CILMI MISE CIMRI
Tuesday, October 25, 2022
CILMI MISE CIMRI?!.
WAA KAN MUXAMMAD (NNKH)
WAA KAN MUXAMMAD (NNKH)
Yaa haysto Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi.
Waa
la duugay Sheekh Qaradaawo, waxayna waydiiyeen labada Malag; Waa kuma Rabbigaa?
Waa maxay Diintaada?, waana kuma ninka la idiin soo diray?...
Sidaas
oo ay tahay, ma aysan aamusin Carrabyo midiyaysan, oo ayaan daran, waxaa jiray
kuwa soo sawiray qabri gubanaya, kuna dul qoray waa Qabriga Qaradaawi, waxaa
jiray kuwa soo qaatay Xadiiski 'Mid laga nastay iyo mid nastay', iyo kuwa kale
oo badan. Laakiin xaqiiqada ayaa ah, in isku khilaafiddan iyo buuqan uu
dhaliyay, ay muujinayso waynida iyo Meeqaamka ninka. Soo uma jeeddaan sida ay
dadka ugu qaybsameen Cali binu Abii daalib RC, ayan ugu kala jabeen labada
kooxood, sidaas oo kale waxaa ahaa Abii Xaniifa, cid wal oo wax wayn samaysana
waa hubaal in ay sidaas oo kale dhacayso.
Qaradaawi
AUN, waxaan shaki ku jirin in uu ka nasan doona dhibta iyo rafaadki adduunyadan
uu qarniga kudhex noolaa iyo dadkeeda wanaagga inkiro. Laakiin kuwa badan ayaa
ka nastay, oo uu qalqal gelinayay manaahijtooda iyo afkaartooda.
[1]
Waxaa ka nastay kuwa badan oo isku magacaabo 'Salafiyiin' haba kala duwanaadaan
firqooyinkoodee:
-
Kuwa isku magacaabo 'Salafiyada Cilmiga' ee uu matayo Sulaymaan Alkharaashi, oo
soo saaray kitaabkiisa 'Qaraadi fil Miisaan'.
-
'Salafiya Jihaadiya' oo uu matalayo Abi Basiir Darduusi ko soo saaray
'Takfiirul qaradaawi' iyo Xassaan Xasan oo soo saaray sidoo kale risaala isla
magacan wadato.
-
'Salafiya Madkhaliya' oo uu matayo 'Muqbil bin Hadi Alwaadici oo qoray
'Iskaatul al kalbil caawi Yuusuf al qaradaawi'.
[2]
Waxaa ka nastay kuwa loo yaqaana 'Axbaashta' oo uu kamid yahay Usaama Sayod oo
soo saaray kitaabka 'Al qardaawi fil Caraa'.
[3]
Waxaa ka nastay Shiicada, firqooyinkeeda kala duwan oo uu matalayo Axmad nafiis
oo qoray 'القرضاوي وكيل الله أم وكيل بني أمية؟'
[4]
Waxqq ka nastay Cilmaaniyiinta oo uu ku karbaashay kitaabkiisa 'الإسلام
والعلمانية وجها لوجه'
Iyo 'بينات الحل
الإسلامي وشبهات العلمانيين والتغريبين'
[5]
Waxaa ka nastay Takfiiriyiinta oo uu ku muujiyay manhajkooda kitaabkiisa 'ظاهرة الغلو في
التكفير'
[6]
Waxaa ka nastay qaar kamid ah 'Jihaadiyiinta' oo uu ku saxay manhajkooda
kitaabkiisa 'Fiqhul Jihaad fil Islaam'.
[7]
Waxaa ka nastay qaar badan oo Siyaasiyiin ah, oo ugu saxay fahanka Siyaasadda
kitaabkiisa 'AlDiinu wa siyaasah'.
[8]
Waxaa ka nastay qaar kamid ah Gacacsatada iyo Bangilayda ribada ku shaqaysto oo
uu ka qoray kitaabkiisa 'دور القيم والأخلاق في الإقتصاد الإسلامي' iyo kitaabkiisa 'فوائد البنوك هي الربا الحرام'
[9]
Waxaa ka nastay kuwa Yahuudda daba orda, oo uu ka qoray 'القدس قضية كل
مسلم'
[10]
Waxaa ka nastay kuwa shaqa la'aanta ah, ee caayda iyo aflagaadada waqtigooda ku
dhumiyo ee aanan aqoon qiimaha waqtiga Muslimka oo uu ka qoray kitaabkiisa 'الوقت في حياة
المسلم' .
