Tuesday, May 31, 2022

Hoggaanka aan u baahannahay ?

 HOGGAANKA AAN U BAAHANNAHAY (1).


Hoggaaminta ama hoggaamiyanimada waa saamayn ku yeelashada dadka iyo u jihayntooda dhanka xaqiijinta yool iyo gaarista hadaf cayiman. Waa cilmi la darso lana dhaqangelin karo, dhaqangelintaas oo keeni karto samata bixinta ummad dhan iyo horumarkeeda, hareer marka waddada hoggaamiyanimadana waxa ay horseeddaa dib-u-dhaca ummad ama fashilkeeda.


Islaamka waxa uu wax noogu sheegay tusaalayaal cajiib ah iyo sheekooyin aan ka qaadan karno casharro badan oo hoggaamiyanimada ah, kuwaas oo barasho iyo darsidba innooga baahan.


 Qormadan iyo kuwa xigi doonaba waxa aan si kooban ugu soo qaadan doonnaa Hoggaamiyaha wanaagsan iyo astaamihiisa qaar kamid ah, iyo hoggaanka aan u baahannahay nooca uu yahay?. Waxa aan intaasba jawaabahooda sees iyo saldhig uga dhigi doonaa, Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Suubanaha (SCW) iyo sidoo kale buugaagta laga qoray cilmiga hoggaaminta. 


Qormadan koowaad waxaan ku qaadan doonnaa Daaluut, oo ahaa hoggaamiya uu illaahay u dooray ree banii Israa’iil markii ay waydiisteen nebigoodi in loo dooro Boqor ay ka hoos dagaallamaan, hoggaamiyana u noqdo. Reer banii Israa’iil waxa ay war kasoo celiyeen doorista Illaahay, waxayna ku mucaaradeen Daaluut inuusan lahayn tilmaamahihii hoggaamiyanimada xaggooda, oo ahayd in uusan kasoo jeedin qooyska boqornimada lahaa iyo madaxnimada, uusanne haysan dhaqaale ku filan. Nebigoodi ayaa ku qanciyay in uu Illaahay ninkan u dooray uuna yahay nin u qalmo xilkan, kana soo bixi karo shaqadan. 

Waxa uuna ku tilmaamay Illaahay labo tilmaamood oo dul istaaggooda aan ku soo afmeeri doonna qormadan: 

قال تعالي: (( قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ)) [2 \ 247]


Tilmaamta koowaad ee lagu amaanay Daaluut waxa ay ahayd in la siiyay ballaarnaan xagga aqoonta iyo ogaalka ah, ma aysan haynin araddnaan xagga garashada ah, iyo agoontinimo ogaalka ah, waxa uu hodan ku ahaa aqoon, kuna hubaysnaa aragti dheer iyo garasha xeel-dheer. 

Halkaas waxaan ka qaadanaynnaa muhiimadda aqoontu u leedahay qofka wax hoggaaminayo, aqoon la xiriirto hoggaaminta iyo waxa uu dadka ku hoggaaminayo. Sidaas darteed ayaa Hoggaamintu waxaa lagu sheegaa in ay ka koobantahay seddax: Cilmi, Xirfad iyo Dhaqan. Haddaba mid kamid seddaxda dhardhaar ee ay hoggaamiyanimadu ku taagantahay waa Aqoonta. Sidaas ayuuna Illaahay ugu doortay Daaluut in uu hoggaamiyo ree banii Israa’iil.


Tilmaamta labaad ee Daaluut lagu ammaanay ayaa ahayd in la siiyay “Awood jireed”, taas oo u sahlayso shaqadiisa. In uusan ahayn mid aysan xubnihiisu dhammaystirnayn, ama da’ ka daba timid oo aan isku filnayn, ama xanuunsan oo daryeel u baahan, ee uu wax qabsan karo fushan karo oo dagaallami karo markii loo baahdo.


Xigashooyin: 

¹. Qur’aanka kariimka

². Leader shift – John C Maxwell 

³. Tafsiiru Ibnu-katiir 

⁴. Tafsiir Al-Qurtubi 

⁵. Tafsiir al-Baqawi


W/Q: AbdiAziz Mubarak



Wednesday, April 6, 2022

Dhaawac ayaan lahaa!

