Wednesday, July 29, 2020

Waa tan Carrafo! ❤


Iyaga oo togan ayay   tuban   yihiin bannaan weyn oo buuro leh. Dharkoodu   waa wada   caddaan,   illinta ka soo burqanayso godadka indhaha   la   guduutay   oohinta    waa summadda   maalintan. Ku soo dhawoow Carrafa: Halkani waa meel barakaysan, kuwaanna waa kuwa uu Alle ugu faano addoomadiisa kale!.

Muuqaalka maanta ayaa ka tiro   badan, balse kii hore ayaa ka qurxoon. Inoo celi dib oo aan ku geeyo Carrafo oo joogta 14 qarni ka hor. Halkan ayuu istaagay mid dhulka ku istaago kan ugu wanaagsan. Lugihiisu waxa   ay   is     dul    taageen Buurta Carrafa, waxa uuna   wajigiisu soo aaddiyay   dhanka wax ka badan 100, 000 kun oo waji: waxaa ku jira madoow iyo Caddaan, faqiir iyo taajir, rag iyo dumar, weyn iyo yar, oo  dhammaantood  dhegahoodu waxa ay    wada ahaayeen kuwo u raaracsan hadalka weyn   ee   ka soo   bixi     doona afkaas sharafta leh,   ee       wax baray aqoonyahannada, afka agoonkaas  hoggaamiyay ummadaha, afka 63 jirkaas hormuudka       u    noqday       faylasoofyada,    Nebiggaas dhameeystiray   nebinimada…. Maxaan nasiib lahaan lahayn haddii aan wax ka maqli lahayn afkaas, laakiin haddaba ma nasiib la’ine, aan wax kaaga sheego wixii maalintaas afkaas ka soo baxay.

Waxa uu sheegay: in dhiigageenna,   xoolaheenna    iyo sharafkeennuba ay ka   reebban yihiin ku xadgudub. Waxa uu   caddeeyay   in   xoolaha   dulsaarka   (ribada) tahay xaaraan.  

“Dhammaantiin waxa aad tihiin ilmo Aadan, Aadanna waxaa   laga sameeyay ciid, qof carab ah kama fiicno mid cajam ah,   cajamna   kama wanaagsano carab. Waxaa un lagu kala fiicnaada waa cabsida Alle” ayuu yiri Suubbanuhu si uu sugo maalintaas in aadanahu   wada    siman yihiin, aysanna   jirin cid cid kale   ka fiican, waxaanan ka ahayn miisaanka Alle   ka   cabsiga.    Waagaas     ayuu     sugay silloonaanta   aragtida   midab takoorka iyo takoor oo dhan. Maalintaas ayuu ka takhallusay aragtida ay maanta dunida 1aad la ciirciirayso.

Waxa uu u qeexay indhihii wada fooraray iyo dhegahii raaracay, in dumarka wannaag   loo dardaarmo, si wanaagsanna loola dhaqmo, oo waxa uu maalintaas   sheegay wax aysan aqoon hay’adaha xuquuqda   dumarka   u       dooda maanata. Sidoo kale shaqaalaha iyo    dadka taagta daran ayuu ku difaacay halkaas. Laakiin kuwa u dabbaal dagayo maalinta shaqaalaha adduunka war kama hayaan.

Waxa uu si cad ugu sheegay dadweynihii maalintaas in aysan jirin cid ka   sarreeysa    sharciga, lana aqbli karin aargoosiga   jaahiliyada xataa haddii uu yahay dhiigga reer Banii Haashim, waxa   uuna   horay   u sheegay in xataa Faadumada   gabadhiisa   ah    haddi    ay wax xaddo uu ka gooyn lahaa gacanta, kana fog falkaas Faadumo e.

Ugu danbeeyn waxa uu dardaarmay in aan gadaashii loo noqon gaalo is qoor goyso, is layso, oo is disho sidii xayawaankii. Waxa   uu   sheegay   in   waddada   lagu badbaadayo   tahay   raacidda   waddadiisa iyo tan afarta hoggaamiye ee ka danbeeya.

Sannadkaas   waxaa   ka soo wareegatay   kun iyo afar boqol oo sano iyo ka badan, maantana   waa   tan   Carrafo mar kale. Wax badan ayaa is beddelay laakiin quruxdau kuma jirin, oo isma beddelin ismana beddeli doontao, yaboohii   Alle isma beddelin, hiloowyada   quluubtana   sidoo kale isma beddelin.