[11]
Waxaa ka nastay Qur'aaniyiinta iyo kuwa Daahiryiinta ah oo ku burburiyay aragtidooda
kitaabkiisa 'كيف نتعامل مع السنة النبوية' iyo kitaabkiisa 'السنة والبدعة'
[12]
Waxaa ka nastay Mustashriqiinta iyo ree Galbeedka ku been abuurto qaar kamid ah
taariikhdeenna oo uu ka qoray 'تاريخنا المفتري عليه'
[13]
Waxaa ka nastay Daalimiinta iyo dhiigya Cabyada madaxda ah, ee uu ka qoray
kitaankiisa 'عالم وطاغية'
[14]
Waxaa ka nastay dib u dhacyada, diiddan horumarka oo uu ka qoray kitaabkiisa 'الإسلام حضارة
الغد'
[15]
Waxaa ka nastay kuwa inkirsan aragtida Islaamka ee Dumarka ku aaddan oo uu ka
qoray kitaabkiisa 'مركز المرأة في الحياة الإسلامية'
[16]
Waxaa ka nastay kuwa is dhiibay ee quustay oo uu ka qoray kitaabadiisa 'المبشرات بإنتصار
الإسلام' iyo 'مستقبل الأصولية الإسلامية'
Waxaa
ka nastay qaar badan oo inkirsan guulaha uu gaaray, iyo waxa uu umadda Islaamka
kaga tagay, Allaha ka abaal mariyo, qabrigana ku janneeyee.
Ugu
danbeyn Sheekh Qardaawi waa Insaan, gafi karo, oo khaladami karo, wax badan
lagu khilaafi karo wixii dood gali karana lagu naqdin karo.
Allaha
u naxariisto Sheekh Yuusuf Alqaradaawi.
FAALLO BUUG: Finding Truth: 5 Principles for Unmasking Atheism, Secularism, and Other God Substitutes. Nancy Pearcey.
FAALLO BUUG: Finding Truth: 5
Principles for Unmasking Atheism, Secularism, and Other God Substitutes. Nancy
Pearcey.
(Raadinta xaqiiqada: 5 Mabaadi’ oo daaha looga rogaya
Ilxaadka iyo Cilmaaniyadda).
Buuggan oo aan si fudud
u billaabay akhriskiisa, ayaa xiiso gaar ah ii lahaa, maadaama uu khuseeyay
mawduuc aan danaynayay ayaan hal fadhi ah uga baxay, waa buug u baahan waqti
fiican iyo fiirin aqooneed, oo aan si sahlan lagaga bixi karin, haddana akhriskiisi
koowaad waxaan u fadhiyay 6 saacadood oo xiriir ah illaa 2dii iyo bar
habeennimo. Waxaan se ku khasbanaaday in aan mar labaad dul maro, nuxurka uu
xambaarsanaa oo wayn iyo farriinta uu sido oo ballaaran awgeed, waxuu iga
baahanayay mararka qaarkood in aad baaritaan kale sii gasho.
Buugga waa 370 bog, oo
ay qoray Nancy Pearcey, oo ah qoraa Ameerikaan, arrimaha diimaha iyo
falsafaddana wax badan ka qortay, oo aan horay uga akhriyay buuggeeda “Total
truth” oo 2005tii soo baxay. Buuggan aan wax ka qoraynno hadda waxa uu soo
baxay 2015tii. Waxayna si fudud uga hadlaysaa afkaarta iyo falsafadaha liddiga
ku ah diimaha Illaah oggol, ama qirsan awood jirto.
Buugga waxa uu ka
dhashay qoristiisa, mawjadda Alle diidnimo iyo inkirista Illaahay ee sida
xooggan ugu dhufatay Galbeed iyo bariba. Waxa uu gaashaan u yahay sida ay
xustayba Ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee halista ugu jiro ka tagista
wax walba oo diin ku saabsan sababa kala duwan awgood. “Nancy” waxay si gaar ah
xoogga u saaraysaa bulshada ay kasoo jeedday oo “Kirishtaanka” ah oo
dhallinyaradii ay ka fogaadeen diinta iyo kaniisadda, ayna ka carareen wax
walbo oo diin ku shaqo leh, waxay Nancy qiraysaa in seddax melood meel kamid ah
dhallinyarada ka tageen kaniisadda sabab la xiriirto helid la’aanta jawaabo ku
filan ayna qaateen Ilxaadka iyo
calmaaniyadda.
Waxa ay Nancy buugga ku
billaabaysaa cutub ay uga cinwaan dhigtay “Waxaan ku waayay Iimaankaygii
kulliyad Injiili ah” (Kulliyad masiixi ah), oraahdaas waxay ka timid mid kamid
ah shaqaalaha Kongreeska ee Maraykanka mar ay su’aalo waydiinayeen Nancy
muxaadara ay u jeedisay gadaasheed. “Bill witcherman” oo ah ninka oraahdaas
yiri ayaa sheegay in kulliyaddii uu dhiganayay lagu bari jiray jaamacadda
aragtiyo cilmaaniyeed oo badan, mararka qaarne si toos ah uga hor imaanaysay
waxyaabaha uu rumaysnaa ee kaniisadda laga barayay. Taas waxay ku qasabtay
labaatan jirki aysan waxbadan u kala furman ee sanadki koowaad ee jaamacadda ku
jiray inuu waydiiyo barofesoorradii jaamacadda “Sidee ayaad isugu xiraysaan
Iimaanka iyo takhasuska aqooneed ee aad nagu baraysaan jaamacadda?” laakiin nasiib
darro ma uusan helin jawaab. Ugu danbayn taas waxay ku qasabtay “Bill” in uu
masiixiyadda ka tago, una diga rogta Ilxaadka.