Anigoo dhigta dugsiga Hoose, ayaa waxaa igu dhacay dhaawac iga soo gaaray dhudhunka lugta, inkastoo la i dabiibay haddane waxuu ahaa dhaawac afar bilood igu qaatay inaan ka biskoodo.
Marka aan ciyaaraynno xilliga Bareega iskuulka kubadda cagta, si cayaarta la iiga fariisiyo, halka meel ee ugu fudud ee la iga weerari karo waxay noqotay lugtayda dhaawaca ah.

Markaasaa midkood si kama' ah lugta igaga dhuftaa barta dhaawaca ah, si aan u fariisto, una sii cayaari waayo.
Waxaan ogaaday in lugtaydaas ahayad dhibicda tabar darradayda, ee ugu fudud inaan la iga weeraro, aana ka soo kici karin.

Waan waynaaday, waxaana ogaaday in Noloshu tahay garoon wayn, ciyaaryahannada oo dhan waxa ay leeyihiin boogo ay tahay in ay ilaaliyaan.
Si ciyaaryahan looga fariisiyo ciyaaratana waxaa lala eegta halka uu ka dhaawacan yahay, halka uu ka liiddan yahay, ama halka uu jilicsan yahay.

Cid diidi karto ma jirto in qof walba uu leeyahay boog uu ilaashanayo, haddii dhankeeda laga soo marana ay suuragal tahay in uu ka tanaasulo waxbadan , oo uu ku dhegnaan lahaa. 
Markaan carruurta ahayn, waxaa ku filnayd wax aan diiddannahay in aan ogolaanno, in lana dhaho aabe ama Hooyo ayaan kuu sheegayaa. Waxaana xasuustaa wiil aan saaxiibo ahayn, oo marka uu caruurta u diido in uu kubadda usoo bixiyo si ay u wada cayaaraan, lagu bajin jiray "Aabahaa ayaan kugu diraynaa".

Waan waynaaday, Noloshuna waxa ay i bartay, in geesigu yahay kan xargaha nolosha aysan loodin karin, balse marka uu yimaado xukunka illaahay iyo xeerarkiisa hakado, istaaga oo is xakeemayo.

Geesiga waa midka aanan lagu bajin manfac aduunyo in la dhaafinayo, se ay suuragal tahay in uu wax walbo uga istaago marki loo sheego hadalka Illaahay, ama la xasuuso qawlka suubanaha (NNKH).

Halkaad doonta ka jilicsanoow, ciddii aad doontana dartood waxaad doonta uga jòog, balse iska ilaali in meel uu illaahay dhigaya dhibic joogsi ah, aad gelisid hakad ama sii socosho!.

Soonqaad wanaagsan.
Abdiaziz Mubarak@2022


Tuesday, April 5, 2022

DHIIRRIGELINTA.. XAQIIQO MISE KHAYAALI!



 Hooyada marka uu cannuggeeda kufa, ku oranyso "waad boodday, ee ka kac", waa ay dhiirrigelisay!. Laakiin uma naqaanno "Dhiirrigeliso", oo Waxa aan ku soo koobnay dhiirrigelinti iyo dhiirrigeliyaashaba dad gaar ah, oo noo qayliyo, gacmahana kor noogu taago, neefsadana na dhaho!. 


Dhiirrigelinta oo ah eray qurxoon, inbadanne shidaal u noqotay guulo badan oo la gaaray, ayaa marba marka ka danbeeyso la halleeya isticmaalkeeda.

Waxaa jiro laba aragtiyood oo dhiirrigelinta si kala duwan u aragto, koox ayaa aamminsan in dhiirrigelin la'aanteed la guulaysan karin, adiga oonan helin tababare nonoleed oo kaaga sheekeeya guusha iyo Guulaystayaashana aadanba guul cag saarayn, saa darteed ayay xiddigo u arkaan dadka guusha ka hadlo, oo laga yaabo qaarkood inaysanba gaarin guul la taaban karo!.

Kooxda labaad oo ku dooddo: In guushu tahay wax qofka rabitaankiisa ka imaado, la'aanta tababare nololeed iyo dhiirrigeliye nafeed na aad guulaysan kartid. Saa darteed ayay u arkaan in Dhiirrigeliyaashu yihiin ka ganacsadayaal hadal, iyo been afuufayaal Khuraafaad la fadhiyo!.

