Aadanaha waxa ay ka wada siman yihiin raadinta nolol wanaagsan oo farxad leh. Laakiin haddane waxaa lagu kala duwan yahay macnaynta waxa ay tahay nolosha wanaagsan. Haddii aan u laabano Qur’aanka kariimka ah, Waxa uu Alle (SW) ku leeyahay suuradda 16aad, aayadda 97; “Ciddii camal fasha wanaag, oo rag ama dumar, isaga oo mu’min ah waxa aan nooleeynaynaa nolol wanaagsan”.
Aayaddan waxa ay inoo cadeeynaysaa in ciddii camal wanaagsan iyo Iimaan isku heshaa in uu Illaahay siinayo nolol wanaagsan. Qasab ma ahan in ay la helaan xoolo tiro badan iyo hodantinimo. Waa ay noqon karaan wax uu qofka ku farxo marka uu helo, laakiin ma ahan waxa keli ah ee ay noloshu ku wanaagsanaaneeyso, waxaana laga yaabaa in marar badan xooluhu noqdaan ba waxa uu qofka ku waaya farxaddiisa iyo xasilloonida nolosha wanaagsan!.
Sidaa darteed ayuu Suubanahu (NNKH) waxa uu noo sheegay in Adduunyada uu illaahay siiyo cid uu jecel yahay iyo cid kaleba. Xadiiska uu werinayo Cabdullaahi binu Mascuud in suubnaha (NNKH) uu yiri: “Illaahay waxa uu idiin qaybiyay Akhlaaqdiinna sida uu idinkugu qaybiyay Arsaaqdiinna iyo waxa aad quudanaysaan, Illaahayne Adduunyada waxa uu siiyaa cid uu jecelyahay iyo cid uusan jeclaynba, balse Iimaan waxa uu siiyaa cidda uu jecelyahay oo kali ah”.
Nolosha waxaa ka buuxo waxyaaba aanan maal iyo xoolo ahayn kuwaas oo nolosha ay ku degto kuna hesho degganaan iyo xasillooni, la xariirka Illaahay, qanaacada qanacsanaanta, caafimaadaka, barakada, camalka suuban, degganaanshaha iyo xasilloonida guryaha, dhoollacadeeynta, ka farxinta iyo kabista qalbiyada, intaba waa waxyaabo uu qofka ku helo nolol wanaagsan, maalkuna ma ahan illaa in yar oo kugu filan oo lagu qanco!.
Nolosha kama marnaaneeyso marna musiibooyin, xanuuno, dhibaatooyin iyo murugo, laakiin iyada oo waxaas oo dhan ay jiraan ayuu qofka ilaashan karaa wanaagsanaanta noloshiisa, waana in uu ku qanco qadarta.
Bal ila suureeyso xaalka nebi Muxammad (NNKH) oo waayay laba qof u ahaa sidii labada baal ee ay shimbirta ku duusho, xaaskiisi wanaagsanayd ee Khadiijo iyo adeerkii abii-Taalib. ama ila sawiro isaga oo ka baxayo magaaladii uu jeclaa , noloshiisana uu ku qaatay waqtigii ugu badnaa ee Makkah.
isaga oo sii milicsanayo meelihii uu ku soo barbaaray!. wax yar igala fikir sida uu ahaa xaalkiisa isaga oo uu ka baxay adeerkii Xamsa, ama xaalkiisa isaga oo dhabta ku hayo wiilkiisa oo naf baxayo!.
bal wax yar ila eeg xaalka saxaabadiisa oo waayay shakhsiyad aad ugu weeyneeyd dhexdooda!. Shaki kuma jiro in muuqaaladaas oo dhan yihiin kuwo murugo iyo xanuun badan. laakiin dadkii la noolaa dhacdooyinkaas xanuuunka badan, waxa ay ku noolaayeen nolol qurux badan oo wanaagsan. Murugooyinka iyo musiibooyinkaas uma aysan yeelan awood in ay noloshooda ka dhigaan mid cariiri iyo cakirnaan badan, balse way la noolaadeen, ku qanceen waxa qoran, kana gudbeen si ay ugu raaxeeystaan Noloshooda.
Nolosha waxa ay qiimo ku leedahay indhaha aad ku eegeeysid, waxba ma ahan quruxda dunida haddii aad adigu ku fiirinayso eegmo foolxun. Noloshu waa ay qurxan tahay, ee adigu haa xiran okiyaalo madoow oo kaa qariyo quruxdaas!.
Waxa uu Cabdillahi bin Cumar ka wiranayaa suubanaha (NNKH) in uu yir “Waa uu liibaanay qofkii islaamay, laguna arsaaqay wax ku filan, Alle na uu ku qanciyay waxa uu siiyay”.
Sidoo kale waxa uu xadiis kale ku leeyahay suubanah; “Qofkii waabariisto isaga oo nabad qabo naftiisa iyo ehelkiisaba, uu u caafimaad qabo jirkiisa, haystana quudkiisa maalintaas, waa sidii isaga oo la siiyay dunida oo dhan”. Uma baahnin wax badan si aan ugu noolaano nolol wanaagsan, ee waxa aan u baahanahay ku qancista inta aan haysanno!.
La soco Qormooyinka danbe..
W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xusseen