Sheekada ninkan waa mid muujinayso dabci bani Aadannimo oo ah raadinta
jawaabaha waxa uu is waydiinayo, taas oo haddii uu heli waayo jawaabahooda ku
keento in uu darafya fogfog u weecdo ilxaadkaba ha u darnaadee. Dhowr sheeko oo
tan aan ka sheekaynnay lamid ah ayay qoraaga soo qaadatay, oo ay kujirtay
sheekadeeda, waxayna dhammaan muujinayeen su’aalo is waydiin aanan helin jawaabihii
habboonaa, ama lagu waajahay cabburin iyo daboolis ku talagal ah ama aan ahayn.
Waxay “Nancy” rumaysan tahay in su’aalaha calmaaniyadda iyo ilxaadka
dhammaantood jawaabo waafi ah looga heli karo nusuusta diimaha, aysanne ahayn
in lagu cabburiyo ciddii wadato, taas badalkeed lasoo dhaweeyo, si furanne
looga jawaabo.
Maanta waxaan arkaynaa
dad badan oo soomaali ah oo Ilxaadka qaatay, welibana faafinayo, da’ yar badan
oonan haysan wacaal iyo aqoon ku filan ayaa la ciirciiraya su’aalo badan oo
mandiq ah qaarkood, shaac bixintooda iyo in ay bannaanka keenaan waxay kaga
baqayaan ku cabburin iyo kucelin, taas badalkeed waa fursad fiican oo
Mulxidiinta kaga faa’idaysan karaan dhallintaas in ay jiraan su’aalo badan oo
aysan diintu jawaab u helayn. Halka haddii ay heli lahaayeen cid ka qanciso oo
u ehel ah waydiimaha noocaas ah ay dhallintaas wax badan kaga shaafi noqon
lahaayeen jawaabahaas.
Buugga haddii aan u soo
laabto waxay “Nancy Pearcey” marka hore xoojisay sugidda jiritaanka Illaah iyo
awood dunidan maamusho, iyadoo u soo xiganayso xoojinno iyo marag furro diini
iyo caqliba leh. Waxaan kasoo qadanayaa dhowr caddaymood.
-
“Dhammaantayo
waxaan ku garan karnaa Illaah, fiirinta abuurka”.
Oraahdaas waxay qeexaysa
sida ay muhiim ugu tahay “fikiridda” iyo u kuurgalidda kawnka iyo waxa kor
saaranba qiridda jiritaanka Illaahay. Waana halka uu Illaahay (SWT) ku leeyahay
suuradda Daariyaat 20-21 “Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax
yaqiinin. Naftiinnana miyaadan arkayn (waana qaadasho).
(وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ
لِلْمُوقِنِينَ * وَفِي أَنْفُسِكُمْ أَفَلَا تُبْصِرُونَ)
Sidoo kale waxaa ay soo
qaadanaysaa sida cajiibka ah ee jaan go’naanta leh ee uu caalamka u shaqaynayo,
si gaar ah saamiyada Fiisigiska
“Physics”. Tusaale: arrimaha sida Xoogga cuf-isjiidadka, xoogga nukliyeerka ee
xooggan, xoogga korantada, saamiga u dhexeeya tirada proton iyo elektarooniga, waxay leeyihiin tiro jaan go’an (fine tuning) oonan
wax ka badalmayn sare mar iyo hoos u dhacba, oo haddii tusaale uu waxyar is bedalo
ama hoos uga dhaco ama sare noqdo qiimaha cuf isjiidka ee hadda wax ka badal
lamid ah marki loo qaybiyo 1060 qaybood hal qayb oo kamid ah, (yacni 1
midigteeda la dhigay 60 ebar), suurgal ma noqoteen helitaanka nolol dunida!. Taas
oo keentay qarsoodiga la haleeli waayay ee
loogu magac daray “Goldilocks”: sidee ayay qiimooyinkan sidan ugu jaan
go’naadeen ee aynan wax isaga badali karin, waa badhamo cajiib ah oo aanan laga
xukumi karin meel aanan ahayn samada. Sidaa
darteed ayuu “Paul Davies” iyo “Gorge Greenstein” oo ah Fiisigisyahanno
leeyihiin “waaba sidii iyada oo HAGAAJIYE wayn uu u xaddiday wax waliba si
layaab leh!”.
-
Marag furrida
jiritaanka shakhsiyadeed: (Personhood).
Waxay
is waydiinaysaa ‘Nancy’ sidee ayuu jiritaanka Aadmiga marag fur (daliil) ugu
noqon karaa jiritaanka Illaahay?, si ay ugu jawaabto; Sababtoo ah waa falayaal
shakhsiyeed (Personal agents), macnaha waa noole leh jirtaan iyo doonis, waxaana
qasab ah in noolahaas leh awoodda iyo jiritaanka uu abuuray Awood ka sarreeyso
oo sidoo kale ah (macnaha leh jiritaan iyo doonis- Illaahay), halkan waxay
qoraaga ku naqdinaysaa sheegashooyinka in aadmigu ama dunidaba ay sammaysay
awood aanan muuqan sida dabeecada (natural) iwm.