Haddabo waxaan doonayaa in qormadan aan ku soo koobo dhawr qodob oo igala jiro mawduucan iyo sida aan u arko. Qofkii aragti ka duwan qabane waa uu nala wadaagi karaa , oo waan soo dhawaynayaa, dhammaan waxa hoos ku xusanne waa wax aqbali karo naqdin, ku celin, sixid iyo hagaajin.

1. Dhiirrigelinta waxa ay leedahay saamayn wayn oo ay ku reebto qofka, marar badanne waxaan u baahannahay cid na dhahdo waad awooddaa, waa se marki laga run sheegayo, suuragalna tahay samaynta shayga waad awooddaa lagu leeyahay, laakiin qofka ku oranaya waad buubi kartaa , kuma dhiirrigelinayo ee wuu ku waalayaa!.

2. Qasab ma ahan in aad yeelto tababare nololeed, oo nolsha iyada ayaa ku tababarayso, lagama maarmaanne ma ahan in aad hesho dhiirrigeliye nafeed, oo adiga ayaa isugu filan, se sidaas oo kale xaaraan ma ahan samaynta sidaas oo haddii aad yeelatidne wax maadan hallayn, laakiin waxa muhiimka ah ayaa ah, xogta lagu siinayo iyo waxa lagu sheegayo in ay yihiin wax maan gal ah, suuragalna ay tahay xaqiijinteeda .

3. Dhiirrigelinta da' yarta, ama dhallinyarada waa arrin muhiim ah, oo waxa ay u baahan yihiin garab qabsho, la talin iyo ka war qabid.
Qormadan waxa igu qasbay samaynteeda ayaa ahayd in wiil dhallinyaro ah uu ii yimid, i weeydiisatayne inaan caawiyo, marki aan weeydiiyay nooca caawineed ee uu u baahan yahay, waxa uu ii sheegay in uu rafaadsanyahay, reerkoodu uusan magaalada degganayn, arday fasalka 2-aad ee dugsiga sare na uu yahay. Casharrada iyo shaqada guriga uu joogana uu isku wadi la' yahay, maaraynta waqtigiisa in ay dhib ka haysato, cadaadis nololeed oo badanne uu wajahayo.
Waxaan siiyay wixii aan talo siin karay, waxaane ku dejiyay in waqtigu is bedalli doona, rajada illaahayna laga quusan, se dedaal badan looga baahan yahay, marka ay maalmuhu murxiyaanne in ay dib u dhayi doonaan dhammaan dhaawacayadiisa.

Wiilkaas iyo qaar badan oo kale oon arkay iina imaaday, waxay u baahan yihiin la talin, garab qabasho iyo in lagu dhiirrigeliya sii wadista yahansiga nolosha iyo geeddiga waxbarasho.

Wiilkaas kulama talin akhrinta buugga Dale Carienge iyo Nick Vujic , iyo dhagaysiga cajaladaha dhiirrigeliyasheenna, laakiin waxaan u sheegay in uu meel saarto wardi Qur'aan oo maalinle ah, kuna dedaallo cibaadada, noloshiisuna ay hagaagi doonta. Laakiin uu ka daro dedaal badan iyo ku qancista in guushu saxan dahab ah laguugu keenayn, ee ay u baahan tahaya dhafoor ka dhidid badan iyo harjad joogta ah!.

4. Ma ahan qof walbo oo ka hadlaya Guul in uu yahay "Ka ganacsade hadal" Oo waxaa jiro dad garasho xeer dheel dheer u leh Fanka samaynta guusha oona ka hadlo, sidaas oo kalena sameeyay guulo waaweyn, saa darteed dadkaas ayaa mudan dhagaygsi iyo ka faa'iideeysi.

5. Wax aad garanaysid, aadna awooddid in cid aad ku dhaanto la wadaagto, ha ka gaabin, waloow kalmad ba ha ahaatee, Laakiin iska ilaali in hadliddu ay kuu noqoto xirfad aad ku ganacsato, kuna shaqaysto, umaddana aad ku marin habaabiso hadal!.

6. In badan oo kamid ah muuqaallada ugu daawashada badan ee ka hadlo guusha, iyo dhiirrigeliyaasha na yiraahdo duulo, dhagaystayaashana faro in ay neefsadaan sidii iyada oo qofku neefta ku dhegatay, waa daroogayn iyo iska indha tiridda waaqaca, waxayna u baahan yihiin hadalladaas dhaqan gelin iyo ku larista fal la taaban karo. Laakiin ka qaylinta gadaasha cod baahiyaalka, iyo qabashada kulamo boqollaal qof ka qayb galaan, iyo ka cabsashada waajihidda nolosha dhabta ah, ma samaynayso guul, Laakiin waxa ay meel ku hubsanaysaa lacagaha tigiddida soo gelitaanka laga soo xareeyo, iyo caannimada aanan laga yool lahayn!.