Waa kuwan    Alloow   addoomadaadii   basaasan, oo booreeysan. Waxa ay u yimaadeen dartaa, haa   adiga dartaa. Waa martidaadi oo kaaga timid meel walba oo fog. Waxa ay maqleen in suuqa xoreeynta la   gaaray   xilligiisi, oo waxa  ay doonayaan in ay iska iibayaan xumahooda, soona iibsadaan cafis iyo danbidhaaf. Alloow ha ku celin guryohooda ilaa adiga oo noo wada danbi dhaafay mooyee, kana xoreeyay naarta. Waxa ay doonayaan   in   aad   kabtid    jabkooda, dhaydid dhaawacooda, hodmisid faqiirkooda, guuleysid kooda    laga    adkaaday….  Alloow yaa u maqan haddaadan adigu sameeyn sidaa!

Alloow   annaga    waa ay na    dhaaftay   markaan istaagidda Carrafa,     laakiin waxaanan na dhaafin istaagidda albaabkaaga. Waxa aan ka rajo qabnaa in aad innaga furtid, ma aanan   sameeyn wax wanaagsan oo weyn, balse waxa ugu weyn ee   aan   haysanno   ayaa ah:  In    aan       Ku   jecelnahay!.

Subax wanaagsan Carrafo… waan soo socdaa weli!...

Saturday, May 23, 2020

CIID IYO CIBAADO! ❤

      Waxa ay muslimiinta u soomeen Illaahay dartii, iyaga oo uga tagayo wax waliba oo ay naftoodu jeceshahay.  Ramadaan waxa uu ahaa maalmo kooban sida uu Illaahay ba sheegay, waxaa dhamaaday maalmihii, muslimiintana waxa ay u dabaal degayaan maalmo farxadeed ka danbeeyo soonka.

    Xaaladda adag ee durayga saf mareenka ah ee (Corona) uu dhaxalsiiyay dadka awgeed, ciiddan waxyaabo badan ayay kaga duwan tahay kuwii hore, waxa aan doonayaa in aan dhoowr arrimood oo muhiim ah, lana xariiro Ciidda iyo dabaal deggeeda in aan halkaan ku xuso.

  1. Cibaadadu ma dhaamaan:     In soonkii dhamaaday, oo bishii waajibka innagu ahayd soonkeedana aan sagoontinay, kama dhigno in aan cibaadadii sagoontinnay, Qur’aankii weli waa uu yaalaa, ee Kitaabka haa ku celin armaajada, ka dhoowrsanaanta waxyaabaha xun, kuma aysan koobneeyn Ramadaan, sii wad cibaadada, xooji xariirka adiga iyo Illaahay idiin dhaxeeyo. Ciddii caabudi jirtay Ramadaan, Ramadaan waa uu dhamaaaday, balse ciddii caabudeeysay Alle weeyne, Alle waa rabbiga bilaha oo idil. Ciiddu waa dhamaadka Soonka, balse ma ahan dhamaadka Cibaadada!. Ciidu waa ka bixitaanka Ramadaan balse ma ahan ka bixitaanka Islaamka!.

  1. Ciidda iyo Cafiska:     Cafinta dadka iyada oo marka hore ba ay ahayd wax wanaagsan, ayaa haddane maalmahan farxadda waxa ay sii tahay muhiim. Waxa uu leeyahay Cali al-Tantaawi; “Ciid Cafis la’aan ah  waa tirada taariikhda oo is badashay uun”!. Waa muhiim in aad cafisid dhamaan walaalaha si aad ugu ciidaan farxad qalbi iyo mid muuqaal ba!.
  2. Dhamaadka soonka; Waa xikmad Illaahay in uu soonku noqdo maalmo kooban oo innaga idlaado, saa darteed ma ahan wax wanaagsan isu bihin bihinta iyo oyitaanka dhaamaadkiisa!, mana ahan ficil ka sugan dadkii wanaagsanaa ee hore, waa arrin ka badbadis badan ku jirto, waa sax in aad ka xumaatid dhamaanshaha bil aad u fadli badneeyd, balse waa ka badbadis oo Ciiddu ba waxa ay ka mid tahay maalmaha Illaahay sida soonka!.