Doodda
“Nancy” waxay ku qotontaa in Abuuraha ay tahay in ku awood sarreeyo waxa uu
abuuray, sidaa darteed banii Aadanka waxa uu awoodaa inuu wax barto, haddaba
waxaa qasab ah in Abuurahooda uu yahay mid wax yaqaan. Aadmigu waxuu awoodaa
inuu wax doorto, haddaba waxaa qasab noqonaysa in Abuurahooda uu yahay mid wax
doona, fuliya oo awooda. Waana koobidda falsafadeed ee uu kusoo koobayo
faylasoofka
“Etienne Gilson” oo yiri: banii Aadanku waa qof “Someone”, mana ahan shay’ “Something”, haddaba waxaa qasab ah
asalka noloshu uu ka ahaado “someone” daato jirto, ee uusan ka iman “Something”
shay’ haba noqdo mid jiree sida dabeecada.
-
Carruurta ma Mulxidiin ayay ku dhashaan?.
Waxay ‘Nancy’ si xooggan uga
hadlaysaa sida ay carruurtu ugu dhashaan ayagoo qirsan jiritaanka Illaahay, iyo
in awood jirta ka danbaysa jiritaanka dunida, waana mid liddi ku ah aragtida
Ilxaadka ee aanan u arkin in awoodda
Illaah ka danbeeyso jiritaanka dunida. Waxayna soo qaadanaysaa
baaritaanno ay sameeysay jaamacadda “Oxford University”. Se waxaan kusoo koobi
karnaa in waxaasi ay tahay abuuritaanka Illaahay ee loo yaqaanno ‘Fidrada’, waana
tan Illaah kusheegay suuratu Faadir: “Waa abuuridda Eebbe ee dadka uu ku
abuuray, wax badali karo abuurka Eebba na majiro, sidaas ayaana ah diinta
toosan, laakiin dadka badidiis ma oga”.
(فِطْرَتَ ٱللَّهِ
ٱلَّتِى فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ
ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ)
‘Nancy’ waxay qiraysaa in wax walbaa oo la
caabudo, loo hoggaansamo, la qiro inay yihiin awoodda maamusha dunida, ama
abuuritaanka leh ay tahay “sanam” ‘Idol/fetish’. Taas
oo waafaqsan aragtida islaamka ee ah in wax walba oo Alle wayne sokadiis la
caabudo yihiin sanam. Xataa kuwa rumaysan inaysan caabudin wax muuqdo, ama
rumaysan ilxaad, waxay leedahay sanamkooda waa Ilxaadka, taas waxyna ka
imaanaysaa baahida bani’aadmiga ee ah in uu wax caabudo, xaq ama baadilba,
waxaana taas ka arkaysaa in cid waliba ay isku dayayso buuxinta baahidaas
ruuxiga ah, xataa kuwa mulxidiinta ah ay samaysanayaan goobo ay cibaadooyin
gaar ah ku samaystaan ama duquus kala duwan.
Sidaas darteed ayay
qoraaga buugga kaga dhigaysaa mabda’a kowaad ee ay ku naqdinayso aragtiyahaas
in qofka ay tahay inuu garto sanamka uu caabudayo. Barto oo uu ogaado waxa uu
yahay. Ma wax uumman baa mise wax maaddi ah ama falsafad muuqato “materialsim”?.
Taas waxay sahlaysaa garashada waxa uu galo waxuu rumaysan yahay, ama
xaqiiqdiisa.
Qoraaga waxay usii
gudagalaysaa sharrixidda iyo naqdinta aragtiyaha kala duwan ee diimaha liddiga
ku ah sida: Maadiyada ‘Materialism’,
Caqlaaniyada ‘Rationalism’, tajriibiayada ‘Empricism’ aragtida
‘evulation’ka IWM.
Buugga ‘finding truth’
waa buug xiiso badan, isku wadista daliilka caqliga iyo kan diiniga ah,
tijaabooyinka iyo sheekooyinka, xog aruurinnada iyo baaritaannada kala duwan
waxay buugga ka dhigayaan buug aqooneed baaritaan ku dhisan, isla markaana ay
fududdahay akhrintiisa, waa buug anfacaya cid wal oo danaysa ka gun gaarista
arrimaha diimaha iyo falsafadaha. Sidaas si lamid ah waa buug u baahan aqoon
diinta Islaamka xaggeeda ah, maadaama buugga xujooyinka uu wax ku dhisayo ay
yihiin ‘Kirishtaanka’. Tarjumiddiisa carabiga ah waxaa wax kudaray, oo meelaha
qaarkood ka daba tagay ‘Markaska Dalaa’il’ oo tarjumay, waxaana kula talinayaa
qofkii akhrinaya in uu la kaashado.