...
Nebedgalyo..
Aragtidaada hoos noogu reeb fadlan..

W/Q: Abdiaziz Mubarak.



Saturday, June 26, 2021

Ku dayo Kuwan (6).❤

 Maalin ayuu Suubanaha (Scw) ku hor dhoolla cadeeyay isaga oo u khudbaynayo Asxaabtiisa. Waxa ay su'aaleen waxa ka qosol siiyay. Waxa uu ugu jawaabay; "Waxaa la ii soo bandhigay labo nin oo Alle (SW) u gar dhigatay. Kan koowaad ayaa leh: Alloow ninkan xaqayga iiga gud, oo i sii ajarkiisa. Alle ayaa ku oranayo: Oo miyuu leeyahay wax ajar ahba!?.

Kadib ayuu oronayaa: Alloow, danbigayga iga qaad oo isaga dul saar. Alle ayaa ugu jawaabayo: oo miyeey ku raalligelinaysaa sidaas?, in wax aad adigu nacday, walaalkaa la dul saaro?!.

Ka dib Alle waxa uu ku oronayaa adoonkaas: Fiiri midigtaada, markaas ayuu arkayaa daaro qurux badan, beero iyo baraaraha jannada. Fiiri bidixdaada, kolkaas ayuu arkayaa sidoo kale beero iyo webiyaal dareeriyo iyo quruxda jannada.
Alle ayaa ku oronayo dabadeed: Waxaa iska leh, ciddii dhiibto lacagteeda!.
Oo Alloow, waa maxay lacagteeda, ayuu su'aalayaa addoonkii. Alle ayaa ku jawaabayo: in aad qabatid gacanta walaalkaa, oo aad u kaxaysid Jannada!.

Suubanaha Ayaa yiri: waxa aan la cajabay, Illaah ka shaqeeynayo heshiisiinta addoomadiisa!."

Qisadan waxaa inoogu sugan cashar wayn oo ah is-cafinta, saamaxaadda iyo isu tanaasulidda!. Jannada si aad u gashid waa in aad hurta wax qaali ah, in aad cafisid cid kugu xad gudabtayne waxa ay u baahan tahay caburinta codadka ku farayo aar goosiga, iyo inaad xakamaysid Naftaada!.

Maalin wanaagsan.
W/Q: Abdiaziz Mubarak.

Ku dayo Kuwan!. (5) ❤

 KU DAYO KUWAN (5)

Cabdullaahi bin Naham al-Musani, waxa uu ahaa mid u suxul duubayay soo gelitaanka Islaamka. laakiin tolkiis ayaa ka hor istaagay. Markii ay ogaadeen sida uu ugu hamuun qabo islaannimada, waxa ay ka qaateen xoolihiisa oo dhan, iyaga oona ku reebay, go’ adag oo aanan keligiis lagu bixi karin!.

Halkii go’ ee adkaa ayuu ku soo tagay, inta uu kala jeexay ayuuna ka dhigtay sida dharka lagu xajiyo ee hoos guntiga iyo go’a ah. waxa uu ugu yimid sidaas Suubanaha SCW. waxa uuna shaaciyay islaannimadiisa. waxaana lagu naanaysay islamarkaas “laba go’le”!.

Waxaa yimid duullaankii “Tabuuk” waxa uuna la baxay “Laba go’le” Suubanaha SCW iyo asxaabtiisa, Cabdullaahi bin Mascuud ayaa noo werinayo oo leh; “Habeen siq dhexe ah ayaan arkay dab ka kacayo qayb ka mid ah, qaybaha ciidanka. waan aaday si aan u eego, mise “Laba go’le” ayaa dhintay, qabrigiisina la qodayaa, Suubanaha SCW ayaa ku jiro gudaha qabriga, abuuBakar iyo Cumar oo u dhiibayo ayuuna ku leeyahay “Ii soo dhaweeya walaalkiin”.
Gacmaha sharfan ee suubanaha ayaa lagu dhigay godkiisa. kadib ayuu yiri SCW: “Illaahayoow, waxa aan galabaystay aniga oo ka raalli ah, ee ka raalli noqo”.
Markaas ayuu yiri ibnu Mascuud: Alla maxaan u noqon waayay qofka qabrigaas la gelinayay!."

