yeelayaa wuuna soo baxyaa. waddada inta uu socday ayaa loo dhiibayaa warqad ay ku qoran tahay shirqoolka loo dagay, se ma akhrinayo. sidoo kale sixroolkiisi ayaa u dhigayo, laakiin dheg jalaq uma siinayo.
Marki uu imaaday golahii Baarlamanka, ayay ku soo xoomayaan xubnihii shirqoolka u maleegayay, ee damacsanaa dilkiisa.
Waxaa hadalka billaabay (Markoos Burutoos) oo ahaa ninka ugu dhow boqorka, uuna aad ugu kalsoonaa. waxa uu ka codsaday in uu ku soo celiyo Rooma, cafisna u fidiyo nin uu musaafuriyay oo la yiraahdo (Bobliyoos).
Qaysar ayaa ku jawaabayo: Yaab ayaad leedahay Burutoos!, ma ninkaas ayaad cafis u dalbaysaa!.
Burutoos: (isagoo u sujuudayaa boqorka) raalli ahoow mudane, laakiin waxaan aan kaga codsanayaa cafinta Bobliyoos.
Qaysar: ragga qaarkood haddaan ahay, waxaa fududaan lahayd ka laabashada go’aankayga, saameeynna waxaa igu yeelan lahaa baryadiinna, laakiin aniga waxaan ahay sida xiddiga geeska oonan ka dhaqaaqayn halkiisa!.
Burutoos: Laakiin Boqoroow...!
Qaysar: Ha murmin .. Aamus!.. suuragal ma ahan in aad halkeeda ka dhaqaajisid buurta Olombiyoos. aniguna sidaas oo kale ayaan ahay!.
Deshiyoos: Boqoroow, Qaysarkii weeynaayoow!..
Qaysar: Waxba ha I baryin!.
Kaasyoos: Haddabo, gacantayada ha ku barido.. markaas ayuu toorridiisa waxa uu ku billaabayaa boqorka oo uu gelinayaa.
ka dibne Qaysar Yuulyoos waxa uu soo aadayaa dhanka xubnihii kale, oo midkii uu sooo aadaba uu durayo!..
Ugu danbeeyn ayuu soo aadayaa dhanka, ninkii uu dadka ugu jeclaa, uu aadka ugu kalsoonaa, uu is lahaa isaga wax kama ogo waxan.. waa Burutoos.
Balse Burutoos ayaa mindi u dhiibayo oo qoorta kala helayo..
markaas ayuu oronayaa Qaysar: Ma xataa adiga Burutoos?!!..(Et tu, Brute)!.
Burutoos: Waan ka xumahay oo Rooma, ayaan kaa jeclahay boqoroow!.
Qaysar ayaa oronayo: haddabo ha dhinto Yuulyoos Qaysar.. sidaas ayayna nafta kaga baxaysaa..
Riwaayadda William Shakaspare ee “Julius Ceaser” ayaan qayb ka mid ah hab-dhigaalka sheekada ka soo xigaty.
Abdiaziiz Mubarak.