Xogta buugga iyo
nuxurkiisa waa ay ka badantahay inaan kusoo koobo hal qormo, waxaanse isku dayi
doonaa idim Alle in meelaha qaarkood muhiimka ah si gaar gaar usoo qaadanno.
Halkaan haddaad nala
soo gaartay waad ku mahadsantahay akhrintaada, waana rajaynyaa in aad wax un ka
faa’idday, waxaana kaa codsanayaa inaad sii faafiso..
Kala soo dag buugga oo
carabi iyo Ingriisba leh linkiyada aan hoos kuu dhigay.
Mahadsanid.
Arabic : https://www.noor-book.com/%D9%83%D8%AA%D8%A8-%D9%86%D8%A7%D9%86%D8%B3%D9%8A-%D8%A8%D9%8A%D8%B1%D8%B3%D9%8A-pdf
W/Q: Cabdicasiis Mubaarak.
Tuesday, September 27, 2022
HADDA AYAAN HADLAYAA!. Q1: HORUDHAC.
HADDA AYAAN HADLAYAA!.
HORUDHAC
Goobaha waxbarashada waa meelaha lagu ababiyo carruurta, lagu tababbaro, ayna ka qaataan inta ugu badan dhaqamdooda marki laga reebo guryahooda. Hannaanka waxbarasho ee Soomaliya ee guud ahaan hooseeyay sanadihii burburka iyo wixii ka danbeeyay, aana helin kaalmadii iyo kabistii uu mudnaa, ayay arday badan wax ku barteen dad badanne ka aflaxeen. Hadda oo wax badan ay soo kabanayaan, markalana ay wasaaraddii waxbarashada shaqaynayso haddana waxaa muuqdo tabar darri hannaanka waxbarashada dalka ah si gaar ahna Iskuulada, maadaama aysan jirin tayayntii loo baahnaa ama tababarradii la doonayay in ay helaan Macallimiinta iyo Maamuladda Iskuulada, taasi waxa ay keentay jahawareer badan, iyo tabardarri wax-soo saar oo ka muuqan karto maanta ardaydeenna.
Xaaladaha, daruufaha iyo danahaba ha kala duwanaadaane, hadanne tiro aanan yarayn oo dugsiya ah ayaa dalka ka furan, arday badan oo Mustaqbalkii dalkeenna ahne waxa ay shan maalmood oo isbuuc walba kamid ah u kallaahaan dugsiyada. Waxaan Macallin iyo Maamule ba ka noqday mid kamid ah dugsiyadaas Bulshada leedahay, waxaana ka shaqeeynayay 7 sanadood.
Qormooyinkan oo taxane noqon doona haduu Alle idmo- waxaan kaga hadli doonaa wax kamid ah khibraddayda kooban ee Macallin iyo Maamulenimo, waa talooyin, soojeedinno, fikrad wadaag iyo aragtidayda shakhsiga ah.
Laga billaabo maqaalkan horudhaca ah iga soo qaad saaxiibkaa, xataa haddii aanan is garanayn, sidaa darteed, waxaa suuragal ah inaan ku adeegsado maqaaladdan gudahooda erayga “Saaxiibkeeyoow” si afgarasho ahaan ah!.
Talooyin kaligood kuguma soo gudbin doona Maqaaladdan, sidoo kale ma ahan xusuus reebkayga si aan kuugu soo weriyo dhacdooyinkii aan la soo joogay ee samo iyo xumaan ba lahaa muddadaas, farxad iyo naxdinne lahaa. Laakiin waxaa laga yaabaa marar badan in aan kuu tebiyo sheeko I qabsatay ama dhacdo igu dhacday, si aan kugu reebo casharka aan ka bartay iyo khibradda aan ka helay, waxaan se isku dayi doonaa in aan yareeyo maadaama uusan nuxur badan ku jirin in aan kugu daaliyo. Waxaana inbadan u daadagi doonaa nuxurka –Insha’Allaah-.
Waxaan u hibeeynayaa maqaaladdan taxanaha noqon doona
Carruurta yaryar ee la dhacdhacayo culayska baagga ee dhabarka u saaran..
Kuwa qalbiyadooda nadaafadda iyo uur xaarnaanta ka buuxdo, ee aanan munaafaqnimada aqoon..
Kuwa faraha yaryar ku cayaarsiinayo qalimaanta ay ku jiraan mustaqbalkooda, jilicsanaanta gacmoodana ku dhiigo waraaqaha buugta cusub..
Kuwa u adkaysanayo kallahaadda iyo baqoolada, kuna sabrayo ka shaqaynta xisaabaatka iyo raadinta xalkooda..
Kuwa ku dhafrayo habeenkii buuggaagta, iftiinka taleefannadana ka door biday warqadaha cadcad..
Kuwa macallimiinta u imaanayo xilliyada bareegga si ay wax uga faa’idaan..
Ardayda fasallada (Nursery) iyo koowaad ilaa 8-aad ee iskuul aan kusoo qaatay 2577 Maalmood oo kamid ah cumrigayga..