Qofkii ka run sheegaa u socoshada Eebe, Alle ayaa u oofiya dantiisa.
“Labo go’le” waxa uu kasoo cararay wax waliba, isaga oo ilaashanayo diintiisa iyo Karaamadiisa. Waxa uu Alle na ugu abaal guday in gacmihiisa sharfan uu suubanaha ku dhigo qabrigiisa, weliba isaga oo ka raalli ah!.

Waddada Alle way adagtahay, oo way dhib badan tahay, laakiin dedaal ayay rabtaa. Muhiimaddu ma ahan in la gaaro waddada, muhiimaddu waa in lagu sugnaado. Laakiin ciddii si dhab ah ugu noolaato shay dartii, waa ay ku dhimataa!.

Thursday, June 24, 2021

DALKAYGU XOR MA AHAN!.

 DALKAYGA XOR MA AHAN! -

 W/Q: AbdiAziz Mubarak .

Maalmo kooban ayaa ka harsan maalmaha loogu yeero “Maalmaha Xoriyadda”- Xoriyadda oo ah eray qurxoon, cid walbana jecashahay, se nasiibdarro nuxurkiisaa aan la fahansanayn, ayaa ayaamahan si aanan loo isticmaali jirin loo adeegsadaa!. 

Waxaa faafo erayo badan oo aan horay loo xusi jirin. Waxaa la faafiyaa sawirrada kooxo dad ah oo muujinayo in ay u dabaal degayaan maalmahan; Wiilal iyo Gabdho xiran maryo lagu xardhay astaanta calanka, ama xataa xubnaha jirkooda lagu asteeyay midabka calanka.

Iga raalli ahaada, xaqiiqadu way qaraartahay! maantana iyadaan sheegayaa, waa aragtidayda, oo haddii aadan igu raacsanayn waad xusi kartaa, se iyada oo ay ku laran tahay adaabta naqdinta iyo wax isu sheegidda, isxagasho shakhsiyadeedna ay ka maran tahay. 

Wiilka iyo Gabadha dhallinyarada ah ee ku nool maanatay Beledxaawo -  gobalka Gedo, bulshadiisa ugama baahno xirashada maryaha calanka, iyo ku jiibashada heeso waddaniyadeed, se hawl iyo shaqo intaa ka wayn ayaa jirto oo looga baahan yahay.

 Muuqaallada aan doonaynno ee bulshada wax u tarayo ma'ahan kuwaas sawirrada ah, ee waa muuqaalka muujinayo Gabar dugsiga sare kaga baxdo dhibco wadareed kor-u-dhaafaayo 95% oo la tartamayso goballada kale ee dalka, iyadaas ayaan doonaynaa oo aan ku faanaynaa. 

Wiil dhalinyar oo dhamaystay waxbarashadiisa, kadibna aan hoos fariisan Oday dhaqamoodkooda si uu meel madaxa ugu galiyo e, ee isaga isasoosaaro samaystana shaqo abuurkiisa, waxsoosaarna dalka kusoo kordhiyo oo yeesho - ayaa ah muuqaalka aan u baahannahay!

Uma baahnin sawiro wadareed hal nooc oo dhar buluug ah la sito, se waxqabad iyo horusocod Bulsho baynu u baahannahay. Bulsho waxkastaa iyada iskugu tiirsan, ee cid ka baxsan aan ku tiirsanayn.

Macno buuran samayn mayso in hal hees ah la iskula wada jiibiyo, haddiibo kolki ay waxqabad timaaddo la kala firdhanaayo.

Calanku waa maro, maraduna waxmatarto, astaan bayna inoo tahay - wixii ay astaan noogu ahaydna haddii aynaan wax ka qaban, maro keligeed waxtarimayso.

Baahiyaha Bulshada inay daboolaan, oo halkaas isbeddel laga dareemo ee aan laga dareemin hab-agaasinka xaflada fantaysiga maalmahaan ayay mas'uuliyaddoodu tahay Maamullada. Tusaale wacan waxaa inoogu filan Waddooyinka maalmahaan lagu xardho calamada, ee isla iyagaas aan laga fekerin dayactirkooda - sidaasina ku ah godod iyo biyafadhiisinno sanad walbaa hadahaan oo kale Midabbo iyo calamo lagu firdhiyo.