  1. Masaakiinta iyo Ciidda;   karantiilka Coronuhu keenay kama dhigno in uu inoo diido muujinta farxadda ciida, iyo caawinta masaakiinta,  xataa dadka aanan awoodin soo bixista iyo isku imaanshaha, waa muhiim  in aad muujisaan farxadda maalintan weeyn, Xariiriya qaraabada oo ka farxiya caruuta iyo masaakinta, xasuustana ciyaalka agoomada ah, u salaaxa madaxa , oo ka farxiya maalintan.

  1. Ugu danbeeyn haa HILMAAMIN   Gabdhaha u soo jeeday karinta suxuurta, ku daalay karinta afurka, u dhibaatooday dhaqista weelasha, ka farxiya maalintan, oo u hadiyeeyo waloow wax fudud , haa hilmaamin Hooyada, walaasha, xaaska iyo shaqaalaha!.

Dhamaan ummadda soomaaliyeed kuwa maanta ciiday iyo kuwa ciidi doona beri intaba waxa aan u rajeeynayaa Caafimaad, Cibaado suuban iyo Cimri dheer. Allaha na naga aqbalo acmaashi wanaagsanaa ee aan sameeynay Ramadaan.
    

Sunday, April 19, 2020

Sharafta Shaqada!.

                    
    Maalmo ka hor ayaan akhrinayay gabar aabaheed uu ka mid ahaa dadka nadaafadda ka shaqeeya ama waddooyinka xaaqa, gabadhii waxa ay ka baxday jaamacadda heerka sedexaad, markii ay qalin jabisay, aabaheed waxa uu ka codsaday in aysan u sheegin dadka in uu aabaheed yahay dhul-xaaqe. Laakiin gabadha waxa ay u arkaysay in aysan shaqadu ahayn wax la isku ceebeeyo, waxa ay soo xiratay dharkii qalin jabinta, waxa ayna ugu imaaday aabaheed goobtiisi shaqada, waxa ayna ka codsatay qof in uu ka qaado sawir iyada oo ka dhunkanayso madaxa aabaheed, waxa ay ku faafisay baraha bulshada, waxa ayna ku dul qortay “Ninkaan sharafta badan ayaa I dhalay oo I soo saaray”!.    

Dadka waxaa ugu liito kuwa marka ay dhameeyaan jaamacadaha, ka faano oo iska weeyneysiiyo shaqooyinkii hooseeyay ee aabayaashood!, halka ay ku faani lahaayeen in dad ka shaqeeyo shaqooyin ay dadka u arkaan in ay hooseeyaan, ay awoodeen in ay soo gaarsiiyaan heer jaamacadeed!.
    Sirta nolosha ma ahan nooca shaqo ee aad ka shaqeeynaysid, ee waa miraha shaqadaada, ka shaqee waxa aad doontid haddiiba ay xalaal tahay, laakiin iska fiiri wax aad u shaqeeynaysid!, dhaktar daacad ah iyo fuundi khiyaanool ah ayaan aragnay, sidoo kale waxaa jiro injineer laaluush qaato ah iyo shaqaalo nadaafadeed sharfan!.
    Gacmaha adeeygga iyo dhaawacyada ka dhaxlay adeeygga shaqada waa tilmaam qar-iska tuurnimo iyo ku tiirsanaanta nafta, Rabbi ka dib!, gacmaha la wasakhoobay madoowga dhuxusha iyo boorka na waa calaamad kaa fogeeynayso is-dhigasho iyo caajis!, dhididka iyo diifta shaqadana waa aqoonsi iyo summad sharfan oo aysan dadku ogeeyn!.
    Nebiyada waxa ay ka soo shaqeeyeen in badan raacista ariga, nebi Sakariya na waxa uu ahaa fuundi, hadabo adiga haa ka xishoon shaqadaada si walbo oo ay ugu liidato indhaha Aadanaha, u qaad madaxaada kor,  oo ku faan naftaada,  dharkaaga la wasakoobay shaqada waa summad sharfan, ceeb na ma ahan. Waxaa ceebta ah waa in dharkaagu nadiif noqdaan, qalbigaaguna wasakh ahaado, xoolahaaguna xaaraan!.
    Dadki hore ayaa yiri “Ma jirto shaqa xun ee waxaa jiro dad xun”!. Waa sunno illaahay in ay dadka isu baahdaan, laakiin Illaahay uma baahno iyaga,  Dhakhtarka waxa uu u baahan yahay fuundiga, tumaalahuna waxa uu u baahan yahay ganacsadaha, beeraleyguna waxa uu u baahan yahay dawaarlaha, kuwii hore na waxa ay u baahan yihiin rootilaha, laakiin dhamaantood waxa ay u wada baahan yihiin Illaahay!.
    Fikraddu waa in shaqo waliba oo soo saareeyso dakhli xalaal ah tahay shaqo sharaf leh, qofka ka shaqeeynayana uu mudan yahay ixtiraam, maadaam uusan dadka kale kor saarnayn!.
    Dhib ma lahan in uu qofka raadsado shaqo sareeyso, waxna kuma jabno in uu waalidka canugiisa la doono in uu noqdo dhakhtar uusanne la rabin kabo tole, ceeb na ma ahan in waalidka uusan la rabin wiilkiisa dawaarle ee la rabo injineer, laakiin waxaa ceeb ah in canuga marka uu noqdo dhaktar ama injineer uu liido, shaqdooduna ceebeeyo dawaarlaha iyo kabo tolaha!.
    Nebiga (NNKH) waxa uu bogaadiyay shaqada, waxa uu na booriyay wax qabsiga iyo quudashada waxa uu qofka soo shaqeeystay, waxa uu yiri maalin “Qof ma cuno wax ka fiican waxa ay gacantiisa ku shaqeeystay, Nebi Daauud na waxa uu ahaa mid cuno waxa uu kasbado”.  Maalin kale suubanaha waxa uu u sheegay saxaabada in uusan jirin nebi aanan raacin ariga, markaas ayay weeydiiyaan; Ma xataa adiga rasuul Alloow?, waxa uu yiri suubanaha; “ Haa. Waxa aan ahaa mid ugu raaco lacag yar ree Makkah”!.