Dartiin ayaan u diyaariyay Maqaaladdan, mustaqbalkiinna dartii iyo jacayl aan idiin hayo..
LIIBAANO!..
Akhristaha Sharafta lahoow, waa inoo maqaalkeenna xiga iyo casharka koowaad..
Todobaad wanaagsan.
Cabdicasiis Mubaarak,
Monday, August 15, 2022
SAMAYNTA SAAMAYNTA!.. SIDEE ? IYO SABAB?
Maxaan uga baahannahay dhalinta saamayn iyo reebista raad?. Mawduucan waa mawduuc aad u muhiim ah, sababtoo ah waxuu la xiriiraa nolosha, waana wax ku saabsan jiritaanka Aadanaha. Saamayn ku yeelashada dunida waa wax ka badlisteeda, waa ka tagista raad wanaagsan Aadanaha, waa wax kusoo kordhinta dunidan, haddii aadan kusoo kordhin adiga ayaa dheeraad ku ah!.
Maanta waxaan u baahannay dhallinyaro samayn karo saamayn ay ku dhex yeeshaan bulshadooda, Saamayn togan oo ay dadkooda wax kaga badli karaan, waxaan u baahannahay cid noqoto nambar adag oonan la badali karin, ku hubaysan diin, dhaqan, akhlaaq iyo waddaninimo.
Waxaan uga baahannahay samaynta saamaynta in aad noqotid hoggaamiye wanaagsan, dadka kale ku hoggaamiyo wanaagga iyo horumarka, raad wanaagsan kaga tago dadka, uguna noqdo imaam iyo mid lagaga daydo samaha, asagoo ku dayanayo nebi Ibraahiim (CS) oo uu illaahay ku tilaamay suuratu Naxli, aayadda 120aad: “(Nebi) Ibraahiim waxuu ahaa ummad ‹khayr fare› Eebbe adeeca xaqana u iisho, mana kamid ahayn mushrikiinta”.
Illaahay waxuu inoo sheegay in Mu’miniintu ku ducaystaan inuu kamid dhigo –Illaahay- kuwa dadka wanaagga ay kaga daydaan. Suuratu furqaan, aayadda 74aad, waxuu Illaahay ku leeyahay “Waana kuwa dhaho –Mu’miinta- Eeboow nagasii haweenkeenna iyo carruurteenna wax isha ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada Imaam”. Waa sidaas dadka wanaagsan waxa ay Illaahay ka baryayaan inuu ka yeelo hoggaamiyaal samaha iyo wanaagga lagaga daydo.
Haddabo si qofku saamayn wanaagsan oo xagga faafinta khayrka iyo samaha, iyo hanuunita dadka ah si uu yeesho waxaa lagama maarmaan ah in uu yeesho qofku Aqoon ku filan, aqoon uu dadka wanaagga ugu tusin karo xumahana kaga reebi karo. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) isagoo ka hadlaya doorka ay aqoontu ku yeelan karto kala sarraynta iyo horumarka bulshada, waxa uu gabaygiisii “Hayaan”, ku lahaa erayadan:
“Waxaa cirka lagu hujuumay
Waxaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa badahaa hugmaaya
Bidhaansha guntooda hoose
Waxaa uumiyaha hanuunshay
Waxaa cudurkii halgaaday
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?
Dadkaa heegada is geeyey
Dadkaa haqab-beelka gaadhay
Hub-qaad haga dayo miyaa?
Ninkaa buurta roobku helay
Gunteeda ka heesayow
Figteedaa nolol habboon”
Haddabo sida ugu habboon ee aan saamayn togan ku samayn karno waa in aan aqoon ahaan u diyaarsannahay. Inkastoo ay dhici karto in qofku saamayn wanaagsan yeesho isagoonan aqoon lahayn, sida qof dhaqaale haysto kaas oo uu u isticmaalayo ku faafinta khayrka iyo hanuuninta dadwaynaha sida ku bixinta qarash barnaamijyada wacyigelinta bulshada, taageeridda waxbarashada, dhiirrigelinta Maktabadaha IWM, haddane saamaynta hanuuninta iyo wacyigelinta dadwaynaha waxaa udub dhexaad u ah aqoon iyo baaritaan dhab ah. Balse marki kuwa dadka wax u sheegayo, wacdinayo, wadaniyadda barayo, aqoonta sheegayo ay noqdaa kuwa aanan dhisnayn aqoon ahaan, waxaa adkaanayso in dadkaasi hagaagaan, waxaana soo baxayso sidii uu suubanaha (NNKH) sheegay marki uu ka warramay kuwa aanan aqoon lahayn oo fatwoonayo misane dadka wax u sheegayo inuu yiri “Way baadiyoobeen wayna baadiyeeyeen –kuwi ay wax u sheegeen- ”.