Adeegga caafimaad ee bulshadu waa mid liito, Waxbarashaduna waa lamid - walow uu muuqdo dedaal socod Diinle ah oo bulshada ka yimid, ee aan ka imaan Maamulasa jiro. Dhallinyaradu waa shaqo la’aan, kan helaana “Yaa ku wato” iyo haddii shaqada uu helaa ay Siyaasad tahay oo uu ku helo Isdoqonaysiin iyo wacyigiisii oo uu daboolo.

Ururrada Bulshada kaalintooda ma ahan in Maalmaha xorriyada ay soo xirtaan dharka calanka, ee waa in ay la yimaadan barnaamijyo hawlqabad bulsho ah, oo horay u socod inoo jiheeyo.

Inta waciyaga heerkaas marayo, bulshaduna baraaruggeeda uu yahay u  tamashlaynta waxa kani loogu yeero “Maalmahaa Xorriyadda”, isbeddal Bulsho ha filanina, Duulna Illaahay ma bedallo, ilaa yaga oonan wax-iska-bedallin!. 


Dalkaygu Xor ma'ahan - inta maalin walbo diyaarado shisheeye si bareer ah u laynayso dadkayga iyo xoolahooda, cid ka hadlaysana aynan jirin - Oo looma'ooyaan ay yihiin!.

Dalkaygu Xor ma'!han - inta dhallinyaradeenna ay yihiin shaqo la’aanta, cid u maqanne aysan jirin - Iyaguna aysan isku maqnayn ee ay kadaloob wax ku sugayaan!

Dalkaygu Xor ma'ahan - inta ay Bulshadaydu aaminsantahay inay Madaxdu yihiin Waddanka, Waddankuna uu iyaga yahay!

 Dalkaygu Xor ma'ahan - inta xaqiiqada laga gabbanaayo, runtana la kharaarsanaayo! .

Dalkaygu Xor ma'ahan - Inta Hooyo u baahan gurmad caafimaad ay ku dhimanayso baadiyaha, iyada oo helitaan daryeel caafimaad iska daaye aan helin ka warqab xaaladeed!

Iga raalli ahaado, aniga kuma faraxsani taaggantani. Sida oo kalena ma qabo inaan dacallada ka buuxsado beenhawaas Xorriyadeed, iyo mid Jiritaan. Taasi ayaana ah xaqiiqo kharaar ah, ma nihin Dal, iyo Dal Xor ah.


22.06.2021,

Beledxaawo, Gedo-Somaaliya.



Sunday, May 16, 2021

DUGSIGA BADAR!..

 Dugsiga Badar!.

    W/Q: Abdiaziiz Mubarak.

    Bisha soon waxa ay mareeysay 17, maanta oo kale 14 qarni ka hor, maalintii ay Madiina ka soo dhaqaaqeen muslimiinta oo uu hogaaminayay Muxammad (NNKH) , waxa ay u socdeen gacan ku dhigista ganacsi Qureeysh ay lahaayeen u socday Shaam, laakiin waxaa kala duwanaaday waxa ay dooneen iyo waxa uu Illaahay doonay!. Madaxii safarka ee Abuu Sufyaan waxa uu ka leexday waddadii lagu heli lahaa, waxa uuna badbaadiyay safarkiisi ganacsi, laakiin halkaas wax kuma dhamaan oo amarka samada waxa uu ahaa in uu dhaco dagaal!. Dagaal kala saaro xaqqa iyo baadilka.. waa uuna dhacay!.
   
    Badar waa dugsi weeyn oo cashiro badan laga qaato, Badar waa maalin ka weeyn mid kuwa maangaabka ah ay u tiiriyaan gafafkooda kadibne ay ku af-tirtaan maalintan weeyn!, Badar maalinne ma ahayn mid lagu dilo muslimiinta ee waxa ay ahayd mid xaqqa lagu ifiyo, mugdiga baadilkana lagu afjaro!. Laakiin Islaamka dhabta ah ee Samada ka soo degay , waxa uu ka duwan yahay kan maanta ay Aadanaha ku sameeysteen dhulka!.