Thursday, April 16, 2020

Talo saarasho iyo tallaabo qaadis!.

    Waxa uu soo xajiyay Cumar bin Khadaab sanad kamid ah sannadadii uu hayay xukunka muslimiinta, waxa uu na kula kulmay xajka dad yimaaday xajka iyaga oonan wadan wax sahay ah, waxa ayna wax weeydiisanayeen dadka. Cumar ayaa weeydiiyay; Maxaad tihiin?. Waxa ay ku jawaabeen; waxa aan nahay kuwa Illaahay talo saarto.
    Cumar ayaa ku yiri; Mayee waxa aad tihiin kuwa is dhigto, kan Illaahay talo saarto waa midka ku rido dhulka xabbad masago ah, kadibne Alle talo saarto!.
    Dad badan oo innaga mid ah waxa ay khalad u fahmeen talo saarashada illaahay ama Tawakulka, waxa ayna u maleeyeen in  uu yahay tawakulka ka tagista dadaalka, iyaga oo iloobayo ama is iloowsiinayo in Illaahay bani Aadanku faray dadaal iyo inuusan is dhigan!.
    Waxa aanu rumeeysannahay in uu Alle weeyne yahay kan wax caafiyo,  laakiin waa doqonimo in aadan dhakhtir iyo dabiib raadsan!. Waxa aan rumeeysanahay in uu Alle wax arsaaqo oo quudiyo, hadane waxaa maan gaabnimo ah in aadan shaqada aadin!.
    Aad ayaad ula yaabeeysaa maalmahan cudurada jiro, ee lagu imtixaanayo Aadanaha, in qaar innaga mid ah ay ka tagayaan talooyinka caafimaadka, iyo qaadashada taxadar iyo foojignaan iyaga oo ka marmarsiyo dhiganayo talo saarashada Illaahay iyo ku kalsoonaantiisa, laguuma diidano talo saarashada Rabbi, laakiin ogoow in la imaanshaha dadaalka iyo qaadashada talooyinka caafimaadka in ay kamid yihiin TAWAKULKA!.
    Haa oo nebiga (NNKH) waxa uu ina baray in uu Alle yahay kan wax caafiya, dila oo quudiya, waxa uu innoo sheegay in haddii aan si dhab ah u tala saaran laheeyn Illaahay uu Alle noo quudin lahaa sidii shimbirta duusha iyada oo bog laalan, soo na noqota iyada oo dheregsan. Laakiin sidoo kale waxa uu ina baray Suubanaha in aan la imaano dadaal, oo shimbirtuba ma aysan seexan gurigeeda iyada oo sugeeyso in uu Alle buuxiyo caloosheeda, ee waa ay duushay oo ay baxday si ay u hesho quudka Illaahay!.
Waa fikir khaladan iyo fahan qalloocan in aan sugno dhicitaanka mucjisooyin iyo in wax walbo si degdeg ah isku badallaan innaga oonan dhaqaajin far!.
Ugu danbeeyntii tallaabo qaadista iyo dadaal muujinta marna kama hor imaanayaan talo saarashada iyo tawakulka, saa darteed Mu’minoow haa isku qasin is dhigashada iyo tala saarashada Rabbi, ee dadaal kadibne u dhiibo taladaada oo dhan Rabbi, adiga oo ku kalsoon in uusan dadaalkaaga wax tareeyn ogolaanshaha Illaahy la’aantiis!.