Haddabo maxaan ka doonaynnaa saamayn yeelashada iyo in raad wanaagsan la reebo? Waxaa inoogu yeerayo in aan sidaas samaynno dhowrkan qodob:-
1. Annaga oo fulinaynno amarka Eebbe (SW) oo ka doonayo Mu’miniinta dad aanan dadka kale ku tiirsanayn dhan walba, ayna noqdaan kuwa la falgala nolosha, wax-qabsada, nolosha wax ku biiiriyo, wax ka bedalo oo saamayn ku yeesho. Waxuuna faray Mu’miniinta isbeddal, dedaal iyo shaqo. Waxuu leeyahay Illaahay (SW) suurtaul Tawba, aayadda 105aad: “Waxaad ku dhahdaa Camal fala, wuu arki Eebbe camalkiinna iyo rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waxaana la idiin celin xagga (Eebbe) og waxa maqan iyo waxa joogo idiinkana warrami (Abaalmarin) waxaad falaysaaan”.
2. Qofka saamaynta leh haddii uu daacad ka yahay waxa uu qabanayo waxuu ka ajar badanyahay qofka tiisa uun ku ekaaday, waxuuna helayaa ajarkiisa iyo ajar qof walbo oo kaga dayday wanaagga ama uu faray iyagoonan ajarkooda wax laga nusqaamin siduu suubanaha (NNKH) sheegay.
3. Hagaajinta dunida; oo aan uga jeedo in dadka lagu dhex faafiyo waxa wanaagsan, khayrkana la badiyo oo dadka u ahalka ah u kacaan, waa ujeeddo kamid ah ujeedooyinka Illaahay dunidan dadka ugu dhex sameeyay, in ay saamayn ku dhex yeeshaan, cammiraan oo horumarka iyo wanaagga kaga shaqeeyaan waana sida uu Illaahay ku suurtu Huud aayadda 61aad, in dhulka uu dadka ku dhex cammiray. In la fasaadiyo, la burburiyo la halleeyo dunida iyo deegaankana waa wax reebban oo kasoo horjeeddo hagaajinta. Burburintaas oo kulminayso burburinta muuqato, ta akhlaaqeed, ta diimeed iyo tan dhaqameedba.
Maanta oo dadka saamaynta bulshada kudhex leh ay noqdeen kuwa dhaqan xumo ka shaqeeyo, horumar iyo hanuunne hayn, waxaa la gudboon dadka wanaagsan in ay saamayn wanaagsan ku dhex yeeshaan dhallinyarada, ayna kaga badbaadiyaan dabinnada la isaga daba dhigay iyo godadka la isaga daba qoday ee wada gudcurka ah, ayna gadaal ka fadhiyaan wadaad xumaha wanaagga farin dadka, fannaan xumaha fankiisa maran yahay, siyaasi xumaha siyaasaddiisu qurunka tahay iyo mid walbo waxuu rabo ha ku tilmaamnaado e, aanan bulshada u hayn horumar iyo hanuunin, dhallinyaradana dhagahooda xaday!..
W/Q: Cabdicasiis Mubarak.
Buugjecel@gmail.com
Monday, August 8, 2022
NOLOSHA WANAAGSAN?! (2/2)
AAWAY NOLOSHA WANAAGSAN?! (2/2)
Waxaan maqaalkii hore wax kaga xusnay macnaynta nolosha wanaagsan iyo sida aysan u ahayn dhaldhalaaka muuqdo. Maqaalkan ugu danbeeyo cinwaankan waxaan kusoo koobi doonaa sababaha lagu gaari karo NOLOSHA WANAAGSAN ee Aadanuhu wada raadinyo, waxaana kasoo qaadanayaa labadan qodob;-
IIMAANKA.
Rumaynta Illaahay (SW) iyo ku qanacsanaanta waxa uu qoro, iyo isku dhiibista amarkiisa, waa waxa u yeelo joogitaanka dunida macno, noloshana u sameeyo dhadhan, Insaankuna qiimo u yeelo, waana waxa uu ku garanayo qofka yoolka jiritaanka iyo sirta abuuristiisa. Qofkii garto xaqiiqada kawnka iyo nolosha, iyo xaqiiqada waddada uu illaahay ugu talagalay Aadanuhu in ay qaadaan, iyo xaqiiqada geerida, iyo xaqiiqada waxa farxad gelinayo iyo waxaanan farxad gelinayn, Qofkaasi waxuu qaaday waddada Nolosha wanaagsan.
Iimaanku waa asaaska nolosha wanaagsan, iyo xasilloonida nafta, taasina waxay ka soo burqanaysaa dabaysha udgoon ee rumaynta Illaahay iyo ku qancidda qadarta Eebbe, iyo kalsoonida tala saarashada wadato. Sidaa darteed Illaahay waxa uu leeyahay “Ciddii Alle rumayso Alle wuu hanuuniyaa qalbigeeda”. Macnaha waxuu ka buuxiyaa Raalli ahaansho, xasillinoo rajo iyo yadadiilo wanaagsan, markaasuu ka helaa macaan qalbiga ah, waxyna ka muuqataa raadkiisa wanaagsan iyo dhaqankiisa suuban. Waxuu sidoo kale suubanah inoogu sheegay Xadiis “La yaab ayuu leeyahay arrinka Mu’minka, arrintiisa oo dhani waa khayr, cid aanan ahayn mu’minkuna sidaas uma ahan. Haddii wax uu ku farxo helo wuu u mahadnaqaa Illaahay waana u khayr, haddii uu wax uu nacayo asiibana waa uu ku sabraa, waana u khayr”.