    Badar waxa aan ka baranaynaa cashiro badan oo aanan soo koobin karin, laakiin aan ku soo aruuriyo 10kan cashir-;

1.   Dugsiga Badar waxa uu ina baray in waxa aan doonnay iyo
Waxa uu Illaahay doonay ay fulayaan doonista Eebe, Muslimiinta waxa ay doonayeen in ay si fudud ku qaataan xoolihii Qureeysheed, Alle na waxa uu doonayay in uu caddeeyo xaqqa. Waxaana fulay doonistii Rabbi.

2.    Badar waxa ay ina bartay in baadilku uu isaga lugihiisa ku Tagayo fagaaraha lagu dilayo!, Abuu Sufyaan marki uu badbaadsaday safarkiisi, qureeysh waxa ay go’aansadeen in ay joogaan, laakiin kibirka Abuu jahal ayaa diiday in uu cag dhigo, waxa uuna u ololeeynayay in la aado dagaalka, laakiin waxa uu u socday halkii u ku dhiman lahaa, waxaana dilay kibirkiisi!.

3.  Badar waxa ay ina bartay in aysan jirin cid og waxa soo  Socdo, xattaa suubanaha (NNKH) waxa uu maleeynayay in arrintu ku koobnaan doonto safarka qureeysheed , laakiin qorshaha Alle ayaa fulayay!.

4.  Badar waxa ay ina bartay in caqli badanaha uusan ka
Mashquulin cadowgiisi, Muxammad oo cid ka cibaado badan aysan jirn kama aysan mashquulin cibaadadiisa, raaraacidda waxa ay maagan yihiin qureeysh, Qur’aan akhriskiisana kama uusan mashquulin daba galidda xogaha cadowga, haddii kale sidee ayuu ku garan lahaa safarka qureeysh?!.    Diintan waa isu-dheelli tirnaan, duminta aduunyadana ma ahan toosinta diinta!.

5.   Badar waxa ay ina bartay in diintan aysan ku faafin seef, Kuwa loo ogalaaday in ay seefta qaadaan maalintii badar, waa loo
diidanaa sanadihii ka horreeyay, Islaamku waxa uu ku faafay xaqqa   dheehan, iyo iftiinka ka burqanayay kuwa raacsan, laakiin xaqqa aanan laheeyn awood difaacdo ma taagnaado, saa darteed waxa ay seeftu ahayd mid waddada ka leexiso ciddii hor istaagto Islaamka, ee ma aysan ahayn mid faafinayso Islaanimada!.

6.    Badar waxa ay ina bartay in cashirkii ugu weeynaa ee Hogaamiyo nimo, waana cashirka isla tashiga, Muxammad (NNKH) waxa uu ra’yi weeydiiyay asxaabtiisa, waxa uuna la tashtay saxaabada, xattaa marki uu guuleeystay oo maxaabiis badan uu qabsaday , waxa uu kala tashatay wixii uu ka yeeli lahaa asxaabtiisa!.


7.  Badar waxa ay ina bartay in ciddii isu dhiibto Illaahay aysanm , taladeedana u dhiibto suubanaha aysan  jabeeyn, Suubanaha waxa uu ku xirnaa Illaahy, saxaabaduna waxa ay adeecayeen awaamirta suubanaha, natiijaduna waxa ay noqotay GUUL!.

8.    Badar waxa ay ina bartay in ducada iyo dadaal sameeynta aysan kala hareeeyn, suubanaha oo ay heegan ahaayeen ciidankiisa, haddane waxa uu baryayay Rabbigiis, isaga oo uu taagayay gacmaha xagga sare , illaa uu go’iisu ka dhacay garbihiisa!.

9.   Badar waxa ay ina bartay in gobka abaalka loo galo, uusan hilmaamin abaalkaas, maalintii Badar waxa uu reebay Suubanaha in la dilo mid kamid ah gaalada oo la dhihi jiray “Abul-Bukhtariy Bin Hashaam”, sababatoo ah waxa uu ahaa mid muslimiinta ugu gargaari jiray marki ay joogeen Makkah!.

10.  Badar waxa ay ina bartay in hoggaamiyaha suuban uusan qarin qaraabadiisa marki dagaalka la gaaro, Suubanaha (NNKH) waxa uu markii la gaaray isu soo bixista labada dhinca uu soo saaray “Xamsa” oo ahaa adeerkii uu jeclaa, “Cali” oo ahaa ina adeerkii iyo ninka gabadhiisa  iyo   ina adeerkiis kale ee “Xaarita bin Cabdil Mudallib”!.