DALKAYGA XOR MA AHAN! -
W/Q: AbdiAziz Mubarak .
Maalmo kooban ayaa ka harsan maalmaha loogu yeero “Maalmaha Xoriyadda”- Xoriyadda oo ah eray qurxoon, cid walbana jecashahay, se nasiibdarro nuxurkiisaa aan la fahansanayn, ayaa ayaamahan si aanan loo isticmaali jirin loo adeegsadaa!.
Waxaa faafo erayo badan oo aan horay loo xusi jirin. Waxaa la faafiyaa sawirrada kooxo dad ah oo muujinayo in ay u dabaal degayaan maalmahan; Wiilal iyo Gabdho xiran maryo lagu xardhay astaanta calanka, ama xataa xubnaha jirkooda lagu asteeyay midabka calanka.
Iga raalli ahaada, xaqiiqadu way qaraartahay! maantana iyadaan sheegayaa, waa aragtidayda, oo haddii aadan igu raacsanayn waad xusi kartaa, se iyada oo ay ku laran tahay adaabta naqdinta iyo wax isu sheegidda, isxagasho shakhsiyadeedna ay ka maran tahay.
Wiilka iyo Gabadha dhallinyarada ah ee ku nool maanatay Beledxaawo - gobalka Gedo, bulshadiisa ugama baahno xirashada maryaha calanka, iyo ku jiibashada heeso waddaniyadeed, se hawl iyo shaqo intaa ka wayn ayaa jirto oo looga baahan yahay.
Muuqaallada aan doonaynno ee bulshada wax u tarayo ma'ahan kuwaas sawirrada ah, ee waa muuqaalka muujinayo Gabar dugsiga sare kaga baxdo dhibco wadareed kor-u-dhaafaayo 95% oo la tartamayso goballada kale ee dalka, iyadaas ayaan doonaynaa oo aan ku faanaynaa.
Wiil dhalinyar oo dhamaystay waxbarashadiisa, kadibna aan hoos fariisan Oday dhaqamoodkooda si uu meel madaxa ugu galiyo e, ee isaga isasoosaaro samaystana shaqo abuurkiisa, waxsoosaarna dalka kusoo kordhiyo oo yeesho - ayaa ah muuqaalka aan u baahannahay!
Uma baahnin sawiro wadareed hal nooc oo dhar buluug ah la sito, se waxqabad iyo horusocod Bulsho baynu u baahannahay. Bulsho waxkastaa iyada iskugu tiirsan, ee cid ka baxsan aan ku tiirsanayn.
Macno buuran samayn mayso in hal hees ah la iskula wada jiibiyo, haddiibo kolki ay waxqabad timaaddo la kala firdhanaayo.
Calanku waa maro, maraduna waxmatarto, astaan bayna inoo tahay - wixii ay astaan noogu ahaydna haddii aynaan wax ka qaban, maro keligeed waxtarimayso.
Baahiyaha Bulshada inay daboolaan, oo halkaas isbeddel laga dareemo ee aan laga dareemin hab-agaasinka xaflada fantaysiga maalmahaan ayay mas'uuliyaddoodu tahay Maamullada. Tusaale wacan waxaa inoogu filan Waddooyinka maalmahaan lagu xardho calamada, ee isla iyagaas aan laga fekerin dayactirkooda - sidaasina ku ah godod iyo biyafadhiisinno sanad walbaa hadahaan oo kale Midabbo iyo calamo lagu firdhiyo.
Adeegga caafimaad ee bulshadu waa mid liito, Waxbarashaduna waa lamid - walow uu muuqdo dedaal socod Diinle ah oo bulshada ka yimid, ee aan ka imaan Maamulasa jiro. Dhallinyaradu waa shaqo la’aan, kan helaana “Yaa ku wato” iyo haddii shaqada uu helaa ay Siyaasad tahay oo uu ku helo Isdoqonaysiin iyo wacyigiisii oo uu daboolo.
Ururrada Bulshada kaalintooda ma ahan in Maalmaha xorriyada ay soo xirtaan dharka calanka, ee waa in ay la yimaadan barnaamijyo hawlqabad bulsho ah, oo horay u socod inoo jiheeyo.
Inta waciyaga heerkaas marayo, bulshaduna baraaruggeeda uu yahay u tamashlaynta waxa kani loogu yeero “Maalmahaa Xorriyadda”, isbeddal Bulsho ha filanina, Duulna Illaahay ma bedallo, ilaa yaga oonan wax-iska-bedallin!.
Dalkaygu Xor ma'ahan - inta maalin walbo diyaarado shisheeye si bareer ah u laynayso dadkayga iyo xoolahooda, cid ka hadlaysana aynan jirin - Oo looma'ooyaan ay yihiin!.
Dalkaygu Xor ma'!han - inta dhallinyaradeenna ay yihiin shaqo la’aanta, cid u maqanne aysan jirin - Iyaguna aysan isku maqnayn ee ay kadaloob wax ku sugayaan!
Dalkaygu Xor ma'ahan - inta ay Bulshadaydu aaminsantahay inay Madaxdu yihiin Waddanka, Waddankuna uu iyaga yahay!
Dalkaygu Xor ma'ahan - inta xaqiiqada laga gabbanaayo, runtana la kharaarsanaayo! .
Dalkaygu Xor ma'ahan - Inta Hooyo u baahan gurmad caafimaad ay ku dhimanayso baadiyaha, iyada oo helitaan daryeel caafimaad iska daaye aan helin ka warqab xaaladeed!
Iga raalli ahaado, aniga kuma faraxsani taaggantani. Sida oo kalena ma qabo inaan dacallada ka buuxsado beenhawaas Xorriyadeed, iyo mid Jiritaan. Taasi ayaana ah xaqiiqo kharaar ah, ma nihin Dal, iyo Dal Xor ah.
22.06.2021,
Beledxaawo, Gedo-Somaaliya.