Kan dhabta u qaday waa kan macaanka Iimaanka ka qaday, nimcaddaas wayne ay seegtay. Dhab ahaantii midkaasi waxuu waayay quruxdii nolosha iyo farxaddeedii, Noloshiisa oo dhanne waxay noqotaa ciriiri, cabsi, walaac iyo walwal aan dhammaad lahayn. Sababtoo ah insaanka ma ahan jir oo kali ah ee waa Ruux iyo jir wada socdo, haddii uu insaanku waayo Iimaankii waxuu waayay insaannimadiisi, mana uusan garan macnaha abuuritaankiisa iyo ujeeddada joogistiisa, xataa haddii uu daaro iyo qasriyaal ku dhex jiro, hanti aanan dhammaanayn uu haysto, waxaa ka maqnaanayo farxaddii iyo qanacsanaantii gudaha ahayd, taas oo ka imaaddo xasilloonida Iimaanka iyo raalli ahaanshaha qalbiga.
CAMALKA WANAAGSAN.
Camalka suubban oo ah wax walbo oo Illaahay raalligelinayo, ayaa kamid ah waxyaabaha lagu helo nolosha wanaagsan, qofkuna ku gaari karo xasillooni iyo farxad gudaha ah.
Dhinacyada ugu muhiimsan ee camalka suubban marki laga soo tago cibaadooyinka waajibka ah, waxaa kamid ah ka farxinta dadka kale iyo kabista qalbiyada.
Mid kamid ah Hantiilayaasha lacagta badan ayaa yiri “Waxaan ka raadiyay farxadda meel walbo, waxaana u maray waddo walbo, waxaan u maleeyay in ay tahay iibsashada maguurto badan, markaas ayaan deegaankaygi guryaha ugu qurxoonaa ka iibsaday, balse ma helin wax farxad ah, waxaan ka raadiyay dalxiis iyo dunida oo lagu meeraysto balse sidoo kale waxba ka faa’idin. Illaa maalin uu saaxiibkeey ii soo bandhigay in aan kala qayb qaato mashruuc carruur baahiyo gaar ah qabo loogu iibinayay kuraasta dadka naafada ah, iyo agab kale, waana aqbalay oo waxaan ku bixiyay lacag badan.
Maalmo kadib ayuu ii yeeray saaxiibkii si aan ula geeyo kuraasta xarruntii carruurta ku jireen. Waxaan soo arkay farxadda caruurta iyo dhoolla-caddayntooda oo aan aad ugu farxay. Waxaa aad iiga yaabiyay markii canug kamid ah carruurtii uu gacanta I qabsaday oo uu aad ii eegay, ayuu yiri “Waxaan doonayaa in aan wajigaaga si fiican u aqoonsado, si aan maalinta qiyaamo ugu dhaho Illaahay, ‘Rabbiyoow ninkan adduunyada ayuu abaal wayn noo galay’. Waxuu yiri hantiilihii Dhacdadaas kadib aad ayay noloshayda isku beddashay, waxaana ogaaday in farxadda dhabta ah iyo nolosha wanaagsan ay naga jirto wanaajinta dadka kale iyo farxad gelintooda.
Waxaa muhiim ah inaan xuso in Nolosha wanaagsani aysan ka dhignayn ka marnaanshiyaha Imtixaan iyo dhibaatooyin, oo taasi waxay u baahantahay Sabar iyo adkaanshiyo, sida uu Suubanaha sheegayne waxaa loo kala imtixaan badan yahay sida loo kala Iimaan badanyahay, sidaa darteed ayuu Suubanaha (NNKH) iyo nebiyada kale ba ay mareen imtixaanno adag oo ay u dulqaateen.
Ugu danbayan: Nolosha wanaagsan raadinteedu waa in aad farxaddaas aan kasoo sheekaynnay dunida aad ku heshid, aakhirna aad ku bedbaaddid, ee waxaad ku dedaashaa in aad samaysid camal ku farxad geliyo dunidana, dadkuna kaaga daydaan, maalinta aad saarantahay sarriirta geeridana marki lagu soo hormariyo aad ku farxdid.
Xikmad ku qornayd luuqadda ‘Siniskiriitayad’ ayaa oranaysay “Bani aadanoow waxaa lagu dhalay adiga oo ooyayo, dadka kugu hareeraysanne ay faraxsanyihiin, ee waxaad noolaataa nolol maalinka aad ka dhimanaysid aad qosashid marka ay dadka kugu hareeraysan ooyayaan!”.]
DHAMMAAD!.
W/Q: Cabdicasiis Mubaarak