Maxaana loo ajiibin ducadeenna?!.

        Waxaa soo arooray in Ciisa (CS) uu u yimid nin, isaga oo ku leh; “Ii dardaaran”. Nebi Ciise ayaa ku yiri ninkii; “Iska fiiri rootigaaga halka uu ka yimid”!. Oo loola jeedo macno ahaan; Quudo xalaasha.
    Waxa uu ku weriyay Dabaraaani kitaabkiisa Al-awsad, in Sacad bin Abii Waqaas uu u yimid rasuulka isaga oo ka dalbanyo in loogu duceeyo in ducadiisa la qabalo.
Nebiga ayaa ku yiri Sacad; “Wanaaji quudkaaga waxa  aad noqonaysaa mid ducadiisa la aqbalo”!.
    Waxa ay dadka si daran uga sheeganayaan in aanan ducadooda la qabalin, barayadoouna la ajiibin. Illaahay waxa uu ka xishoodaa in uu soo celiya gacmo kor loogu qaaday tuugistiisa iyaga oo ebar ah, balse waa haddii xalaal mirad la yahay!.  Dadka qaar waxa ay maleeyanayaan in cunista xoola xaaraan ah ay ku koobantahay ka xadista lacag jeebka midkood!. Waa sax oo taas waxa ay kamid tahay xoolaha xaaranta ah, balse kuma koobna kaligeed !.
    Shaqada aadan uga soo baxayn sidii laguugu igmaday, aadna khiyaanaysid saacadaha shaqada amaba waxqabadka, mushaarka aad ka qaadanaysid waa qayb xaaraan ah !.
    Laaluushka aad qaadanysid si aad u meel marisid danaha fulinteedu waajibka ahayd, waa xaaraan aad laqysid!.
    Badeecada aad iibinaysid aadna sheegaynin ceebaheeda, adiga oo qarinayo, lacagta aad ka helaysid waa xaaraan!.
    Shaqada muuqaalka ah, ee aadan u soo xaadirayn si toos ah, marka horena aadan ku helin qaab quman, aadna ka garanaysid mushaarka oo kali ah, waa xoola xaaraan ah !.
    Xoolaha xaaskaaga dhimatay ee aad cunaysid, kana cuna qabataynaysid caruurteeda iyo ehelkeeda, waa xaaraan aad cuneeysid !.
    Xoolaha inta laguugu soo dhiibay ummad dhan, aad u leexinayisid dad gooni ah, amaba aad kaligaa cuneeysid waa xaaraan aad cuneeysid!.
    Waxaa jiro kuwa waxaas oo dhan garowsan, balse ku andacaoonayo in aysan cunayn xoolaha xaaraanta ah, balse ay isaga bixnayaan kirada, korontada iyo shidaalka tusaale, laakiin aysan iyaga cuneeyn!.
    Waxaan is iri, maxaabay uga duwan yihiin kuwaas shaqadii ree banii Israaiil, ee markii loo diiday kalluumeeysiga sabtida, inta ku xanibeen shabaqyo sabtidii, kalluumeeystay Axaddii !. Illaa uu Illaahay uga badallay daaneero iyo doofaaro!.
    Iska fiiriyo rootigiina halka uu ka yimid, ogoowna xubin waliba oo xaaraan ku naaxday in ay naarta u xaq leedahay!.  Marka aan hubinno halka ay ka yimaadeen xoolaheena iyo halka aan ku bixinay, ayay ducooyinkeena u xaqiiqoobi doonaan sidii waaga baryay!.